halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-03-25

0
Sunday March 09, 2025 - 09:37:09 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 09-03-25

    ,,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,,

Madaxweyne Xasan Sheekh "Al-shabaab cir iyo dhul ayaa laga duqeyn doonaa meel kasta oo ay joogaan ee halaga fogaado"

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday iney isaga fogaadaan ay meel kasta oo ay joogaan kooxda Al-shabaab, islamarkaana laga fulin doono duqeymo cir iyo dhul ah.

"Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ka fogaada Meel kasta oo ay Al-shabaab joogaan, cir iyo dhul ayaa laga duqeyn doonaa ee kasii fogaada yaysan dhibaato idin ka soo gaarine" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in haatan ay dhawdahay guul ka gaarista kooxda Al-shabaab, wuxuuna uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed iney macaamil la sameystaan kooxda.

"Muwaadinka Soomaaliyeed ee sharafta lahow waxaa ku leeyahay Shabaab hala dagin, hala darsin, guri haka kireyn oo ka dheeroow, Cadawga waxaa looga guuleysan karo waa midnimo ee aan u midowno oo aan garab isgaatga gesiyasha Qaranka ee xiran tuutaha ama Macwiista ee u taagan ciribtirka Al-shabaab" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay gobolka Shabe-ellaha Dhexe ka wadaan howlgalada lagu doonayo in kooxda looga xureynayo dalka

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga caasimadda

Ra’iisul Wasaare ku-xigenka Xukumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula so afuraan shacabka io Sarakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasim-adda.

Golaha shacabka oo ka dooday sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo gudomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhiban Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) o ka mid noqday Xildhibanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige aya mudanayasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyedka Canshurta Dakhliga, waxana xildhibanada Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci e ay so gudbisay Wasarada Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

Wasiirka Maaliyadda oo uu wehliyo guddoomiyaha Banka ayaa la kulmay Gudidda maaliyadda iyo guddi ka socotay Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa habeen hore waxa ay kulan wadatashi ah la qaateen guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin laha qodobada Xerka hay’adaha maliyada Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012, waxana inta kulanka uu socday guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ay wehliyeen wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Soomaaliyeed isku raacen in la wafajiyo mabadii’da sharce-cada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ee XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Xeerka hay’adaha maaliyadda uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan hadana talooyinka culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Culuma’udiinka Soomaaliyeed oo ka shiray qodobo ku jira Xeerka Maaliyadaha Dalka ee horyaala Baarlamaanka

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomalia ayaa lagu sheegay in fadhi ay yesheen Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukumada Soomaaliya oo uu wehliyay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Guddigaan ka socday Culimada Somalia ayaa dhowan waxa warbahinta gudaha ay u sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin qodobo dhowr ah oo ku jira xeerka Maaliyadaha Dalka ee horyaala Baarlam-anka, waana tan soo dadajisay in Wasiirka Maaliyadda iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ay la fadhiistaan Guddigaan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin laha qodobada Xerka hay’adaha maliyada Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012.

Waxaana inta kulanka uu socday gudiga maaliyada ee Golaha Shacabka oo ay wehliyen wasaarada maliyada iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Somaliyed isku raacen in la waafajiyo mabadi’da sharcecada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige aya sheegay in Xerka hay’adaha maliyada uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameyay, isaga oo tilmamay in xerkan u so maray marxalado kala duwan hadana taloyinka culimada Somaliyed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.

Abaabulka hawlgal lagu cirib tirayo Al-shabaab oo ka socda Shabeellaha dhexe

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe oo wada abaabulkii ugu sarreeyey kaas oo dalka looga xoraynayo kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage, guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute iyo Saraakiil kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka iyagoo qayb ka noqonaya guluf dagaal oo lagu cirib tirayo kooxda al-shabaab oo maalmihii u dambeeyey la sheegay in ay si dhuumasho ah ku soo gaareen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Xildhibaano,ganacsato,madaxda dhaqanka iyo shacabka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa iyaguna dhankooda wada abaabul dagaal oo xooggan.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa daraad jabiyey xubno al-shabaab ah oo si dhuumasho ah ugu soo dhowaaday deegaanka Boos hareeri iyadoo halkaas ciidanka ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Wadayaasha Mooto Bajaajta oo shalay dibad baxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho

Qaar kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dibad baxyo ka dhigay isgooyska KM4 iyagoo ka cabanaya lacago ay ku sheegeen kuwa sharci dara ah oo ay qaadaan taliska ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir.

Arintaan waxa ay salka ku haysaa qaar kamid ah waayaasha Bajaajta oo aan haysan warqada sharciga ee wada marista kaliya haysta warqad inta looga soo saarayo ay ku shaqeesanayaan taa oo ah dhibka ugu weyn ee kala haysta Bajaajleeyda iyo Taraafikada oo eegenaysa kaliya in qofka wadaha uu sito sharciga wada marista.

Wadayaashaan ayaa sheegay in laga qaado si maalin le ah lacago gaaraya illaa iyo 5 Doolar oo ay tilmaameen in dhibaato ay ku tahay daqliga maalin laha ah ee kasoo gala wadista moota Bajaajta, waxaana wax laga xumaado ay ku tilmaameen in iyadoo bil Ramadan ay tahay aysan jecleen inay banaan baxaan dhigaan balse ay u dulqaadan waayeen dhibaatada ay taraafikada kala kulmayaan.

Qaar kamid ah Wadayaasha mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in lacagtaan xitaa maalintii aan guryaha ay kasoo shaqo tageen lagu biilin ayna ku adag tahay bixintoodi.

Mid kamid ah wadayaashaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri ""Maalin kasta 5 doolar xitaa guryaha laguma biilo, bil Ramadaan waayay inaan isku soo baxno ma rabin ee waa nagula kalifay".

Talisyada Booliska iyo midka Taraafikada ayaa isku dayaya inay la hadlaan wadayaasha mooto Bajaajta oo ku hanjabay in illaa dhibaatada lagu haayo laga dhafaayo ay sidaan usii joogteeyn doonaan banaanbaxyada ay ku muujinayaan inay dhibanayaal u noqdeen askarta ka shaqeeysa wada marista ee taraafiikada looyaqaano.

Dowlada Itoobiya oo ciidamo badan geysay degaano kuyaala xaduudka Soomaaliya

Tiro badan oo ka mid ah ciidamada Difaaca toobiya (ENDF) ayaa la geeyay meel u dhow magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, taasoo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay warbaahinta Itoobiya.

Ciidamadan ayaa la geeyay xilli ay ciidamada Itoobiya isku diyaarinayaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegeen ilo maxalli ah, ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in lagu meeleeyo goobaha istiraatiijiga ah si ay uga hortagaan weerarrada sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya dowladda iyo ciidamada AUSSOM.

Tallaabadan ayaa imaanaysaa iyadoo dhawaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen degaano katirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sida uu xaqiijiyay wasiirka Gaashaadnhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto howlgalka cusub ee Soomaaliya, kaddib khilaafyo labada dal dhexmaray oo ka dhashay heshiiskii badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

2 Qof oo Dhintay iyo 186 Kale oo La La’yahay Kadib Doonyo Ku Degay Biyaha u Dhexeeya Yemen iyo Jabuuti

Inta la ogyahay, 2 qof ayaa dhintay, sidoo kale waxa la la'yahay 186 kale kadib markii afar doonyood oo siday tahriibayaal Itoobiyaan u badan ay ku dageen biyaha u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Yemen.

Tamim Eleian, oo ah afhayeen u hadlay Hay'adda Socdaalka ee Caalamiga (IOM), ayaa sheegay in laba kamid ah afarta doonyood ee siday tahriibayaashu ay ku dageen biyaha Yemen xilli dambe oo maalintii Khamiista ah.

Sida Al Jazeera baahisay, Eleian waxa uu sheegay in la badbaadiyay laba kamid ah shaqaalaha doonyaha, laakiin la waayay 181 muhaajiriin ah iyo 5 qof oo Yemeniyiin ah oo ka shaqaynayay doonyaha qarqoomay.

Hay'adda IOM waxa ay sheegtay in la rumeysanyahay in badi dadka saarna doonyuhu ay ahaayeen Itoobiyaan, iyadoo ugu yaraan 57 qof oo dumar ahi ay saarnaayeen dooni kasta oo kamid ah labada doonyood ee degay.

"Waxaanu la shaqaynaynaa hay'addaha maamulka si aanu isugu dayno in aanu helno cid badbaaday, laakiin waxaan ka baqayaa in aanu heli wayno cid ka badbaaday," ayuu Wakaalada Warar ee AFP u sheegay Madaxa Xafiiska IOM ee Dalka Yemen, Abdusattor Esoev, sida Al Jazeera qortay.

Afhayeenka IOM, Eleian, ayaa sheegay in labada doonyood ee kale ay ku dageen biyaha dalka Jabuuti wakhti isku mid ah, isla markaana laba kamid ah muhaajiriintii saarnayd ay ku geeriyoodeen, laakiin la badbaadiyay dhammaan dadkii kale ee saarnaa.

Dadka ku dhaqan Geeska Afrika sida Itoobiyaanka, Soomaalida, iyo Eriteriyaanka ayaa sannadkasta ku nafwaaya jidadka badda ee khatarta badan iyaga oo safar ugu jira qaarada Yurub ama waddamada Khaliijka si ay nolol tooda ka wanaagsan u raadsadaan.

Dagaal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaal saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Boos hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay ilaa 20 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab, kadib markii deegaanka Boos hareeri ay kusoo qaadeen kooxda weerar xogtiisa ay sii hayeen ciidamada.

"Ciidamada oo ka war qabay weerarka al-shabaab ayaa ka hortagay, iyagoo dhirbaaxo adag ku dhuftay argagixisadi la soo qalday, Inta uu socday dagaalka waxaa lagu dilay 20 dhagarqabe oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay gacanta ku dhigeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen kooxda Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Boos hareeri.

Weerarkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Al-shabaab ay si weyn u kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ku bogaadiyay ciidamada is garabsanaya guulaha ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

"Waxaan bogaadinaya guulaha geesiyaasha qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ka gareen Al-shabaab Al-habaab, gaar ahaan dagaaladii ka dhacay Boos hareeri iyo Laba garas oo kooxdu jab xoog leh lagu gaarsiiyay, ciidamadu waxay dul tageen Al-shabaab oo Canbuulo iska karsanaya maalin cad oo soon ah, waa ma soomayaal, diinta ka beensheegaya oo bil ramadaan iska cunteeya" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar Maxamed.

Xukuumadda Somaliland oo dil ku fulisay ragg niman askar ah ku dilay Hargeysa iyo Gabiley

Xukuumadda Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Shibil Saalax Isaaq, oo Gabiley ku dilay Buux Mawliid Ismaaciil, oo ahaa askari booliis ah, iyo Maxamuud Cali Nuur, oo dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cali Cabdi Nuur.

Dilkan qisaasta ah, oo la fuliyey saaka aroornimadii hore, ayaa ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Dhexe ee Madheera, ee gobolka Saaxil. Dilka ayaa la fuliyey kadib markii Maxkamadda Ciidamadu ay si buuxda ugu heshay dambiyada ay geysteen.

"Xeer-Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qaranka JSL ayaa saaka fulisay qisaasta gacan-ku-dhiiglaha Ex-Askari Maxamuud Cali Nuur, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, iyo gacan-ku-dhiiglaha Shibil Saalax Isaaq Muxumed, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Askari Booliis Buux Mawliid Ismaaciil," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska.

Qisaastan, oo noqotay tii ugu dhakhsaha badnayd ee la fuliyo, ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, daraad qalinka ku duugay si loo oofiyo qisaasta Shibil iyo Maxamuud, kadib markii ehelada askartii ay raggani dileen ay codsadeen in qisaasta la dedejiyo.

Maxkamadda Militariga Somaliland ayaa hore u go’aamisay in si degdeg ah loo dilo askariga dila askari kale. Haddaba, ninka dilay Taliyaha Saldhigga Maxamed Mooge wuxuu ahaa askari, halka ninka Gabiley ku dilay askariguna uu ahaa shacab.

Dalalka Muslimka iyo Yurub oo taageeray qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dhowr wadan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha Carbeed ee la doonayo in dib loogu dhiso deegaanada Gaza ee ku burburay dagaalka Israel.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Gaza, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaarisay Masar, waxaana madaxda Carabta ay ku meel mariyeen shirkii Jaamacadda Carabta ee bishan ka dhacay magaalada Qaahira.

57-da dale e xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyay qorshahaan kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Jeddah ee Dalka Saudi Arabia.

Qorshaha Carabta oo loo arkaa mid lid ku hindisaha Trump,waxaa qodobadiisa kamid ah in Xamaas aysan maamulin Gaza iyo in aysan khatar ku noqon Israa’iil.

Bayaanka ka soo baxay afarta waddan ee Yurub ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan doorka dhexe ee maamulka Falastiiniyiinta iyo hirgelinta ajendaha dib u habeynta.

Dunida Muslimka ayaa ku booryay Beesha Caalamka iyo hay’adaha maalgelinta caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay si degdeg ah u bixiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah qorshaha Catabta.

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Jimciyadda SOHEDA

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa shalay deeq gargaar waxa ay gaarsiisay Hay’adda Soheda oo gacanta ku haysa dad danyar ah.

Deeqdan ayaa waxay qayb ka tahay mashruuca afurinta iyo taakuleynta bisha Barakaysan ee Ramadan ay wadday Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoona ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 100 qoys oo danyar ah.

Deeqdan ayaa isugu jirtay bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir, si ay qoysaskaasi ugu moodaan inta lagu guda jiro bishan Ramadan.

Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay in deeqda ay geeyeen Xarunta SOHEDA ay qayb ka tahay kaalmada bani’aadantinimo ee ay HSF bixineyso bishan.

Gudoomiyaha Jimciyadda SOHEDA, Saciid Abuukar Maxamed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay deeqdan oo la soo gaarsiiyay, xilli ay dadku baahi weyn u qabeen.

Qoysaska ka faa’iideystay barnaamijka afurinta ee Hormuud Salaam Foundation ayaa hay’adda uga mahadceliyay, sida ay Ramadan kasta u soo xusto.

Hay’addan ayaa bisha Ramadan kordhisa deeqda ay siiso dadka jilicsan, si aysan uga welwelin wixii ay ku afuri lahaayeen, isla-markaana ay saxuurta ka dhigan lahaayeen.

Ramadanku waa bisha ay ugu baahida badan yihiin dhammaanba dadka jilicsan, bishaas oo ay kor u eegaan dadka ladan ee Alle uu wax siiyay.

Cayil iyo buurni lagu tilmaamay musiibo ku soo wajahan dunida oo walaac laga muujinayo

In ka badan kala bar dhammaan dadka waaweyn iyo saddex meelood meel carruurta iyo da'yarta adduunka ayaa la saadaaliyay inay cayilayaan ama buuranayaan marka la gaaro 2050-ka.

Arrintaan ayaa lagu sheegay daraasad cusub oo caalami ah oo lagu daabacay joornaalka Lancet, taasoo ka hadashay in ka badan 200 oo waddan.

Cilmi-baarayaashu waxay ka digayaan in heerarka buurnida la saadaaliyay inay si degdeg ah u kordhi doonto inta lagu jiro sanooyinka ka harsan, gaar ahaan waddamada dakhligoodu hooseeyo.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa sheegaya in haddii dowladuhu ay hadda qaadaan tallaabo degdeg ah, ay weli jirto waqti laga hortagi karo waxa ay ku tilmaameen "musiibo qoto dheer".

Laga soo bilaabo 2021-dii, ku dhawaad kala bar dadka qaangaarka ah ee adduunka - bilyan rag ah iyo 1.11 bilyan oo haween ah oo da'doodu tahay 25 ama ka weyn - ayaa ahaa kuwo buuran ama cayilan.

Tirada ragga iyo dumarka la nool xaaladahan ayaa labanlaabmay tan iyo 1990-kii.

Haddii isbeddelku sii socdo, heerarka caalamiga ah ee dadka waaweyn ee cayilan waxay kor ugu kici doonaan ilaa 57.4% ragga iyo 60.3% haweenka marka la gaaro 2050-ka.

Marka la eego tirooyinka Shiinaha (627 milyan), Hindiya (450 milyan) iyo Mareykanka (214 milyan) ayaa noqon doona waddamada dadka ugu badan ay ku nool yihiin oo ah kuwa cayilan ama buuran sanadka 2050.

Si kastaba ha ahaatee, kororka dadwaynaha ayaa la macno ah in saadaliyayaashu ay muujinayaan in tirada Afrika gaarahaan dalalka Saxaraha ka hooseeya ay kor u kacdo in ka badan 250% ilaa 522 milyan.

Nigeria ayaa u muuqata in tirada la saadaaliyay ay ka badan tahay saddex laab – laga soo bilaabo 36.6 milyan oo ay gaarayeen sanadkii 2021-ka , 141 milyan ayay saadaashu sheegaysaa 2050-ka . Taasi waxay ka dhigi doontaa waddanka afaraad ee ugu badan ee dadka qaangaarka ah ee cayillanyihiin ama buuranyihiin.

Cilmi-baarayaashu waxay qireen in daraasaddu aanay xisaabta ku darin saamaynta ay yeelan karaan dawooyinka miisaan dhimista oo dad badan isticmaalaan.

Khubarada ayaa sheegaya in haddii dowladuhu ay hadda qaadaan tillaabo degdeg ah, ay weli jirto waqti looga hortagi karo wax musiibo ku noqon kara nidaamyada daryeelka caafimaadka ee nugul.

Cilmi-baaristan waxaa hoggaaminayay Prof Emmanuela Gakidou, oo ka tirsan Machadka Caafimaadka Metrics and Evaluation (IHME), ee Jaamacadda Washington ee dalka Mareykanka.

Waxay tiri: "Dowladuhu waxay dalalkooda u adeegsan karaan qiyaaso gaar ah oo ku saabsan marxaladda, waqtiga, iyo xawaaraha isbeddelka hadda jira iyo kuwa la saadaaliyay ee miisaanka si loo ogaado dadka mudnaanta leh ee la kulmi kara culeysyada ugu weyn ee buurnaanta kuwaas oo u baahan faragelin degdeg ah iyo daaweyn, waana in ugu horreyn lagu bartilmaameedsadaa xeeladaha ka hortagga.

"Faafidda aan horay loo arag ee adduunka oo dhan ee cayilka iyo ayaa ah masiibo qoto dheer iyo guul-darro weyn oo bulshada dhexdeeda ah," ayay raacisay hadalkeeda.

Sare u kaca heerarka buurnida waxaa hadda wajahaya si gaar ah dhalinyarada.

Si kastaba ha ahaatee, 2050-ka mid ka mid ah saddexdii qof ee dhallinyara ah ayaa buurnaantu saameyn doontaa.

Cilmi-baare Dr Jessica Kerr oo ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Carruurta ee Murdoch ee Australia, ayaa sheegtay in tirooyinkan ay caqabad dhab ah ku yihiin nidaamyada daryeelka caafimaadka sanadaha soo socda.

"Laakiin haddii aan hadda wax ka qabanno, ka hortagga u buurnaanta caalamiga ah ee carruurta iyo dhallinyarada weli waa suurtogal," ayay tiri.

"Odoraskeenna ayaa tilmaamaya in carruurta iyo dhalinyarada ku nool inta badan Yurub iyo koonfurta Aasiya ee ay la noolaan doonaa miisaan xad-dhaaf ah kuwaas oo ay tahay in lagu beegsado xeeladaha ka hortagga buurnaanta.

"Waxaan sidoo kale aqoonsannay dad badan, gaar ahaan gabdhaha qaan-gaarka ah, ee ku nool Waqooyiga Mareykanka, Australia, Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe, iyo Latin America ay noqon kuwo wajaha cayil badan waxayna u baahnaan doonaan faragelin degdeg ah iyo daaweyn dhinacyo badan leh.

"Tani waa lama huraan si looga fogaado isu gudbinta fac-weynida buurnida iyo in laga hortago mowjadaha xaaladaha caafimaad ee halista ah ee jiilalka mustaqbalka."

Xigasho BBC

Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo halkaas ku abaabulayay falal lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa al-shabaab oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay Al-shabaab u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Tani waa mid ka mid ah guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Qaranka ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana mar kale la caddeeyay in aan loo dulqaadan doonin kooxaha argagixisada ah ee caadeystay in ay nabadda iyo horumarka caqabad ku noqdaan.

Ilmo-adeerta is guursata: Caddeymo cusub oo laga helay caafimaadka carruurta ay dhalaan

Saddex gabdhood oo walaalo ah oo ku nool magaalada Bradford ayaa si farxad leh ugu sheekeysanaya gurigoda. Timaha ayaa loo hagajinaya. Farxad iyo qosol ayey ku jiraan. Sadexda gabdhood waa dhowr iyo labatan jir. Sheekoyin ayey is dhafsan-ayan. Waxay ka sheekeysanayaan guur.

Gabdhahaas walaalaha ah waxay diyaarinayaan aroos dhacaya dhammaadka toddbaadka. Wiilka iyo gabadha is guursanaya waa ilma adeer. Guurka noocaas ah waa mid caadi ka ah magaalada.

Ayeesha waxay jirtaa 29. Waa gabdha ugu weyn saddexda walaalaha ah. 2017-kii ayey guursatay ina adeerkeed. Waa qoys farxad ku nool oo haysta labo carruur ah.

Salina waa gabadha ugu yar qoyska, waxay jirtaa 26 sano. Waxay noo sheegtay in ay jabisay xeerka qoyska oo ay guursatay jaceylkeeda. Waxay noo sheegtay in aysan ku qancin guurka qarabaada dhaw. Mallika oo ah gabadha saddexaad oo 27 jir ah weli lama guursan.

Xog cusub ayaa keentay welwel

UK iyo Yurub oo dhan waxay dhakhaatiirta si weyn u baarayaan guurka ilma adeerta iyagoo ka digaya in carruurta ay dhallaan ilma adeerta ay suuragal tahay in ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad. Waxaa jira cadeymo cusub oo welwel leh oo ka soo baxay Bradford.

Cilmibaarayaasha jaamacadda City ayaa baarayay sanadkii 18-aad carruurta ku dhalata Bradford. Waa baaristii ugu weyned ee noocan ah. Intii u dhexeysay 2007-dii ilaa iyo 2010-kii waxay baaris ku sameeyeen 13-kun oo cunug oo ku nool magaalada. Waxay la socdeen ilaa ay ka noqdaan dad waa weyn. Lixdii cunug mid ka mid ah waxaa dhalay labo qof oo ilma adeer ah. Badidooda waxay ka soo jeedaan bulshada Pakistan ee ku nool Bradford.

Xogtii la daabacay bilihii u dambeeyay ayey cilmibaarayaashu ku ogaadeen in arinta ay ka weyn tahay sidii hore loo maleynayay.

Waalidka dhiig ahaan aad isugu dhow carruurta ay dhalaan waxay halis ugu jiraan in ay ku dhashaan caafimaad darro.

Gregor Mendel oo ah khabiir bayolojiga ayaa sheegay hadii hidosidaha labada waalid uu aad isugu dhow yahay in ay suuragal tahay in afartii cunug mid ka mid ah uu xaalad uu dhaxlayo.

Cilmibaarayaasha waxay ogaadeen in carruurta ay dhalaan ilma adeerta 11% ay suuragal tahay in hadalka dib uga dhaco marka la barbardhigo carruurta kale oo ah 7%.

Carruurta ay dhallaan ilma adeerta waxaa la ogaaday in dhakhaatiir ay la kulmaan in ka badan kuwa kale.

Walaaca kordhaya

Dabcan tani waa hal cilmibaaris. Dadka ku nool magaalada Bradford ma matali karaan UK oo dhan balse waxay muujineysaa walaaca kordhaya ay saynisyahanada qabaan taas oo soo jiidatay xildhibaanada Yurub oo dhan.

Labo dal oo Scandinavian ah ayaa soo saaray qeynuun mamnuucaya guurka ilma adeerta. Sanadkii hore ayey Norway sharcidarro ka dhigtay. Haka Sweden ay joojin doonto sanadka dambe.

Richard Holden oo ka tirsan baarlamaanka UK ayaa soo jeediyay qaynuun mamnuucaya guurka ilma adeerta. Balse dowladda hadda jirta ee xisbiga shaqaalaha waxay sheegeen in aysan taasi hada qorshaha ugu jirin. Waxaa jira dad doonaya in UK ay raacdo wadada dalalka Scandinavian-ka.

Khatarta caafimaad ee carruurta ayaa ka mid ah sababaha uu Patrik Nash oo ah cilmibaare u doonayo in la mamnuuco guurka labada qof ee ilma adeerta ah.

UK ma ahan wax ku cusub guurka ilma adeerta. Charles Darwin oo ah seynisyahan si weyn loo yaqaan wuxuu guursaday ina adeertiis Emma Wedgwood.

Qarnigii 20-aad guurka dadka aadka isugu dhow hoos ayuu u dhacay balse dadka ka soo jeeda Asia weli way ku dhaqmaan.

Bartamaha magaalada Bradford, ku dhawaad kala bar hooyooyinka ka soo jeeda Pakistan waxay guursadeen ina adeerkood sida lagu qoray xogtii ugu dambeysay carruurta ku dhalatay Bradford labo sano ka hor.

Prof Oddie waxa uu qabaa in dhibaatada ugu weyn ee caafimaad aysan ka imaan oo kaliya guurka ilma adeerta balse ay sidoo kale ka timaada dadka isku meel ka soo jeeda. Guurka dadka halka bulsho ah ma ahan wax ku gaar ah bulshada Pakistan, sidoo kale bulshada Yahuuda ayaa sidaa sameeya.

Awoodda tacliinta

Prof Oddie wuxuu sheegay in halkii laga mamnuuci lahaa loo baahan yahay in la adeegsado awooda tacliinta.

Sanado badan waxaa jiray olole dadka Pakistan ka soo jeeda ee ku nool Bradfod loogu sheegayo khatarta hidasidaha. Lamaanayaasha waxay talo caafimaad ka helayeen dhakhaatiirta marka gabadha ay uur qaado.

Marka laga soo tago khatarta caafimaad waxaa jira sabab kale oo dadka qaar ay u doonayaan in la mamnuuco guurka ilma deerta. Waa saameynta wadajirka bulshada. Tani waa mida dood ka dhalisay dalal ay ka mid yihiin Norway halkas oo laga mamnuucay guurka ilma adeerta.

Sidoo kale waxaa la eegayaa xiriirka ka dhexeeyay guurka ilma adeerta iyo dilka loogu yareeyo dil sharafeedka sida laga soo xigtay Tonje Egedius oo ah wariyaha sheekadna ku qortay wargeysa ka soo baxa Norway.

Dadka qaar waxay u arkaan guurka ilma adeerta mid keenaya kala soocid kaas oo meesha ka saaraya dadka aan bulshadaas ka soo jeedin. Kuwa kale ayaa ka shakisan sida dadka loogu qasbayo isdhexgal qasab ah.

Hadii aan dib ugu laabano guurkii ka dhacayay Bradford ee gabdhaha walaalaha, Ayesha oo ah gabadha guursaneysay ina adeerkeed wuu dhacay arooskeeda dhammaadkii todobaadka. Waxay sheegtay in caqabada badan ay ka soo gudbeen hadana ay yihiin lamaane faraxsan.s

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip