Dowladda oo dhaqangelisay nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

0
Sunday August 10, 2025 - 16:28:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo dhaqangelisay nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday hirgelinta Adeegga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dijitaalka ah ee mideysan, kaas oo hadda ka shaqaynaya 19 degmo oo ku kala yaalla Dowlad Goboleedyada Jubb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday hirgelinta Adeegga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dijitaalka ah ee mideysan, kaas oo hadda ka shaqaynaya 19 degmo oo ku kala yaalla Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, iyo Gobolka Waqooyi Bari. Degmooyinkaas waxaa ka mid ah: Caabudwaaq, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Balcad, Warsheekh, Buuloburde, Baladweyne, Jowhar, Afmadow, Buuloxaawo, Dhoobley, Garbahaarey, Kismaayo, Baraawe, Diinsoor, Waajid, Xudur, iyo Laascaanood. Nidaamka cusub wuxuu u oggolaanayaa maamulka deegaanada in si dijitaal ah loo diiwaangeliyo dhalashooyinka, guurka, furriinka, iyo dhimashada, iyadoo dhammaan xogaha lagu kaydinayo keyd qaran oo dhexe. Masuuliyiintu waxay sheegeen in tani ay ka caawin doonto in laga gudbo caqabadaha muddada dheer ka jiray helitaanka dukumentiyada rasmiga ah isla markaana la hagaajiyo adeeg bixinta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip