Agaasimaha hay'adda socdaalka oo la kulmay madaxweynaha Booliska federaalka Jarmalka

0
Tuesday July 29, 2025 - 12:29:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha hay'adda socdaalka oo la kulmay madaxweynaha Booliska federaalka Jarmalka

    Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Booliiska Federaalka Ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka iyo mas'uuliyiin kale oo ka kala socday hay'adaha u xilsaaran socdaalka iyo amniga xuduudaha dalkaas. Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray qodobbada soo socda: Xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha ka wada shaqeeya socdaalka iyo amniga. Casriyeynta adeegyada HSJ, sida: dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga. Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah. Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah. Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka. Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ. Horumarinta garoomada caalamiga ah ee Soomaaliya. Kulanka miro-dhalka ah ayaa lagu xallin doonaa caqabadaha jira, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarrada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka. Intii uu socday booqashada, Agaasimaha Guud ee HSJ iyo wafdigiisa waxaa loo bandhigay hannaanka ay hay'adaha Jarmalka u maareeyaan socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berlin, halkaas oo ay ku arkeen shaqooyinka maalinlaha ah iyo qalabka casriga ah ee lagu hawlgalo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip