
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 16 SEPTEMPER 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka wadamada Islaamka iyo Carabta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo adke -eyey muhiimadda midnimada iyo isk -aashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaa liya ay ku garab-taagan yihiin walaalah ooda Falastiin oo la dhibaataysan gum aadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mid eysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta do wladda Falastiin ee caasimaddeedu ta hay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga
Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay xafii skiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulanka ayaa looga wadahad lay xoojinta iskaashiga dhinacyada di faaca, tabarrada ciidamada iyo taa geerada joogtada ah ee Dowladda Tur -kiga ay siiso Soomaaliya, si loo xooji -yo amniga iyo xasilloonida dalka.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay iskaa shiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato dhismaha hay’adaha difaaca iyo horumarinta xirfadaha Ciidamada Qalabka Sida.
Madaxwayne Xasan Sheekh oo Dooxa kula kulmay Erdogan
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada Do -xa, ayaa kulan-doceed la qaatay Mada xwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayyib Erdo -gan.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee go -bolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wa -dajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotoda dheer ee labada dal ka dhexeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka Qadar
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar.
Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuu riyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoadadheer ee ka dhexeeya labada dal.
Raysal wasaare Xamse: Anigu madaxweynihii i magacaabay ee fursadda isiiyay islama sharaxidoono
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xam -se Cabdi Barre, ayaa sheegay in uus -an isku soo taagi doonin xilka madaxw -eynaha Soomaaliya, isagoo xusay inuusan marnaba la tartami doonin madaxweynihii magacaabay.
"Anigu madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo. Dadka oo dhan waan u sheegaa, wayna iska cadda hay taas. Haddii uusan isagu is sharix -in waan eegidoonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa ka qeyb galayay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay, xilli ay saddex sano ka soo wareegtay markii xilka loo magaca -abay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay saaxiibo ahaayeen mud do ka badan 20 sano, islamarkaana ay san ahayn kuwo kaliya ku kulmay siya asadda iyo magacaabiddiisa. Wuxuu sheegay in wada-shaqeyntooda sadde xda sano ee la soo dhaafay ay ku dhis nayd is-ixtiraam iyo kalsooni.
Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay inuu xafiiska u yimid si uu shacabka ugu adeego, isla markaana uu ka fo gaado wax kasta oo khilaaf ah oo cur yaamin kara horumarka dalka.
Wuxuu intaa ku daray in aysan suurt agal ahayn inuu iska garab sharaxo madaxweynihii siiyay fursadda uu ku noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, bal se taa beddelkeeda uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam -uud ayaa saddex sano ka hor Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo markaas xubin ka ahaa Baar lamaanka Federaalka Soomaaliya, mu ddadaasna labadooda marna iskuma khilaafin arrimaha siyaasadda ee dalka.
Madaxweynihii Hore Sheikh Shariif oo ku Eedeeyay Dowladda Inay Ka Gaabisay Dib-u-dhiska Ciidanka Kadib Guuldarradii Cowsweyne
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u dhaliilay hab-dhaqanka dowladda ee ku aaddan guuldarradii ciidanka Qaran ka ee ka dhacday deegaanka Cowswe yne, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay sababtay burbur iyo kala daad sanaan baahsan oo ku timid hay’adda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sheikh Shariif ayaa sheegay in khasaaraha xooggan ee ciidamada Soomaaliya kasoo gaaray dagaalkii Cowsweyne uu gabi ahaanba dumiyay nidaamkii taliska iyo isgaarsiinta ciidamada Qaranka, taasoo keentay in ciidamadii la isku halaynayey ay kala daataan.
"Cowsweyne waxay ahayd meel ciidan Soomaaliyeed lagu burburiyay, Halkii laga samatabixin lahaa ciidanka, dowladda waxay dooneysay inay indhaha bulshada ka jeediso arrintaas, iyagoo riixaya wax ka beddelka Dastuurka si hal dhinac ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in halkii ay dowladda ka qaadi lahayd tallaabooyin degdeg ah oo lagu mideynayo, dibna loogu abaabulayo ciidamada, ay taa beddelkeeda ku tiirsanaatay hubeynta Beelaha qaar, taasoo uu ku tilmaamay khatar halis ah oo wiiqi karta qarannimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Dhaliishan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Federaalka ay wajahayo cadaadis gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku saabsan sida ay u maaraysay amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimaha dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.
Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka ayaa si cad u muujinaya kalsooni darrada sii kordheysa ee ka dhex jirta hoggaanka sare ee siyaasadda dalka, waxaana uu sare u qaadayaa su’aalaha ku saabsan, Halka ay dowladda ka damacsan tahay arrimaha dib u dhiska ciidan Qaran oo mideysan, Doorka beelaha iyo hubka ay haystaan ee ku beddelmay ciidamada qaranka, Saameynta ay leedahay siyaasadda Dastuurka oo lagu tilmaamay inay tahay isku day lagu leexinayo dareenka shacabka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka deg-degga ah ee ay iskugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, kagana hadlayaan weerarka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.
Shirka ayaa lagu faaqiday weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Septembar, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada wadamada Carabta iyo Islaamka si looga tacaalo arrintan, iyadoo go’aannada ku xusan war-murtiyeedka shirka la go’aamiyay in loo gudbiyo shir-madaxeedka beri oo Isniin ah furmaya si loo meel-meeriyo.
Waxaa la filayaa in Shir-madaxeedka degdegga ah uu soo saaro mowqif mideysan oo ka tarjumaya welwelka hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku aaddan saameynta weerarka ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida
Kulan lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah oo lagu qabtay Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Muda ne Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay ka qaybgalay kulanka lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay go’aanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si wax looga qabto halista qaraxyada ay adeegsanayaan kooxaha argagixisada. Waxa uu carabka ku adkeeyay in hirgelinta istiraatiijiyaddan ay ku salaysnaan doonto midnimo iyo masuuliyad wadaag ah oo u dhexeysa hay’adaha qaranka ee qaabilsan amniga, iyadoo si dhow loola shaqeynayo saaxiibbada caalamka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyay Laanta La-socodka Hubka, Rasaasta iyo Walxaha Qarxa ee Xafiiska Amniga Qaranka, dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan diyaarinta iyo isku-duwidda qorshahan, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liiddi ku ah sharafta qaranka.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono qof kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo kuwa ku xadgudba diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa yiri:
"Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudub ka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqa nka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maan ta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa.”
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u mah adceliyay Taliska Guud ee Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu eedeeyay aflagaado madaxda qaranka iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda.
Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa horey uga digtay dadka ku xadgudba anshaxa iyo sharciga, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falalkaas.
Maxay Itoobiya ka tiri sababta aysan arday badan ugu baasin imtixaanka dugsiyada sare, kaalinteese ardayda DDS kaga jiraan
Natiijada imtixaanada dugsiyada sare ee Itoobiya oo soo baxday ayaa la sheegayaa in tirada baastay sanadkan ay tahay 8.4 boqolkiiba, sidaasina waxaa sheegay wasaarada waxbarashada Itoobiya.
Natiijada imtixaanka fasalka 12-aad oo ah kan ugu dambeeyay dugsiga sare ayaa soo baxday maalintii Sabtiga.
Wasiirka waxbarashada ee Itoobiya, Prof. Birhanu Nagga ayaa u sheegay wariyayaasha sabtigii gelinka dambe in 8.4 boqolkiiba ardayda ay keeneen 50 boqolkiiba ama wax ka badan.
Natiijadan ayaa aheyd tii ugu wanaagsaneyd ee la diwaangeliyay sanadihii la soo dhaafay sida uu sheegay Prof. Birhanu. Ardayda ayaa bilaabay in ay hubiyaan natiijada ay heleen laga bilaabo lixdii aroornimo ee Axada.
Tirada guud ee sanadkan ku baastay imtixaanka dalka oo dhan ayuu sheegay wasiirka in ay gaareyso 48,920 oo arday. BBC ayaa ogaatay in tiro ka badan 500,000 oo arday imtixaanka u fariisteen.
5.2 boqolkiiba ardayda barata cilmiga bulshada iyo 11.4 boqolkiiba ardyada barata seyniska dabiiciga ayaa helay 50 boqolkiiba ama wax ka badan. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tani ay tahay natiijada ugu sarreysay ee la diwaangeliyo.
Dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ayaa tirada ardayda ka gudubta imtixaanka kama dambaysta ah ay aad u yarayd, ayadoo qiyaast ahaan lagu sheegay in muddo afar sano ah aysan baasin wax ka yar 90%.
Marka la fiiriyo ardayda inta wiilal ah iyo tirada gabdhaha ee ku baasay imtixaanka, waxaa wiilal ah 30,451 halka gabdhahana ay gaarayaan 18,478. Tirada guud oo korortay waxay muujineysaa in horumar laga sameeyay sida ardayda wax loo baro iyo sida imtixaanada loogu diyaar garoobo dalka oo dhan.
Tirada guud ee internet-ka imtixaanka ku gashay waxay gaareysaa 134,609 sida ay sheegtay wasaarada waxbarashada. 29,233 oo ka mid ah ardaydaas ayaa imtixaanka ku baastay. Wasiirka waxa uu sheegay in tiradan ay ka wanaagsan tahay kuwa ku galay waraaqaha. 2,384 oo arday ayaa helay buundooyin ka badan 500.
Magaalooyinka Addis Ababa, Harar iyo kuwa gobolka Axmaarada ayaa celcelis ahaan helay natiijada ugu badan. Iskuulo tiradoodu ay tahay 1,249 ayeysan ardayda gudbin.
Sida uu sheegay wasiirka waxbarashada, 120 arday ayaa lagu qabtay iyagoo qashaya imtixaanka, waxaana la joojiyay oo eber laga soo qaaday natiijooyinkooda.
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in farqi aad u weyn uu u dhexeeyay heerka waxbarasho ee iskuulada. 1,249 oo iskuul hal arday kama baasin imtixaanka halka 50 iskuul uu heerka baasida ay gaartay boqolkiiba boqol.
114 iskuul ayaa muujiyay in sanadba sanadka ka dambeeya ay sare u sii kacayeen. Farqiga u dhexeeya dugsiyada heerka sare jooga iyo kuwa halka hoose jooga ayaa muujineysaa in ay tahay sinnaan la'aan dhinaca heerka waxbarida, kaabayaasha iyo qoondada la siiyay.
Imtixaannada DDS iyo heerka baasitaanka
Ardayda gobolka DDS ee Itoobiya ee gashay itmtixaanka ayaa la sheegay in ay gaarayaan 22 kun waxaana baasay wax ka yar shan boqol.
Shukri Cabdi Muxumad waxa uu ka mid yahay ardayda sanadkan imtixaan galay ee ka gudbay. Waxa uu BBC-da la wadaagay dareenkiisa.
"Sanadihii u dambeeyay ardayda deegaanka aad ayey u dhacayeen aniga iyo qoyskeyga aad ayaan u faraxsanahay".
Shukri wuxuu noo sheegay in la doonayay 600 natiijo ah balse isaga uu keenay 395 oo ah wax ka badan 50 boqolkiiba.
Shukri wuxuu kaloo sheegay in uu qabay qabay dareen isku dhaf ah oo isugu jiray welwel iyo rajo balse uu qabay rajo fiican.
Mar uu ka hadlayay sida uu ugu diyaar garoobay imtixaankan oo ka koobnaa fasalka 9 ilaa iyo 11, waxa uu sheegay in waqti badan uu geliyay.
"Waxaan sameyay in aan afarta fasal xifdino oo habeen iyo maalin wax aqrino" ayuu yiri Shukri oo sheegay in waqti dheeri ah ay wax baranayeen oo labada gelin ay casharo qaadanayeen.
Waxyaabaha kale oo BBC-d uu la wadaagay Shurki waxaa ka mid ah in ay sii dhigteen casharada ka hor waqtigooda.
Ugu dambeyn, shukri wuxuu kula taliyay ardayda in ay dadaalaan oo waqti badan ay geliyaan tacliinta.
"Waxaan talo ku siinayaa in ay aad ugu dadaalaan aqrinta casharada walow ay naga nasiib badan yihiin oo manhajka cusub ay wax ku dhigteen badankood".
Waxaa la sheegay in waxbarashada dalka ay gashay waa cusub oo la abaalmarinayo kuwa guuleysta balse waxay u baahan tahay diyaargarow xooggan iyo tayo si loo xaqiijiyo in dhammaan ardayda ay helaan fursado cadaalad ah oo ay ku guuleystaan.
Booliska oo xabsiga dhigay dhalinyaro u geftay MW Xasan Sheekh
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhallinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliska
Dhallinyaradan xabsiga la dhigay oo magacyadooda lagu sheegayCumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim, ayaa Tiktok ku baahiyay muuqaallo gef ku ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.
"Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada ku baraarujiyay inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah loogu hanjabay in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
BBC-da oo fashilisay madaxa ka ganacsiga galmada ee Dubai
Digniin: Waxa ku jira qoraalka waxyaabo naxdin leh iyo sharraxaadyo sawirro leh oo ficillo galmo ah
Baadhitaan ay samaysay BBC ayaa lagu ogaaday nin maamulayay shabakad galmo oo ka dhex shaqaynaysay xaafadaha ugu quruxda badan Dubai, isla markaana ka faa'iidaysanayey haween dhibban.
Charles Mwesigwa, oo sheegay in uu yahay darawal hor e oo bas ku wadi jiray London ayaa u sheegay weriyaha yaga qarsoon in uu haween keeni karo xaflad galmo oo qiimihedu ka bilaabanayso $1,000 (£740), isaga oo intaas ku daray in qaar badan ay samayn karaan "badi wax kasta" oo macaamiishoodu ka doonayaan.
Warar xan ah oo ku saabsan xafladaha galmada ee Imaaradka Carabta ayaa soo soo jiitamayay sannado badan. Weedha #Dubaiportapotty ayaa la sheegay in in ka badan 450 milyan oo jeer laga daawaday TikTok. Waxa halkaas ku jira sheekooyin mala-awaal ah oo ku saabsan haween lagu eedeeyay in ay yihiin kuwo lacag ka sameeya galmada.
Baadhitaankayaga BBC World Service ayaa lagu ogaaday in xaqiiqadu ay xitaa ka sii madow tahay inta la og yahay.
Haween dhallinyaro ah oo Ugandan u dhashay ayaa noo sheegay in aanay filaynin in ay samayn doonaan galmo lacag looga qaato Mr Mwesigwa. Qaarkoodna waxay aamminsanaayeen in ujeedadada ay u tagayaan Imaaraadku ay tahay si ay uga shaqeeyaan meelo ay ka mid yihiin supermarket-yada ama hoteellada.
Mid ka mid ah macaamiisha Mr Mwesigwa ayaa si joogto ah u codsado in uu haweenka ku dil saxaroodo, sida ay sheegtay "Mia", oo aan magaceeda beddelnay si aan u ilaalino aqoonsigeeda.
Mr Mwesigwa wuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu ka caawiyo haweenka in ay helaan hoy iyada oo loo marayo milkiilayaasha guryaha, iyo in haweenka ay u raacaan xafladaha maaddaama uu yahay nin xidhiidh adag ku leh Dubia.
Waxaan sidoo kale ogaannay in laba haween ah oo ku xidhan Mr Mwesigwa ay dhinteen, iyagoo ka soo dhacay guryo dhaadheer. Inkastoo geeridooda lagu raad-gatay in ay is dileen. Saaxiibbada iyo qoysaska dadkaasi waxay dareemayaan in booliisku ay ahayd inay baadhitaan dheeraad ah sameeyaan.
Mr Mwesigwa wuxuu sheegay in dhacdooyinkan ay baadhitaan ku sameeyeen booliiska Dubai waxaana uu naga codsaday in aan xidhiidh la sameynno si aan xog uga helno. Laakiin kama ay jawaabin codsigayagii aan u dirnay.
Mid ka mid ah haweenkii naftooda ku waayay Dubia oo la yidhaahdo Monic Karungi, ayaa markeedii hore ka timid galbeedka Uganda.
Waxay is aragtay iyada oo guri la wadaagaysa dhowr iyo toban haween ah oo kale ah oo u shaqeynayay Mr Mwesigwa, sida ay sheegtay mid ka mid ah haweenkaas, oo aan ugu yeedhnayno Keira. Gabadhaasi waxay sheegtay in ay Monic halkaas kula nooleyd 2022.
"[Goobtiisu] waxay u ekeyd suuq oo kale... Waxaa joogay ilaa 50 gabdhood. Ma aanay faraxsanayn sababtoo ah waxa ay la kulantay ma ahayn waxii ay filaysay," Keira ayaa noo sheegtay sidaasi.
Monic waxay u maleyneysay in shaqada Dubai ay noqon doonto ka shaqaynta supermarket, sida ay sheegtay walaasheed Rita.
Monic waxay Mr Mwesigwa ku lahayd lacag ka badan $27,000 (£19,918) dhowr, sida uu sheegay qof qaraabadeeda ka mid ah aan ugu yeedhayno magaca Michael. Wuxuu intaas ku daray in ay u soo diri jirtay codad murugo leh.
Mia waxay noo sheegtay in macaa miishu ay u badnaayeen Yurubiyaan caddaan ah, waxaana ku jiray rag leh damacyo xad dhaaf ah.
"Waxaa jira macmiil. Wuxuu ku dul saxaroodaa gabdhaha. Marka uu saxaroodo ku yidhaahdaa cuna saxarada," ayay si hoose u u tidhi.
Haweenay kale oo aan ugu yeedhayno magaca Lexi ayaa sheegtay in shabakad kale ay khiyaantay ayaa sheegtay in codsiyada "porta potty" ay ahaayeen kuwo soo noqnoqda.
"Waxaa jiray macmiil yidhi: 'Waxaan ku siinayaa 15,000 oo Dirhamka Imaaraadka Carabta ah ($4,084, £3,013) si aan koox ahaan kuugu kufsanno, kaadina wejigaaga ugu saydhinno oo aan kuugu darno 5,000 ($1,361, £1,004)'" si lagaaga duubo oo cunaya saxaro.
"Mar kasta oo aan dhaho ma jecli in aan taas sameeyo, waxay u muuqatay in ay sii xiiseynayaan. Waxay rabaan qof ooyi doona oo qaylin doona oo carari doona. Qofkaas [indhahooda] waa in uu ahaadaa qof madow ah."
Lexi waxay sheegtay in ay isku dayday in ay caawimaad ka hesho dadka kaliya ee ay u maleyneysay in ay faragelin karaan arrintan oo ah booliiska. Laakiin waxay sheegtay in ay ku yiraahdeen: "Idinka Afrikaanka ah aya midba midka kale dhibaato u gaystaa. Ma doonayno in aan galno arrintan."
Eedeyntan ayaan u gudbinnay booliiska Dubai wayna ka jawaabi waayeen.
Lexi ugu dambeyntii way ka baxsatay waxayna ku laabatay Uganda. Haddana waxay caawisaa haweenka ku jira xaalado la mid middii ay soo martay.
In la helo Charles Mwesigwa ma fududayn. Waxaan kaliya ka heli karnay hal sawir oo intenet-ka ku jira- oo dhabarka dambe laga sawiray. Waxa kale oo uu baraha bulshada ku isticmaalaa magacyo badan oo ku kala duwan.
Laakiin iyada oo la adeegsanayo sirdoon furan, cilmi baaris qarsoon, iyo macluumaad ka yimid xubin hore oo ka mid ah shabakaddiisa, waxaan ka baadi goobnay xaafad ku taalla badhtamaha Dubai oo la yidhaahdo Jumeirah Village Circle
Si aan u xaqiijinno waxa ay ilo-wareedyadu noo sheegeen oo ku saabsan ganacsigiisa - keenista haweenka galmada looga faa'iidaysto- waxaan u dirnay wariye qarsoon oo iska dhigaya qabanqaabiyaha munaasabadaha oo haweenka u soo kaxeeya xafladaha heerka sare ah.
Mr Mwesigwa wuxuu u muuqday mid deggan oo kalsooni qaba markii uu ka hadlayay ganacsigiisa.
"Waxaan haynnaa ilaa 25 gabdhood," ayuu yiri. "Qaar badan ayaa maskax furan waxay qaban karaan wax kasta."
Wuxuu sharraxay in habeenkii gabadh walba ay ku baxdo kharash lacageed oo ka bilaabanaya $1,000 (£738), laakiin ay jiraan waxyaabo waalli ah oo fulinayaan". Wuxuu "habeen tijaabo ah"ku casuumay weriyahayaga.
Markii la weyddiiyay "Dubai porta potty" wuxuu ku jawaabay: "Waan kuu sheegay, waa hawlgal maskax furnaan. Markaan dhaho maskax furan... waan kuu soo diri doonaa kuwa ugu waalan ee aan haysto."
Intii uu socday wadahadalku, Mr Mwesigwa wuxuu sheegay inuu ahaan jiray darawal bas oo London ka shaqeeya. Waxaan aragnay caddeymo xirfadaas muujinaya iyo dukumeenti rasmi ah oo yaalla bariga London sannadkii 2006.
Waxa uu weriyahayaga u sheegay sida uu jecel yahay ganacsigan.
"Xitaa haddii aan ku guuleysan lahaa bakhtiyaa-nasiib hal milyan oo ginni ah, waxaan sii wadi lahaa hawshan... waxay noqotay qayb ka mid ah naftayda."
Troy oo ah nin sheegay in uu ahaan jiray maamulaha hawlgallada shabakadda Mr Mwesigwa, ayaa na siiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida hawshan loo maamulo.
Wuxuu sheegay in Mr Mwesigwa uu lacag siiyo ilaa lada dhowr ka mid ah gooba ha caways ka si ay haween kiisu soo gal -aan si ay ula kulmaan macaamiisha.
"Waxaan maqlay noocyo galmo ah oo aan waligey arkin nolosheyda. [haweenku] ma haystaan waddo ay ku baxsadaan… Waxay la kulmaan fannaaniita, waxay la kulmaan ciyaartoyda kubadda cagta, waxay la kulmaan madaxweynayaal."
27-kii Abriil 2022, Monic waxay soo dhigtay sawir selfie ah oo ay ka qaaday Al Barsha oo ah xaafad ay ku yaallaan guryo caan ka ah dadka ajaanibta ah ay deggan yihiin oo ku taalla Dubai. Afar maalmood kaddib, way dhimatay. Waxay joogtay Imaaraadka muddo afar bilood ah oo keliya.
Sida ay sheegtay Mia, Monic iyo Mr Mwesigwa waxay si joogto ah u murmayeen mudd adii ay bixi lahayd ka hor. Mia waxay sheegtay in Monic ay diidday in ay raacdo dalabaadka Mr Mwesigwa ayna heshay waddo ay uga baxdo shaba kaddiisa.
Mic hael oo qaraabo l ah gabadhaasi waxa uu sheegay in uu ku sugnaa Imaaraadka xilliga ay dhimatay, waxaana uu sheegay in uu isku dayay in uu jawaab u helo arrintaasi.
Booliisku waxay u sheegeen in ay joojiy een baaritaan kooda, ka dib markii ay ka heleen daroo go iyo khamri ay ka heleen guri ga Monic ka soo dha cday, iyada oo raadadka farahahee du ay ka sii muuqdeen balakoon iga gurigaasi ayaa uu yiri.
Wuxuu ka helay cisbit aalka shahaadada dhimashada Monic, laakiin kuma aanay xusin sida ay u dhimatay. Qoyskeeduna ma aanay awoo din in ay helaan warbixin arrintaasi ku saabsan.
Qoyska Monic in ay hadda murugaysan yihiin ka sakow, waxa jirta cabsi kale oo ay qabaan qoysas kale oo ka walaacsan in ay la kulmi karaan xaalad tan la mid ah, haddii waxba laga qaban waayo.
"Dhammaanteen waxaan indhaha ku haynnaa dhimashada Monica," ayuu Michael noo sheegay. "Laakiin yaa u jooga gabdhaha kale ee weli nool? Weli way joogaan. Weli waa dhibaataysan yihiin."
BBC ayaa ka codsatay Charles "Abbey" Mwesigwa inuu ka jawaabo dhammaan eedeymaha soo jeediyay ee baadhitaanka ku jiray. Wuu beeniyay in uu maamulo shabakad galmada sharci darro ah.
Wuxuu yiri: "Kuwani dhammaantood waa eedeymo been ah.
"Waan kuu sheegay in aan ahay qof xafladaha uun ah oo ku marti qaadaya lacagaha badan haysta, sidaas darteedna ay gabdho badan u soo yaacaan miiskayga. Taas ayaa iga dhigtay in aan gabadho badan is baranno. Waa intaas uun."
Waxa kale oo uu yiri: "[Monic] waxay u dhimatay baasaboorkeeda, maaddaama aan qofna rabin in uu dalbado iyada oo uu lacag ku bixiyo. Ka hor dhimashadeeda, waxa iigu dambaysay in ka badan afar ilaa shan toddobaad.
BBC ayaa la xiriirtay Saldhigga Booliiska Al Barsha si ay u codsato in ay arkaan faylalka kiisaska Monic Karungi iyo Kayla Birungi. Kama aanay jawaabin codsigaas iyo eedeymaha ah in dhimashada Monica iyo Kayla aan si sax ah loo baadhin.
BBC ma aanay awoodin in ay hesho wax warbixinno sun ah oo la xiriirta Monic Karungi, iyp in ay la hadasho milkiilaha guriga ay degganayd markii ay dhimatay.
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA 16 SEPTEMPER 2025
.