Tababar loo soo gabogabeeyay agaasimayaasha 10-ka hay'adood ee ugu heshiis gelidda badan Dowladda
Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Abdijamal Ismail Mohamed ayaa furay soona xiray tababar uu wajigiisa koowaad Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS maanta u soo gabagabeeyey agaasimayaasha 10ka hay'adood ee ugu heshiisyo gelidda badan dowladda, kuwaas oo ay shaqadoodu tahay in ay diiwaangeliyaan heshiisyada ay dowladdu gasho.
Tababarkan, oo socday laba maalin, ayaa ku saabsanaa '' Hirgelinta nidaamka maareynta heshiisyada'' ( Contract Managementa System – CMS), taas oo qayb ka ah dedaallada socda ee lagu hormarinayo "Habka Maareynta Heshiisyada Hay'adaha Dowladda.
CMS, waa nidaam looga guurayo habka qadiimiga ah ee diiwaangelinta heshiisyada, iyada oo la adeegsanayo hab dhijitaal ah, kaas oo u taagan horumarinta hagaajinta waxtarka howlaha dowladda, u hoggaansanaanta shuruucda, iyo hufnaanta maareynta heshiisyada dowladda.
Tababar loo soo gabogabeeyay agaasimayaasha 10-ka hay'adood ee ugu heshiis gelidda badan Dowladda
Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Abdijamal Ismail Mohamed ayaa furay soona xiray tababar uu wajigiisa koowaad Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS maanta u soo gabagabeeyey agaasimayaasha 10ka hay'adood ee ugu heshiisyo gelidda badan d