
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-08-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud aya hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxwene Kuxigen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboledka Waqoyi Bari Somalia.
Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaanada, Gudoonka iyo musharaxiinta Madaxt-inimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaalia ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeyo gudashada masuliyada culus ee hortaalla.
"Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigenkiisa Mudane Abdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka io dowladnimada. Dowlada Federalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir logu xaqiijiyo dhamaystirka Federaaleynta”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboledka Waqoyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.
Madaxwyanaha Galmudug oo u hambalyeeyay hoggaanka la doortay ee Waqooyi Bari Soomaaliya
Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari ee shalay la doortay,
Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa ugu duceeyay hoggaanka la doortay ee Dowlad goboleedka Waqooyi Bari in Ilaahey ku asturo masuuliyadda culus iyo gudashada waajibaadka baaxadda leh ee loo idmaday.
Madaxweynaha dowlad goboleedka W/B oo loo doortay Mudane Firdhiye
Mudane Cabdulqadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa loo doortay Madaxw-enaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Somalia, kadib markii uu ku guleystay codad gaaraya 62.
Musharax Madaxweyne Abdirisaaq Khaliif ayaa helay 18 cod, halka laba codna ay xumaadeen. Sida uu ku dhawaqay Gudomiyaha Barlamanka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.
Madaxweyne Firdhiye ayaa noqon doona madaxweynaha dowlas goboledka Waqoohi Bari ee 2025 ilaa 2030.
Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah
Wasirka Arimaha Dibada io Iskashiga Caalamiga ah ee Somalia, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa shalay xarunta Wasarada arimaha ee Magalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Jabuuti Mudane Danjire Cabdulqadir Xuseen Cumar, Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin, Labada wasiir ayaa adkeyay muhiimada ay ledahay in si dhow la isula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.
Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasaaradood waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasaded, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskashiga diblomas-iyaded isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ka dhaxeyso xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo ayaa sii wada dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah, iyaga oo mar walba ka shaqeynaya wada-shaqeyn iyo isu soo dhowaansho.
Kusimaha Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasare Ku-xigenka Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Saalax Axmed Jamac, ayaa shalay xafiiskiisa ku qabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Abdulqadir Xusen Omar o malmahan safar shaqo ku jogay dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay xojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, hormarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.
Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay madal lagu dhiirigelinayo waxbara-shada gabdhaha, taas oo ay ka qeybgaleen gabdho aqoonyahanno ah oo ka kala yimid degmoyinka Gobolka Banaadir.
Madasha waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortagan waxbarashada hablaha iyo sidii loo xoojin lahaa isdiiwaangelintooda dugsiyada.
Agaasinka ayaa xusay in ololahan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xaqiijinayo fursado waxbarasho oo loo siman yahay, Ka qeybgalayaashu ayaana muujiyay go’aankoda ah inay door muuqda ka qaatan hormarinta waxbarashada gabdhaha Somaliyed.
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka W/B oo shalay dhacday
Dorahada MadaxweYnaha iYo Madaxwene kuxigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo ka mid ah dowlad goboleedyada ka tirsan dowladda federaalka Soomaalia ayaa shalay ka qabsoomaysa Magaalo madaxda gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood.
Waxa ka socday guddaha magaalada Laascaanod maalmihii u dambeeyey olole xoogan oo musharaxiinta tartan ugu jireen sidii musharax walbaa u kasban lahaa codadka iyo kalsonida Xildhibanada Barlamanka.
Ciidanka Amniga ayaa si weyn u xoojiyey sugida Amniga iyadoo lagu arkayo goobaha wadooyinka magalada iyo kantarolada magaalada laga soo galo oo si weyn loo sugayo amnigooda.
Maamulka Mandhera oo walaac ka muujiyay joogitaanka Ciidamada Jubaland ee dalkaasi
Guddoomiyaha Gobolka Mandera ee dalka Kenya, Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si adag uga hadlay walaaca weyn ee la xiriira joogitaanka ciidamo ka tirsan Jubbaland gudaha Mandera, Isago ka hadlayay arintasi, wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamadan ay khatar ku tahay madax-bannaanida dalka Kenya iyo nabadgelyada shacabka ku nool gobolkaas.
Guddoomiye Khalif wuxuu si cad ah shaaca uga qaaday in Arrintan aysan ahayn kaliya mid ku sabsan Mandera, balse waa mid khusaysa madax-bannaanida qaranka dalka Kenya, "Joogitaanka ciidanka Jubbaland ee Mandera waa mid aan la aqbali karin, waxayna khatar toos ah ku tahay nolosha dadkeena." ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamadaan ay kordhinayaan khatarta amni ee gobolka oo horayba ula tacaalayay dhibaatooyin la xiriira Weerarada Al-Shabaab, Khilaafaadka xuduudaha iyo Dagaalo isdaba joog ah oo xuduudka ka dhacaya
Waqti hore, Senator-kii hore ee Mandera, Billow Kerrow, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda dhexe ee Kenya, isagoo sheegay in xiriirka Nairobi la leedahay Jubbaland uu wiiqayo ammaanka qaranka
"Xiriirka siyasaded ee Kenya la leedahay Jubbaland wuxuu hoos u dhigay amniga Mandera, Ma aha wax la aqbali karo in Mandera laga dhigo goob dagaal oo u dhaxeysa ciidamo Soomaali ah."
Inkastoo hay’adaha ammaanka ee Kenya aysan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, haddana dadweynaha Mandera ayaa sii kordhinaya baaqyadooda ku aadan in la cadeyo, Sababta ciidamadan u joogaan gudaha Kenya, Xilliga ay baxayaan iyo Tallaabooyinka dowladdu qaadeyso iyo Xiriirka Kenya iyo Jubbaland.
Kenya waxay muddo dheer taageero siisay maamulka Jubbaland, iyadoo u aragtay inuu yahay xayndaab amni oo ka hortaga Al-Shabaab, Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay muran gudaha dalka Kenya ah.
Booliiska Somaliland oo sheegay in sharciga la horgayn doono qofkii waxyeeleeya qof Itoobiyaan ah
Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in lala xisaabtami doono qof kasta oo lagu qabto isaga oo waxyeel-eynaya muwaadin Itoobiyaan ah, kadib markii koox dhallinyaro ahi ay weerareen dhalinyaro Itoobiyaan ah.
Inkastoo aanay waxyeello weyn soo gaadhin dhalinyarada Itoobiyaanka ah ee la weeraray, haddana dhacdadani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay maalmihii u dambeeyay magaalada Hargeysa soo galeen dad Itoobiyaan ah oo aad u badan, kuwaas oo qaarkood warbaahinta ka sheegay in ay magaalada Hargeysa iyagu leeyihiin isla markaana ay kala wareegi doonaan dadka deggan.
Afhayeen u hadlay Booliiska Somaliland ayaa ka digay dhacdadan, isaga oo sheegay in walaaltinimo ay ka dhaxayso dadka reer Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana dad kasoo kala jeeda labada dhinac ay si sharci ah ugu nool yihiin labada dhinac.
"Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo walaalo ah, wax colaad ahi kama dhaxayso. Itoobiya waxa ku nool qoysas badan oo reer Somaliland ah oo si sharci ah ku jooga, sidoo kale Somaliland waxa ku nool dad badan oo Itoobiyaan ah oo sharci ku jooga,” ayuu yidhi afhayeenka booliisku.
Waxa uu intaas ku daray in dadka sharci-darrada ku jooga Somaliland ay arrintoodu u taallo hay’adaha dowladda ee ay khusayso, isla markaana aan la aqbali karin in qof shacab ahi gacanta ku qaato sharciga oo uu waxyeeleeyo qof Itoobiyaan ah.
"Baryahan dambe waxa muuqata in dhallinyaro is-urursatay ay beegsanayan dad gaar ah. Waxaan uga digayaa dhallinyaradaas in aanay sharciga gacantooda ku qaadan, balse ay dowladdooda u daayaan, hay’adaha ku shaqada leh dadka ajaanibka ah ee sharci-darrada ku soo gala dalka. Haddii lagu qabto waxay mutaysan doonaan ciqaab,” ayuu raaciyay hadalkiisa afhayeenka booliisku.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa sheegay in tallaabada dhallinyaradu qaadeen ay tahay mid aan Somaliland lagu aqoon isla markaana sharci-baalmarsan. Agasimaha Horn Diplomat, Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in kooxdan dhallinyarada ah meel kale laga soo abaabulay si loo waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.
Somaliland ayaa kamid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Itoobiyaanka ahi, waxaana la sheegay in sababtu tahay amniga ay ka heleen. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku wargelisay dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan in ay tagaan xarumaha sharciga lagu bixiyo si ay u helaan rukhsad ay Somaliland ku joogaan.
Israel oo madax xanuun istiraatiiji ah kala kulantay duulaanka cusub ee Magaalada Gaza
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay khasab ku noqotay inay ka baxaan Magalada Gaza ee waqoyiga Marinka Gaza, saacado ka dib markii ay duulan dhinaca dhulka ah ku qaaden magaaladaasi.
Israel ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka militari ee lagu la wareegayo Magaalada Gaza, iyado la fulinayo go’ankii Golaha Wasiirada ka soo baxay 8-dii bishan ee ku saabsanaa in si toos ah loo qabsado Magaalada Gaza, isla-markaana amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel. Magaaladan ayaa ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Israel ayaa sidoo kale ku dhawaqday in Magaalada Gaza ay tahay aag dagaal oo khatar ah, dhamaan dadka rayidka ahna waxay ugu yeertay in ay isaga baxaan. Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in duulaankan uu soo afjarayo gargaarkii xadidnaa ay Israel dhawan ogolatay in la geeyo magaaladaasi, oo sida ay sheegtay ay ku nool yihiin ku dhawad hal milyan oo qof, isla-markaana hawlgalka qorsheysan ee militari uu uga sii darayo gaajadii ka jirtay magalada iyo guud ahaanba Marinka Gaza.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa Israel uga digay in qorshaha ay doneyso inay ku qabsato magaladasi u kordhin doono fursada ay maxabiis ahaan ugu qabsan karaan askar ka tirsan ciidamadeeda iyo in hawlgal kasta oo Militariga Israel uu halis gelin doono nolosha maxabiista harsan.
Guutooyin ka tirsan Militariga Israel oo wata taangiyadooda iyo sidoo kale madaafiicda goobta ayaa gudaha u galay xaafadaha Sabra iyo Zaytun (Zaytoun), ka dib markii ay ka soo tallaabeen deegaanada koonfurta Israel ee xadka la leh magaaladaasi.
Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaradahoda io marakiibtoda dagaalka ee ku hareereysan xeebaha Marinka Gaza ayaa si xeeladeysan isugu soo fidiyay xaafadahaasi.
Ciidamada Israel ayaa waxay sidoo kale gudaha u soo galeen deeganada waqooyiga Marinka Gaza ku yaala ee Jabalia iyo Al-Nazla, halkaas oo ay ka soo galeen soohdimaha Al-Saftawi iyo Sheikh Radwan, waxayna saacadihii hore ee duulaanka ay wax kalba ciidamadaasi ugu muuqdeen si caadi ah.
Mowjadda ayaa dhanka kale isku rogtay, markii Ciidamada Israel uu habeen hore weerar culus ku qabsaday goobihii ay gudaha u soo galeen ee Magaalada Gaza, gaar ahaan xaafadda Zaytun, taas oo noqotay mid aysan mahdin dulankodii dhinaca dhulka ee magaaladaasi ku soo qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xamaas ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen Ciidamada Israel, xilli ay xirnaayen tuutaha Militariga Israel, isla-markaana ay xaaladdii goobta u bedeleen heer ay Ciidanka Cirka Israel kala garan waayaan labada dhinac kuwa ay askartodu yihin.
Militariga Israel ayaa sheegay in sideed askari ay kaga dhaawacmeen qarax ay Xamaas habeen hore la beegsatay gaari gaashaaman, isla-markana ay mid ka mid ah xaaladiisu liidato. Waxay kaloo qirteen in ay waayeen xiriirka qaar ka mid ah askartoda. Warbahinta aya militariga ka soo xigatay in askarta la la’yahay ay tiradoodu afar gaareyso.
Warbaahinta Israel ayaa waxay kaloo ku warantay hal askari uu ku dhintay, 11 kalena ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen iska horimaadkii habeen hore ka dhacay Magaalada Gaza.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in si ku-meel-gaar ah loo hakinayo hawlgalka ballaaran ee magaaladasi, isla-markaana ay ciidamada lugta goor horeba bilaabeen inay ku soo laabtaan barrihii ay ka duuleen, laakiin militariga u Sabtidan ballariyay duqaynta xaga cirka ee magaaladan.
Barraha bulshada ayaa si weyn la isku la wadaagay sawirro muujinaya afar askari o xiran dareyska Ciidanka Difaaca Israel oo jilbaha ku taagan, isla-markaana ay hortaagan yihiin dagal-yahano wejiyada u duuban yihiin oo ka tirsan Xoogaga Xamaas.
Arrintan ayaa guux ka dhalisay gudaha Israel iyo in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu & Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumadiisa lagu dhalleeceeyo in sidaan oo keliya ay doonayeen.
Xamaas ayaan iyadu xaqiijin, haddii ay gacanta ku dhigtay askarta ka maqan Ciidamada Israel iyo in kale, marka laga soo tago in ay soo bandhigtay sawirka askari Israeli ah oo dhulka lagu jiidayo. Xamaas ma sheegin inay askarigaasi ku qabatay dagaalkii habeen hore iyo in kale.
Warbahinta Cibriga e afka maamulka ku hadasha ayaa goor dambe sheegtay in ciidamadu ay heleen afartii askari ee raq iyo ruuxdooda la waayay, isla-markaana la helay iyagoo nool.
Warbaahintu waxay sheegtay in afarta askari ay xaaladdooda cafimad wanaagsan tahay, taasna ay soo afjareyo xiisad saacado ka dhex jirtay ciidamada iyo bulshadaba.
Askartan ayaa la sheegay in la helay, ka dib baadi-goob xoog leh oo loo galay, sidii loo xaqiijin lahaa badqabkoda, ugu dambayna lagu guleystay soo celintoda.
Fallanqeeyaha arrimaha militariga ee lagu magacaabo Elijah Magnier ayaa sheegay in weerarkii gaadmada ahaa ee Ciidamada Israel ku qabsaday Magalada Gaza uu yahay madax xanuun istiraatiiji ah.
Elijah Magnier ayaa Al Jazeera u sheegay in weerarku uu muujinayo caqabadaha taatiko iyo kuwa siyaasaded ee ay Israel ku wajaheyso duulaankeeda magaalada.
Magnier ayaa intaasi ku daray in weerarka magaaladan uu cawaaqib nafsiyed ku yeelan doono Ciidamada Israel, isla-markaana ay u badan tahay in uu sii kala qaybiyo shacabka Israel.
Iyadoo Israel ay qarineyso fadeexada ka qabsatay bilowga dulanka Magalada Gaza ayay shalay oo dhan duqayn aan kala joogsi lahayn ka waday magaladasi. Ciidamada Cirka, Badda iyo kuwa ku sugan xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza ayaa tan iyo shalay garaacaya magaaladaasi.
Xaafadaha Zaytoun, Sabra iyo Al-Nasr ayaa lagu sheegay meelaha ugu daran ee duqayntu ku hoobaneyso. Wakaalada Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in Israel ay duqaysay tendhoyin dadka barakacayasha degan yihiin oo ku yaala Zaytoun iyo Al-Nasr.
11 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay foorno rootiga lagu sameeyo oo ku taala Magaalada Gaza. Dadkan ayaa waxaa la sheegay in duqayn cirka ah lagu qaaday, xilli ay saf ugu jireen rooti ay cunnaan. Foornadan ayaa waxay ka mid tahay foornooyinka loogu adeego bulshooyinka barakacayaasha ee ku nool magaaladaasi.
In ka badan lixdan qof oo dad rayid ah ayaa shalay oo keliya lagu dilay Marinka Gaza, oo ay ku jiraan dhowr iyo toban qof oo la dilay, iyaga oo raadsanaya in gargaar bani’adanimo la siiyo.
Ugu yaraan 63,400 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka 159,835 kalena lagu dhawacay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi oo lagu dilay waqooyiga Yemen
Ururka Xutiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee shalay xaqiijiyay in Raysal Wasaarihii Xukuumadda ee dhulka ay Xutiyiinta mamulan lagu dilay duqentii ay Israel Khamiistii ka gesatay Magalada Sanca e dalkasi Yemen.
Bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu shegay in Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi lagu dilay weerarka xagga cirka ee ay Israel ka gaysatay Sanca.
Raysal Wasaaraha ayaa lala dilay xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, xilli ay shir ku lahaayeen baa bayanka lagu yiri Caasimadda Sanca.
Madaxtooyada Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladu iyo hay’adahoda kale ay weli awood u leeyihiin inay gutaan waajibaadka loo igmaday, ka dib markii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay dishay Israel.
"Dhiigga shuhadada waaweyn wuxuu noqon doonnaa shidaal iyo dhiirigelin, si aan ugu sii socono waddadii hore.” Ayaa lagu yiri bayaan Madaxtoyada Xutiyiinta.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Waxaan u cadenayna dadkena Yemen, wiilasha shacabka Falastiin e dulman dhaman wiilasha qarankena io dhaman dadka xorta ah ee adunka inaan sii wadayno mowqi-fkena asalka ah ee taagerada iyo cawinta wiilasha Gaza, dhismaha cidamadayada qalabka sida io horm-arinta awododa, si ay uga hortagan dhamaan caqaba-daha iyo khatarta.”
Bayaanka ayaa intaasi ku daray in mowqifka dadka Yemen uu ku dhisan yahay go’aan rabitaan iyo iimaan, si loo xaqiijiyo in la joojiyo duulaanka Israel ee Gaza iyo in la soo afjaro go’aaminta saaran.
Jimcihii, Warbaahinta Israel ayaa tebisay, iyadoo soo xiganeysa ilo wareedyo dowladda ah in Ciidamada Israel ay garaacen goob ay ku sugna-ayen Raysal Wasaaraha Xuutiyiinta iyo 12 ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Xutiyiinta Yemen ayaan xaqiijin tirada guud ee xubnaha lagu dilay weerarka gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay Magaalada Sanca.
Waxay noqoneysa marki ugu horesay oo Israel ay dhagarto xubno ka tirsan Xafiiska Siyasada Xutiyiinta, ka dib 13 bilood oo duqemo ay ka gaysanesay bartilmamedyada Xutiyiinta ee dalka Yemen.
Israel ayaa bishii July ee sanadkii 2024 bilowday inay duqayso bartilma-medyada Xuutiyiinta ee dalkasi, si ay uga jawaabto weerarada Xuutiyiinta ay garab istaaga ugu muujiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza.
Sarakiisha Xutiyiinta ayaa taagerada shacabka Yemen ee dadka Gaza ku tilmamay waajibad diined, akhlaaqed iyo mid bani’aadantinimo.
Dad hor leh oo gaajo ugu dhintay gudaha Gaza
Waxaa isa soo taraya dadka gaajada ugu dhimanaya Marinka Gaza ee ka dhalatay xanibadaha Israel ee gargarka bani’aadanimo ee sida weyn ay dadka reer Gaza ugu bahan yihiin.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Sabtidan sheegtay in ay diiwaa-ngelisay 10 xaaladood oo dad gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyoodeen gudaha Gaza, 24-kii saac ee la soo dhaafay.
"Dadkan macluusha gacan ku sameyska ah ee Israel u geeriyooday waxaa ku jira saddex carruur ah.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.
Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in tani ay wadarta guud dadka xaladaha macluusha ugu dhintay Gaza ay ka dhigeyso 332 qof, oo ay ku jiraan 124 carruur ah.
54 ka mid ah kiisaska dadka gaajada ugu dhintay Gaza ayaa la diiwaang-eliyay, tan iyo markii Qaramada Midoobey ay 22-kii August ku dhawaaqday in ay macluul ka dilaacday Marinka Gaza.
Dadku ayaa waxay gaajada ugu dhimanayan Gaza, iyadoo kolonyada gargaarka lagu hortaagan yahay isgoysyada laga soo galo dhulka go’donsan, sida ay sheegtay Hay’ada Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Dadka sida ula kaca ah loo gaajeysiiyay ayaa qarkod dhimanaya, iyaga oo sugaya in la siiyo cunta ay cunnaan.
UNRWA ayaa war ay shalay soo saartay ku sheegtay in xaaladda aysan sidaan ku sii socon karin, loona baahan yahay in Israel ay fasaxdo kaalmada bani’adantinimo ee dunida ugu tala-gashay in wax lagaga qabto dhibaatada ba’an ee bani’aa-danimo ee ka jirta qaybaha Gaza oo dhan.
Hay’addan ayaa waxay ka digtay in barakaca cusub ee ka socdo Magalada Gaza ee Marinka Gaza uu horseedayo masiibo kaloo bani’a-adanimo, isla-markaana aysan suurtagal ahayn in dadkaasi ay helaan daryeelka ay u baahan yihiin, haddii ay noqoto in dib u dejin loo sameeyo iyo in la siiyo wixii ay cuni lahaayeen, inta ay xaaladdu sidaan u cakiran tahay.
UNRWA ayaa waxay dalbatay in Israel ay ogolaato in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaar ku fulin, si ay xaaladda dadkaasi uga soo reyso.
UNRWA ayaa ku celisay in bakhara-deda Masar iyo Jordan ay buux-dhaafiyen gargaarka ay dunida keen-ayso, haddana ay caqabad weyn ka haysato, sidii ay ku gayn lahayd Marinka Gaza.
Go’doominta sii socoto Israel ee gargaarka naf badbaadinta ayaa ka carreysiisay bulshada caalamka, waxaana Jimcihii oo ugu dambeysay cambaareyay lix Wasiir Arrimo Dibadeed oo Yurub ah.
Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka fuliyay xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
Wararka naga soo gaaraya xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa shegaya in Habeen hore duqeymo culus lagula eegtay xadka labadaan gobol xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Duqeymahan o ay fuliyen diyaradaha dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Hareera Culusow oo ah deegaan ay gacanta ku hayso maleeshiyada Al-shabaab.
Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan lagu garaacay saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare oo ka tirsan kooxda.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabab oo isku urursanayen halkaasi, hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu dhan yahay khasaarajlha rasmiga ah ee kooxda kasoo gaaray duqeynta.
Jugta duqeynta ka dhacday xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa si weyn loog maqlaayay habeen hore deegaano ka fog fog aaga duqeymaha lagula eegtay Maleshiyadka Al-shabaab.
Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka taageerada dowladda oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqemaha haben hore lala begsaday goobta ay isku arursanayen koxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo laga hor istaagay ka qeybgalka Kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay
Madaxwenaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbaas, ayaa laga hor istaagay inuu ka qeybgalo kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee bisha soo socota ka dhacaya New York, kadib markii isaga iyo 80 mas'uul Falastiini ah lagala laabtay fiisayaashii ay ku tegi lahaayeen, sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiintaas inay carqaladeeyeen dadaallada nabadda isla markaana ay doonayaan "in si kali-talisnimo ah loo aqoonsado dowlad Falastiini ah oo aan la xaqiijin karin."
Go'aankan oo ay soo dhoweysay Israa'iil ayaa ah mid aan caadi ahayn, maadaama Mareykanka laga filaayay inuu fududeeyo socdaalka mas'uuliyiinta dal kasta oo doonaya inuu booqdo xarunta Qaramada Midoobay.
Xayiraadan ayaa timid iyado Faransiisku hogaaminayo dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado dowlad Falastiin leedahay inta lagu guda jiro kalfadhiga dhacaya, tallaabadaan oo si adag uu uga soo horjeeddo maamulka Donald Trump.
Safiirka Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour, ayaa horey u sheegay in Madaxweyne Maxamuud Cabbaas uu guddoomin doono wafdiga Falastiin u matalaya shir madaxeedka madaxda dawladaha iyo xukuumadaha ee ka dhici doona magaalada New York.
Laakiin mas'uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa markii dambe sheegay in Cabbaas iyo ku dhowaad 80 Falastiiniyiin kale ay saameyn doonto go'aanka Mareykanka ee ah in la diido ama laga noqdo fiisooyinka xubnaha ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiin.
Rubio wuxuu sheegay in wakiillada Falastiiniyiinta ee xafiiska Qaramada Midoobay ee New York ay ka qaybgeli karaan kulammada si waafaqsan Heshiiska Xarunta Qaramada Midoobay – oo ah dukumenti xeerinaya howlaha Qaramada Midoobay ee gudaha Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in tallaabada Mareykanka ee diidmada iyo ka-noqoshada fiisooyinka ay waafaqsan tahay heshiiskaas, kaasoo sheegaya in Mareykanka uusan carqaladeyn karin imaanshaha saraakiisha ajnabiga ah ee New York, "iyadoon loo eegin xiriirka ka dhexeeya dawladaha iyo Mareykanka".
Xafiiska Madaxweyne Cabbaas wuxuu sheegay inuu si aad ah ula yaabay go'aanka fiisaha loogu diiday, isagoo ku tilmaamay mid si cad uga hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Heshiiska Xarunta Qaramada Midoobay, gaar ahaan maadaama Dowladda Falastiin ay tahay xubin kormeerayaal ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan. Waxay ugu baaqday Mareykanka inuu go'aankaas dib uga laabto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Saar, ayaa soo dhoweeyay go'aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xamaas ayaa muddo dheer ka talinaysay Marinka Qasa, iyadoo kooxda Fatax ee uu hoggaamiyo Cabbaas ay ka arrimiso Daanta Galbeed. Hase yeeshee, xitaa gudaha Daanta Galbeed, Maamulka Falastiin ee uu Maxamuud Cabbaas hoggaamiyo wuxuu wajahaa caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin kooxo mucaarad ah iyo isku ballaarinta deegaannadaas dadka Israa'iiliyiinta ah.
Cabbaas sidoo kale wuxuu madax ka yahay Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) – kaasoo ah hay'adda u matasha Falastiiniyiinta goobaha caalamiga ah.
Sanadkii 1974, Qaramada Midoobay waxay u codeeyeen in la aqoonsado PLO sida "wakiilka sharci ee keliya ee dadka Falastiiniyiinta", waxaana la siiyay xubin kormeere ah oo aan ahayn dowlad rasmi ah.
Sanadkii 2012, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la casriyeeyo aqoonsigaas, isagoo u aqoonsaday Falastiin inay tahay "xubin aan rasmi ahayn balse joogto ah oo kormeere ah".
Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, si joogto ah ayuu uga soo horjeestay fikradda ah xal laba-dawladood ah – taasoo ahayd qaabka caalamiga ah ee lagu xallin lahaa khilaafka Israel iyo Falastiin ee tobannaanka sano socda. Hannaankan wuxuu soo bandhigayaa in dawlad Falastiini ah oo madax bannaan la dhiso, kuna arrimisa Daanta Galbeed iyo Qasa caasimadana ay noqoto Bariga Qudus.
Netanyahu wuxuu leeyahay in aqoonsiga dowlad Falastiini ah ay la mid tahay abaalmarin la siiyay "Xamaas oo u uku tilmaamay argagixiso".
Milateriga Israel ayaa qaaday weerar ka dhan ah Qasa, kadib weerarkii ay Xamaas ka fulisay koonfurta Israel 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.
Tan iyo markaas, waxaa Qasa lagu dilay in ka badan 63,000 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas ay maamusho.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 31-08-25
.....