halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-08-25

0
Monday August 04, 2025 - 08:26:29 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-08-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala warejiyay Mudane Abdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxw-eynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Gudoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah ee‘ Indra Gandhi’ ku soo dhaweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Safaarada oo uu hogaaminayo Lataliyaha Koowaad ahna Safiir Ku-Xigeenka, Mr. Cali Axmed Maxamed; Lataliyaha Labaad Mr. Cusman Maxamed Ibraahim, Iyo Xoghayaha Koowaad Mr. Maxamed Cabdi Ibraahim ayaa diblomaasiyiinta ku soo dhaweeyey madaarka.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta ay joogaan Dalka Hindiya waxay ka qayb gali doonaan tababar gaara oo loogu talo galey diblomaasiyiinta wadamada saaxii-badda dhaw la’ah Dalka Hindiya.

Tababarkan oo ka qabsoomi doona ‘Sushma Swaraj Institute of Foreign Service ‘, New Delhi, ayaa socon doona inta udhaxaysa 04- 13 Ogosto 2025.

Safaaradda J.F.S ee Hindiya waxay mar labaad u mahad celineysaa Dawladda Hindiya, doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso kor u qaadida tayada iyo aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha laga qaaday Md. Xuseen Cabdullaahi Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Agaaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar Md. Maxamed Aadan Afrax in uu dardargeliyo shaqada iyo horumarinta waaxda.

Isu soo bax lagu taageerayo Falastiiniyiinta oo ka dhacay Sydney

Mudaaharaad lagu taageerayo Falastiiniyiinta oo la qorsheeyay oo lagu qabtay Buundada Sydney Harbor ayaa sii socday ka dib markii ay fasaxday Maxkamadda Sare hal maalin ka hor, taasoo qabanqaabiyayaasha ay ugu yeereen go'aan "taarikhi ah".

Tobanaan kun ayaa isugu soo baxay March for Humanity (isu imaatinka bani’aadannimada) shalay inkastoo roobab mahiigaan ah ay da'ayeen - iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay siteen boorar ay ku qoran yihiin fariimaha siyaasiyiinta si ay u joojiyaan dagaalka.

Aasaasihii WikiLeaks Julian Assange ayaa lagu dhex arkay mudaaharaada-yaasha, iyada oo ay weheliyaan dad kale oo caan ah oo ay ka mid yihiin xildhibaan federaal ah Ed Husic iyo Premier hore ee NSW Bob Carr.

Buundada Harbor ee Sydney ayaa markii ugu dambeysay loo xiray kulan dadweyne sanadkii 2023, markii ilaa 50,000 oo qof ay socod ku mareen waddada caanka ah oo lagu taageerayay dadka isku jinsiga ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo qorsheynaya dib ula wareegista degmada Maxaas

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ka bilaabay deeganada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan abaabul xoogan oo ay ku doonayaan iney kooxda Al-shabaab kaga saaraan degmada Maxaas.

Ciidamada iskaashanaya oo 27-kii bishii lasoo dhaafay lagala wareegay degmada Maxaas ayaa haatan bilaabay qorshahii ay markale dib ugula wareegi lahayeen degmada istaraatiijiga ah ee Maxaas.

Abaabulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaanada hoostaga Maxaas ay si weyn u buux dhaafiyeen ciidamada Macawiisleyda oo isaga kala yimid deeganada iyo degmo-yinka gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney u diyaar garoobeen dib u xureynta deegaanada ku yaala gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaate dhaqdhaqaqyadan ciidan ee markale dib uga bilaawday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay ee July Maleeshiyaadka Al-shabaab ay la wareegeen degmooyinka Moqokori iyo Maxaas oo ahaa laba degmo oo muhiim u ahaa la dagaalanka Al-shabaab.

Soomaaliya oo kaalinta 2aad ka gashay dalalka Afrika ee kooxaha xagjiriinta ka geysteen dhimashada ugu badan

Weerrarada kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala qaaradda Afrika ayaa sababay dhimashada in ka badan 155,000 qof tobankii sano ee la soo dhaafay, iyagoo weli ah kuwa ugu firfircoon ee sababaya xasilooni-darro baahsan, sida lagu sheegay warbixin cusub o kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS).

Warbixintu waxay muujinaysaa in inta u dhaxaysay 2016 ilaa 2019, celcelis ahaan 10,774 qof ay sannadkii u dhinteen weerarro la xiriira kooxahan, waxaana inta badan dhibaatadu ka dhacday Saaxilka, Soomaaliya, Waqoyiga Afrika, Mozambique iyo aagga harada Chad. Intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022, tiradaasi waxay kor ugu kacday 13,950, halka laga bilaabo 2022 ilaa 2025 ay sare u dhaaftay 22,315 sannadkii.

Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya, 22,307 qof ayaa lagu dilay weerarro lala xiriirinayo kooxahan, waana heerkii ugu sarreeyay ee la diiwaangeliyo tan iyo 2023. Saaxilka ayaa kaalinta koowaad galay iyadoo halkaas lagu dilay 10,685 qof, halka Soomaaliya ay kaalinta labaad ku jirto iyadoo laga diiwaangeliyay 7,289 dhimasho. Marka lagu daro harada Chad, saddexdan gobol ayaa ka dhigan 99% dhammaan dhimashooyinka lala xiriirinayo kooxaha mintidiinta Afrika sanadkii la soo dhaafay.

ACSS waxay sidoo kale sheegtay in kooxahan ay ballaariyeen dhulalka ay ka taliyaan, gaar ahaan Soomaaliya iyo Saaxilka, iyadoo ay haatan jiraaan ku dhowaad 950,000 km² oo dhul ah.

Intii lagu guda jiray tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya iyo dalalka ku teedsan harada Chad (Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger) ayaa ahaa goobaha ugu dhimashada badan, laakiin tan iyo 2022, Saaxilka ayaa noqday meesha ugu dhimashada badan, iyadoo hadda Soomaaliya iyo Saaxilka mid walba laga diiwaangeliyay in ka badan 49,000 dhimasho, halka aagga harada Chad laga diiwaangeliyay ku dhowaad 39,000.

ACSS waxay ku adkaysatay in dhacdooyinkan ay muujinayaan baahida loo qabo feejignaan joogto ah si loo hor istaago isku xirka sii xoogaysanaya ee kooxaha xagjiriinta ee Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay, iiyo DFS oo taageertay

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa habeen hore martigelisay munasabad taariikhi ah oo lagu saxiixay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay kadib saxiixa hogaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabada lagu ansixiyay dastuurkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), kaas oo si weyn u bogaadiyay tallaabadan, kuna tilmaamay "heshiis bulsho oo udub dhexaad u ah dowlad-dhis la mahadiyo.”

Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhigayaa in maamulka uu aqoonsan yahay jiritaanka Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, taas oo muujinaysa mowqif siyaasadeed oo si cad u qeexan.

Dastuurku sidoo kale waxa uu sheegaya in maamulka uu xukumo dhul gaaraya 200 mayl oo badeed, isla markaana uu yahay maamul furan oo u diyaar ah in lagu soo biiro.

Qorshaha Xiga ee Maamulka Cusub aya ah In la qabto doorashada Barlamanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo noqon doonta tallaabada koowaad ee dhismaha hay’ado sharci-dejin rasmi ah.

Doorashada Madaxweynaha maamulka, oo dhici doonta kadib marka la dhiso baarlamaanka, si loo helo hoggaan rasmi ah oo loo dhan yahay.

Dhismayaal dowladeed iyo hay’ado adeeg, si loo bilaabo bixinta adeegyada bulshada sida cafimadka, waxbarashada iyo ammaanka.

Qorshe la xiriira la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in maamulka yeesho xiriir sharci ah oo ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha dowladda dhexe.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa sheegay in maamulka cusub uu noqon doono "mid nabad ku dhisan, siyaasaddiisuna tahay mid lagu dhisayo heshiis iyo wada-tashi.”

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loo arkaa mid ku imaanaya xilli xasaasi ah oo ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo is-bedbedel dhinaca maamulka ah gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo dad badan ay arrintan ku tilmaamayaan fursad lagu hagaajin karo ka qaybgalka siyaasadeed iyo hormarinta bulshada gobolka.

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile.

Koox hubeysan ayaa habeen hore weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in haben hore ay ahayd "haben cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

"Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ireland oo diiday in xabsiga laga sii daayo Diblomaasi Soomaali ah oo ka titsan safaarada Sucuudiga

Diblumaasi Soomaali ah ayaa u gudbiyay maxkamadda sare ee Ireland dacwad ka dhan ah xarigiisa, kadib markii lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Dublin, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa tahriibinta dadka.

Diblumaasigan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiladiif Xuseen, kana tirsan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Riyadh, Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska Ireland isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha Dublin 26-kii November ee sanadkii hore.

Isla maalintaas ayaa waxaa la geeyay Maxkamadda degmada Dublin, halkaasoo lagu soo oogay laba dacwadood oo ku saabsan tahriibinta dadka, iyadoo la raacayo Xeerka Cadaaladda Dambiyada ee soo baxay 2021, falka loo heysto waxa uu ka dhacday Terminal-ka koowaad ee garoonka Dublin.

Isla maalintaas ayaa sidoo kale lagu soo oogay laba eedeymo oo kale oo isla xeerkaas ku saleysan.

Bishii Janaayo ee sanadkan, maxkamadda degmada ee Cloverhill ayaa markale ku soo oogtay afar dacwadood oo kale oo ku saabsan tahriibinta dadka, kuwaasoo la sheegay inay ka dhaceen Terminal-ka labaad ee garoonka Dublin 6-dii November iyo 30-kii September ee sanadkii hore.

Mr. Xuseen weli ma uusan qaadan wax mowqif ah (ma uusan qiran ama diidin dambiyadaas) dhamaan sideeda eedeymood.

Qareenka Mr. Xuseen, Barry Ward SC, ayaa Isniintii u sheegay Maxkamadda Sare in macmiilkiisa si Sharci-darro ah loogu hayay Ireland tan iyo bishii November, isla markaana uu xaq u leeyahay xasaanad diblumaasiyeed. Inkastoo dhinaca dowladda aan lagu metelin fadhiga maxkamadda, Mr. Ward wuxuu u sheegay Garsoore Marguerite Bolger in Mr. Hussein uu xilliga la xirayay ku safrayay baasaboorka diblumaasiga ah.

Mr. Ward wuxuu Maxkamadda Sare ka codsaday in la siidaayo Mr. Xuseen oo haatan ku xiran xabsiga Cloverhill. Jimcihii, Faisal Sadiq Khan oo ka tirsan xafiiska qareennada FSK Solicitors, ayaa warqad u diray maamulaha xabsiga, isagoo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo Mr. Xuseen, iyadoo lagu saleynayo Qodobka 40.4.2 ee Dastuurka Ireland, oo khuseeya sharciyadda xarriga qofka.

Codsigaas waxaa diiday maamulka xabsiga, oo sheegay in siidayntiisu u baahan tahay amar maxkamadeed.

Qareennada Mr. Xuseen waxay ku doodayaan in uu xaq u leeyahay xasaanad diblumaasiyeed, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed ee 1961, oo sidoo kale lagu dabaqay sharciga Ireland.

Bayaan rasmi ah oo maxkamadda loo gudbiyay, Mr. Khan wuxuu ku sheegay in Mr. Xuseen uu yahay "wakiil diblumaasiyeed” sida uu qeexayo Heshiiska Vienna.

Mr. Xuseen wuxuu dacwaddan ka dhanka ah xarrigiisa ka gudbiyay Agaasimaha Dacwad-Oogaha Guud iyo maamulaha xabsiga Cloverhill. Arrinta ayaa markale hortimid Maxkamadda Sare usbuucan gudihiisa.

UK oo lagu xiray dad ka bannaan baxayay soo-galootiga

Ilaa 15 qof ayaa la xiray ka dib mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dalka Ingiriiska oo lagu qabtay banaanka hoteello ay deggenaayeen dadka magangelyo-doonka ah.

Kooxaha ka soo horjeeda soogalootiga iyo kuwa ka dhanka ah mudaaharaadayaasha ayaa isku dhacay gudaha London iyo Newcastle, iyo ka hor isu soo bax ka dhici lahaa bartamaha magaalada Manchester.

Sagaal qof ayaa lagu xiray caasimadda, oo toddobo ka mid ah ay ku xad-gudbeen sharciga nidaamka dawliga ah, bilayska caasimadda ayaa sheegay.

Mudaaharaadyo xiriir ah oo ka dhacay bannaanka hoteellada muhaajiriinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday UK.

Aniga xitaa ma ogi halka lagu keydiyay yuraaniyumta: Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araqchi ayaa sheegay in xitaa uusan garanayn halka lagu hayo yuraaniyumta la horumariyay ee laga saaray xarumaha nukliyeerka Iiraan.

Waa in la xusuustaa in ka dib dagaalkii ay la galeen Israa’iil iyo weerarradii Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, saraakiisha Iiraan waxay ku andacoodeen in yuraaniyumta hodanka ah laga saaray xarumahaas ka hor weerarrada.

Wareysi uu dhawaan siiyey joornaalka caalamiga ah ee Financial Times, Araqchi waxa uu sheegay in aanu garanayn halka lagu kaydiyo yuraaniyumta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku andacoodey in Iiraan ay weli leedahay awoodda ay ku hodmin karto yuraaniyumteeda.

"Dhismaha dib ayaa loo dhisi karaa, baabuurta waa la beddeli karaa sababtoo ah waxaan haysannaa tignoolajiyadda."

Waxa uu sheegay in Iiraan ay leedahay saynisyahanno iyo farsamo-yaqaanno badan oo hore uga soo shaqeeyay xarumahan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in goorta iyo sida Tehran ay dib ugu bilaabayso kobcinta yuraaniyumta ay ku xiran tahay duruufaha.

Mar sii horreysay, sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan ayaa sheegay in marka loo eego qiyaasaha hay’adaha sirdoonka Israa’iil, Iiraan aysan ka saarin kaydka yuraaniyumta lagu tayeeyey ee xarumaha nukliyeerka ee Fordo, Nazan iyo Isfahan oo ay weli halkaas yaallaan.

Ruushka iyo Ukraine oo isku fara saaray meel u dhow Badda Madow

Gantaalka Ruushka ayaa burburiyay guryo iyo dhismayal rayid ay deganayen oo ku yaalla magaalada koonfurta Ukraine ku taalla ee Mykolaiv, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen magaalada u dhow Badda Madow, oo marar badan ay duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay sawirrada dab-damiskii goobta ku sugnaa kaddib markii uu gantaalku dhacay. Gelinkii hore ee Axadda dab weyn oo kayd shidaal ka billowday ayaa ka kacay meel u dhow goobta loo tamashlaha tago ee Badda Madow ee Ruushka ee Sochi – oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku eedeeyeen weerar ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Gegida diyaaradaha ee Sochi ee isla aagga - degmada Adler - duulimaadyadii ayaa la joojiyay.

Barasaabka gobolka Krasnodar Veniamin Kondratyev ayaa ku sheegay barta Telegram in haraaga diyaarada ay ku dhaceen haan shidaal, 127 dabdamis ayaana la tacaalayay dabka.

Netanyahu oo Xamaas ku eedeeyay arrin hadal-heyn ka dhalisay Israa'iil

Muuqaalka labo maxbuus oo Israa’iili ah oo laga duubay muuqaallo ay sii daayeen kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa, ayaa dareen naxdin leh ka dhaliyay Israa’iil, waxaanay taasi keentay in dib loo soo celiyo baaqyo ku aaddan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu so afjarayo dagalka socda, maxabiistana dib loogu celiyo qoysaskoda, xilli ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka digayaan khatarta macluul ee Marinka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ku sheegay inuu la hadlay qoysaska maxaabiista Rom Braslavsky iyo Eviatar David, kuwaas oo ka soo muuqday muuqaallada iyagoo u muuqda kuwo xaaladdooda ay aad u liidato ka dib ku dhawaad 22 bilood oo ay afduub ku haysteen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay "in Netanyahu uu muujiyay sida uu uga naxay qoraalka ay daabaceen ururada argagixisada ah ee Xamaas iyo Islamic Jihad” isagoo carabka ku adkeeyay in "dadaallada ay sii socdaan iyadoo aan kala go' lahayn si loo soo ceshado dhammaan la haystayaasha."

Intii uu socday wadahadalka uu la yeeshay qoysaska maxaabiista, Netanyahu wuxuu cambaareeyay "arxandarrada Xamaas", isagoo ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa "in ay si ula kac ah gaajo ugu dilayaan maxaabiista" oo ay u diiwaangeliyeen dhibaatooyinkooda si "qaab daran" sida uu tilmaamay.

Xamaas oo diidday inay hubka dhigto shuruud adagna ku xirtay

Xamaas waxay mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa'iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.

Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay "muujisay diyaar garowgeeda" inay hubka dhigto.

Isras'iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.

Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa'iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dowladaha Carabta ayaa ku boorriyay Xamaas inay hubka ka dhigaan oo ay dhiibaan maamulka Gaza, ka dib markii dalal badan oo reer galbeed ah - oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Kanada - ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin. UK waxa ay sheegtay in aqoonsan doonto dowlad Falastiin ahhaddii Israa'iil ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood marka la gaaro Sebtembar.

Xamaas oo ah koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, UK, iyo Midowga Yurub — waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka tanaasuli karin "xaquuqda iska-caabinta iyo hubkeeda" ilaa la aasaaso "dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si buuxda u leh karaamadeeda, oo ay caasimad u tahay Qudus."

Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Israa'iil ee IDF, Jenaraal Eyal Zamir, ayaa Jimcihii ka digay inuusan joogsan doonin dagaalka Qasa hadii wadaxaajoodyada fashilmaan oo si deg deg ah loogu xaqjiiqin sii dayn lahaystayaasha ay Xamaas haysato.

Sabtidii, qoyska la hayste Evyatar David ayaa soo saaray bayaan kaddib markii Xamas ay sii daysay muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya isaga isagoo shaadh la'aan ah, aad u caatoobay, kuna jira god mugdi ah.

Qoyska ayaa ku eedeeyay Xamaas inay gaajeyneysiiyeen isaga si uu qayb ugu noqdo been abuura, waxayna ka codsadeen dowladda Maraykanka iyo Israa'iil inay sameeyaan wax kasta oo suuragal ah si loo badbaadiyo.

Witkoff ayaa booqanayay Israa'iil l xilli dowladda uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay wajahayo cadaadis isa soo taraya oo la xiriira xaaladda bini'aadantinimo ee kasii daraysa ee gudaha Qasa.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Qasa ay ka jirto gaajo dad sameysay oo baahsan, waxayna eedda dusha uga tuureen Israa'iila, oo gacanta ku haysa dhammaan sahayda gasha dhulkaasi. Israa'iil ayaase ku adkeysatay inaysan jirin wax xayiraad ah oo saaran caawimada bini'aadantinimo, iyadoo sheegtay inaysan jirin "gaajo" halkaas ka jirta.

Horraantii sabtidii, Witkoff wuxuu magaalada Tel Aviv kula kulmay qoysaska Israa'iiliyiinta ee weli lagu haysto gudaha Qasa.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Wakiilka Maraykanka ee wadaxaajoodka isagoo si diirran loogu soo dhaweeyay sacab iyo codsiyo gargaar ah markii uu yimid barxad caan ku noqotay bannaanbaxyada la xiriira la haystayaasha.

Witkoff wuxuu sheegay in dadaallada nabadeed ay tahay in diiradda lagu saaro soo afjaridda colaadda iyo soo celinta dhammaan la haystayaasha, halkii laga raaci lahaa waxa uu ugu yeeray "heshiis qayb ah"

Intii uu safarkiisa ku guda jiray, Witkoff wuxuu Khamiistii la kulmay Netanyahu, Jimcihiina wuxuu kormeeray xarun gargaar oo ku taalla koonfurta Qasa oo si weyn loo dhaleeceeyay.

Tirooyinka ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,373 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyagoo raadinaya cunto tan iyo dabayaaqadii bisha Maajo.

Inta badan dadkaasi waxaa lagu dilay meelaha sahayda lagu qeybiyo ee ku dhow xadka, gaar ahaan kuwa uu taageerayo mashruuca Gargaarka Qasa ee ay maalgelinayaan Israel iyo Mareykanka, sida ay sheegtay QM.

Israa'iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay fowdo ka abuurayso agagaarka goobahaasi, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda aysan si ula kac ah u beegsan rayid.

Milatariga Israa'iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hogaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii October 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 60,000 oo qof ayaa tan iyo markii lagu dilay Qasa, 169 qof oo ay ku jiraan 93 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas

Xigasho BBC

 

Maxay tahay "Gacanta Dhimatay" ee uu sarkaalka Ruushka kaga careysiiyay Trump?

"Trump waa inuu xusuustaa sida ay khatar u tahay gacanta dhimashada halyeeyga ah," waa weedh uu madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, u jeediyay Mareykanka, taasoo caro gelisay Aqalka Cad isla markaana dib u xasuusisay Dagaalkii Qaboobaa.

Hadalka uu jeediyay Medvedev, oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Amniga Qaranka ee Ruushka, ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Ruushka u qabtay waqti kama dambeys ah si uu dagaalka Ukraine ku hayo u joojiyo.

Hadallada kicinta ee adag

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in la diro labo Markab oo nooca gunisyada qaada Nukliyeer ah, taasoo jawaab u ah "daandaansi" hadal uu jeediyay sarkaal Ruush ah.

Elena Suponina, oo ah la-taliye ka tirsan Xarunta Daraasaadka Caalamiga ee Ruushka, ayaa BBC u sheegtay in hadallada Medvedev ay ahaayeen kuwo "aad u af-adag," iyadoo xustay inuu tilmaamay awoodda Ruushka iyo haynta hubka nukliyeerka.

Inkastoo hadalkii Medvedev ay ahaayeen kuw "ka baxay waddadii saxda ahayd," Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa dejiyay xiisadaha wuxuuna muujiyay in Moscow ay diyaar u tahay wadahadalka Washington iyo inay sii wado wadaxaajoodka Ukraine, sida ay Suponina sheegtay.

Muxuu yahay nidaamka "Gacanta Dhimatay"?

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa ku tilmaamtay gacanta dhintay inay tahay nidaam ka hortagta nukliyeerka kaas oo bixiya weerarro aargoosi oo baaxad leh oo nukliyeer ah haddii ay dhacdo weerar.

Midowgii Soofiyeeti, nidaamka waxaa loogu yeeri jiray " xad-dhaaf," halka wadamada Galbeedka, intii lagu guda jiray Dagaalkii Qaboobaa ee qarniyadii la soo dhaafay, loogu yeeri jiray "gacanta dhimashada."

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ku qeexay "Gacan Dhimatay" inay tahay nidaam xakameynaya hubka nukliyeerka oo iswada oo uu sameeyay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa si loo xakameeyo hubkeeda nukliyeerka. Sidoo kale waa nidaam talis ah oo sir ah oo Ruush ah oo nukleer ah oo loogu talagalay in lagu rido gantaalada nukliyeerka ee Moscow haddii ay dhacdo in amarkeeda la jebiyo "cadowga." Khabiir milatari oo Maraykan ah ayaa ku tilmaamay "Mashiinka Qiyaamaha".

Warbixinta New York Times

Sanadkii 1993, New York Times waxay daabacday wareysi ay la yeelatay khabiir Mareykan ah oo ku takhasusay arrimaha milatariga Ruushka, Ross Blair, kaas oo uu ku sheegay in Ruushku haysto nidaam kombuyuutar oo awood u leh in uu si toos ah u rido hubkiisa Nukliyeerka ah wakhtiga dagaalka, haddii taliyayaasha milatarigu ay dhinteen ama ay awoodi waayeen inay hagaan dagaalka.

Brown, oo tobanaan wareysiyo ballaaran la yeeshay saraakiisha iyo masuulliyiin ku lugta leh hubka Ruushka iyo qalabka la xiriira, ayaa ku tilmaamay nidaamka "mashiinka qiyaamaha." Wareysigu waxa uu dhaliyay muran ku saabsan sax ahaanshaha nidaamkan.

Hay'adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka ayaa warbixin ay soo sartay sanadkii 2017-kii ku sheegtay in talisyada Ruushka iyo nidaamyada xakamaynta loo qorsheeyay xaaladaha ugu xun.

Waxa uu sharaxay in nidaamyadani ay yihiin kuwo loo sameeyay si ay awood ugu yeeshaan faafinta amarrada soo-bandhigidda inta lagu jiro weerarka nukliyeerka iyada oo loo marayo nidaamyo dhowr ah, oo ay ku jiraan nidaamka "Perimeter".

"Moscow waxa ay ilaalisaa nidaamka Wareegtada, oo loogu talagalay in lagu hubiyo in amarka soo saarista aargoosiga la soo saari karo haddii weerar Nukliyeer ah lagu qaado Ruushka," ayaa lagu yiri warbixinta.

Sannadkii 2011-kii, taliyaha ciidamada gantaalaha istiraatijiyadeed ee Ruushka Sergei Karakayev ayaa waraysi siiyay wargeyska maxaliga ah ee Komsomolskaya Pravda.

Sarkaal ka tirsan militariga Ruushka ayaa sheegay in nidaamka "Perimeter" uu ka jiray Midowga Soofiyeeti, isagoo xusay in "nidaamku uu shaqeynayo welina uu nool yahay".

Sharraxaad xiiso leh

Falanqeeyaha militariga Ruushka Sergei Shashkov ayaa BBC u sheegay in nidaamkan uu ogolaanaya in gantaallada Nukliyeerka ballistic-ga Ruushka si toos ah loogu rido bartilmaameedyadooda xitaa haddii la burburiyo dhammaan xarumaha taliska. Laakiin Shashkov ayaa shaki ka muujiyay xisaabaadka maamulka, isagoo yiri, "Ma jiraan wax la isku halayn karo."

Dhankeeda Suponina waxay BBC u sheegtay in magaca iyo sharraxaadda nidaamkaasi ay yihiin "kuwa xiiso weyn leh" isla markaana lagu xuso filimada, suugaanta, iyo qaar ka mid ah khubarada.

Suponina waxay sheegtay in nidaamka "Gacanta Dhimashada" uu yahay nidaam kormeera hubka nukliyeerka si loo xakameeyo hubkaas loona hubiyo inaysan si shil ah ama qalad ah u dhicin.

Sidee u shaqeysaa "Gacanta Dhimatay"?

Warbixin lagu daabacay wargeyska ay maamusho dowladda Ruushka ee Rossiyskaya Gazeta ayaa lagu sheegay in hay'adaha sirdoonka shisheeye ay awoodeen, tobanaan sano, inay aqoonsadaan kaliya mabaadi'da guud ee nidaamka hawlgalka.

Sannadkii 1993-kii, khabiirka Maraykan ah Blair, ayaa sheegay in nidaamka Ruushka loo qorsheeyay in ay ku shaqeeyaan taliyayaasha ciidamada marka ay xaalad adagi jirto, iyo in aragti ahaan uu nidaamku tallaabo qaadi doono oo keliya haddii dareemayaasha ay ogaadaan weerar Nukliyeer ah oo lagu qaaday Moscow.

"Nidaamkani waxa uu ku shaqeeyaa wax yar ama aan lahayn kormeer bini'aadmi ah, waxa uu u diri karaa farriimo qarsoodi ah kumanaan mayl ciidamada milatariga, waxana uu ridi karaa gantaalaha nukliyeerka iyada oo aan la helin caawinaad bini'aadan," ayuu yiri Blair, isaga oo intaa ku daray in nidaamka "uu u nugul yahay khaladaadka."

Mareegta Militariga, oo ka hadasha wararka militariga Mareykanka, ayaa sheegay in nidaamka uu soo ridi karayo gantaal la hagayo oo wata madaxa dagaalka raadiyaha, kaasoo u gudbiya amarada ridista saldhigyada nukliyeerka Ruushka, xitaa marka ay jiraan faragelin raadiyo.

Wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka, Sputnik, ayaa werisay in nidaamka la casriyeeyay si uu u ogaado ridida gantaallada ballistic-ga ee lagu soo jeediyo Ruushka iyada oo loo marayo dayax-gacmeed, isla markaana si degdeg ah u gudbiyo amarro hay'adaha kale ee mas'uulka ka ah ka-hortagga weerarrada gantaallada.

Xigasho BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip