halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-09-25

0
Monday September 22, 2025 - 09:31:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-09-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo taageero u muujiyey Ilhan Omar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.

Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: "Haddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa… Anigoo ah Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya, si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan.”

Fiqi wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Ilhan "gabar tusaale fiican u ah bulshada,” isagoo xusay inay guul gaartay "iyada oo aan cidna ku tiirsanayn.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceynaya aysan xaq u lahayn in ay "Soomaaliya ku eedeeyaan ama u gafaan meesha ay ka dhalatay awgeed."

Hadalka Wasiirka ayaa si degdeg ah u kiciyey dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyadeed iyo faragelinta arrimaha gudaha ee waddan kale.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Ilhan Omar ay dhaleeceyn adag ay kala kulantay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo wax ka sheegay Dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya si lamid ah markii ay habka qaxootiga ah ay ku galaysay wadankaasi.

Ilhan Omar, oo ah gabadh Soomaali-Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo, Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo tahay si weyn taageero uga haysataa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool iyo kuwa gudaha Soomaaliya.

Dalka Eswatini oo 32 Sarkaal Boolis ah usoo Diray Soomaaliya si ay uga Qaybqaataan Hawlgalka Nabadsugidda AUSSOM

Boqortooyada Eswatini ayaa si rasmi ah u shaacisay dirista 32 askari oo boolis ah oo ku biiraya qeybta booliska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Eswatini ee ku aaddan ka qeybqaadashada howlgalka nabad ilaalinta ee Qaaradda Afrika.

Taliyaha Booliska Eswatini ayaa sheegay in diristan ay caddeyneyso sida ay uga go’an tahay Boqortooyada ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo difaaca xuquuqda aadanaha meel ka baxsan xuduudaheeda.

Eswatini waxay noqotay dalka 7aad ee boolis u dira Soomaaliya, iyadoo kusoo biirtay wadamadii horey ugu soo diray sida, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

Waajibaadka qeybta booliska AUSSOM waxaa ka mid ah, Taageeridda Booliska Soomaaliya (SPF) si ay u sugaan amniga gudaha, u ilaaliyaan bulshada, una xoojiyaan nidaamka kala dambeynta iyo nabadgelyada dadweynaha iyo Dhiirrigelinta awoodda Booliska Soomaaliyeed iyada oo la siinayo talooyin siyaasadeed, horumarinta manhajyada tababarka, iyo bixinta tababaro gaar ah oo la xiriira hoggaaminta iyo maamulka, sida la isku raaco labada dhinac.

Ka qeybgalka Eswatini ee hawlgalka AUSSOM wuxuu muujinayaa ballanqaad dheeraad ah oo ku saabsan taageerada midnimada Afrika iyo xasilinta Soomaaliya, Booliska cusub ee lasoo diray ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan dhismaha hay’adaha ammaanka Soomaaliya, iyagoo gacan ka geysanaya horumarinta nidaam boolis oo xirfad leh, sharciyad leh, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Jaamacadda Ummadda oo kaashaneysa Machadka Aljazeera oo daahfurtay laab loogu talagalay xirfadaha warbaahineed

Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furay Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera, oo laga hirgeliyey Qaybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Laabkan cusub ayaa lagu furay munaasabad ballaaran, waxaana isla goobta lagu bilaabay koorsooyin tababbar horumarineed oo ay bixiyeen khubaro ka socda Machadka Al Jazeera Media Institute.

Tababbarradan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa fursad gaar ah u ah ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa jaamacadaha kale ee dalka, si ay u helaan aqoon iyo xirfado casri ah oo la jaan-qaadaya isbeddellada warbaahinta caalamka.

Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda dalka.

"Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah in shalay ay daah-furto laab caalami ah oo ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda, taas oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa deeqdan qiimaha badan ee wax badan ka tari doonta horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa hormuudka Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda, oo dadaal iyo hagid joogto ah ku horseeday hirgelinta mashruucan muhiimka ah,” ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.

Rektorka ayaa xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed, balse dadaallada socda ee Jaamacadda Ummadda iyo taageerada laamaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda saxaafadda.

"Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu ku daray.

Laabka cusub ee Al Jazeera ee laga hirgeliyey Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Mudane Yuusuf Garaad Cumar, iyo kooxda Machadka Al Jazeera oo si toos ah uga qayb qaadanaya tababbarrada socda.

Australia waxay aqoonsatay Falastiin

Australia ayaa sidoo kale hadda ku dhawaaqday inay aqoonsatay dawlad Falastiini ah, oo ku biirtay Canada oo ah waddankii labaad ee G7 ee si rasmi ah sidaas u sameeya.

Marka loo eego macnaha guud: Canada iyo Australiya labaduba waxay horay toddobaadkan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York ugu soo bandhigeen rabitaankooda ah inay si rasmi ah u aqoonsadaan dawlad Falastiin ah.

Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti oo lagu eedeeyay inuu laba jeer naftiisa dhaawac u geystay

Xog kasoo baxday baadhitaan lagu sameeyay weerar uu sheegay Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti in koox aan la garanayn kusoo qaaday laba jeer, ayaa lagu sheegay in wakiilku isagu xabado isku dhuftay, naftiisana dhaawac u geystay sababo aan illaa hadda la garanayn awgood.

Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Awdal oo baadhitaan ku sameeyay weerarrada la sheegay in lagu qaaday Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wakiilku uu isagu is dhaawacay, kadib markii ay sameeyeen baadhitaan, isla markaana uu xabbad isagu isku riday.

Wakiilku waxa uu maalmo ka hor sheegay in koox hubeysan ku weerartay isagoo safar ku marayay jidka isku xidha Boorama iyo Gabiley, dhaawicii soo gaadhayna loo dhigay isbitaalka Boorama. Hase yeeshee markii uu kasoo bogsaday dhaawacii hore ee isbitaalka kasoo baxay, ayuu mar kale sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isla markaana xabbad afka kaga dhacday.

"Tani waxa ay ahayd, sida nooga muuqata baadhista, in uu baastooladda afka gashaday kadibna gudaha iskaga dhuftay, isagoo ciridkiisa ka ilaalinaya. Waa baastooladda nooca yar yar ee Turkiga sameeyo, waxaana noo soo baxday in rasaasta iyo baastooladdii la adeegsaday ay isleeyihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada Gobolka Awdal, Dhamme Maxamed Cabdillaahi Muuse.

Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in dhakhtarku xaqiijiyay in dhaawaca ka muuqday wakiilka aanu ka imaanin xabbad dibedda kaga timid, balse uu gudaha iskaga dhuftay. Sidoo kale, markii ay baadhis sameeyeen waxay sheegeen in ay ogaadeen in baastoolad uu haystay uu u adeegsaday dhaawacyadaas, isla markaana ay gurigiisa ka heleen kiniinno loo isticmaalo xanuunnada dhimirka.

Ilaa hadda lama oga sababta ku kalliftay falalkaas. Waaxda baadhistuna waxay sheegtay in wakiilku labada jeerba sheegay in aanu garanayn cidda xabbadda ku dhuftay, balse raadadka rasaasta oo laga helay gurigiisa ay caddeeyeen in aanu weerar dibedda kaga iman, isla markaana uu isagu isku dhuftay xabbaddaas, baastooladdana uu gurigiisa kaga tegay.

Kenya oo ka digtay khatarta ka dhalan karta in caalamku kasii jeesto arrimaha Soomaaliya

Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Musalia Mudavadi ayaa ka digay in hoos u dhaca xiisaha caalamka ee Soomaaliya uu wiiqi karo guulihii laga gaaray Alshabaab.

Isagoo ka hadlayey shir-madaxeedka Qaramada Midoobay (UNGA) ee New York, Mudavadi wuxuu sheegay in Kenya iyo dalal kale oo safka hore kaga jira ay kali ku noqdeen dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya, iyadoo taageeradii iyo fiiro-gelintii caalamiga ahayd ay sii yaraanayso.

"Waxaa kordhaya daalka caalamiga ah sababo la xiriira dagaallo kale iyo isbeddelka jihada dareenka. Taageerada beesha caalamka aad bay hoos ugu dhacday, dalal sida Kenya oo kale ahna waxay qaadeen culays weyn,” ayuu yiri Mudavadi.

Kenya waxay hadda ku leedahay Soomaaliya ku dhowaad 3,000 oo askari oo ka tirsan Hawlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Mudavadi wuxuu uga digay in haddii Kenya ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya uu ka dhalan karo farqi amni oo khatar badan, kaas oo aysan diyaar u ahayn cid kasta oo caalami ah inay buuxiso.

Mudavadi wuxuu hadalladan ka sheegay kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qubrus, Dr. Constantinos Kombos, halkaas oo labada dal ay ku kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) ku saabsan iskaashiga beeraha iyo horumarinta xoolaha.

Isagoo hambalyeyn u diray Qubrus oo dhawaan hoggaamin doona Golaha Midowga Yurub, Mudavadi wuxuu ku dhiirrigeliyay in dalkaasi uu mudnaanta siiyo arrimaha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo miiska siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

"Waa nasiib darro haddii dal horumar ka sameeyay dagaalka argagixisada, isla markaana ku dhow dhammaadka halganka, uu dib u laabto haddii aan la taageerin. Ma fiicna in dheri la jebiyo iyadoo biyihii masaafo dheer laga soo qaaday,” ayuu yiri.

Mudavadi wuxuu intaas ku daray in Midowga Afrika (AU) uu horey ugu culays badan yahay dhibaatooyin badan oo ka socda qaaradda, sida Suudaan, Koonfurta Suudaan, Saaxil iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

"AU aad buu ugu daalan yahay dhibaatooyin kale. Haddii aan dib loo cusboonaysiin taageerada caalamka, gaar ahaan saaxiibbada muhiimka ah ee Midowga Yurub, guulaha laga gaaray Soomaaliya halis bay ku jiraan in la burburiyo,” ayuu yiri.

Baaqan Kenya ayaa loo arkaa qayb ka mid ah dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran oo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo fiiro-gelinta caalamka ee argagixisada Geeska Afrika, xilli quwadaha waaweyn ay diiradda saarayaan dagaallada Ukraine, Bariga Dhexe iyo Aasiya-Bari.

Ilaa 10 dal oo reer Galbeed ah oo qorsheynaya iney ku dhawaaqaan aqoonsiga dowladda Falastiin

Shalay oo Axad iyo berito oo Isniin ayaa la filaya in 10 dal oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub iney ku dhawaaqaan go'aan ay dowladd rasmi ah ugu aqoonsanayaan Falastiin.

Waxaa lagu wadaa in go’aankan lagu soo bandhigo shir caalami ah oo berito oo Isniin ah dhici doona, kaasoo barbar socda shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalka reer Galbeedka ee qorshahan lagu aqoonsanaayo dowladda Falastiin ayaa kala ah Faransiiska, Britain, Australia, Canada, Belgium, Luxembourg, Portugal, Malta, Andorra iyo San Marino.

Waxaa xusid mudan in qorshahan uu kusoo aadayo, iyadoo dowlado kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Spain, Norway iyo Ireland ay hore u shaaciyeen aqoonsiga dowladda Falastiin.

Talaabadan ayaa noqotay mid sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu taageero ka hortaga dhibaatada iyo gumaadka Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin.

Go’aankan saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaam dalalkaan ka tirsan Midowga Yurub ayuu Raysal wasaaraha Israa’iil Netanyahu ku tilmaamay mid abaal marin ay uga dhigayaan argagixisada.

Ugu dambeyntii ciidanka Israa’iil ayaa mudo sanado ah gumaad aan kala joogsi laheyn ku haysa dadka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza oo ay noqotay magaalo marti galisa dhibaato aan dhamaad laheyn.

Khasaare culus oo ka dhashay duqeymo lala eegtay hoggaamiyayaal Shabaab ah

Duqeymo xooggan oo illaa 4 gaaraya ayaa waxaa laga fuliyay Gobolada Shabeellada hoose, Jubbada dhexe iyo Baay halkaas oo la tilmaamay in lagu dilay hoggaamiyeyaal sar sare oo AS ka tirsanaa kwua kalena lagu dhaawacay.

Duqeymahaan oo lagu garaacay Bu,aale, Kuunya-baroow, Sablaale, iyo deegaanka Buula-fulaay oo Baay ka tirsan.

Deegaan lagu magacaabo Sariiraha oo Bu,aale hoostaga ayaa waxaa la sheegay in duqeynta lagu garaacay lagu dilay Ajaaniib AS ka tirsanayd kuwaas oo dagaalameyaasha AS tababar siin jireen.

Waxaana lagu magacaabi jiray:-

1-Abu Fahad Sudaani.

2-Abu Saleban oo Bakistaan u dhashay.

3-Abu Jaacfar oo Moroco u dhashay.

4-Abu Maalik oo aan la tilmaamin halka uu ka soo jeedo.

Ilaha Wardoon ayaa tilmaamay in duqeyn lagu garaacay tuulo hoostagta Kuunya-baroow ee Jubbada dhexe lagu baa-bi,iyay qalab cusub oo la sheegay in AS ay ka heleen Xuutiyiinta Yemen.

Sidoo kale Ilahaan ayaa shaaca ka qaaday in bannaanka Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada hoose la duqeeyay Guri ay ku shirayeen Hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo AS ka tirsanaa kuwaas oo shaaca laga qaaday in weeraro ay qorshaynayeen.

Xogahaan la helay ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in deegaanka Buulo-fulaay ee Gobolka Baay lagu duqeeyay Hoggaamiyeyaal AS ka tirsan kuwaas oo tafaasiil dhammaystiran aan laga bixin.

Faransiiska oo ku adkeynaya go’aanka ay ku aqoonsanayaan Falastiin

Dowladda uu hoggaamiyo Emmanuel Macron ayaa sheegtay in Paris aysan ka laaban doonin go’aanka ay markii ugu horeysay ku aqonsanayan Doladnimada Falastiin.

Faransiiska ayaa toddobaadyadanba cadaadis kala kulmayay Maamulka Israel, illaa heer ay ugu hanjabeen in ay xiri doonaan Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Magaalada Qudus (Jerusalem), haddii aysan joojin taageeradooda dhismaha Dowlad Falastiini ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, Pascal Confavreux ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee lagu aqoonsanayo Falastiin uu noqon doono mid leh ficil la taaban karo, oo ay tahay in xal loogu helo colaadda muddada dheer ka taagan Bariga Dhexe.

Afhayeenka ayaa Sabtidii sheegay in dunida ay dooneyso in la aqoonsado Falastiin, isla-markaana uu Faransiisku qayb ka yahay dadalada diblomasiyaded ee socda.

Pascal Confavreux ayaa Warbaahinta u sheegay in aqoonsiga Dowladda Falastiin uusan noqon doonin mid afka uun ah, balse uu noqon doono mid ficilkiisa wata.

Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa billihii la soo dhaafay ka shaqeynayay, sidii dalalka aan horey u aqoonsan Falastiin ay u aqoonsan lahaayeen, iyagoona riixayay in la taageero baaqa qeexaya tallaabooyin la taaban karo, waqti ku xiran, isla-markaana aan laga laaban karin oo ku aaddan hirgelinta xalka labada dowladood.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa mar sii horreysay dhaliilay, waxa uu ku sheegay afgembi siyaasadeed oo kaga imanaya Israel.

Madaxweyne Macron ayaa qaba in fekerka labada dowladood uu yahay kan keliya ee nabad loogu wada noolaan karo Bariga Dhexe.

Mowqifka Faransiisku uu ku aqoonsanayo Falastiin ayaa keeni kara in ay aargoosi kala kulmaan Israel, oo aan iyadu dooneyn in Falastiiniyiintu ay yeeshaan dal madaxbannaan.

Fekerka xalka labada dal oo soo jiray muddo tobanaan sano ah ayaa xoogeystay, ka dib carro baahsan oo ka dhalatay ficilada Israel ee Gaza.

Maxay Falastiin uga dhigan tahay in la aqoonsado?

Falastiin waa dawlad jirta oo aan jirin.

Waxay heysataa aqoonsi caalami ah oo weyn, ergooyin diblomaasiyadeed oo dibadda ah iyo kooxaha ku tartamaya tartamada ciyaaraha oo ay ku jiraan Olombikada.

Laakiin khilaafka muddada dheer soo jiitamayay ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil awgii, waxa ay leedahay:

Ma jiro xudduud caalami ah oo lagu heshiiyey

Raasamaal malaha

Ciidan malaha

Qabsashada millatari ee Israa’iil awgeed, Daanta Galbeed, maamulka Falastiiniyiinta, oo lagu dhisay heshiisyadii nabadeed ee sagaashamaadkii, ayaan si buuxda u maamulin dhulkooda iyo dadkooda. Qasa, oo ah halka ay sidoo kale Israa’iil awood ku haysato, ayaa waxa ka socda dagaal khasaare badan gaystay.

Marka la eego heerka ay ku sugan tahay sida nooc ka mid ah dawlad-goboleedka, aqoonsigu waa lama huraan inuu xoogaa astaan ​​u yahay. Waxay ka dhigan tahay hadal akhlaaqeed iyo mid siyaasadeed oo xooggan, laakiin wax yar ayay ka beddeli doontaa dhulka.

Laakiin astaantu waa xoog badan tahay.

Sida xoghayihii hore ee arrimaha dibadda David Lammy uu tilmaamay mar uu khudbad ka jeedinayay Qaramada Midoobay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, "Britain waxaa saaran culeys gaar ah oo mas'uuliyad ah si ay u taageerto xalka labada dal".

Canada oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee G7 ee aqoonsada dawlad Falastiini ah

Ra'iisul Wasaare Mark Carney ayaa sheegay laga bilaabo shalay, "Canada waxay aqoonsan tahay dawladda Falastiin".

War qoraal ah oo lagu daabacay akoonkiisa X, Carney wuxuu yiri: "Canada waxay aqoonsan tahay Dawladda Falastiin waxayna bixineysaa iskaashiyada dhismaha ballan-qaadka mustaqbalka nabdoon ee labadaba Dawlada Falastiin iyo Dawladda Israa'iil."

Maxay Israa'iil ka tiri dalalka aqoonsanaya Falastiin?

Kamaanaan maqal Israa'iil ka hor ku dhawaaqista UK ee xilliga dhow, laakiin Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horay uga hadlay dalalka aqoonsanaya dowlad Falastiin.

Bishii hore, wuxuu warqad u qoray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo ku eedeeyay "inuu shidaal ku shubay dabkan naceybka looga soo horjeeda Yahuudda".

"Ma ahan dublamaasiyad, waa raalligelin," ayuu yiri Netanyahu - isagoo raaciyay "waxay abaal-marin siinaysaa argagaxisada Xamaas" iyo "waxay adkeynaysaa diidmada Xamaas ee ah inay sii daayaan la haysteyaasha".

Iyada oo ka jawaabaysa, dawladda Faransiisku waxay tiri: "Xilliyadani waxay dalbanayaan halis iyo mas'uuliyad, maaha jahawareer iyo wax-is-daba marin."

Netanyahu wuxuu si gooni gooni ah ugu eedeeyay dhiggiisa Australia Anthony Albanese inuu "khiyaameeyay Israa'iil" oo "ka tagay" bulshada Yuhuudda ee Australia.

Wasiirka socdaalka Australia Tony Burke ayaa sheegay in Netanyahu uu "ka careysan yahay" go'aanka Canberra ay ugu biirtay UK, Faransiiska iyo Canada si ay u aqoonsato dowlad Falastiini ah.

Ammaanka oo la adkeeyay iyadoo saaxiibkii Trump xus loo sameynayo

Madaxweyne Donald Trump iyo siyasiyiin kale o caan ah oo Mareykanka kasoo jeeda ayaa ku wajahan Arizona si ay khudbad uga jeediyaan xus loo sameynayo Charlie Kirk, oo 31 jir ahaa una dhaqdhaqaaqa muxaafidka oo la dilay laba toddobaad ka hor.

Xafladdan oo ay soo qaban qaabisay Turning Point USA (TPUSA) ayaa shalay oo Axad ah ka dhacaysa garoonka State Farm Stadium ee Glendale waxaana ka soo qayb gali kara in ka badan 100,000 oo qof.

Ammaanka la adkeeyay ayaa la filayaa, in ay ku jiraan "baaritaanka heerka TSA", sida ay sheegtay TPUSA.

Kirk, oo wax ka aasaasay Turning Point USA markii uu 18 jir ahaa, ayaa lagu toogtay munaasabad uu ka hadlayay kana dhacaysay jaamacada Utah 10kii Sebtembar, taasoo dib u soo celisay walaaca ku saabsan rabshadaha siyaasadeed ee Mareykanka.

Masar oo ciidan geysay Siinaay iyo Israa'iil oo ka carootay

Wasaaradda warfaafinta ee Masar ayaa sheegtay in ciidamada Masar la geeyay gacanka Siinaay si ay ula tacaalaan wax kasta oo khatar ku ah ammaanka dalkaasi, taasoo ka dhalatay howlgalka Israa’iil ee Qasa.

Wasaaradda warfaafinta ayaa bayaan ay soo saartay daraad ku sheegtay "in gardarada ay ka socoto Marinka Qasa oo dhowr mitir u jirta xudduudka bari ee Masar, ku dhawaad ​​labo sano.” Bayaanka ayaa lagu sheegay in iyadoo la eegayo dagaalka ka socda Qasa, loo baahan yahay in ciidamada qalabka sida ee Masar ay u diyaar garoobaan inay ka hortagaan xaalad kasta oo khatar ku ah amniga qaranka Masar ama madax bannaanida.

Horay waxaa warbaahinta caalamka loogu daabacay warbixinno la xiriira soo gelidda ciidamada qalabka sida ee Masar ee gacanka Siinaay.

Sabtidii, wakaaladda wararka ee Maraykanka ee ExxonMobil ayaa sheegtay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ka codsaday maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inay ku cadaadiyaan Qaahira inay dhimaan ciidamadooda jooga gacankaas.

Shabakaddan oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil ayaa sheegtay in joogitaanka askarta Masar ee Siinaay sababo la xiriira dagaalka ka socda Qasa ay kordhisay xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Booliiska Holland iyo dad qaxootiga kasoo horjeeda oo isku dhacay

Booliiska Holland ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha u adeegsatay si ay u kala eryaan dibadbaxayaal rabshado wata oo ka dhan ah soogalootiga oo ka dhacay magaalada The Hague Sabtidii.

Soddon qof ayaa la xiray, waxaana ku dhaawacmay laba askari, iyadoo dad badan ay isku dhaceen booliska, qaarkoodna ay dhagaxaan iyo dhalooyin tuurayeen.

Ku dhawaad ​​1,500 oo qof ayaa xiray waddo weyn oo magaalada ka gudubta, halka gaari booliis ah la gubay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Nederland ee ANP, iyadoo soo xiganeysa tirooyinka booliska.

Ra'iisul wasaare Dick Schoof ayaa cambaareeyay "sawirrada naxdinta leh iyo kuwa yaabka leh ee rabshadaha aan xishoodka lahayn", isagoo sheegay in "gabi ahaanba aan la aqbali karin".

"Wax xun baa dhici doona" Trump oo u hanjabay Afqaanistaan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaad gudihiisa markii labaad ka hadlay dib u helidda Maraykanka ee saldhiggii cirka ee Bargam oo ku yaalla dalka Afqaanistaan.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, waxaa ku hanjabay in "Haddii Afgaanistaan aysan dib ugu celin saldhigga Bagram kuwii dhisay, oo ah dowladda Mareykanka, waxyaalo xun xun ayaa dhici doona".

Madaxweyne Trump ayaa arrintan ka hadlay markii ugu horreysay labo maalmood ka hor mar uu shir jaraa'id la qabanayey ra'iisul wasaaraha Britain Keir Starmer magaalada London: "Mareykanku waxa uu isku dayayaa in uu dib u soo celiyo saldhigga cirka ee Bagram ee Afgaanistaan".

Wuxuu sheegay in maamulkiisu isku dayayo inuu dib u helo saldhiga cirka ee Bargam ee Afghanistan "tani waxay noqonaysa war deg dega ah"

Mr. Trump wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka laga yaabo inay la wareegto saldhigga Bagram iyada oo loo marayo "nooc heshiis ah oo lala galo Taalibaan," hase yeeshee ma cadda sida heshiiskaas loo samaynayo.

Haddii taas ay dhacdo, waxay noqon doontaa isbeddel layaab leh oo ku yimaada Taalibaan, oo muddo dheer dagaal ugu jirtay sidii ay ula wareegi lahayd Afgaanistaan iyadoo ka soo horjeedday dowladdii uu Mareykanku taageerayey, islamarkaana dooneysay inay dalka ka saarto ciidamadiisa.

Iyagoo ka jawaabaya hadalka Trump, xukuumadda Taalibaan waxay meesha ka saartay inay dib u soo celiso saldhigga cirka ee Bagram.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afqanistaan ayaa bartiisa X ku qoray in labada dal midba kan kale uu la shaqeeyo "iyadoo aysan jirn joogitaan ciidan oo Maraykanka ku leeyahay Afqaanistaan"

Ka dib weerarkii Sebtembar 11, 2001-dii ee al-Qaacidda ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington, Bagram waxay ahayd saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan labaatankii sano ee dagaalka.

Saldhigga ayaa mar waxaa ku yaallay maqaayado sida Burger King iyo Pizza Hut oo loogu tala galay ciidamada Mareykanka, waxaana sidoo kale ku yaallay dukaamo lagu iibiyo wax kasta laga soo bilaabo elaktroonigga ilaa roogag Afgaanistaan ah. Bagram waxa kale oo uu ku yaalay xabsi weyn.

Saldhigga ciidamada cirka ayaa la dhisay intii uu socday duullaankii Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan, balse markii dambe wuxuu noqday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ilaa ay Talibanka dib ula wareegeen gacan ku heynta Afgaanistaan 2021-kii.

Ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka ka bixin saldhigga ciidamada cirka ee Bagram ee Afghanistan, taliska dhexe ee Mareykanka wuxuu sheegay in la burburiyay ku dhowaad 16,000 qalab ah oo yaallay saldhigga.

Dhaqaale xooggan ayaa Maraykanka uga baxay muddaddii dheerayd ee ay ciidamadiisu joogeen Afqaanistaan. Xogta rasmiga ah waxay muujineysaa tan iyo sanadkii 2002, in Mareykanka uu mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku isticmaalay 143.27 bilyan oo doollar.

In ka badan kala bar 88.32 bilyan oo doollar ayaa loo isticmaalay maalgelinta ciidamada amniga iyo militeriga Afghanistan.

Ku dhawaad 36 bilyan oo doollar ayaa loo adeegsaday barnaamijyada maamulka iyo horumarinta halka dhaqaale yar loo qoondeeyay la dagaallanka daroogada iyo arrimaha gargaarka.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip