
HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 15 APRIL 2025
RW Xamsa "Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada ummadda”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood ayaa ku ammaanay maa mulka iyo shacabka SSC-Khaatumo si -da wada jirka ah ay u ilaaliyeen midni mada iyo Calanka Jamhuuriyadda Fe -deraalka Soomaaliya,isagoona shee gay in la joogo xiligii midnimada umma dda Soomaaliyeed.
"Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qey bo badan oo kamid ah gobollada waqo oyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaa yeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaa nood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra”iisul wasaa -re Xamsa
Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeedi yey munaasabad loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo ayaa shee gay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maa -mul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madax da SSC-Khaatumo in ay maamulka cur dinka ah ka saaaran Ku-meelgaarni -madda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kal mado ku aaddan midnimada Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, ka dha geystay madaxda heerarkooda kala du wan, isimada dhaqanka iyo dadwey nihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulsha da ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo daahfuray shirweynaha Xaquuqul Insaanka
Ra”iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaali ya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa shalay magaalada Muqdisho ku daahfuray shirweynaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Soomaaliya.
Shirkan oo ayaa soo qaban qaabisay wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insa anka ayaa looga hadlayaa ilaalinta iyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Aadana ha,waxana ka qeygalay wasiirro, xildhi baanno katirsan BFS,xubno ka socda maamul goboleedyada, wakiilllo kale ee ka socda qar kamid ah beesha caa lamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaa liya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo furay shirka ayaa wasaaradda Qoys ka ku bogaadiyey qabashada shirwey nahan, isagoo sheegay inay Soomaa liya ku jirto waqti wanaagsan islamar kaana dowladda u tahay ilaalinta Xaq -uuqul Insaanka tiirarka ugu wayn.
"Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaa liya hoggaan u noqon laheyd dhowrid da xuquuqda aadanaha.” Ra’iisul Wa saare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hor umarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzo -umi ayaa sheegtay in shirkan muhiim gaar ah u leedahay maadaama ay ta hay markii ugu horeeysay oo shir noo can oo kale ah lagu qabtay Soomaa liya, iyadoo tilmaamtay muhiimadda ay wasaaradda siinayso ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka Iyo dhowri sta dadka jilicsan sida Haween ka, Caruurta iyo dadka Naafada ah.
"Shirweynahan waxaan kusoo bandhi geynaa sida ay soomaaliyada cusub hormar uga sameyneyso ilaalinta Xuq uuqul insaanka waana markii ugu hore ysay oo uu dalkeennu martigeliyo Shir weynahan” ayay tiri Wasiirka Qoyska iyo hormarinta Xuquuqul insaanka Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi
Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghaye guud ee Qaramada Midoo bay Mr. Raisadom Zenenga iyo Safiir ka UK ee Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey ilaalinta xu quuqda aadanaha, taaso oo ay shee geen inay iyagana qeybtooda ka qaa danayaan la shaqeynta wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka si loo xoojiyo hormirinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha.
Shirka mudda saddax cisha ah socon doono ayaa lagu soo bandhigayaa dar aasado la xiriiro arimaha xuquul Aadan aha iyo sida ugu haboon ee loo ilaalin karo, sidoo kale waxaa shirka uu marti galin doonaa doodo la xariira Xuquuq da Aadanaha.
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay laascanood
WasiirkaWasaaradda Gargaarka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay Magaalada laascanood kulan soo dha weyn ah waxa uu igu sameeyay Gud doomiyaha Hay’adda Maareynta Musii -booyinka Qaranka ee (SoDMA), Muda ne Maxamuud Macalin Cabdulle
Kulankan oo si heer sare ah loo agaa simay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gar gaarka iyo horumarinta ee ka howlgala deegaannada maamulka SSC-Khaa -tumo iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabd -ulle ayaa ku bogaadiyey Wasiirka doo rka muuqda ee Wasaaradda Gargaar ka ay ka qaadaneyso wax ka qabasha da baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaannada maamulka, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’ada ha dowladda iyo kuwa maxalliga ah.
Wasiirka Gargaarka ee SSC-Khaatu mo ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Guddoomiyaha iyo Hay’adda SoDMA in uu soo ajiibo ìsoo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga oo warbixin ka siiyay xaaladaha bulshada deegaanka.
Ra’iisul wasaare Xamse "Magaalada Adhi-caddeeye wacay heli doontaa xuquuqdeeda dastuuriga ah”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadhimo-Sharafeed lagu Maamuusa yey kaga qeyb-galay duleedka magaa lada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariik hiha ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhaw aan heli doonaan xuquuqdooda dastuu riga ah oo ay kamid tahay doorash -ooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaa tumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tir san Hey’addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.
Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo la Kulantay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zurich
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Switzer -land, Austria, iyo Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Geneva iyo Vien -na, Amb. Khadra Axmed Ducaale, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay jaali yadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Zurich ee dalka Switzerland.
Kulankan oo uu hormuud u ahaa Gud doomiyaha Jaaliyadda, Mudane Siciid Cali Xidig, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa safaaradda iyo jaaliyadda, iyo sidii loo horumarin lahaa danaha muwaadinii nta Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaa si.
Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa uga mahadcelisay jaaliyadda sida ay ugu heelan yihiin horumarka dalka iyo taageerada ay u hayaan safaaradda. Sidoo kale, waxay muujisay diyaar garowga safaaradda ee ku aaddan kor u qaadidda adeegyada iyo xiriirka dhow ee lala yeesho jaaliyadaha Soo maaliyeed ee ku sugan dibadda.
Dhankooda, xubnaha jaaliyadda ayaa soo dhoweeyay kulanka, iyagoo shee gay inay diyaar u yihiin inay la shaqee yaan safaaradda si loo gaaro ujeeddoo yinka wadajirka ah ee ay leeyihiin
Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maamulka SSC-Khaatumo uu yahay maamul la mid ah maamullada kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaa liya.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xam -se Cabdi Barre, oo ka hadlay madal soo dhaweyn ah oo habeenimadii Axa dda loogu qabtay magaalada Laasca anood, ayaa sheegay in SSC-Khaa tumo ay tahay maamul rasmi ah oo ka tirsan dowladda dhexe.
Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ganafka ku dhuftay sheegashada Puntland iyo So maliland ee ku saabsan deegaankaasi, isaga oo sheegay in dhulka SSC-Khaa tumo aanu ahayn mid lagu muransan yahay.
"Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana aha meel lagu muransan yah ay," ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Xam -se.
Ra’iisal Wasaaraha oo u duur xulay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxdii hore, ayaa sheegay in ay ku dhiiran waayeen inay si cad u aqoonsa daan SSC-Khaatumo, balse isagu uu si buuxda ugu dhiirraday in loo aqoo nsado maamul rasmi ah.
Tallaabadan uu qaaday Ra’iisal Wasaa re Xamse ayaa maamulka SSC-Khaa tumo uga dhigan guul weyn oo siyaasa deed, iyadoo sida uu Xamse sheegay uu maamulkaasi ka mid noqon doono qorsheyaasha horumarineed isla mar kaana uu qeybtiisa ka heli doono dhaq aalaha dowladda dhexe.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dorraad mag aalada Laascaanood ka dhagax dhi gay mashaariic horumarineed oo isugu jira dhismayaal dowladeed, xarumo booliis iyo kuwo waxbarasho.
Inkasta oo dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen aqoonsiga dowladda dhe -xe, haddana waxa jira doodo la xidhiidha in SSC-Khaatumo ay buuxi say shuruudihii maamul-goboleednimo iyo in kale, iyadoo dadka qaar ku doo dayaan in aqoonsiga Khaatumo uu hor seedi karo in maamuladii hore u jiray ay furfurmaan.
Somaliland, oo sannadkii 2023 lumisay gacan-ku-hayntii Laascaanood balse weli aaminsan inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ku tilshalayy "faragelin qaawan" oo ka dhan ah madaxbannaa -nideeda.
Xog: Imaaraatka Carabta oo saldhiggooda kuyaala Boosaaso ka hirgaliyay Raadaarka lagula socdo Gantaalada
Warbixinno la helay ayaa sheegaya in ay Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta (UAE) ay magaalada Boosa aso gaar ahaan meel ku dhow saldhig ga diyaaradaha gaysay nidaam raa -daar oo casri ah.
Nidaamkan oo ay samaysay shirkadda Israa’iil ee ELTA Systems, ayaa loo adeegsan karaa dhowr hawlood, sida kormeerka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Tallaabadan, oo ay ogaadeen ilaha sirdoonka, ayaa keentay su’aalo ku saabsan ujeeddada istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka Carabta uu ka leeyah ay gobolka Geeska Afrika oo ah mid xasaasi ah.
Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeeddada rasmiga ah ee keenista raadaarka, haddana waxay muujinays aa in Imaaraadka uu sii fogeynayo raadkiisa milatari iyo istiraatiijiyadeed ee gobolka muhiimka u ah ganacsiga iyo amniga caalamiga ah.
Raadaarkan waa raadaar guur-guura oo ku shaqeeya S-band, waxaana lagu yaqaannaa inuu xogta kala socon karo masaafo u jirta qiyaastii 470 kiiloomitir.
Waxa uu si heer sare ah uga shaqee yaa dhowr hawlood, ogaanshaha diyaa radaha, raadinta gantaallada riddada dheer, helidda halka laga riday madaa fiicda, iyo hagidda nidaamyada difaaca hawada sida Iron Dome iyo David’s Sling ee Israa’iil.
Arrintaan ayaa kusoo aaddayssa, xilli Xuutiyiinta Yemen ay ku hanjabeen inay beegsan doonaan Maraykanka iyo xulufadiisa oo uu Imaaraatku ku jiro.
Raysal Wasaare Xamsa: "Reer Hargeysa calanka waa jecel yihiin, waxaan ugu baaqayaa midnimo”
R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo weli ku guda jira booq ashada uu ku joogo magaalada Laasc aanood ayaa khudbad uu xalay jeedi -yay waxa uu ku sheegay in SSC-Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Raysalwasaaraha ayaa ugu baaqay saaxiibbada Soomaaliya in SSC-Khaa tumo ay ula dhaqmaan sida maamul la mid ah maamullada kale ee Soomaal iya ka jira.
Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale shaaciyay in SSC-Khaatumo ay qayb ka noqon doonto madsaha wada tashi ga qaran ee Soomaaliya. "Khaatumo oo fadhiisata madasha wada tashigu waxay soo kordhin doontaa talo, caqli iyo ciidan, ” ayaa uu yidhi.
Raysalwasaare Barre ayaa sheegay "in qaran-jabkii Soomaaliya uu keenay in goobtii calanka laga taagay haddana laga diido isaga oo sidoo kale Somal iland ugu baaqay in ay ilaaliyaan midn imada oo sida uu sheegay ay iyagu hormuud u ahaayeen.”
"Gobollada waqooyi oo ay magaalada Hargaysa kow ka tahay, waa goobta ugu qiimaha badan ee calanka laga taagay, dadkeedana aan hubo in ay yihiin kuwo calanka aad u jecel. Laa kiin waxa jirta taariikh khaldantay oo loo baahan yahay in la saxo oo uu kee nay qaran-jabkii Soomaaliya.” Ayaa uu yidhi.
Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad shuruud la’aan ah
Madaxweynaha maamulka SSC Khaa -tumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay muna asibad balaaran oo ka dhacday magaa lada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland na bad iyo deris wanaag shuruud la’aan ah.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku baaqayeen nabad, isagoona tilmaam -ay in hadda kadib aysan ogolaan doonin nabad wax u dhimeysa jiritaa nka maamulka SSC Khaatumo.
"Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxa aanu ku baaqnay nabad, weli na waan ku taagan nahay. Nabad aa nay shuruudi ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u u dhimayso doonistayada," ayuu yiri Madaxweynaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.
Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda federaalka iney qaadato doorkeeda ku aadan wada ha dalada nabada ee Somaliland iyo SSC Khaatumo.
"Xukuumadda Danqaran iyo madaxwe ynaha Jamhuuriyadda waxaan ugu baaqaynaa iney qaataan doorka hogg aamineed ee nabadda, intii ay dowlado shisheeeye qaadan lahaayeen, ha isu keen keento oo ha na wada hadashiiso, Wanaag aan waxba ka hoosayn ayaan rajaynaynaa” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.
Hadalkaan kasoo yeeray Cabdulqaadir Firdhiye ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay uu shaaciyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre in SSC Khaatumo ka mid tahay dowlad goboleedyada dalka.
Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay isticmaalka dekedo muhiim ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aa Maraykanka u soo bandhigtay in uu la wareego maamulka dekedaha Ber -bera, Muqdisho iyo Kismaayo, xilli ay dadaal ugu jirto sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar 'Cali Balcad', oo lagu wareystay barn aamijka One on One ee ka baxa war baahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in ay Maraykanka u soo bandhigeen isti -cmaalka dekedahan.
Sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad, dowladda Soomaaliya waxay Marayka nka ka codsatay in dib loo cusboo neysiiyo heshiis ay Soomaaliya iyo Maraykanku gaadheen 1980-meeyadii, kaas oo u ogolaanayay Washington in ay isticmaasho dekedahan iyo garoon ka milatariga ee magaalada Berbera.
"Waxaan hadda ka codsanay Maray kanka in la cusboonaysiiyo heshiis kaas ku saabsan isticmaalka saddexda dekadood, haddii ay kuwo kale u baahdaan, way isticmaali karaan. Waa xeelad aan ku doonayno in aan ugu dhowaanno Maraykanka, sababtoo ah Maraykanku waa u muhiim dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, taageera diisana aad ayaan ugu baahannahay, hadda na wuu na taageeraa,” ayuu yidhi Cali Balcad.
Warbaahinta Maraykanka ayaa dhow aan baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, taas oo uu kaga codsaday in Washington ay la wareegto maamulka dekedaha iyo garoomada Berbera iyo Boosaaso, beddelkeedana aysan aanu aqoonsan Somaliland
Hase yeeshee marka laga yimaado ya boohda dowladda Soomaaliya ay u sa maysay Maraykanka, gacanta kuma hayso maamulka dekedaha Berbera iyo Kismaayo ee uu Wasiir Cali Balcad xusay. Berbera waxay ku taallaa Somaliland oo 34 sano ka hor sheeg tay inay ka go’day Soomaaliya, halka Kismaayo ay ku taallo Jubbaland, oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn dowladda dhexe.
Dowladda Maraykanka weli kamay jawaabin codsiga Soomaaliya, waxaa na J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika, isla markaana ka mid ah dadka aadka ugu dhow Trump, uu sheegay in Soomaaliya ay ku yaboohday dekedo ayna maamulin, taas oo uu ku tilmaamay arrin yasitaan ku ah caqliga dadka Maraykanka.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi 'Cirro', oo wareysi siiyay The New York Times, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala xaa -joon karo oo leh maskax ganacsi, isa ga oo sheegay in dib u doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta. Hadalkan ayaa loo fasirtay in Somaliland ay di yaar u tahay in ay Maraykanka siiso saldhig ciidan si ay uga hesho aqoonsi rasmi ah.
Qayb kamid ah maxaabiista Somaliland ee ku xidhan Laascaanood oo la filayo in la sii daayo
Waxaa jira warar sheegaya in ay suu ragal tahay in qayb kamid ah maxaa biista Somaliland ee ku xidhan magaa lada Laascaanood la sii daayo, kadib socdaalkii uu Raysal Wasaaraha Soo maaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagay magaaladaasi.
In kasta oo maamulka SSC-Khaatumo aanu si rasmi ah u caddayn jiritaanka warkan, hadana Xildhibaan Axmed Keyse oo ka tirsan Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa qoraal uu ku baa hiyay bartiisa Facebook kaga hadlay suuragalnimada tallaabadan.
"Raysal Wasaare Seyid Xamse waa masuul qaran, oo SSC-Khaatumo ku metela awood qaybsiga Dowladda Fed eraalka. Waa naga mudan yahay in lagu sharfo sii daynta qayb kamid ah maxaabiista,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Fir -dhiye, ayaa sheegay in maamulkiisu di yaar u yahay inuu nabad shuruud la’ aan ah la yeesho Somaliland, isaga oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay dhexdhexaadiso maamulkiisa iyo Somaliland. Hadalkan ayaa muujinaya suuragalnimada in SSC-Khaatumo ogo laatay in ay sii deyso maxaabiis hor dhac ah.
"Laga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxaanu ku baaqnay nabad, weli na waan ku taagan nahay. Nabad aa nay shuruud ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u dhimaysa doonistayada. Dowlad da Federaalka hana dhexdhexaadiso,” ayuu yidhi Firdhiye.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal uu ka jeediyay madal uu kaga qaybgalay dal ka Turkiga ku sheegay in Raysal Wasa are Xamse uu Laascaanood u joogo sidii uu xal ugu heli lahaa xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatu mo, isaga oo sheegay in labada dhinac weli kala haystaan maxaabiis.
Si kastaba ha ahaatee, uma badna in Somaliland aqbasho dhexdhexaadin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhex samayso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, maadaama oo anay xidhii dh wanaagsan la lahayn Somaliland isla markaana Xukuumadda Somali land ayaa si weyn uga cadhootay socd aalkii Raysal Wasaaruhu ku tagay Laascaanood, iyada oo ku tilshalayy xadgudub.
Somaliland waxay xiisadda Laascaa nood u aragtaa mid gudaha ah oo u baahan in si nidaam gudeed ah loo xall -iyo, iyada oo ay wada hadlayaan dad ka deegaanka Sool iyo waxgaradka Somaliland. Arrintan ayaana caqabad ku noqonaysa suuragalnimada in Dowl adda Federaalku ay labada dhinac dhexdhexaadiso.
Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay 15 xubnood oo katirsan kooxda Alshabaab
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqab atayn ku soo rogtay 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka howl gasha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay maalgelinta iyo taagee ridda kooxda xagjirka ah.
Tallaabadan oo si wadajir ah loo qaa day iyada oo lala kaashanayo Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixi sada (TFTC), ayaa loogu talagalay in looga hortago in kooxda la xiriirka la leh al-Qaacida ay helaan shabakado maaliyadeed si ay u helaan maalgelin, una fuliyaan weerarro, una sii wadaan ficiladooda rabshadaha wata,” sida la gu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Kaaliyaha Ku-meel-gaarka ah ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka u qaabilsan Maalgelinta Argagixisada, Anna Morris.
Lama sheegin magacyada xubnaha Alshabaab ee lagusoo rogay cunaqaba taynta. Sidoo kalena lama caddayn nuuca qabataynta lagusoo rogay sha khsiyaadkan.
"Al-Shabaab waxay sii waddaa inay cabsi geliso oo ay baad ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku khasbeysaa beeraleyda inay siiyaan xoolo, waxayna afduubtaan dad rayid ah,” ayay tiri Anna Morris Isniintii Maanta.
Mareykanka ayaa ku bixiyay in ka badan $2.5 bilyan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo aan wax badan laga gaarin natiijo la taaban karo.
Bishii Maarso, Mareykanku wuxuu qaaday laba duqeyn oo uu ku sheegay weerarro isdifaac ah oo ka dhan ah kooxaha Shabaab iyo Daacish.
TFTC, oo ay xubno ka yihiin Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Kuwait, Cumaan, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta, waxay iska kaashadaan tallaabooyin ay ku jiraan cunaqabateyn bartilmaameed ah si loo xoojiyo hay’adaha ka hortagga maalgelinta argagixisada.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale cunaqabatayn saartay Al-Shabaab si looga hortago inay helaan hub iyo rasaas.
Duqeymo iyo dagaal Habeen hore ka dhacay deegaanka Aboorey.
Duqeymo xooggan ayaa laga soo war inayaa deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay fuliyeen diyaara do dagaal oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in diya aradaha dagaalka ay bartilmaameeds adeen fariisimo muhiim ah oo Al-Sha baab ay ku lahaayeen deegaanka, in kastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Duqeynta ka hor Dagaal culus oo soc day saacado badan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboorey, iyadoo ay iska horimaadyo toos ah dhexmareen ciidanka milateriga Soo maaliya iyo Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda oo garab ka hela ya dadka deegaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada tuullooyinka hoos yimaada Aboorey, si ay u adkeeyaan gacan ku haynta deegaankan muhiim ka ah oo istaraatiiji u ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Duqeynta ayaa la sheegay in si gaar ah lala beegsaday godad waa weyn oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka qoteen deegaanka.
Goobaha la duqeeyay ee godadka ay ka qoteen ayaa waxaa ka mid ah agag aarka Taalada Deegaanka Aboorey, waxaana jiro xubno badan lagu gubay godadka ay ku jireen.
Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dagaalka iyo duqey maha xalay ka dhacay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.
Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine dadna ay ku dhinteen
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 83 kalena way ku dhaawacmeen, oo ay carruur ku jireen, kadib weerar uu Ruushku ku qaaday Ukraine, sida wasaaradda arrimaha gudaha Ukraine ay sheegtay.
Tirada dhimashada ayay sheegeen inay kordhi karto, iyadoo dadka dhaaw acmay ay ku sugnaayeen waddoo yinka, gawaaridooda dhexdooda, gaa diidka dadweynaha iyo guryahooda.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Sumy.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa caalamka ugu baaqay inay falcelin adag ka bixiyaan weerar ka Ruushka.
Maraykanka oo wacad ku maray inuu Soomaaliya ka caawin doono la dagaalanka argagixisada
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa wacad ku maray in dowla ddiisu ay Soomaaliya gacan ka siin doonto la dagaalanka argagixisada, isa ga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay Xuutiyiinta oo uu ka cabsi qabo in ay Soomaaliya xeryo ka samaystaan.
Trump oo hadda dagaal gaar ah kula jira kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo weerarro u geystay maraa kiibta Israa’iil iyo reer Galbeedka, ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii Xuutiyiintu aysan dhul kooda uga dhigan lahayn saldhig.
"Waanu taageeri doona dadka Soo maalida, umana ogolaan doono in Xuutiyiintu ay dhulkooda xero ka dhig taan, si aanu usoo afjarno argagixisa da, oo aanu waddankooda uga dhigno mid barwaaqo ah," ayuu yidhi Trump.
Waxa uu sheegay in ciidamada cirka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay geesi yaal mar la arag ah, ay cadaaladda hor keeni doonaan kooxaha xagjirka ah, sidii ay hore ugu cirib tireen kooxdii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq muddo xilleedkiisii hore.
Dhanka kale, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Carab, ayaa soo dhaweeyay taageerada dow ladda Maraykanka, isaga oo sheegay in kooxaha xagjirka ah lagaga adkaan karo oo keliya iskaashi buuxa.
"Aad ayuu u mahadsan yahay Madax weyne Trump taageerada cad. Iskaa shigan qiimo weyn buu ugu fadhiyaa Soomaaliya. Wadajir ayaynu wax kaga qaban karnaa argagixisada, oo aynu ku tirtiri karnaa khataraha sida Xuutiyii nta, si aynu Geeska Afrika ugu dhalino xasilooni dhab ah," ayuu yidhi Danjire Daahir Carab.
Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyay duqaymo la beegsatay kooxaha Xuutiyiinta, Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in saldhig ga ugu weyn ee Daacish uu ku yaallo Soomaaliya, kaasi oo dhawaan ay dagaallo is-daba joog ah ku naafee yeen ciidamada Puntland.
Sidoo kale, Wardoonta Maraykanka ayaa sheegay in xidhiidh ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo ah garab ka tirsan Al-Qaacida, waxaana laga cabsi qabaa in Xuutiyiinta oo garabsanaya dowladda Iiraan ay saa nad milatari oo xoog leh u gudbiyeen Al-Shabaab.
Sida ay dhawaan qortay New York Times, saraakiisha Aqalka Cad ayaa is ku maandhaafsan sida loo wajahayo xaaladda Soomaaliya, iyaga oo shee gay in argagixisadu khatar ku hayso magaalada Muqdisho. Hadalka Trump ayaa u muuqda mid muujinaya in Was -hington ay go’aansatay inay sii waddo taageeradeeda la dagaalanka xagjirni mada.
Dawladda Ingiriiska oo xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidammada Soomaaliya
Dawladda Ingiriiska ayaa xoojisay taa geerada dhaqaale ee ay siiso Ciidam mada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo $3.9 milyan oo dheeraad ah ku dartay deeqihii hore, sida lagu shee gay war qoraal ah oo ka soo baxay saf -aaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Muqdisho.
Deeqda Ingiriiska oo la marsiiyo Xafiis ka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan soomalaiya ee UNSOS ayaa sida qoraalka lagu sheegay waxa ay hadda taageertaa 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliyeed iyo Ciidanka Booliska.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu shee gay in Ingiriisku uu sannadkii la soo dhaafay kaalin ka gaystay deeqaha cunnooyinka iyo shidaalka la siiyo ciida nka oo ay dheer tahay daadguraynta boqolllaal ka mid ah dhaawacyada askarta.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliy a, Mike Nithavrianakis, ayaa ka hadlay deeqdan ayaa yiri:
"Ingiriisku waa saaxiib adag oo Soom aaliya leedahay. Xilligan muhiimka ah, waan ku faraxsanahay in aan ku dhaw aaqo taageero dheeraad oo wax ka ta ri karta la dagaallanka xagjirka. Wax aan ku dhiirrigelinayaa bah-wadaagta kale in ay taageeraan sanduuqa SSF Trust Fund, si loo garab istaago ciidanka Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.”
Alshabaab oo xayiraadii ka qaaday magaalooyin ku yaal Bay iyo Bakool
Warrarka ka imaanaya Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab uu ka qaaday go’doomintii ay ku hayeen muddada dheer magaalooyin iyo degmooyin ku yaala gobollada Bay iyo Bakool ka dib markii iyaga laga saaray.
Warkan oo soo shaac baxay dorraad gelinkii dambe ayaa ugu dambeyn shalay la arkay gaadiid sida badee cooyin kala duwan oo tagay magaaloo yinka qaar sida Qansax dheere oo ka tirsan gobolka Bay.
Al-shabaab oo inta badan laga saaray magaalooyinkaas dhawr iyo toban sa -no ka hor ayaa taa badalkeeda waxa ay fariisteen waddooyinka soo gala magaalooyinkaas iyagoo diiday in waxa badeeca ah u gudbaan, taas oo adkeysay nolosha dadka degmooyin kaasi ku nool.
Dhowr iy tobankaasi sano ee ay Alsha baab xayiraadda ku haysay magaaloo yinkaasa ayaa badeecadaha halkaasi tago ay qaarkood ku tagi jireen diyaa rad iyadoo dhowr jeer ay magaaloo yinka qaar ay macluuli ka dhacday, ha yeeshee wararka soo baxaya ilaa dorraad ayaa shegaya in Alshabaab ay qaadeen xayiraadii in kasta oo aanay si rasmi ah barahooda ugu baahin haddan dadka deegaanka ayaa loo sheegay in ay si rasmi ah ganacsigoo da u geyn karaan magaalooyinkaas.
Magaalooyinka ilaa shalayy iyo dorraad ay badeecaduhu tageen waxa ka mid ah Qansax Dheere oo ka tirsan gobolka Bay iyo degmadada Xuddur oo ka tirsan gobolka Bakool .
BBcdu waxa ay isku dayday in la xiriirta maamulka goboladaas laakinse nooma aysan suurta gelin.
kumanaan qof oo ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan
In ka badan toban kun oo qof ayaa ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dib markii ay weerar abaabulan ay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada gurmadka degdega ah.
Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn aya a sheegay in dadka rayidka ah ay ka tageen magaalada Zamzam ee galbee dka gobolka Darfur, waxayna u guu reen magaalada Tawila oo - in ka ba dan todobaatan kiilo mitir u jirta.
RSF waxay sheegtay inay hadda gac anta ku hayaan xerada.
Wararka ku saabsan weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ku bee gan tahay sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu billowday dagaalka sokeeye ee u dhexeeya jabhadda RSF iyo ciidammada Suud -aan.
In ka badan 100 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 carruur ah iyo koox caafimaad ayaa lagu dilay weera ro xiriir ah oo dabayaaqadii todobaad kii hore ka billowday gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 15 APRIL 2025
.