Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

0
Sunday September 28, 2025 - 19:50:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka. Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen in la abuuro waddooyin cusub oo lagu dhisayo iskaashi caafimaad, gaar ahaan dhinacyada shaqaalaha caafimaadka, barnaamijyada caymiska caafimaadka, iyo wadaagista khibradaha iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka shacabka labada dal, iyo guud ahaan iskaashiga caafimaadka qaaradda Afrika. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka go'an tahay horumarinta danaha caafimaadka qaranka iyo dhismaha iskaashi qaran iyo mid qaaradeed, si loo xaqiijiyo hiigsiga adeeg caafimaad oo tayo leh oo muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip