Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Al-shabaab

0
Sunday August 10, 2025 - 16:32:34 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Al-shabaab

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab Al-Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab Al-Shabaab. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Al-shabaab, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Al-shabaab ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka. Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Al-shabaab ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip