
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-08-25
Madaxweynaha JFS oo xariga ka jaray xarunta mashruuca Nagaad
Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Abdi Kariye, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruca Nagaad e Galmudug, kaasoo ay fuliso Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.
Madxweynaha ayaa daraad safar ku tegay Dhuusamareeb isagoo halkaa u tegay inuu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada sidoo kalena xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.
Sidoo kale safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarumo dowladeed oo laga hirgaliyey Dhuusamareeb
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo uu wehelinayo Madaxwe-ynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shalay xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo dowlad-dhiska io adegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.
"Shalay Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dolad-goboledka Galmudug”.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuriyadu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaa-riicda loo qorsheeyey.
Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.
Danjiraha Soomaaliya ee Italy oo ka hadlay Soomaali Dooni kula qalibantay Lampedusa
Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay xeebaha Jasiiradda Lampedusa.
Tahribayaasha oo ka soo jeeda dalkèena Soomaaliya ayaa ku wajahnaa dalka Talyaaniga, balse cilad qabsatay awgeed ay la qalibmatay doonyihii ay saarnayen, kaasi oo sababtay dhimasho iyo tiro dad ah oo wali la la’yahay.
Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la soo badbaadiyay 15 ruux, halka ay dhinteen 23 qof, waxaana weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.
Danjiraha ayaa Waalidiinta Soomaaliyed u diray fariin ku aadan in ubadkooda ay kala dagaalamaan dhibaatada tahriibka, maadaama waqti walba la arko in dhallinyaradu ay ku baaba’ayan badaha.
"Dhallinyarada waxaa dhankooda looga baahanyahay inaysan naftooda qatar u bareerin, oo ay aaminaan dalkoooda, qarashka uga baxaya tahriiibkana ay ku abuurtaan fursado shaqo ama ganacsi”. Ayuu yiri Danjire Ibraahim Cumar Sheegow.
Danjire Ibraahim Cumar Sheegow Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hay’addaha amaanka ee dalka ugu baaqay inay sharciga la tiigsadaan burcadda ku shaqada leh tahriibinta sharci darada ah dhallinteenna.
Danjire Jibriil Cabdulle oo lagu martiqaaday inu furo tartanka Sanadlaha ah ee Lady Justice
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa lagu martiqaday inuu furo tartanka sanadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot kaas oo lagu qabtay jaamacada weyn ee United States International University–Africa (USIU–Afrika ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Tartan kan ayaa waxaa ka qayb galaya arday ka socota Jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaala qaaradda Afrika iyada oo sanadkan diiradda lagu saarayo sida ugu sahlan e loo xalin karo khilafadka ka dhasha ganacsiga furan ee ka jira wadamda Afrika iyo Khilaafaadka ka dhasha xuduudaha dalalka Afrika.
Danjire Jabril oo khudbad dheer ka jeediyaya furitaanka tartanka ayaa ka hadlay muhiimda ay u leedahay ganaciga xorta ah ee Afrika iyo sida ay lama huraan u tahay in dalalka Afrika ay xal ugu heelaan caqabadaha hortaagan ganacigooda.
Waxaa sidoo kale xaflada furititaanka ka qayb-galay Professor P.L.O. Lumumb iyo Lady Justice Joyce Aluoch iyo madax kale.
Maraykanka oo ka digay weeraro Shabaab ay ka geysato magaalada Nairobi
Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa soo saartay digniin amni oo cusub oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka iyo ajaanibta kale ee ku sugan Kenya, iyadoo ay sheegeen suueta galnimada weeraro ay caasimadda dalkaasi ka geysato kooxda Shabaab.
Safaaraddu waxay ku baaqday in laga fogaado gobaha dadka isugu yimaadan, sida hoteellada, maqayadaha, suuqyada, iskulada saldhigyada boliska, safaradaha iyo goobaha cibaadada, kuwaas oo weli ah bartilmamedyo weerarro suuragal ah.
Digniinta ayaa lagu sheegay in khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Shabaab ay weli yihiin kuwo joogto ah oo ku hanjabaya iney weraro ka gesanayan magalada Nairobi iyo guud ahaan Kenya.
Safaaraddu waxay kula talisay ajaanibta inay adkeeyaan ammaankooda shakhsi iyo feejignaantooda, xilli ay sii socdaan hanjabaadaha joogtada ah.
Masuuliyiin booqday deegaanka Xaaji Cali oo uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab
Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdigan ayaa waxa hoggaaminaya Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Barlamanka Hirshabele, Taliyaha Boliska Hirshabelle Gen. Xasan Dhicisoow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Muuse Shitaawe.
Booqashada mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukumada Hirshabelle ay ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qayb qaadanaya xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay ciidamada xaq u dirirka in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in dowlad-goboledka Hirshabelle iyo dowlada dhexe ay garab istagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Al-shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe.
Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya oo Mareykanka ugu baaqay in si taxaddar leh loo wajaho arrinta Somaliland
Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, larry Andre. ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay si taxaddar badan uga fiirsato arrinta Somaliland, xilli ay sii xoogeysanayaan codadka gudaha Mareykanka ee ku baaqaya in maamulka Hargeysa loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Diblomaasigan ayaa sheegay in Geeska Afrika uu ku jiro xaalad aad u kacsan oo ay ka jiraan dagaallo iyo khilaafaad gudaha iyo dal-dal ah, taas oo ka dhigaysa in go’aan kasta oo degdeg ah oo ku saabsan Somaliland uu khatar ku noqon karo xasilloonida gobolka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Wuxuu ku taliyay in Washington aysan qaadin tallaabooyin hal dhinac ah oo iskeed ah, balse ay wadatashi ballaaran la sameyso dalalka deriska sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale hoggaanka Midowga Afrika, si loo hubiyo in go’aanka la gaarayo aanu waxyeello u geysanayn gobolka.
Ergaygu wuxuu soo jeediyay saddex waddo oo Mareykanku qaadi karo: in xaaladda lagu sii hayo sidii ay ahayd, in la furo xafiis diblomasiyaded oo Hargesa ah iyadoo weli safaaradda Muqdisho shaqeyneyso, ama in si rasmi ah loo aqonsado madax-bananida Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in doorbiddiisu tahay ikhtiyaarka dhexe, kaas oo ah in la furo xafiis Hargeysa laga maamulo si diblomaasiyaddu ugu fududaato labada dhinac, isla markaana Washington ku dhiirrigeliso Hargeysa iyo Muqdisho inay dib u bilaabaan wada-hadallo rasmi ah oo lagu gaaro xal siyaasadeed.
Diblomaasigan ayaa si gaar ah uga digay in aqoonsi hal-dhinac ah oo Mareykanku siiyo Somaliland uu dhaawici karo xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed ee taageersan midnimada, isla markana uu sii hurin karo khilaafka qabiillada oo ah arrin nugul oo gobolka ka jirta.
Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha Somaliland, wuxu sheegay in maamulka Hargeysa uu leeyahay heer amni iyo maamul ka wanaagsan inta kale ee dalka, balse taasi aysan meesha ka saari karin xaqiiqda ah in arrinta Somaliland u baahan tahay xal waara oo lagu wada qanco. Waxa uu intaa ku daray in Puntland iyaduna gaartay guulo la mid ah amni iyo horumar iyadoo weli qayb ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa sheegay in guusha Soomaaliya iyo Geeska Afrika guud ahaan ay ku xirnaan doonto laba arrimod oo waaweyn: dib u heshiisiinta iyo xalinta arrinta Somaliland, iyo xoreynta dhulka ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wuxuu shacabka Somaliyed u rajeeyay nabad, xasillooni iyo guul mustaqbalka dhow.
Sidee ninkan u dhashay Shiinaha ay ugu suurta gashay in gudaha Mareykanka uu hub uga dhoofiyo Kuuriyada Waqooyi
Qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay siddeed sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah hub iyo agab milatari uga dhofiyay Marekanka una diray Waqoyiga Kuuriya, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda Mareykanka.
Shenghua Wen, oo 42 jir ah, ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 2 milyan oo doollar oo uu ka helay saraakiil Waqooyiga Kuuriya ka soo jeedda si uu hubka uga dhoofiyo gobolka California, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Isniintii kaso baxay waaxda caddaalada.
Wen, oo deganaa magaalada Ontario ee gobolka California, ayaa la xiray tan iyo Diseembar 2024. Bishii Juun 2025, wuxuu qirtay dambiyo ay ka mid yihiin inuu ka shaqeynayay si uu u jebiyo Xeerka Cunaqabataynta Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo inuu ahaa wakiil sharci-darro ah oo u shaqeynayay dowlad ajnabi ah.
Kiiska Wen wuxuu muujinayaa hababka ay Waqooyiga Kuuriya uga gudubto cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay ganacsigeeda hubka.
Waaxda caddaaladdu waxay ku tilshalayy Wen inuu yahay "muhaajir sharci darro ah”, waxayna sheegtay inuu ku yimid Mareykanka isagoo wata fiisaha ardaynimada sanadkii 2012, balse uu sii joogay dalka ka dib markii fiisihiisu dhacay Diseembar 2013.
"Ka hor inta uusan u safrin Mareykanka, Wen wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Waqooyiga Kuuriya oo uu kula kulmay safaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Shiinaha,” ayay tiri waaxda cadaladu. "Saraakiishan ayaa u dhiibay hawlo uu ku soo iibsado agab ay u baahantahay Waqooyiga Kuuriya.”
Bishii 2022, laba sarkaal oo Waqooyiga Kuuriya ka soo jeeda ayaa la xiriiray Wen iyagoo adeegsanaya baraha fariimaha internetka, waxayna ku amreen inuu si qarsoodi ah uga dhoofiyo hub iyo agab kale Mareykanka loona geeyo Kuuriyada Waqooyiga.
Sanadkii 2023, Wen wuxuu konteennarro hub ah ka diray dekedda Long Beach ilaa Shiinaha, isagoo beegsaday in ay ugu dambeyn gaaraan Waqooyiga Kuuriya. Wuxuu si khaldan u shegay maclumadka ku saabsan waxa saarnaa kantenaradas
Mid ka mid ah konteenarradaas, oo uu ku sheegay in uu siday qaboojiye, ayaa gaaray Hong Kong bishii Janaayo 2024, ka dibna loo sii diray magaalada Nampo ee Waqooyiga Kuuriya.
Sidoo kale, Wen wuxuu iibsaday shirkad hubka iibisa oo ku taalla Houston isagoo isticmaalaya lacag uu ka helay sarkaal Waqooyiga Kuuriya u dhashay, wuxuuna hubka uga raray Texas ilaa California si loogu dhoofiyo.
Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, wuxuu iibsaday ku dhowaad 60,000 oo xabbo oo rasaas ah, isaga oo qorshey-nayay in uu u diro Waqooyiga Kuuriya.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsan Al-shabaab
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Al-shabaab.
labaddan xubnood ayey Maxkamaddu hore ugu xukuntay xukun dil toogasho ah.
xubnahan ayaa kala ah Saleebaan Xusen Nur Cali o magaciisa Afgarashadu ahaa Cali iyo Siyaaf.
xubinta labaad ayaa ahaa C/qaadir Abukar Axmed o magaciisa Afgarashadu ahaa Nasru-diin iyo Saabir, labada xubin ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, labadadooda oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa dilal horay uga gaystay Caasimadda.
Puntland oo sheegtay in 700 dagaalamayaal ajaanib ah lagu dilay buuraha Calmiskaad
Puntland ayaa ku dhawaqday in holgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari lagu dilay ku dhawaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah tan iyo markii howlgalkan la bilabay dabayaqadii sannadkii hore.
Puntland ayaa sheegtay in Soomaalida ku dhintay howlgalkaas ay ahaayeen shan qof oo keliya.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda, ayaa xogtan shaaca ka qaaday xilli uu wareysi siinayay telefishinka caalamiga ah ee Sky News, oo warbixin ka diyaarinayay dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish.
Dhabancad ayaa weriyaha Sky News, Alex Crawford, tusay baasaboorrada dagaalyahanno ka yimid in ka badan 20 waddan oo muwaadiniintooda u yimaaden inay Daacish u dagaalamaan. Muwaadiniintaasi waxay ka yimaadeen Yurub, Ameerika, Afrika iyo Aasiya.
Sida uu sheegay, inta badan ajaanibta u dagaalamaysay Daacish waxay dalka ku soo galeen si sharci darro ah ama qaab qaxooti, tusaale ahaan dagaalyahanno ka yimid Itoobiya oo ku soo galay Puntland iyagoo iska dhigaya qaxooti, ka dibna ku biiray Daacish.
Sidoo kale, dagaalyahanno kale ayaa si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen iyagoo adeegsanaya doomaha tahriibka, iyagoo aan wadan wax dukumeenti ah sida baasaboorka.
Puntland ayaa sheegtay in hadda la dilay 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, isla markaana tirada haatan ku harsan ay aad u kooban tahay marka loo eego Soomaalida.
Waxaan helnay madaxyada lix qof oo la soo dhigay waddada
Lix madax oo la jarjaray ayaa laga helay waddo ku taal bartamaha Mexico oo ah aag aan hore loogu baran dambiyada iyo xad-gudubyada kale ee budhcaddu gaysato.
Masuuliyiin maxalli ah ayaa sheegay in dhacdadan ay la kulmeen subaxnimadii Talaadada oo ay roondo ka samaynayen waddo isku xidha gobollada nabdoon ee Puebla iyo Tlaxcala.
Booliisku ayaan sheegin sababta dilka dadkaasi ka dambaysay mana ay xusin kooxaha dambiilayaasha ah ee Mexico ka hawlgala in ay fuliyeen iyo in kale.
Warbaahinta Maxaliga ayaa ku warrantay in goobta lagaga tagay fariin digniin ah oo ku socota kooxaha iska soo horjeeda oo sida muuqata ay saxiixeen koox lagu magacaabo "La Barredora" oo macneheedu yahay "Xaqa".
Jawaabta Israel ee heshiiska xabad joojinta Gaza oo la wada sugayo
Israel ayaa miisaameysa jawaabta ay Xamaas habeenkii Isniinta ka bixisay hindisaha xabad joojinta Gaza ee ay soo jeediyeen dalalka dhexdhexaadiyeyasha ee Qatar iyo Masar.
Hindisahan oo ah mid aad ugu eg midkii uu horey u soo jeediyay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa ku saabsan in 60 maalmood xabad joojin ah laga sameeyo Marinka Gaza, in Xamaas ay sii deyso 10 ka mid ah maxaabiista Israel ee nool iyo inay wareejiso 18 ka mid ah meydadka maxaabiista, iyadoo ku bedelaneysa in la sii daayo 200 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel iyo tiro aan la cayimin oo haween iyo carruur aan qaangaar ahayn. Maxaabiista loo soo deynayo Xamaas ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah dadka ku xukuman xabsi daa’inka iyo xabsiyada dhaadheer, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Xamaas.
Hindisaha ayaa sidoo kale soo jeedinaya in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay Xamaas ogolaato in ay wareejiso xukunkeeda Gaza iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo, balse Xamaas ay bedeshay qodobka in hubkeeda ay wareejiso, iyadoona ku bedeshay in xoogageda ay la shaqeeyaan maamulka soo socda ee Gaza loo sameynayo.
Saraakiisha Masar iyo Qatar ayaa riixayay soo jeedino lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadaladii labada dhinac ee ku aaddanaa qorshaha xabad joojinta ee Mareykanka uu taageeray, si looga hortago duulaanka cusub ay Israel sheegtay inay ku qaadeyso Gaza.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa laba sarkaal oo reer Israel ka soo xigatay in maamulku uu dalbaday in la sii daayo dhammaan maxaabiistooda, oo 20 ka mid ah ay aaminsan yihiin in ay nool yihiin.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa muddooyinkan ku gorgortamayay in maxaabiista ay ku sii wada deyn karaan, marka ay Israel ogolaato xabad joojin joogta oo wadata damaanad amni, oo ah in Israel aysan dagaalka dib u bilaabi doonin, taasoo ay diiday.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ka soo xigatay in Raysal Wasaaruhu uu hindisaha heshiiska wadatashi ka gelin doono Golihiisa Wasiirada, jawaabtana la filayo labada maalmood ee soo socda, haddii aysanba ka soo hormarin.
Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Xamaas lagu khasbay in ay aqbasho heshiiskan, balse wax jawaab ah kama bixin, haddii ay dhacdo in Israel aysan dhankeeda aqbalin.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in hindisaha xabad joojinta ee 60-ka maalmood uu ku jiri doono dariiq loo maro heshiis dhameystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Hindisaha heshiiska ayaa ogolanaya in muddada xabad joojinta ay Ciidamada Israel qayb ahaan ka baxaan Marinka Gaza iyo in gargaar dheeraad ah la geliyo dhulka go’doonsan, halkaas oo dad ka badan laba milyan oo qof ay si isa soo tareysa ugu wajahayaan macluul.
Jawaabta Israel ayaa ah mid la wada sugayo, si loo xaqiijiyo rajada toddob-aadkan dadka ku dhalatay ee in heshiis xabad joojin ah la gaari karo.
Dagaalka Gaza ayaa cambaar ku noqday dunida, sida ay ugu guuldareysatay in si dhakhsa ah loo joojiyo dembiyada dagaal ee ku dhawaad labada sano ay Israel ka gaysaneysay Marinka Gaza.
Cabsi laga qabo fashil ku yimaada natiijada kulamadii Trump iyo Putin
Aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka ayaa hoos u dhigay hadal heynta ku saabsan kulan la filyaya in ay wada yeeshaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo kan Ukrayn olodymyr Zelensky.
Kulanka la saadaalinayay ayaa daba socday iyadoo Donald Trump uu mar kale ku dhawaaqay sida uu u rabo in labada hoggaamiye ay kulmaan si ay uga wada hadlaan joojinta dagaalka Ukrayn.
Arrintan ayaa daba socota kulan laba geesood ah oo madaxweynaha Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray Alaska todobaadkii la soo dhaafay. Waxaana ku xigtay in Aqalka Cad lagu qaabilay todoba hogaamiye oo Yurub ah iyo Zelensky Isniintii.
Trump waxa uu qiray in kulanku uu ahaa "mid adag” waxa kale oo uu sheegay in ay suurtagal tahay in madaxweynaha Ruushka aanu danaynayn joojinta colaadda.
"Waxaan ogaan doonaa warka Putin labada toddobaad ee soo socda,” ayuu yidhi Talaadadii. "Waa suurtagal in aanu dooneyn in uu heshiis qaato.”
Faahfaahin ka soo baxaysa dad salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria
Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar burcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay BBC Hausa in weerarku uu dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.
"Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay," ayuu yiri nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.
"Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen."
Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruurta iyaga oo ku jira guryaha "islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof."
Si kastaba ha ahaate, Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqoyiga-galbed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.
Wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Boko Haram
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarigga ay u gaysteen ciidamada ammaanka ee dalka Chad, kaas oo lagu qabtay Muslim Muhammad Yusuf, wiilka ugu yar ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee kooxda Jama'atu Ahlis-Sunna Lidda'Awati Wal-Jihad, oo si caadi ah loogu yaqaan Boko Haram gudaha dalka Nigeria.
Sida uu sheegay cilmi-baaraha arrimaha Boko Haram ee gobolka Harada Chad, Zagazola Makama, Muslim Yusuf waxaa lagu qabtay isagoo ay weheliyaan afar xubnod oo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdaas xagjirka ah.
Makama wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee dalka Chad aysan garanaynin aqoonsiga dhabta ah ee Muslim Muhammad Yusuf xilliga la qabanayay, balse la ogaaday markii hay’adaha sirdoonka ee Nigeria ay la wadaageen xogtaas iyada oo loo marayo Multi-National Joint Task Force (MNJTF), taasoo ah howlgal ciidan oo isbahaysi ah oo lagula dagaallamo Boko Haram.
Warbixinnada ayaa sheegaya in Muslim Yusuf uu ahaa hoggaamiyaha dagaaly-ahanada Jihaad doonka ah ee ku sugan gudaha Chad, kuwaas oo muddo weerarro ka waday dalkaas. Waxa uu sidoo kale yahay walaalka ka yar ee Habib Yusuf, oo si kale loo yaqaan Abu Mus’ab Al-Barnawi, hogamiyaha kooxda ISWAP (Islamic galbeedka Afrika.
muhaajiriin Afghanistan u dhashay kana yimid Iran oo ku dhintay shil bas
Shil baabuur oo ka dhacay galbeedka Afghanistan ayaa sababay geerida 73 qof, oo ay ku jiraan 17 carruur ah, iyadoo dadka intooda badan ay saarnaayeen bas siday muhaajiriin Afghanistaaniyiin ahaa oo laga masaafuriyey Iran, sida uu xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Taliban oo la hadlay BBC Pashto.
Baska oo kusii jeeday magaalada Kabul ayaa dab qabsaday habeenimadii Talaadada kadib markii uu ku dhacay baabuur xamuul ah iyo mooto, sida uu shegay Ahmadullah Mottaqi, agasimaha warfaafinta iyo dhaqanka ee Taliban ee gobolka Herat.
Wuxuu sheegay in dhammaan dadka saarnaa baska ay dhinteen, iyo sidoo kale laba qof oo saarnaa baabuurkii iyo mootadii shilka gala ayaa dhintay.
Bishii la soo dhaafay, Iran waxay kordhisay dadaalka ay kaga saaraysay dalkeeda muhaajiriinta Afghanistan ee aan sharciga haysan, kuwaasoo ka cararay dagaalada iyo xasillooni darrada dalkooda ka taagan.
"Dhammaan rakaabkii baska waxay ahaayeen muhaajiriin kasoo raacay magaalada Islam Qala,” sida uu AFP u sheegay afhayeenka guddoomiyaha gobolka, Maxamed Yuusuf Saeedi.
Booliiska gobolka Herat waxay sheegeen in shilka uu yimid kadib "xawaare dheereeya iyo dayacaad” uu sameeyey darawalkii baska, sida ay werisay AFP.
Shilalka waddooyinka ayaa ah kuwo aad u badan gudaha Afghanistan, iyadoo waddooyinka badankood ay burbursan yihiin kaddib tobannaan sano oo colaad ah, islamarkaana sharciga wado-marista aan si adag loo dhaqan gelin.
Tan iyo 1970-meeyadii, malaayiin Afghanistiyiin ah ayaa u qaxay Iran iyo Pakistan, iyadoo uu jiray qax ballaaran xilligii duullankii Soviet-ka ee Afghanistan sanadkii 1979 iyo sidoo kale wixii ka dambeeyey markay Taliban mar kale la wareegtay talada dalka sanadkii 2021.
Arrintan ayaa sii kordhisay nacaybka iyo eexda lagula kaco muhaajiriinta Afghanistiyiin ee gudaha Iran, iyadoo qaxootiga ay la kulmaan takoorid baahsan oo nidaamsan.
Iran waxay horay u siisay waqti kama dambeys ah oo ahaa bisha Luulyo (July), si ay muhaajiriinta aan sharciga lahayn uga baxaan dalka si iskood ah.
Imisa dagaal ayuu Madaxweyne Trump si dhab ah u soo afjaray?
Iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu isku dayayo inuu heshiis nabadeed laga gaaro dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, ayaa waxaa uu si weyn u muujinayaa taariikhdiisa la xiriirta wadaxaajoodyada nabadda tan iyo markii uu bilaabay xilligiisa labaad ee xafiiskiisa.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad 18-kii Agoosto, halkaas oo hoggaamiyeyaasha Yurub ay ku cadaadiyeen xabbad-joojin laga gaaro colaadda Ruushka iyo Ukraine, Trump wuxuu sheegay: "Waxaan soo afjaray lix dagaal… dhammaan heshiisyadaas waxaan ku gaaray anigoo xitaa aan isticmaalin ereyga 'xabbad-joojin'."
Maalintii ku xigtay, tirada dagaallada uu sheegay inuu soo afjaray waxay kor ugu kacday ilaa "toddobo dagaal."
Maamulka Trump ayaa sheegaya in abaalmarinta Nabadda ee Nobel ay tahay "mid aad u soo daahday" in la siiyo "hoggaamiyaha nabadda," waxaana ay liis gareeyeen dagaallada la sheegay inuu soo afjaray.
Qaar dagaalladaasi waxay socdeen maalmo kaliya – inkasta oo ay salka ku hayeen xiisado soo jiitamayay muddo dheer – waxaana wali aan la hubin in heshiisyadaasi ay sii jiri doonaan.
Trump sidoo kale wuxuu isticmaalay erayga "xabbad-joojin" marar badan isagoo kaga hadlaya arrimahan bartiisa Truth Social.
BBC Verify waxay si dhow u eegtay dagaalladan iyo in uu Trump si dhab ah u mudan yahay in lagu amaano soo afjaridooda.
Israel iyo Iran
Colaadda 12-ka maalmood socotay waxay bilaabatay markii Israa'iil ay bartilmaameedsatay goobaha Iiraan 13-kii Juun.
Trump ayaa xaqiijiyay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu horey ugu wargeliyay duqeymahaas.
Mareykanka ayaa weeraray xarumaha nukliyeerka Iiraan – tallaabo dad badan u arkeen mid si degdeg ah u soo afjartay colaadda.
23-kii Juun, Trump ayaa soo dhigay fariin uu ku leeyahay: "Rasmiyan, Iiraan waxay bilaabi doontaa XABAD JOOJIN, 12-saacadood gudahood Israa'iilna waxay bilaabi doontaa XABAD JOOJINTA, 24-saacadood gudahood DUNIDU waxay u dabaaldegaysaa DHAMMAADKA RASMIGA AH EE DAGAALKII 12-KA MAALMOOD."
Markii dagaalku dhamaaday, Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku adkeystay in dalkiisu gaaray "guul cad", isagoo aan ka hadlin wax xabad joojin ah.
Istraa'iil waxay tan iyo markaas sheegtay in ay mar kale weerari karto Iiraan si ay uga hortagto hanjabaado cusub.
"Ma jiro heshiis rasmi ah oo nabad waarta ah ama hab lagu kormeero barnaamijka nukliyeerka Iiraan," ayuu yiri Michael O'Hanlon, oo ah khabiir sare oo ka tirsan machadka Brookings.
"Sidaas darteed waxa aan hayno waa xabad joojin aan rasmi ahayn halkii uu ka ahaan lahaa dhammaad dagaal, balse waxaan siinaa qaddarin, sababtoo ah Israa'iil oo gacan ka helaysa Mareykanka waxay si istiraatiiji ah u wiiqdda Iiraan."
Pakistan iyo Hindiya
Xiisad u dhaxeysa labada dal ee hubka nukliyeerka haysta ayaa jirtay sanado badan, balse bishii May dagaal ayaa qarxay kadib weerar ka dhacay Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho.
Kadib afar maalmood oo duqeymo ah, Trump ayaa soo qoray in Hindiya iyo Pakistan ay ku heshiiyeen "XABAD JOOJIN DHAMMEYSTIRAN OO DEGDEG AH."
Wuxuuna sheegay in tani ay ka dhalatay "habeen dheer oo wadahadallo ah oo ay dhexdhexaadisay Dowlada Marekanka."
Kashmir: Sababta ay Hindiya iyo Pakistan ugu muransan yihiin
Pakistan ayaa uga mahadcelisay Trump dadaalkiisa waxayna si rasmi ah u soo jeedisay in loo magacaabo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, iyadoo ku sheegtay inuu sameeyay "faragelin diblomaasiyadeed oo geesinimo leh."
Hindiya se way yaraysay kaalinta Mareykanka, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Vikram Misri uu ku sheegay:
"Wadahadallada ku saabsan joojinta howlgalka milatari waxaa si toos ah u yeeshay Hindiya iyo Pakistan iyadoo loo marayo kanaalada jira ee labada ciidan u dhexeeya."
Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo
Colaado soo jireen ah oo u dhexeysay labada waddan ayaa cirka iskusii shareeray kadib markii kooxda fallaagada ah ee M23 ay qabsatay dhul hodan ku ah macdanta oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo horraantii sanadkan.
Bishii Juun, labada dal waxay heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen magaalada Washington, heshiiskaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro tobannaan sano oo colaado ah. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu kor u qaadi doono ganacsiga u dhexeeya labada dal iyo Maraykanka.
Qoraalka heshiiska ayaa ugu baaqay in la ixtiraamo xabbad-joojintii la isku afgartay bishii Agoosto 2024 ee u dhaxaysay Rwanda iyo DRC.
Tan iyo markii la gaaray heshiiskii ugu dambeeyay, labada dhinacba waxay isu eedeeyeen inay jebiyeen xabbad-joojinta, halka kooxda M23 – oo UK iyo Mareykanku ay ku sheegeen in ay xiriir la leedahay dowladda Rwanda – ay hanjabeen inay ka baxayaan wadahadallada nabadeed.
"Welina waxaa socda dagaal u dhexeeya Congo iyo Rwanda – sidaas darteed xabbad-joojintu waligeed si dhab ah uma dhaqangalin," ayay tiri Margaret MacMillan, oo ah borofaysar taariikhda ka dhigi jirtay Jaamacadda Oxford.
Thailand iyo Cambodia
26-kii Luulyo, Trump ayaa farriin ku qoray bartiisa Truth Social isagoo yiri:
"Waxaan hadda wacayaa Ra'iisul Wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Thailand, si aan ugu codsado xabbad-joojin iyo in la soo afjaro dagaalka hadda socda."
Maalmo yar kadib, labada dal ayaa ku heshiiyay "xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn" kaddib toddobaad uu dagaal ka socday xadka labada waddan.
Wadahadallada nabadeed waxaa qabtay Malaysia, balse Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu joojin doono wadahadallo gaar ah oo ku saabsanaa dhimista canshuuraha Maraykanku saaro badeecadaha soo galaya, haddii aysan Thailand iyo Cambodia joojin dagaalka.
Labada dalba waxay si weyn ugu tiirsan yihiin u dhoofinta badeecadaha Maraykanka.
7-dii Agoosto, Thailand iyo Cambodia waxay gaareen heshiis lagu yareynayo xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan.
Armenia iyo Azerbaijan
26-kii Luulyo, Trump ayaa farriin ku qoray bartiisa Truth Social isagoo yiri:
"Waxaan hadda wacayaa Ra'iisul Wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Thailand, si aan ugu codsado xabbad-joojin iyo in la soo afjaro dagaalka hadda socda."
Maalmo yar kadib, labada dal ayaa ku heshiiyay "xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn" kaddib toddobaad uu dagaal ka socday xadka labada waddan.
Wadahadallada nabadeed waxaa qabtay Malaysia, balse Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu joojin doono wadahadallo gaar ah oo ku saabsanaa dhimista canshuuraha Maraykanku saaro badeecadaha soo galaya, haddii aysan Thailand iyo Cambodia joojin dagaalka.
Labada dalba waxay si weyn ugu tiirsan yihiin u dhoofinta badeecadaha Maraykanka.
7-dii Agoosto, Thailand iyo Cambodia waxay gaareen heshiis lagu yareynayo xiisadda ka taagan xadka ay wadaagaan.
Bishii Agoosto, Trump wuxuu ku martigeliyay Aqalka Cad madaxweynaha Azerbaijan iyo ra’iisul wasaaraha Armenia.
Masar iyo Itoobiya
Markaan ma jiro dagaal uu madaxweynuhu joojiyay, balse muddo dheer ayaa khilaaf xooggan uu ka jiray biyo-xireenka webiga Nile.
Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, oo loo yaqaan "Grand Ethiopian Renaissance Dam", ayaa la dhammeeyay xagaagan, iyadoo Masarna ay sheegtay in biyaha ay ka hesho webiga Nile ay halis ku jiraan.
Ka dib 12 sano oo khilaaf ah, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay 29-kii Juun in wadahadalladii Itoobiya ay istaageen.
Trump wuxuu yiri: "Haddii aan Masar ahaan lahaa, waxaan rabaa biyaha Nile." Wuxuuna ballanqaaday in Mareykanku si degdeg ah u xallin doono arrinta.
Masar waxay si wanaagsan u soo dhaweysay hadalka Trump, laakiin saraakiisha Itoobiya waxay sheegeen in hadalkiisu uu khilaafka sii hurin karo.
Ilaa hadda lama gaarin heshiis rasmi ah oo u dhexeeya Masar iyo Itoobiya si loo xalliyo khilaafkooda.
Serbia iyo Kosovo
27-kii Juun, Trump wuxuu sheegay inuu ka hortagay dagaal ka dhex qarxa Serbia iyo Kosovo, isagoo yiri: "Serbia, Kosovo way isku dhici lahaayeen, dagaal weyn baa dhici lahaa. Waxaan iri haddii aad dagaalataan, ganacsi lama lahaan doontaan Mareykanka. Markaas bay yiraahdeen, bal yaannan dagaalamin."
Labada dal waxaa muddo dheer ka dhexeeyay muran — taas oo salka ku haysa dagaalladii Balkans ee 1990-meeyadii — iyadoo xiisaduhuna ay kor u kacayeen sanadihii dambe.
Prof MacMillan ayaa noo sheegay: "Serbia iyo Kosovo ma dagaalamayaan ama ma is rasaaseynayaan, markaa ma aha dagaal la joojinayo."
Aqalka Cad wuxuu tilmaamay dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump intii uu xilka hayay.
Labada dal waxay saxiixeen heshiisyo dhaqaale oo ku saabsan soo celintaa xiriirkooda, kuwaas oo lagu saxiixay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad sanadkii 2020, balse waqtigaas dagaal kama dhexeyn.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-08-25
,,,,