Ra'iisul wasaare Xamse oo sheegay in Bisha Ramadaan ay Dowladda qaadi doonto howlgal culus oo ka dhan ah Al shabaab

0
Tuesday March 11, 2025 - 13:52:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamse oo sheegay in Bisha Ramadaan ay Dowladda qaadi doonto howlgal culus oo ka dhan ah Al shabaab

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal weyn oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab inta lagu guda jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan. Ra'iisul wasaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal weyn oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab inta lagu guda jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan. Ra'iisul wasaaraha waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qabaailka, Culuma'udiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku garab istaagaan ciidamada Dowladda dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab. Waxa uu shaaca ka qaaday in ummadda Soomaaliyeed ay la socoto Propaganda iyo wararka been abuurka oo uu sheegay inay yihiin kuwa ay ka dambeeyaan Kooxda Al shabaab ayna Dowladda diidan tahay in waxyaabaha aan u adeegeenin xasiloonida iyo amaanka dalka ay ka gacan bir uga hortagi doonto. "Waxaan Maalmaha soo socda aan dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin doonaa Dagaal toos oo aan waxba loola harin si Al shabaab meel la soo saaro." ayuu yiri Ra'iisul wasaare Xamse. Ugu dambeyntii waxa uu xusay inay jiraan cadow gudaha iyo dibadda ah oo Soomaalida dhexdoodi laisku adeegsanayo si aysan uga faaideysan kheyraadka dhulkeedi kujira iyo sidoo kale midnimadoodi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip