halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-07-25

0
Tuesday July 22, 2025 - 09:26:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 22-07-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Maamulka gobolka Banaadir oo go’aan ka soo saaray dhul-boob lagu hayey suuqa Bakaaraha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shalay kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada iyo in uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yiri: "Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkaan, mana jiro qof ama dad idin barakicin karta ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkaanna waxaan leeyahay iimaanka Alle ha idin geliyo”

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xadgudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida; Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale, isagoo digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyada been-abuurka ah oo rabo in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka shalay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda mudane Maxamed Axmed Diiriye, Agaasimaha Waaxda Suuqyada mudane Nuur Xuseen Xasan iyo Guddoomiyaha degmada Hawl-wadaag mudane Bashiir Cabdi Maxamed.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u qiimo badan oo lagu xusayay Xarunta Cilmi Baarista iyo wax-akhriska ee Awjaamac Cumar Ciise. Xarunta oo jirsatay mudo Labo iyo toban sano ah ayaa ah mid ka turjumeysa hidaha iyo aqoonta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xaruntani ayaa ah buundo isku xirta jiilasha soo koraya iyo odoyaasha dhaqanka, dhallinyaraduna codkooda ku dhiibtaan, Soomaalinimadana lagu xuso, lagu ilaaliyo, laguna gudbiyo dhanka iyo taariikhda Soomaaliya iyada oo la isticmaalayo aaladaha sida; Sheekooyin, gabayo, doodo, farshaxan iyo bandhigyo. xarunta ayaa u taagan tahay ilaalinta hidahayada iyo dhaqankeena hodanka ah.

Xafladdii habeen hore ayaa aqoonsi gaar ah lagu siiyay mutadawiciinta ka shaqeeya Xarunta taabagaliyayna barnaamijyada xarunta soo gudbiso.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay xafladda ayaa yiri, "Waxaa aad ii qiiro galiyay sheekooyinka iyo aragtida xalay lagu soo bandhigay xafladaan, taas oo nawada xasuusisay in dhaqankeena nool yahay”

Danjire Jabriil iyo Marwa Fardowso Jaamac Yuusuf ayaa gudoonsiiyay shahaado Sharaf dadkii kaalinta ka geeystay guulaha ay xarunta gaartay.

Wasiirka arrimaha gudaha oo furay shirka ergooyinka SSC Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Xoosh ayaa kula dardarmay ergooyinka in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la tixgalinaayo wadajirka Bulshada iyo ilaalinta midnimada.

Ugu Dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeynaya geeddi dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Feder-aalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay gaaray magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, iyagoo halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee XFS, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), aya howlgal qorshesan oo ay habeen hore ka fuliyeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Sh. Hoose, waxa ay guud ahaan ku burburiyeen guri ay Al-shabaab u isticmaaleysay kaydinta waxyaabaha qarxa, waxaana la beegsaday markii la dhammeystiray xogta ah in halkaas ay dhagaro ugu maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Seddaxdii bishii hore ee Juun, howlgal sidaan oo kale ay Ciidanka Gaashaan ka fuliyeen isla deegaanka Dhanaane waxaa lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka iyo Gandarshe.

Ciidanka Gaashaan oo Burburiyey Kaydka Qaraxyada Al Shabaab ay Ku Lahaayeen degaanka Dhanaane

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, oo hoos taga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa habeen hore fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay si buuxda u burburiyeen guri ay Al shabaab u adeegsan jireen kaydinta waxyaabaha qarxa.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga, howlgalka ayaa dhacay kadib markii la dhammeystiray xog sirdoon oo tilmaamaysay in xaruntaasi ay ahayd goob ay Al shabaab ku diyaarinayeen dhagaro iyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta amaanka ayaa tilmaamay in Howlgalka uu si gaar ah loogy bartilmaameedsaday goobtaasi kadib markii la xaqiijiyey inaysan ku sugnayn wax dad rayid ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ku dooneyso in lagu baabi’iyo awoodda iyo saldhigyada Al shabaab ee ku sugan gobollada koonfureed sida lagu yiri bayaan kasoo baxay NISA.

Waxa kale oo xusid mudan in 3-dii Juun ee sanadkan, howlgal kale oo ay isla ciidanka Gaashaan ka fuliyeen deegaanka Dhanaane lagu dilay horjoge sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocan ah, si loo baabi’iyo khatarta kooxda Al shabaab loona xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Puntland oo sheegtay in markab kale oo laga cabsi qabo inuu Hub sido uu ku sugan yahay meel u dhow xeebaha Bareedo

Puntland ayaa sheegtay in markab kale oo wata calanka dalka Comoros uu haatan ku sugan yahay meel qiyaastii 15 mayl u jirta xeebta degmada Bareedo ee gobolka Raascayr, oo ah isla halkii lagu qabtay markabkii hore.

Xildhibaan Cumar Qariib, oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Bareeda, ayaa warbaahinta u sheegay in markabkan cusub uu leeyahay calaamado la mid ah markabkii horey loo qabtay, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin waxa saaran.

Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray in saacadaha soo socda halkaas loo diri doono cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland, si ay u kormeeraan markabka, una baaran ujeeddada joogitaankiisa, iyo waxa uu sido.

Xogta markabkan cusub ayaa imaanaysa iyadoo Puntland ay weli waddo baaritaanka markabka Sea World, kaas oo dhowaan lagu qabtay xeebaha gobolka Rascasyr, islamarkana sida hub kala duwan, gaadiid dagaal, iyo agab kale oo millatari.

Ilaa hadda lama helin cid sheegatay lahaanshaha markabkaas.

Puntland waxay sheegtay in markabkani uu ku sugnaa meel dhowaanahan ay ka dhaceen dagaallo lagula jirey Daacish (ISIS), taasoo sida uu sheegay maamulku sii kordhisay walaaca ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee markabka.

Sida laga soo xigtay maamulka Puntland, baaritaan rasmi ah ayaa socda weli si loo ogaado cidda iska leh markabka, sababta uu halkaas u yimid, iyo waxa uu sido. Puntland waxay ballan qaaday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata hubka uu sido markabkan.

Puntland oo faahfaahin ka bixisay markab laga shakiyay oo lagu arkay xeebaheeda

Ciidanka Booliska Puntland, ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baarayay markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta degmada Bareeda ee Gobolka Raascasayr.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in markabkaasi si buuxda loo baaray, iyadoo la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah, taasoo keentay in si nabad ah loo fasaxo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska waxay sheegeen inuu socda baaritaan rasmi ah oo qoto dheer oo lagu wado markab dhawaan lagu qabtay xeebaha Gobolka Raascasayr. Booliiska waxay sheegeen Illaa baaritaanku soo dhammaado in aan wax faahfaahin ah laga bixin karin.

Taliyaha Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa shacabka uga digay in ay iska ilaaliyaan wararka been-abuurka ah ee ay faafinayaan kooxo la sheegay inay dano gaar ah wataan.

"Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliyuhu.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland oo dhan, si looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah sida tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ah – gaar ahaan kooxda Daacish – ay helaan marin u suura geliya taageero ama ka baxsadaan xeebaha.

Booliska Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amnigeeda, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo looga hortagayo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka iyo caalamka.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Xukun Ku Riday 4 Haween ah oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukun ka soo saartay dacwad ciqaabeed oo loo haystay afar haween ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xog sirdoon ah u gudbin jireen kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama gudaha dalka.

Afarta eedeysane oo kala ahaa Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur, iyo Maryan Maxamed Aadan ayaa lagu helay inay si joogto ah ula shaqeynayeen kooxaha argagixisada, iyaga oo la wadaagi jiray xogta ciidamada iyo bulshada deegaanka Buuloxaaji, sida ay sheegtay maxkamaddu.

newsinsFadhiga maxkamadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, labadiisa ku xigeen, Xeer-ilaaliyaha Ciidamada, baarayaashii kiiska, iyo qareenka u doodayay eedeys-anayaasha.

Kadib doodo socday muddo, iyo qiimeyn lagu sameeyay duruufaha eedeysanay-aasha, maxkamaddu waxay xustay in qaar kamid ah gabdhaha aysan qaan gaarin, taas oo saamayn ku yeelatay go’aanka kama dambeysta ah.

Waxaana afartaan gabdhood ay mari doonaan nidaam dhaqancelin ah, Hay’adaha amniga ayaa la faray inay si dhow ula socdaan xaaladooda inta ay ku jiraan barnaamijkaan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunkaasi yahay mid lagula tacaalayo fikirka xagjirka ah, iyadoo isla markaana la tixgelinayo da’da, duruufaha nololeed iyo doorka dumarku ku leeyihiin bulshada.

Xukunka lagu riday haweenkan ayaa ah mid tilmaamaya sida dowlad-goboleedka Jubbaland ugu hawlan yahay la dagaallanka fikirka Al-Shabaab iyo ilaalinta amniga bulshada.

Waxaa sidoo kale xukunkaan lagu muujiyay baahida loo qabo wacyigelin ballaaran oo lagu beego bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, si looga hortago marin-habaabinta ay kooxaha xagjirka ah adeegsadaan.

Somaliland iyo Taiwan oo maalmaha soo socda kala saxeexan doona heshiis iskaashi oo dhinaca bada ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo safarkiisu uu socon doono ilaa 25-ka bishan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, wasiirka waxaa wehlinaya masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi; Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Admiral Axmed Hurre Hariye; iyo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.

Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Taipei, Wasiir Cabdiraxmaan ayaa saxaafadda la hadlay isagoo uga mahadceliyay xukuuumada Taiwan martiqaadka, isaga oo ka waramay muhiimadda uu safarkani u leeyahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac. Wuxuu Taiwan ku tilmaamay "saaxiib dhow oo muhiim u ah Somaliland", isagoo sheegay in labada dhinac ay wadaagaan qiyamka dimoqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo ixtiraamka sharciga.

Inta ay joogaan Taiwan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo wafdigiisu waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, Xoghayaha Golaha Amniga, Joseph Wu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Lin Chia-lung. Waxaa sidoo kale loo sameyn doonaa casho sharaf ay martigelinayso Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wu Chih-chung.

Sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Dibadda Taiwan, mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu wado inay meelmaraan inta booqashadani socoto waa saxiixa heshiis iskaashi oo dhanka ilaalinta xeebaha ah oo ay labada dhinac kala saxiixan doonaan.

Sidoo kale, wafdiga Somaliland waxa ay booqan doonaan Hay’adda Caalamiga ah ee Horumarinta Iskaashiga ee Taiwan (TaiwanICDF), si ay uga wada hadlaan mashaariicda socda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Wasiir Cabdiraxmaan uu ku yimaado Taiwan tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii December ee 2024, taasoo ka dhigaysa mid si gaar ah muhiim u ah.

Tan iyo markii ay Somaliland iyo Taiwan si rasmi ah isu-waydarsadeen xafiisyo matalaadeed sanadkii 2020, labada dhinac waxa ay yeesheen iskaashi dhinacyo badan ah sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tiknoolajiyadda, khayraadka dabiiciga ah.

Taiwan waxay sheegtay in ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka kala dhaxeeya Somaliland, sidoo kale waxay xustay in ay muhiimad wayn u leedahay Taiwan in ay yeelato saaxiibo Afrikaan ah oo aaminsan qiyamka dimoqraadiyadda iyo xorriyadda.

Madaxweynaha Ereteriya oo Digniin Adag u Diray Itoobiya xili laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dal

Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa si kulul ugaga digay Itoobiya in ay mar kale isku daydo in ay dagaal ku qaaddo dalkiisa, isagoo sheegay in ay tahay khiyaali laga shallayn doono. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisada u dhaxaysa labada dal ay cirka isku sii shareerayso.

Ereteriya iyo Itoobiya ayaa tan iyo markii ay Ereteriya xorriyaddeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993 waxay lahaayeen xidhiidh aan fiicnayn iyada oo colaado soo noqnoqday ay dhinacyada dhexmareen. Dagaaladii dhex maray labada dal sannadihii 1998 illaa 2000 ayaa ahaa kuwii ugu xumaa waxayna sababeen dhimashada tobanaan kun oo qof.

Haddaba, waxa hadda dib u soo cusboonaatay xiisadda labada dhinac. Ereteriya

sheegtay in colaada cussub uu sabab u yahay damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed.

Madaxweyne Isaias oo la hadlayay telefishanka qaranka ee Eri-TV ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ayna waddankiisa ka adkaan karin hadii uu dagaal dhaco, waxa uu sheegay in inkasta oo Itoobiya ay tahay dal aad u dad badan hadana anay u babac dhigi karin dalkiisa: "Haddii Abiye uu u maleeyo inuu Ereteriya kaga adkaan karo dad badni, si qaldan buu u fakaraya,” ayuu yidhi.

Isagoo oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: "Inta aan shacabka Itoobiya mar kale dagaal aan loo baahnayn la galin, ama loo adeegsan dano siyaasadeed, waxa lagama maarmaan ah in marka hore la xalliyo mushkiladaha gudaha ee dalkaasi ka taagan.”

Madaxweyne Isaias wuxuu ku tilmaamay tallaabooyinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inay yihiin kuwo "khatar ah” isla markaana "lagu kicinayo dareenka shacabka si looga jeediyo cadaadisyada gudaha ee uu wajaqayo.”

Labadan dal ayaa sannadkii 2018 kala saxeexday heshiid nabeed kadib markii uu Abiye Axmed talada qabtay, isla markaana ciidamada Ereteriya ayaa gacan siiyay kuwa Itoobiya intii uu socday dagaalkii Tigray ee u dhexeeyay Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo xoogaga TPLF, iyada oo labada dal ay muujiyeen isku soo dhawaansho xiligaa.

Ciidamada Ereteriya ayaa xiligaa gobolka ka gaystay tacadiyo iskugu jira xasuuq shacab oo sharciga baal marsan, boob hantiyeed, kufsi iyo bahdil kale oo shacabka loo gaystay, taasi oo dowlada Itoobiya ay raalikaga ahayd, lakiin isfahanwaaga Asmara iyo Addis Ababa ayaa markale soo ifbaxay kadib heshiis dhexmaray dowlada Itoobiya iyo TPLF kaasi oo anay Ereteriya qayb ka ahayn.

Xiisadda u dhexeysa Ereteriya iyo Itoobiya waxay salka ku haysaa taariikh dheer oo is-aamin la’aaneed iyo dano isdiiddan. Ka dib markii

Ereteriya ay xorriyaddeeda ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993, waxaa xuduuda labada dal ka abuurmay muran dhuleed. Inkasta oo maxkamad caalami ahi ay go’aamisay in Badme oo ah halka lagu muransanyahay ay Ereteriya leedahay, haddana Itoobiya ayaa diidday inay ka baxdo, taasoo sii hurisay cadhada iyo shakiga siyaasadeed ee labada dhinac.

Sanadihii u dambeeyay, damaca Itoobiya ee marin badeed ayaa noqday arrin kale oo xiisadda sii hurinaysa. Abiy Axmed ayaa si cad u sheegay in dalkiisu u baahan yahay badd si horumar loo gaadho, inkasta oo uu sheegay in uu rabitaankaasi yahay mid nabadeed. Hase yeeshee, Ereteriya waxay aragtaa hadalladaas sidii hanjabaad ujeeddadeedu tahay in si dadban loogu cadaadiyo inay oggolaato damaca Itoobiya, taas oo ay si weyn uga soo horjeeddo.

Ereteriya oo ah dal keli-talis ah, ayaa si joogto ah loogu dhaleeceeyaa xadgudubyada xuquuqda aadamaha. Dalkan ayaa kaalinta ugu dambaysa kaga jira xorriyadda saxaafadda caalamka, sida uu sheegay ururka Saxafiyiinta Aan Xuduuda Lahayn. Itoobiya lafteeda ayaa ah dal aan ku fiicnayn ilaalinta xoriyadaha isla markaana maamuladii kala dambeeyay ayaa shacabka dalkaas u gaystay tacadiyo bini'adamtinimada ka baxsan.

Alshabaab oo saddex askari oo Kenyan ah ku dilay qarax ka dhacay Lamu

Ciidamada difaaca Kenya ayaa xaqiijiyay in saddex askari oo ka tirsan KDF lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay, kadib markii kolonyadoodii ay la kulmeen qarax miino oo ka dhacay waddada istaraatiijiga ah ee Sankuri-Kiunga ee gobolka Lamu.

Waddadan ayaa si joogto ah u noqotay bartilmaameed ay kooxda al-Shabaab weerarro ka fuliso, iyadoo ay kasoo tallaabtaan xuduudda Soomaaliya oo amni darran ka jirto.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmay xilli ay sii kordhayaan falalka amni-darro ee kooxda al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Bishii May, al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen kolonyo boolis ah oo marayay kaynta Boni ee isla Lamu, halkaasoo ay ku dileen shan askari. Todobaadyo kahor, waxay sidoo kale weerareen shaqaale macdan qodaal ah oo ku sugnaa gobolka Mandheera, iyagoo ku dilay shan qof.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya kalsoonida sii kordheysa ee al-Shabaab iyo ballaarinta juqraafiyeed ee howlgalladooda. Khabiirada amniga ayaa ka digaya in tani ay muujinayso dib usoo kabasho istaraatiijiyadeed ee kooxda, iyo sidoo kale daciifnimada gudaha Soomaaliya.

Khabiir ka tirsan King's College London, Ashley Jackson, ayaa sheegtay in weerarada al-Shabaab ee sanadkan ay yihiin "kuwo ka miisaan culus kuwa sanadihii u dambeeyay", iyadoo muujisay in kooxda ay dib u qabsatay deegaanno muhiim ah oo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka tirsan. Waxay intaas ku dartay in sida degdegga ah ee ay dowladda u lumisay gacan ku haynta dhulka ay muujinayso nuglaanta dowladnimada iyo fashilka istiratiijiyadda milateri ee caalamka."

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u beddelay ATMIS 1-dii Janaayo, ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo ba’an, isagoo dhaxlay dhimnaan lacageed gaaraya $96 milyan. Waxa uu sidoo kale la tacaalayaa ciidan, diyaarado iyo qalab aad u yar. Waddamada ciidanka geeya, sida Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Burundi, ayaa cadaadis saaray Qaramada Midoobay si loo helo maalgelin joogto ah.

25 dal oo Ingiriiska iyo Faransiiska ay ku jiraan oo Israel ka dalbaday inay soo afjarto dagaalka Gaza

25 dal oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa cambaareeyay weerarada sii kordhaya ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza oo dhan.

Dalalkan ayaa waxay sheegeen in ay ka naxeen weerarada naxdinta leh ee lagu dilay boqolaal ka mid ah dadka reer Gaza, oo isku dayayay inay cunto ka helaan xarumaha gargaarka ee Israel korka ka maamusho ee ku yaala gudaha Gaza.

Ku dhawaad kun qof oo shacab ah ayaa lagu dilay xarumaha ay gacanta ku hayso Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay sameysay, Mareykankuna uu taageeray, tan iyo markii ay ka shaqo bilowday Marinka Gaza, 27-kii bishii May.

25-kan dal ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in xaaladda dadka reer Gaza ay mareyso meeshii ugu hooseysay, iyagoona Israel ka dalbaday in ay gebi ahaanba joojiso ololaheeda militari ee Gaza.

Bayaankan oo ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in iyaga iyo dalalka kale ee ku saxiixan ay farriintoodu tahay in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Gaza, maadaama ay dadka rayidka ah yihiin kuwa qiimaha ugu badan ku bixinaya.

"Annaga iyo saxiixayaasha hoos ku xusan waxaan isugu nimid farriin fudud oo degdeg ah, dagaalka Gaza waa in hadda la soo afjaraa. Dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee Gaza ayaa gaartay meel qoto dheer.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Habka gargaar gaarsiinta Dowladda Israel waa khatar. Waxay sii hurineysaa xasillooni darro, waxayna dadka Gaza ka qaadeysaa sharafta bani’aadamka.

Waxaan cambaareynaynaa quudinta dhibicda ee gargaarka iyo dilka bani’aadantinimada ka baxsan ee lagu hayo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruurta, kuwaas oo doonaya in ay daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah ee biyaha iyo cuntada. Waa wax laga naxo in in ka badan 800 oo Falastiiniyiin ah la dilay iyagoo gargaar raadsanaya.”

Dowladahan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay diidmada Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ee muhiimka u ah dadka rayidka ah, waxayna ku adkeeyeen in ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran inay xaqdhowrto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyagoo dhanka kalena Xamaas ugu baaqay in ay sii deyso maxaabiista Israel ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023.

Waxay sheegeen in wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiska maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac ay yihiin rajada ugu wanaagsan, ee ah in maxaabiista ay ku soo laabtaan guryahooda iyaga oo nool.

Sidoo kale waxay Israel ugu yeereen inay si degdeg ah u qaaddo xayiraadaha ay ku hayso qulqulka gargaarka ee Gaza iyo inay si degdeg ah awood ugu siiso Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee bani’aadantinimada inay si badbaado leh oo waxtar leh u gutaan shaqadooda naf badbaadinta.

"Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka, oo ay ilaaliyaan waajibaadka sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ay soo saareen dalal u badan xulafada Israel ee reer Yurub.

Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Iceland, Ireland, Italy, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Netherlands, New Zealand, Norway, Poland, Portugal, Slovenia, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK, oo lagu daray Wakiilka Midowga Yurub ee Sinnaanta, U Diyaargarowga iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Hadja Lahbib.

Baaqa degdegga ah ee dalalkan ayaa imanaya, iyadoo Qaramada Midoobey ay sheegtay in tiro dad ah ay gaajo ugu dhinteen Marinka Gaza, 24-kii saac ee ugu dambeysay iyo Israel oo shalay olole cusub oo militari ka bilowday deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 29 qof oo Falastiiniyiin ah ay gaajo u dhinteen gudaha Gaza, 24-kii saac ee la soo dhaafay.

In ka badan 59 kun oo qof, una badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay weerarada Israel ee Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 21 bilood ka hor.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa shalay sheegtay in wadarta guud tirada dadka ku dhintay weerarada Israel ay gaartay 59,029 qof iyo dhaawaca 142,135 kale. Tirooynkan qayb kama ahan dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weeraradii ugu dambeeyay ee ay Israel Isniintan ka gaysatay qaybaha Gaza.

Dadkii ugu badnaa oo lagu dilay Gaza, iyagoo soo doontay in cunto la siiyo

Dadka reer Gaza ayaa Axaddii la kulmay dhimashadii ugu badneyd ee maalin keliya loo gaysto dadka rayidka ah, iyagoo raadsanaya in la siiyo gargaarka bani’aadantinimo ee lagu bixiyo xarumaha ay maamusho Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay aasaastay, Mareykankuna uu taageeray.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in 85 qof siyaabooyin kala duwan loogu dilay goobaha ay hay’addaasi gacanta ku hayso.

Dadka ugu badan ayaa lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza, halkaas oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u daran, maadaama aan muddo billooyin ah la gayn wax gargaar ah.

Ugu yaraan 79 qof ayaa la sheegay in lagu dilay aagga Isgoyska Zikim ee xuduudda waqooyi ee Gaza, oo Hay’adda GHF ay ka furtay xarun cusub oo lagu bixiyo gargaarka. Madaxa Waaxda Diiwaangelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Zaher Al Waheidi ayaa sidaasi u sheegtay Wakaaladda Wararka AP.

Dad fara-badan oo shacab ah ayaa isugu soo baxay goobta, iyagoo naawilayay in la siin doono gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza ka noqday, waxa ay dadka ugu baahida badan yihiin.

Ahmed Hassouna oo ka mid ahaa dadkii raashiinka u soo doontay goobtaasi ayaa sheegay in si kedis ah ay u soo weerareen taangiyada Ciidamada Israel.

"Waxaa ila socday nin kale oo dhallinyaro ah, waxayna bilaabeen inay nagu soo tuuraan gaaska. Waxay nagu dileen gaaskaas, si dirqi ah ayaan u neefsanayay, waxayna nagu neef qabateeyeen gaaska.” Ayuu Ahmed Hassouna oo la hadlay Al Jazeera.

Goobjoogeyaal kale ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay rasaas ku harqiyeen dadkii masaakiinta ahaa ee soo raadsaday in la siiyo gargaarka.

Muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya rag dhallinyaro u badan oo cararaya, iyadoo la maqlayo rasaas.

Rizeq Betaar oo sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka Ciidamada Israel ayaa Al Jazeera u sheegay in aanay jirin qaab hadda loogu noolaan karo Marinka Gaza.

"Ma jiraan ambalaas, cunto la’aan, nolol la’aan. Ma jirto qaab loo noolaado. Ilaahay ha inoo fududeeyo.” Ayuu yiri Betaar.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa AP u sheegtay in 25 baabuur oo gargaar sida ay galeen dhulka ay ku badan yihiin bulshooyinka gaajeysan, sidaasina ay dadka faraha badan u soo dhoobteen goobta.

Ehab Al Zei oo sheegay in uu sugayay in bur ama daqiiq la siiyo ayaa sheegay in ay hareereeyeen taangiyada Ciidamada Israel, ka dibna ay rasaas uga dhigeen sidii roobkii.

Ehab Al Zei ayay AP ka soo xigatay in aanu dib dambe ugu laaban doonin goobtaasi, haddii uu doono gaajaba ha u dhintee.

Nafiz Al Najjar oo ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay qayb ka ahaayeen weerarka, isla-markaana ay si aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadkaasi. Al Najjar ayaa sheegay in uu arkay wiil uu adeer u yahay iyo nin kale oo la toogtay.

Militariga Israel ayaa Xamaas ku eedeeyay in dagaal-yahanadeeda ay goobta ka abuureen fowdo, taasina ay keentay in ciidamadooda ay toogasho ka gaystaan isku imaatin ay ku sugnaayeen kumanaan Falastiiniyiin ah.

In ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu liidato, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AP.

Zaher Al Waheidi, Madaxa Waaxda Diiwaangelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in lix qof oo kale oo gargaar sugayay lagu dilay xarunta ay GHF ku leedahay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Xarumahan ayaa noqday goob ay Israel si toos ah ugu ugaarsaneyso dadka rayidka ah ee gaajada la ildaran, meel kale oo gargaarka ay ka helayaana aysan jiran.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ku dhawaad kun qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay xarumaha hay’addan, ka dib wax ka yar laba bilood oo GHF ay ka shaqeynaysay Gaza.

Israel ayaa 4-tii bishii May aasaastay hay’addan oo Mareykanka uu taageeray, waxayna hay’addu ay 27-kii bishaasi ka shaqo bilowday Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad saddex bilood oo aan wax gargaar ahi la gaynin Gaza.

Israel ayaa hay’addan u igmatay keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza, si ay hoos ugu dhigto qaylo dhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo.

18-kii sano ee ugu dambeysay ee ay Israel go’doominta ku haysay Marinka Gaza ayaa waxay dadka reer Gaza noqdeen kuwo ku tiirsan kaalmada bani’aadantinimo ee hay’adaha gargaarka.

Ka hor dagaalkan, Gaza ayaa waxaa maalintii tagi jiray 500 oo baabuurta xamuulka oo u raran Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee loo tixgeliyo in ay dhexdhexaadka yihiin, isla-markaana ku dhaqma mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada.

Israel ayaa diiday in hay’adihii samafalka ee muddada dheer ka shaqeynayay Gaza ay ka sii shaqeeyaan, iyadoo ku eedeynaysa in gargaarka ay keenaan ay leexsato Xamaas, warkaas oo Qaramada Midoobey iyo Xamaas-ba ay si adag u beeniyeen.

Si kastaba ha-ahaatee tirada Falastiiniyiinta reer Gaza ee la dilay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayaa hadda kor u dhaaftay 59 kun oo qof.

Laba wiil oo dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa

Nin baastoolad ku hubaysan ayaa fiidnimadii Axaddii laba wiil oo dhallinyaro ah ku toogtay suuqa Hargeysa. Ilaa hadda lama oga sababta uu ninku u dilay wiilasha.

Ninka ayaa la sheegay in inta uu rasaas ku furay labada wiil xilli ay suuqa ku cawaynayeen, uu kadibna si degdeg ah goobta uga baxsaday. Ilaa hadda lama hayo, lamana qaban inta la ogyahay.

Labada wiil ee dhibbanayaasha ah, mid ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka kan kalena uu dhaawac culus soo gaadhay, kaasoo uu markii dambe u dhintay, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah oo la hadlay HOL.

"Meesha oo dhan dhiig ayaa daadsanaa. Waxa la ii sheegay in nin baastoolad ku hubaysani uu dilay laba wiil. Midkood waan aqoonsaday, isku dugsi ayaanu ahaan jirnay," ayuu yidhi Munasar Khadar oo ka mid ah dhallinyarada ku sugnaa agagaarka goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada booliiska ayaa si degdeg ah u yimid goobta, waxaana socda baadhitaan. Ilaa iyo hadda booliisku kama aysan hadal dhacdadan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay warbixin kasoo saaraan.

In kasta oo magaalada Hargeysa lagu tilmaamo mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan deegaanada Soomaalida, haddana toddobadii bilood ee u dambeeyay waxaa isa soo taray dilalka. Waxaana bilihii u dambeeyay lagu dilay dad dhowr ah gudaha magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada booliiska ayaa horay ugu guulaystay in ay soo qabtaan dhammaan dadka falalka dilka ah ku eedaysnaa, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu fuliyay xukun qisaas ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip