Fayras cusub oo lagu magacaabo metapneumovirus (HMPV) oo ka dillaacay dalka Shiinaha
Waxa dalka Shiinaha kasoo shaacbaxay fayras cusub oo durba saameeyay kumanaan qof, fayraskan oo ka dilaacay waqooyiga dalka ayaa sababay in isbitaaladu ay buux dhaafaan.
Fayraskan cusub oo loo aqoonsaday Human Metapneumovirus (HMPV), ayaa leh astaamaha hargabka caadiga ah, lakiin wuu ka khatarsan yahay oo waxa uu markiiba weerarayaa neefmareenka, isaga oo sababaya oofwareen. Ilaa iyo hadda waxa uu aad khatar ugu yahay carruurta ka yar 14 sano.
Calaamadaha fayraskan waxa ka mid ah qufac, qandho, sanka oo xidhma qofka uu haleelo iyo daal badan. Kadib marka uu qofka asiibo, muddada ay calaamadihiisu qofka kaga soo shaacbaxaan waa saddex cisho. Si ka duwan Covid-19, ma jiro tallaal ama dawo gaar ah oo loogu talagalay HMPV.
Inkasta oo uu caalamku walaac ka muujinayo fayraskan, dowlada Shiinaha ayaa ku tilmaantay xanuun aan dhibaato badan lahayn oo cimilada jiilaalka la socda.
"Waa caabuq ku dhaca neefmareenka, oo kor u kaca xiliga jiilaalka," Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Mao Ning, ayaa sidaas tidhi Jimcihii. "Xanuunkani wuxuu u muuqdaa mid ka khatar yar isla markaana si aan xawli ahayn ku fidaya marka la barbar dhigo sannadkii hore."
Shiinaha ayaa lagu xasuusta xanuunada Covid-19 iyo Hargabkii Shimbiriha ee SARS. Covid-19 ayaa markii ugu horaysay ka dilaacay gobolka Wuhan ee Shiinaha bishii December ee sannadkii 2019, isaga oo adduunka ku dilay 7 milyan oo qof.
Sidoo kale, caabuqa SARS ayaa ka dilaacay gobolka Guangdong ee Shiinaha bishii Nofeembar 2002, isaga oo dad badan ku dilay adduunka.
Fayras cusub oo lagu magacaabo metapneumovirus (HMPV) oo ka dillaacay dalka Shiinaha
Waxa dalka Shiinaha kasoo shaacbaxay fayras cusub oo durba saameeyay kumanaan qof, fayraskan oo ka dilaacay waqooyiga dalka ayaa sababay in isbitaaladu ay buux dhaafaan. Fayraskan cusub oo loo aqoonsaday Human Metapneumovirus (HMPV), ayaa leh as