Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

0
Sunday August 24, 2025 - 16:22:01 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanood. Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono. Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka koowaad u doorteen Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeen labaad ay u doorteen Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip