Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

0
Sunday August 31, 2025 - 14:20:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo dalka howlo shaqo u joogay. Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinaca amniga iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, kaas oo la xiriira ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Wasiir Cumar ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada "Hiil Walaal" ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip