
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-07-25
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta oo shalay markale kulmaya
Waxaa shalay oo Axad ah markale lagu wadaa in madaxtooyada Soomaaliya kulan ku wada yeeshaan madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa ah ujeedkiisa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ah, waxaana kulankaani shalay dhacaya horay ugu balameen labada dhinac wareegii labaad ee wada hadalladooda ee soo dhacay 3-dii bishaan Luulyo.
Xubnaha Madasha Mucaaradka ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed, waxaana wehlinaya Raysal wasaarayaashii hore, guddoomiyaashii, madax kale iyo siyaasiyiin caan ah.
Shirka shalay dhexmari doona madaxda Mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu lafa guri doona doodaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Lama oga natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkaan oo ah mid si weyn indhaha ugu wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii shirkaan oo ah kii sadaxaad ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta doorashooyinka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa; dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u heli xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin dowladda hoose ee xamar.
"Bulshada canshuur bixiyeyaasha ah waa in ay helaan adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah sida; in ay helaan dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeeg caafimaad, jidad hagaagsan oo nadaafad iyo bilic leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo xusay in canshuurta laga qaado muwaadinka uu noqon doonno mid dib loogu celiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa sheegay in waaxda nadaafada aysan noqon doonin mid ku shaqeysa oo kaliya iskoobe, balse dhawaan ay heli doonaan gawaari waa weyn oo casri ah, xarumo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.
Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar 30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta
Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas oo 30 dhalinyaro lagu bari doono cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta
Tababarkaan oo ay iska kaashan doonaan wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS, shirkada Gaalooge iyo shirkada CASE IH ee dalka Italy ayaa socon doono mudo lix bilood ah.
Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jamuuriyada Fadaralka Somaliya iyo Shirkada Gaalooge ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinaayo iskaashiga labada dhinac ee tababarka farsama yaqaanada, bandhigyada iyo tijaabinta qalabka beeraha iyo hormarinta tiknoolijiyada beeraha dalka.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa dadaal badan ku bixineysa sida loo soo saari lahaa dhalinyaro farsamo yaqaano iyo injineero beeraha ah kuwaas oo awood u leh inay xaliyaan caqabadaha beeralayda Soomaaliyeed ka heesta dhanka mashiinada iyo tiknoolijiyada beeraha.
Wasiirka Gaashaanshiga Jasiiradda Komoros oo si hab-maamuus leh looga sagootiyay Muqdisho
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaasha-andhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shalay si hab maamuus sare leh ugu sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Jasiirada Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali, Taliyaha Ciidanka Difaaca Rwanda, General Mubarakh Muganga iyo wakiillo kala duwan oo ka socday dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), kuwaas oo ka qeybgalay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan wufuudda iyo ka-qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wada-hadalladii muhiimka ahaa ee looga gol lahaa xoojinta iskaashiga Ciidanka Heeganka, adkeynta amniga gobolka, iyo kobcinta wadajirka siyaasadeed iyo ciidan ee dalalka ku midoobay EASF.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa yiri "Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga iyo horumarka aan wadaagno ee amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo barwaaqada goobolka Bariga Afrika”.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumada Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa guddoomiyey kulan ay yeeshen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal, iyada oo kulanka lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladaha nololeed iyo saameynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu gurmado shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay abaarta, isla markana la mideeyo dadaallada gurmad ee socda, iyada oo laga jawaabayo baaqii Golaha Wasiirrada ay ka soo saareen xaaladdan 17-kii bishan Luulyo.
Xukuumadda DanQaran ayaa dardar-gelinaysa gurmadka dadka Soomaaliyed ee abaaruhu ku saameeyeen gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Hay’adda NISA oo baaris ku haysa hantida iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaqyada maliyaded ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Al-shabaab ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.
Qof kasta oo bixiya Baadda ay Al-shabaab ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya.
Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Al-shabaab qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.
Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgallo Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan al-shabaab
Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u Dirirka deegaanka ka sameeyeen gobollada Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanka Xiingaduud, oo u dhexeeya Camaara iyo Qod-qod, lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab, howlgalkaasna ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xaq u Dirirka deegaanka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Holgalku wuxuu dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana jab xooggan lagu gaarsiiyay al-shabaab.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in howlgallo kale oo ay fuliyeen Kumaandooska Danab laga fuliyay deegaanada Miido iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu khaarajiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Raxmaan Sambuur, kaasoo al-shabaab la shaqeynayay tan iyo 2010-kii.
Afhayeenku ayaa bogaadiyay guulaha isdabajooga ah ay gaarayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaaanka oo gobolada dalka ka wada howlagallo culus oo ka dhan ah al-shabaab.
Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabad joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tillaabada xabbad joojinta ay qeyb ka qaadaneyso nabadda iyo xasilloonida ka gobollada bari ee DRC Congo.
"Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelinaysaa kaalinta dhexdhexa-adinta ee ay qaadatay Dowladda walaalaha ah ee Qatar, taasoo gacan weyn ka geysatay fududeynta wadahad-allada lagu qabtay magaalada Doha, kuna dhiirrigelisay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhinacyada in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabbad joojinta ah, si loo helo nabad waarta.
Daacish oo noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada Maraykanka
Ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo bilowgii sanadkan 2025 ilaa bartamihii bisha Luulyo fuliyay 51 duqeyn cirka ah gudaha Soomaaliya, taasoo celcelis ahaan ka dhigan laba weerar toddobaadkii.
Duqeymahan ayaa lagu sheegay kuwo ka tarjumaya olole joogto ah oo ka dhan ah argagixisada, iyo sido kale ballanqaad istiraatiiji ah oo ku wajahan xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Pearl Matibe oo ah qabiir ka faaloota arrimaha Argixisada oo lagu daabacay bogga defenceWeb, weeraradan waxaa lagu fuliyay iskaashi dhow oo lala yeeshay dowladda Federaalka Somalia, taasoo sida la sheegay muujinaysa in Mareykanka uu horumarinayo qaab cusub oo ku saleysan "difaac hore" oo ixtiraamaya madax-bannaanida Somalia.
Xogta laga helay Taliska AFRICOM ayaa muujinaysa in 32 ka mid ah duqeymahaasi lala beegsaday kooxda ISIS-Somalia, halka 19 kale lagu qaaday al-Shabaab. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa in Mareykanka uu hadda si gaar ah u fiiro gaar ah u siinaayo ISIS-Somalia, oo lagu tilmaamay koox sii xoogeysaneysa oo leh hiigsi caalami ah, gaar ahaan gobolka Bari ee Puntland.
AFRICOM ayaa si cad u sheegtay in inta badan duqeymahan lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, arrintaas oo xoojinaysa sharcinimada howlgalka.
Duqeymadu sidoo kale waxay muujinayaan in Mareykanku uu beddelay istiraatiijiyaddiisa dagaalka ee Somalia, iyadoo la arkayo in weerarrada hadda aad uga bateen waqooyiga bari, gaar ahaan deegaannada u dhow Boosaaso. Tani waxay la xiriirtaa dhaq-dhaqaaqyo amni darro oo looga shakisan yahay ISIS-Somalia inay halkaas ka wado abaabul ciidan iyo saldhigyo sirdoon.
Sidoo kale, xiriirka milatari ee Marekanka iyo Soomaaliya ayaa si muuqata u xoogeysanaya, iyadoo Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, uu dhowr jeer kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil sare oo Soomaaliyeed si loo dardargeliyo iskaashi ku saleysan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argigixisada.
Puntland oo amartay in lasoo celiyo hubkii lagala dagay markabka Seaworld
Puntland ayaa amartay in la soo celiyo hubkii fududaa ee lagala degey Markabka Seaworld, kadib markii lagu qabtay degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-casayr sida ay amartay Xeer-ilaalinta gobolkaasi.
Xeer-ilaaliyaha Raas Casayr, ayaa faray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka inuu soo gudbiyo warbixin dhamaystiran oo ku saabsan hubkaasi, cidda masuulka ka ah, iyo dadka fuulay markabka Sea World.
Xeer-ilaaliyaha Gobolka, Cabdiraxmaan Mahamuud Cali, ayaa sidoo kale dalbaday in la ururiyo dhammaan xogta dadka ku lugta leh arrintan si loo helo caddeymo buuxa oo lagu qaado talaabo sharci ah.
Puntland ayaa baaritaan iyo tirokoob ku wadda markabka oo laga leeyahay dalka Comoros oo ku xidhan dekedda Boosaaso, iyada oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay hubka culus ee saaran; waxaase la eegayaa waxa ay ka yeesho Puntland oo haysa, Turkiga oo uu ka soo shiraacday & DFS oo uu ku socday.
Puntland oo baaris ku wada Markab hub siday oo ku xirtay dekeda Boosaaso.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markabka Hubka sida ee lagu Qabtay Xeebaha Maamulka Puntland.
Puntland ayaa bilaawday baaritaano la xiriira markabka hubka siday ee lagu magacaabo Sea World, kaas oo kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso kadib markii ay ciidanka badda ee Puntland ku qabteen xeebaha gobolka Raascaseyr.
Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu xabsiga dhigay Taliyihii Ciidanka PMPF ee degmada Caluula, Jaamac Axmed Muumin oo loo yaqaano (Kambaala Yare).
taliyahan la xiray ayaa ahaa ninkii kaxeeyay markabka iyo masuulka guud ee amniga markabka Sea World.
Markabkan oo la sheegay in ay cilad ku timid ayaa xambaarsan saanad ciidan oo isugu jirta Hubka Culus midka fudud.
Warar ayaa sheegaya in baaritaankan uu horseedi karo isbeddel lagu sameeyo hannaanka maamulka ciidamada badda Puntland.
Kiiska Markabka Sea World wuxuu durba noqday mid Hadal Heyn badan badan ka abuuray Baraha Bulshada iyada oo weli si faafaahsan uga hadlin Maamulka Puntland iyo Dowlada Federalka.
Degannaansho aan la isku halleyn karin ayaa laga dareemayaa koofurta Suuriya
"Degnaansho aan badneyn" ayaa ku soo laabatay magaalada Suweida ee dalka Suuriya ka dib markii toddobaad ay ka socdeen dagaallo beeleed dad badan ku dhinteen oo u dhaxeeyay dagalyahanada Druze, dabley Bedouin ah iyo ciidamada dowladda, sida ay sheegtay koox dabagal ah oo fadhigeedu yahay UK.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalku uu joogsaday shalay iyadoo dowladda Islaamiga ah ee Suuriya ay ku dhawaaqday in Bedouins ay isaga baxeen magaalada Druze oo ay ku badan yihiin "kadib maalmo dagaallo dhiig badan ku daatay iyo fowdo", waxaa sidaas sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya (SOHR).
Waxay daba socotay xabbad joojin uu ku dhawaaqay madaxweynaha Suuriya Sabtidii, taas oo aan joojinayn dagaalka isla markiiba.
In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay iska horimaadyada, waxaana hadda magaalada ka jirta gabaabsi adeegyada caafimaadka iyo dawooyinka oo aad u daran, ayay SOHR ku dartay.
Israa'iil oo amar cusub kusoo rogtay Qasa iyo cabsi taagan
Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray amarro lagu daadgureynayo dadka faraha badan ee ku sugan bartamaha Qasa halkaas oo aysan ku qaadin weerar dhanka dhulka ah 21-kii bilood ee ay dagaalka kula jireen Xamaas.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa shalay sheegay in dadka deggan iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta ee gabbaad ka dhiganaya magaalada Deir al-Balah ay tahay in ay si degdeg ah isaga guuraan oo ay u dhaqaaqaan dhanka al-Mawasi oo ku taal xeebta Mediterranean-ka.
Dalabka daad-gureynta, oo muujin kara weerar soo fool leh, ayaa argagax weyn ku abuuray tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, iyo sidoo kale qoysaska la haystayaasha Israa’iil oo ka cabsi qaba in ehelladooda lagu haysto magaalada.
Ciidamada IDF ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay deegaanka, balse wali ma aysan geynin ciidamo dhulka ah.
Ilaa 14 qof oo Kuuriyada Koofureed ugu dhintay daadad
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhul go’ ay sababeen roobab mahiigaan ah oo maalmo ka da’ayay Kuuriyada Koonfureed, sida uu sheegay xafiiska maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhimashadu ay kororto, iyadoo ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadka, iyadoo la la’yahay 12 qof.
Muuqaallo la soo duubay ayaa muujinaya dad dhex mushaaxaya dhoobo qaro weyn oo ku taal magaalada loo dalxiis tago ee Gapyeong Axaddii iyaga oo ka gudbaya buundada burbursan si ay u gaaraan hoyga dadka laga daad gureeyo.
Dhanka koonfureed, tuulo dhan ayaa waxaa daboolay carro iyo khashin ka dib dhul go' ka dhacay bartamaha gobolka Chungcheon, sida laga soo xigtay muuqaal fiidiyow ah Sabtidii.
Maxay yihiin ciidamada Imaaraatka uu maalgelinayo ee Puntland ee PMPF?
Ciidamadan waxaa la aasaasay sanadkii 2012-kii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaa magacooda loo soo gaabiyaa PMPF. Waa ciidamo haysta hub iyo gaadiid culus oo loogu tala galay shaqada ay u huwanyihiin ee ah ilaalada badda.
Xaruuntooda ugu weyn waxay ku taallaa magaalo-xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari. Mar dambe ayaa la sii ballaariyay oo xarumo kale looga sameeyay degmooyinka Isku shuban, Xaafuun, Baargaal, Qandala, Eyl iyo Garacad.
Isbeddel ayaa hoggaanka ciidamadaan lagu sameeyay sanadkii 2020-kii waxaana agaasime looga dhigay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed.
Markii uu dhammaaday barnaamijkii burcad-badeedda oo ay ku aasaasmen ciidamada badda Puntland, waxaa la sii joogteeyay in ay sii jiraan oo ay xoogga saaraan ilaalinta xeebaha si ay uga hortagaan tahriibayaasha sharci darrada ah, kalluumaysiga ajaanibta ee xeebaha Soomaaliya iyo argagixsada laga yaabo in mararka qaar ay halkaa wax kala soo degaan.
Ciidamada PMPF, ayaa muddadii ay ku jireen howgallada la dagaallanka burcad badeedda waxay soo badbaadiyeen dad ajaanib ah oo xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay, iyagoo dhanka kalena gacanta ku soo dhigay dad iyo doomo si sharci ddarro ah uga jillaabanayay badda Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Puntland.
Baahida keentay waqtigaas waxey ahayd burcad-badeeddii jirtay ee afduubka ku haysay maraakiibta shisheeye gudaha dalka Soomaaliya. Si markaa looga hortago arrintaas, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo ciidamo gaar ah bad iyo barriba si ay uga hortagaan falalka burcadnimada oo xilligaasi ku badnaa Soomaaliya xeebaha dalka Soomaaliya.
Bannaanbaxyo muhaajiriinta looga soo horjeedo oo ka socda Poland
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo soo-galootiga ayaa ka dhacay tobannaan magaalo iyo deegaanno ku yaal dalka Poland.
Inta badan mudaaharaadyada ayaa soo jiitay dhowr boqol oo qof ama in ka yar Sabtidii - laakiin booliisku waxay ku qiyaaseen in ilaa 3,000 ay ka qayb qaateen isu soo baxa ugu weyn ee koonfurta magaalada Katowice.
Mudaaharaadyada waxaa soo qabanqaabiyay kooxda siyaasadeed ee midigta-fog ee Konfederacja, iyo urur kale oo waddani ah.
Siyaasiyiinta Konfederacja iyo xisbiga mucaaradka ah ee sharciga iyo caddaaladda ayaa ka digaya qulqulka socdaalka sharci darrada ah ee Poland - laakiin tirooyinka rasmiga ah ma taageerayaan sheegashadooda.
"Amiirka Hurda" oo geeriyooday kadib 20 sano oo uu koomo ku jiray
Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday geerida Amiir Alwaleed bin Khalid bin Talaal, oo loo yaqaannay "Amiirka Hurda” Sabtidii isagoo 35 jir ah, ka dib 20 sano oo koomo uu ku jiray.
Aabbaha dhalay amiir Khaled bin Talaal ayaa wiilkiisa oo ah amiirkii dhintay uga tacsiyeeyay barta X.
Marxuum amiir Alwaliid bin Khaalid oo dhashay 1990-kii, waxa uu galay shil baabuur sannadkii 2005-tii, isaga oo arday ka ahaa kulliyadda millateriga, waxa maskaxda kaga furmay dhiig-bax oo sababay inuu koomo ku jiro muddo ka badan 20 sanadood.
Sannadahan oo dhan, waxaa la siinayay daryeel caafimaad, isaga oo qabsaday ra’yiga dadweynaha ee Sucuudiga iyagoo u arkayay xaalad bani'aadamnimo iyo caafimaad oo naadir ah. Qof kastaa wuxuu la socday dhaqdhaqaaq kasta isagoo koomo ku jira.
Sannadkii 2019-kii, waxaa la sheegay in madaxiisa iyo cududdiisa bidix ay dhaqaaqeen, sida ay qoyskiisu sheegeen. Si kastaba ha ahaatee, weligiis si buuxda uma toosin.
Somaliland oo khalad ku tilshalayy xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya kadib markab hub sida oo ay Puntland qabatay
Somaliland ayaa sheegtay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, kadib markii daraad xeebaha Puntland lagu qabtay markab sida hub aad u badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in go’aanka lagaga qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya uu sababay kaliya qalalaase.
"Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka," ayuu yidhi wasiirku.
Wuxuu sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego go'aanka qaadista cunaqabataynta hubka. "Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu yidhi.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii maamulka Puntland Jimcihii gacanta ku dhigay markab loo malaynayo in laga leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal. Markabkaas ayaa la geeyay dekedda Boosaaso, mana cadda waxa Puntland ka yeeli doonto.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in markabkani u socday magaalada Muqdisho, isla markaana hubka saarnaa uu ahaa deeq loo waday dowladda federaalka. Laakiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.
Puntland dhankeeda waxay sheegtay in laga yaabo in hubka loo waday kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, waxayna xuseen in uu yahay hub badan oo khatar galin kara ammaanka. Sidaas darteedna, waxay sheegeen inay dowladda federaalka kula xisaabtami doonaan.
Dhowr baabuur oo siday hub fudud ayaa bilihii lasoo dhaafay lagu qabtay meelo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn cidda ay u rarnaayeen. Baabuurtaasi waxaa dhacday maleeshiyaad beeleed.
Waxaa jira falanqeeyayaasha qaar oo dowladda dhexe ku eedeeya inay ku guuldarreysatay xakameynta fiditaanka hubka. Waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weli diyaar u ahayn in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qabta aragti ka duwan taas, iyada oo sheegtay in oggolaanshaha hubku uu wax ka tarayo la dagaalanka argagixisada.
Muxuu madaxweynaha Eritrea ka yiri xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya?
Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki oo waraysi siiyey telefishinka qaranka dalkaasi ayaa qaybtiisa ugu horreysay waraysiga waxaa uu kaga hadlay xiisadda kala dhaxaysa dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.
Madaxweyne Afwerki ayaa beeniyey warqad ay dhawaan Itoobiya u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay "eedo been abuur ah oo argagax leh."
Wuxuu ku tilmaamay eedaha dowladda Itoobiya "been raqiis ah," wuxuuna yiri: "waa been raqiis ah oo ay Xisbiga Barwaaqo u u adeegsadeen si ay ku daboolaan diyaar garowga dagaal ee ay wadaan."
Dhawaan ayay Itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobay cabasho ku saabsan in ciidamo Eriteriyaan ah ay wali haystaan dhul ku yaalla xuduudda Itoobiya ayna sii wadaan xadgudubyo culus.
Wareysigan oo socday laba saacadood, Madaxweyne Isaias wuxuu kaga hadlay arrimaha Itoobiya, dekedaha, xaaladda siyaasadda caalamka, hagaajinta xiriirka u dhexeeya Eriteriya iyo Mareykanka intii uu xilka hayay Madaxweyne Trump, dalalka deriska ah, iyo arrimo kale.
Madaxweyne Isaias kama uusan hadlin arrimo la xiriira shacabka Eriteriya ama xaaladaha gudaha dalka wareysigii qaybtiisa hore.
Madaxweyne Isaias ayaa waraysigiisa ku sheegay in Itoobiya ay la daala dhacayso colaado iyo qalalaaso badan oo gudaha ah, isla markaana ay dhumisay rajadii wacnayd ee sannadihii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ay lumisay taxadar la'aan.
Madaxweyne Isaias ayaa sheegay in ay adkeyd in la fahmo waxa dhacay kadib Heshiiskii Pretoria, isagoo weydiiyey, "Maxaa sabab u ahaa in aan si niyad wanaagsan loo fulin? Maxaa dagaal si aan ka fiirsasho lahayn loogu qaaday Fano?"
Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in fowdada shalay ka jirta Itoobiya ay tahay mid aan hore loo arag, isagoo isweydiiyay sababta Xisbiga Barwaaqao uu u hurinayo dagaal ka dhan ah Eriteriya halkii uu xooga saari lahaa xallinta dhibaatooyinka gudaha ee dalkooda ka jira.
Waxaa la xasuustaa in Ra'iisul Wasaare Abiy horey u sheegay, "Itoobiya doonimayso dagaal ay la gasho Eriteriya sababo la xiriira Badda Cas."
Xiisad ayaa ka dhex aloosantay labada dal tan iyo markii uu ra'iisul wasaare Abiy Axmed sheegay bishii October ee sannadkii hore in helitaanka badda ay tahay arrin badbaado u ah Itoobiya.
Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa u sheegay xubnaha Golaha Shacabka in Itoobiya "ay u baahan tahay in laga wadahadlo", wuxuuna intaas ku daray, "Aan ka wada hadalno mabda'a ah wax bixinta iyo qaadashada, mabda'a ah waxa ay dadku adeegsadaan, mabda'a suuqa... Looma baahna dagaal".
Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in waxa ay dadka reer Eriteriya u baahan yihiin waqtigan ay tahay horumar, isagoo intaas ku daray: "Annagu ma rabno in aan dirirno, balse waxaan rabnaa in aan horumar sameyno oo aan iska kaashanno."
Wareysigii uu daraad bixiyay, Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in aragtidaasi ay ahayd in la dhiso iskaashi laba geesood ah oo wanaagsan iyo xiriir adag, balse dhabta jirta ay tahay in dowladda Itoobiya ay si hadal ahaan ah dagaal ugu dhawaaqday.
Waxay ku andacoonayaan in ay oggolaansho ka haystaan Faransiiska, Mareykanka, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u fuliyaan ajandahooda dagaal, balse arrintaas si buuxda ayay u beeniyeen.
Waxay kaloo weydiiyeen, "Sideen uga adkaan karnaa Eritrea oo hubka iibsata, maalin walbana nagu handada xoog ciidan?"
Waxa uu sheegay in "habkan halista ah" uu ka dhashay rajo beelka dowladda, loona baahan yahay in la joojiyo. Wuxuu gaarsiiyay fariintii uu u diray dadkiisa oo uu ku yiri " Waa in aynaan ka welwelin arrintaas."
"Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ugu baaqay shacabka Itoobiya iyo dhammaan dariska, in ay arrintan si dhab ah uga fiirsadaan oo ay taxaddar muujiyaan."
Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in soo jiidashada fikradda ah in la helo "marin badeed madax-bannaan" ay leedahay dhinacyo kale oo la xiriira istaraatijiyad siyaasadeed oo goboleed ah. Wuxuu intaas ku daray in ay si cad u muuqato in xoogag kale ay ka dambeeyaan hawlgalkan khatarta ah oo lagu dhaqaaqay si aan laga fiirsan.
Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in Xisbiga Barwaaqo mar uu tixgeliyay in alaabo qiimahoodu dhan yahay $4 bilyan loo leexiyo dekedda Casab, iyada oo laga tagayo dekedda Jabuuti. Wuxuu intaas ku daray in ay u sheegeen in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Eriteriya u waddo si waxyeello loogu geysto waddan deris ah.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyeen dadaallada kala qaybinaya iyo kuwii dagaalka watay ee lagu doonayay in lagu helo deked iyo saldhig badeed oo Somaliland ah inay ahaayeen kuwo si la mid ah aan laga fiirsan.
Warbixin ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee The Sentry oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Eritrea ay dib u dhis iyo xoojin ciidankeeda ku sameyneysay tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnayd toddobo sanno ka hor, "waxayna xasilooni darro ku abuureysaa dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya.
Madaxweynaha Eritrea, aya sheegay inuusan dan ka lahayn dagaal.
"Ma jirto wax sheegasho dhulleed ama damac aan ka leenahay oo ka dhan ah deriskeena, laakiin sida taariikhdu muujinayso, waxaan ognahay sida aan u difaacno dalkeena marka nala soo weeraro."
"Wuxuu ku faanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha riddada dheer, taangiyada ee uu iibsaday iyo mowjadaha waaweyn ee weerarada uu ku hayo Eritrea," ayuu yiri madaxweynaha Eritrea. "Tani waa mid cajiib ah oo ay ka hadli karaan oo kaliya dadka aan aqoon taariikhda."
"Wuxuu ku faanayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , gantaalaha riddada dheer, taangiyada, iyo weerarada baaxadda leh ee uu ku hayo Eritrea," ayuu yiri madaxweynaha Eritrea. "Tani waa wax lala yaabo waxaana kaliya ka hadli kara dad aan taariikhda aqoon."
"Taladayadu waa inaan shacabka Itoobiya la gelin dagaal aan waxba tarayn," ayuu yiri Madaxweynaha oo intaas ku daray inay xoogga saaraan xallinta dhibaatooyinka dhabta ah.
Isla waraysigaas, Madaxweyne Isaias, oo ka hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ereteriya iyo Maraykanka, waxa uu sheegay in Ereteriya ay go'aansatey in ay iska ilowdo oo ay iska cafiso dhammaan caddaalad-darrooyinkii ay Washington ku samaysay kontonkii sannadood ee la soo dhaafay ka dib markii ay xorriyadeeda qaadatay.
Eritrea ayaa kamid ah wadamada Afrika ee uu maamulka Trump dhawaan kusoo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 21-07-25
......