Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya

0
Sunday September 28, 2025 - 19:43:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta guddoomiyay kulanka horudhaca ah oo ku saabsan sidii lagu aas-aasi lahaa Ururka qiimeynta Soomaaliya (SOMES)- Somalia Evaluati

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta guddoomiyay kulanka horudhaca ah oo ku saabsan sidii lagu aas-aasi lahaa Ururka qiimeynta Soomaaliya (SOMES)- Somalia Evaluation Society) Kulanka oo ay ka soo qayb galeen rugta ganacsiga, Bulshada rayidka ah, jaamacadaha iyo xafiiska isku-xirka Hay'adaha Caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ururkan cusub u leeyahay sare u qaadista hufnaanta qorshaynta qaranka, qiimaynta barnaamijyada dowladdu fuliso, iyo hubinta in siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka lagu saleeyo xog iyo qiimayn lagu kalsoonaan karo. Wasiir ku-xigeenka ayaa muujiyay sida Wasaaraddu uga go'an tahay taageerida iyo taabbogelinta SOMES oo uu ku tilmaamay madal muhiim u ah dowladnimada, isla xisaabtanka, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, isaga oo sidoo kale mahadcelin gaar ah u jeediyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda dadaallada ay ka wadaan dhismaha nidaam qiimayn xirfad leh oo waara, kaas oo noqon kara tiir muhiim u ah horumarka dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip