Soomaaliya iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi diblomaasiyadeed

0
Tuesday September 23, 2025 - 15:40:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Seerbiya oo kala saxiixday heshiis iskaashi diblomaasiyadeed

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa. Labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed. Soomaaliya iyo Serbia ayaa waxaa ka shexeeya heshiis difaac, iyadoo ay xukuumadda Belgrade ciidamada Soomaaliya siiso tababarro.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip