HALKAN KA AQRISO W WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2-JAN-2024

0
Thursday January 02, 2025 - 08:39:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2-JAN-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xu bin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Mido obay, ka dib muddo 54 sano ah.

Xubinnimadan ayaa si rasmi ah u bilaab matay shalay 2-da Janaayo, waxaana la filaya in Soomaaliya ay ka qayb qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamiga ah mudada ay xubin ka tahay Golaha, taasoo socon doonto ilaa 2026.

Tallaabadan ayaa waji cusub u yeelaysa Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafyo, dagaallo sokeeye, abaaro, iyo colaado soo noqnoqda, waana guul ka dhalatay adkaysiga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen madaxda dalka.

Ku biirista Soomaaliya ee Golaha Amm aanka ayaa sidoo kale muujinaysa go’a anka dowladda in si wax ku ool ah ay Soomaaliya ula falgasho bulshada caalam ka.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka, tuulooyinka, iyo deegaan ada miyiga ayaa dhankooda si weyn uga qayb qaatay dabaaldegga guushan taar iikhiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxam uud, ayaa sheegay in shalay ay tahay "maalin taariikhi ah” oo loogu dabaa ldegayo guusha waddanka, isagoo xusay in 54 sano ka dib, Soomaaliya ay mar kale ka mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramad a Midoobay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay guus haani inay tahay mid muujinaysa "adkeys iga, midnimada, iyo go’aan qaadashada” dadka Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto ka shaqeynta horumarka.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maha dnaq u diray dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay guushan. "Waxaan u dirayaa mahadnaq dhammaan Soomaalida ka qeyb qaatay safarkan dheer,” ayuu yiri. "Laga soo bilaabo bulshada qurbo-joogta ah illaa kuwa ku sugan gudaha dalka, adkeysigaaga, go’aan qaadashadaada, iyo taageeradaada ayaa noo suurtagalisay guushan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay bixisay dhammaan deymihii Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen dalka muddo 34 sano ah. "Bixinta deyntan oo muddo dheer socotay waxay muujineysaa go’aankeena ku aad dan in aan buuxinno waajibaadka caala miga ah iyo diyaar garowgeena in aan u hoggaansano mabaadi’da maamul wanaagga.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka xusuusiyey waajibaadka ka imaanaya tallaabadan, isagoo yiri: "Xubi nimada Soomaaliya ee Golaha Ammaa nka waxaa daba socda sharaf iyo sidoo kale mas’uuliyad adag,”

"Soomaaliya waxay si aan kala go’ lahay n uga shaqeyn doontaa horumarinta nabadda, dhiirrigelinta caddaaladda, iyo xoojinta maamul wanaagga. Waxaan hub in doonaa in go’aanada saameynta ku leh dalka iyo gobolka ay ka tarjumaan codad ka shacabka Soomaaliyeed.” ayuu ku daray Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u arkaan fursadaan mid dalka u horsee daysa horumar.

"shalay ma ahan oo kaliya dabaaldeg aan uga faraxsannahay halkii aan ka soo gudubnay,” ayuu yiri. "Sidoo kale waa xusuusin waddada aan wali u baahanahay inaan qaadno. Waa inaan sii dulqaadanaa, oo aan xoojinaa midnimada si aan uga faa’ideysanno doorka cusub ee aan caalamka ka qaadnay. Iyadoo ay nala joogaan saaxiibada caalamiga ah, waxaan soo bandhigi doonaa qorshe cad oo la jaanqaadaya go’aankeena ku aaddan caddaalad, nabad, iyo horumar.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u tilmaamay ruuxa adkeysiga ee dadka Soomaaliyeed: "Aan sii wadno safarkan iyadoo ay noo hagayaan rajada iyo go’aan qaadashada, iyadoo aan ku saleysaneyno wadajir, waddaniyad, iyo daacadnimo. Guulaha aan gaarno waxay ku saleysan yihiin midnimadeena. Wadajir ayaan jiilasha soo socda ugu dhisi karnaa mustaqbal ifaya. Ilaahay ha ina caawiyo inaan dunida ka muujino in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka kulan looga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaa dir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga— garab istaagga ciidamadda qala bka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

"Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey haweenkii uu la kulmay.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga Qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horu mar waara gaarta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo dhiirraglinaya dedaallada wadajirka ee Arrimaha Xasilinta gaar ahaan adeegga caafimaadka deegaanna da laga xoreeyay khawaarijta ayaa tagay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Ca bdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa kusoo dhaweeyay Xarunta Wasaaradda, isagoo Wasiir iyo masuuliyiintii kale ee la socday Warbixin ka siiyey doorka dedaallada Xasi linta ay ka qaadato Wasaaradda.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray colaad beeleedyada

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan weyne ku qabtay xarunta Wasaar adda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee XFS ayaa baaq naba deed oo ay ku mideysanyihiin kasoo saara y colaadaha ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

Odayaasha dhaqanka ayaa wax laga xum aado ku tilmaamay colaadaha, lagu daa dinayo dhiigga muslimka, iyagoo ku baaq ay in si deg deg ah loo joojiyo lagana sha qeeyo xal u helidda xasaradaha taagan.

Wasiir Xoosh: DFS waxaa ay dedaal dheer galisay sidii awoodda Maamulka loogu soo celin lahaa shacabka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku Xigeen Warfaafinta XFS Mudan e Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasi iru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guda ha Galmudug Cumar Guureeye iyo Masuuliyiin kale ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaana da Galmudug.

Wasiir Cali Xoosh ayaa odayaasha u sheegay in dowladda federaalka Soomaal iya ay diyaarisay shuruucda iyo habraa cyada doorasho qof iyo cod ah, isla marka ana iyadoo kaashanaysa Dowlad Gobole edyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo doora doona hoggaankooda.

" Waxaan diyaarinnay oo aan meelmari nnay dhammaan Xeerarka gundhigga u ah in ay dalka ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, kuwaas oo kala ah; Xeerka dhisidda GMDQS, Xeerka Ururrada Siyaasadda & Xisbiyada JFS iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo loo dhamaystiray dhammaan waxya abaha ay ku shaqayn lahaayeen,” ayuu kulankaas ka yiri Wasiirka Arrimaha Gu daha Soomaaliya.

Dhankooda Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa caawa kul ankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay shaqalaysiinayso sanadkan 2025 ka badan 151 kun oo dhallinyaro

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sanadkan cusub ee 2025 ay qorshaynayso inay inay shaqaalaysiiso in ka badan 151 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa munaasa bad uu ka qeyb-galay ka sheegay in san adka curtay ee 2025, ay u qorsheysanta hay inay shaqo helaan Boqol Kontan iyo Koow kun oo qof Soomaali ah.

Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixin hannaanka ay u marayaan shaqaalaysii nta dadkaas iyo cidda ka taageeraysa, la ma oga sida qorshahaasi u hirgeli karo maadaama xilligan dowladdu ay la daal aacayso culaysyo dhaqaale.

Kumaanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo shaqa la’aan la tiicayaa ayaa jeclaan lahaa in hindisahani uu rumoobo, balse xaqiiqda fagaaraha taalla ayaa muujisay in suurta-galnimada qorshahani ay adagta hay, maadaama ay dowladdu wajahayso culaysyo dhaqaale oo baaxad leh.

Madaxweynaha Galmudug oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Wasaa radda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Munaasabadda Dhagaxdhigga, waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiir ku xig eenka Warfaafinta XFX Mudane Cabdi raxman Yuusuf Al-cadaala, Wasiiru Dowl aha Arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Axmed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale.

Sanbaloolshe iyo odayaasha oo go’aan ka gaaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne, isaga oo kasoo baxay degmada Maxaaas.

Taliyaha ayaa maalmahan gobolka Hiiraa -n u joogay arrimo ku aadan xal u helista xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan la gu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobo lka Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan uu la leeyahay Ugaaska Beesha Xawaade Ugaas Yuusf Ugaas Xa san iyo odayaal ka baxay Muqdisho oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaar Cumar, waxayna ka wada-hadlayaan dhacdadii Ceel Baraf.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay go’aan ku gaareen in marka hor la aaso maydadka askarta oo weli yaalla, kadibna la guda galo howlaha kale.

"Kulankii Beledweyne ka dhacay waxaa la isku fahmay in horta meydka askarta la aaso kadibna laga wada-hadlo wixii gef ahaa ee dhacay” ayuu yiri Nabaddoon Mu xudiin Xasan Afrax oo kamid ah odaya asha ka baxay magaalada Muqdisho ee ku sugan Beledweyne.

Sidoo kale wada-hadallada oo sii socda ayaa lasoo warinayaa in lagu ballamay in laga war suga dadaallada ay waddo dowla dda dhexe, maadaama askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cagjar oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dacawaley

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soo maalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taa gan deegaanada u dhow xadka ay la lee yihiin maamulka Somaliland.

Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeym aha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aag ga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciid amadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dilen.

"Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la d agaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhi cin waan ognaay, waana la soconaaa” ayu u yiri Cagjar.

Sidoo kale wuxuu raaciyay "Colaadda laft igeedaaaba dhibaato ah hooyada ka bara kacday meel xittaa dib u baxda waa dhib aato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”.

Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawal ey, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawa cyada la geeyay Hargeysa.

Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeel atay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.

 

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakisay Wax-ka-beddelka Xogta Baasaboorka si Ku-meel-gaar ah

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaaban aysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasab oorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.

Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasab oorka.

Hay’adda ayaa tilshalayy in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda

Isku shaandheyn lagu sameeyay Agaasinkii Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa gebi ahaan isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinkii Madaxtooyada Soomaaliya, idaoo iyada xilalka loo kala bedelay agaasimeyaasha Madaxtooyada lana magacaabay qaar cusub. xubnaha la magacaabay iyo xilalkooda waxay kala yihiin:

1- Agaasimahan Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta loo magacaabay Maxamedn Aadan Maxamed (Dugoow), oo horay u ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada.

2- Agaasimaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa Afhayeenka iyo ku simaha Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

3- Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana) waxaa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada.

4- Samatar Shariif Axmed oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Adeegga Guud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iibka.

5- Xuseen Yuusuf Cali (Ladane) waxaa loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Waaxda Adeegga Guud.

6- Ladan Cabdikhayr Cilmi waxaa loo mag acaabay Agaasimaha Waaxda Ma amulka iyo Maaliyadda

7- Mowliid Ibraahin Xasan ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Waaxda La Socodka iyo Qiimeynta (M&E).

8- Mohamed Salad Ahmed (Barre) ayaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Agaasi maha Guud Madaxtooyada.

Cudur ka dilaacay Xeryaha Qaxootiga iyo Soomaali badan oo u dhintay

Waxaa laga soo sheegayaa xaalad wala ac leh oo ka taagan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo in ka badan 10 qof ay u geeriyoodeen xanuun cusub oo aan horay loo arag. Xanuunkaas oo si xowliga ah ugu faafaya gudaha xeryaha, ayaa bulshadu ku tilshalayy mid cabsi badan, maadaama uu leeyahay calaamado gaar ah oo aan horay loogu aqoon cudurrada kale ee deegaanka ka jiray.

Dadweynaha ku nool xeryaha ayaa shee gay in cudurku leeyahay calaamado qariib ah oo kala duwan, kuwaas oo dadka qaar kood ku wajaho qaabab halis ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u warra may warbaahinta Dalsantv ayaa yiri "Dad ku qaabab kala duwan ayuu xanuunku ugu billowdaa. Qaar waxaa laga qabanay aa lugaha oo ay dhaqdhaqaaqi waayaan, qaar kale naxdin iyo naqaska ayaa ku dhacaya, halka qaarna sanka uu dhiig ka imaanaya, kaasi sababo dhimasho.”

Wararka ka imanaya macalimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarashada ayaa muuj inaya saameynta weyn ee cudurku ku yee shay ardayda. Macalimiinta ayaa xustay in carruur badan aysan imaan karin iskuu lada, maaddaama ay cudurka la jiifaan, taas oo sii adkeysay xaaladda guud ee bulshada.

Dadka qaarkood ayaa cudurka u bixiyey "kaduudiye,” maadaama calaamado uu muujinayo ay la mid yihiin kuwo cudurkaas hore loogu yaqaannay. Si kastaba ha ahaatee, khubarada caafimaadka ayaan weli si rasmi ah u qeexin magaca iyo asalka cudurka, taasoo sii kordhisay walwalka bulshada.

Cudurkan cusub ee ka dilaacay xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Kenya, gaar ahaan xeryaha ay Soomaalidu ku badan tahay, ayaa noqday mid saameyn ballaaran leh. Xaaladda degdegga ah waxaa ay u baahan tahay feejignaan iyo gurmad degdeg ah si loo yareeyo khatarta sii kordheysa ee cudurkaas.

Mas’uuliyiinta caafimaadka iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si dhaqso ah uga jawaabaan, iyadoo la sameynayo baaritaanno faahfaahsan oo lagu ogaanayo asalka cudurka iyo habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo faafitaankiisa.

Ciidanka Masar ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM oo Soomaaliya kusoo wajahan

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM oo laga bilaabayo Soomaaliya 1-da Jannaayo 2025, ayaa noqday mid ay ku tartamayaan dalal kala duwan oo gobolka ah. Masar ayaa qorsheynaysa inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya si ay uga qeyb noqoto howlgalka, una xoojiso joogitaankeeda badda Cas iyo saameynteeda gobolka.

Ciidanka Masar ayaa la filayaa inay ilaaliyaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo xarumaha muhiimka ah, iyadoo sidoo kale la-taliyayaal militari usoo direysa si ay tababar U siiyaan ciidanka Soomaaliya.

Saraakiil Sar sare ka tirsan Milatariga Masar ayaa xaqiijiyay in labada Todobaad ee socda ay dalka kusoo wajahan yihiin Ciidanka Masar.

Ciidankan ayaa la filaya Sidoo kale lagu soo daro kuwa ka baxsan howlgalka kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyo kala duwan.

Dhanka kale, Itoobiya oo hore ugu tiirsaneyd howlgalka Midowga Afrika ayaa ka walaacsan joogitaanka Masar ee Soomaaliya, taas oo sare u qaaday xiisadda taariikhiga ah ee labada dal. Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo dhinacyo badan ah, maadaama aysan jirin xal fudud oo lagu dheelitiri karo xiriirka labada dhinac.

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay inuu bilowday Hawlgalka Cusub AUSSOM

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa Qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in howlgalkii cusbaa ee AUSSOM uu ka bilowday Soomaliya, laga bilaabo shalay 1da Janaayo 2025.

Wakiilka ayaa qoraalkiisa ku sheega in sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2767 (2024) ay AUSSOM sii wadi doonto guulaha laga gaaray howlgalkii dhammaadya ee ATMIS si loo hubiyo in Soomaaliya ay xaqiiqsato nabad iyo amni waara.

Bilowga sanadka cusub Israel oo Gaza ku dishay 17 ruux

Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ka waddo Gaza ayaa sii socda,iyadoo manta oo ah kowda bisha Janaayo ee sanadka cusub, la dilay ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa waqooyiga Jabalia iyo xerada dhexe ee al-Bureij.

Duqeymanka Israel ee Gaza ayaa imaanaya xilli roobab culus oo maalmo socday ay daadad ku sameeyeen boqollaal hooy oo cooshado ah waxaana sii kordhaya dhibaatooyinka heysta dadka barakacay ee reer Falastiin.

Waxaa soo baxaya qeylo dhaan ku saabsan in gurmad degdeg ah oo dhinacyo badan loo fidiyo dadka reer Gaza oo waqtigaan la ildaran qabow aad u daran oo sababay dhimashada dad u badan carruur.

Qaramada Midoobay ayaa Israel ka dalbaday in ay joojiyaan sii waddidda xaddidaadda gelitaanka gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Gaza,iyagoo dhinaca kale xusay in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada Gaza ay keeneen burbur ku yimid adeegyadii caafimaad iyo in ay kordhaan tirade dhimashada ee dadka rayidka ah.

Sidoo kale,Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan heyn wax caddeymo ah oo la xiriira in kooxah Falastiin ay ku dhex dagaalamaan cisbitaalada iyo goobaha barakacayaasha sida ay ku doodayaan ciidamada Israel.

Tirada dhimashada ee Falastiin ayaa gaartay ugu yaraan 45,541,halka dhaawaca lagu sheegay 108,338 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.


Maamulka Suuriya oo dagaal yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga u magacaabay xilal sare

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahan nada Islaamiyiinta ee ajnabiga ah ay ciida nka dalkaas uga magacaabeen xilal sare.

Ciidanka ayaa waxaa dib u qaabeyn ku sameynaya Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kooxda Islaamiyiinta ee haatan si rasmi ah ula wareegay dalka kadib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad horraantii bishii hore.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo kasoo baxday hoggaanka cusub oo tallaabadan ku aaddan, balse waxay u muuqataa mid walaac ka dhalin karta gudaha iyo dibadda Suuriya, walaacaas oo ku aaddan doorka ay dagaal-yahanno ajnabi ah ka qaadan karaan mustaqbalka dalkaas.

Waxay kusoo aadeysaa xilli ay soo ba xayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, Ahmed al-Sharaa, uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay wakiillada Kurdiyiinta iyo Kirishtaanka dalkaas ku nool – waana labada bulsho ee walaaca ugu weyn ka qaba ajandaha maamulka cu sub.

Burundi: "Soomaaliya aad ayey noogu abaal-dhacday”

Burundi ayaa ka hartay howlgalka Mido wga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidama da loo qoondeeyey oo ay ku tilshalayy "khiyaano” dhinaca Soomaaliya uga yimid.

Xiisada ayaa soo ifbaxday markii Soomaa liya u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay inay ku biiriso howlgalka cusub.

Warqad ku taariikheysneyd 26-kii Decem ber oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiiji yay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciida mada Qaranka Burundi ay dib uga laabt aan howlgalka.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: "Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan ka dib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay la-dagaalanka Al-Sha baab.”

Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfir coon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyaoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari.

Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u shee gay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: "In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.”

Hawlgalka cusub, oo la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan.

Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qara mada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Maca llin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay gaari ku qarxay bannaanka hoteel uu leeyahay Trump

Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Tump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada.

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhac dadan, laamaha ammaankuna ay baara yaan "haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans”, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub.

Muuqaal laga soo duubay gaariga qarx ay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya.

Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan. Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, waxaana dhaawacmay dad kale oo badan.

Isha: BBC

Shamsu-Din Jabbar – Waa kuma ninka fuliyey weerarkii lagu la’day ee Mareykanka?

Muwaadin Mareykan ah oo sitay calanka Daacish iyo "ujeeddo xasuuq” ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyay dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee maga alada New Orleans ee gobolka Louisiana Arbacadii, isagoo dilay ugu yaraan 10 qof, in ka badan 35 kalena dhaawacay, sida ay saraakiishu sheegeen.

FBI-da ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegtay Shamsu-Din Jabbar, oo 42 jir ah, oo haystay dhalashada Mareykanka, kana soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Waxa uu u muuqdaa inuu ahaa nin guryaha iibiya oo ka shaqeeya Houston, isaga horeyna usoo noqday khabiir IT oo la shaqeeya ciidanka.

Saraakiishu waxay sheegeen inay baadi goobayeen dad gacan saar la lahaa, balse waxay bixiyeen tafaasiil yar, iyadoo war baahinta Maraykanku ay sheegtay in baa rayaashu ay dib u eegeen muuqaal muujin aya saddex nin iyo qof dumar ah oo aasa ya walxaha qarxa ka hor weerarka.

Isbatoore boolis, Anne Kirkpatrick ayaa Jabbar ku tilshalayy "argagixiso”, halka FBI-da ay sheegtay in "calanka Daacish laga dhex helay gaariga.”

"FBI waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u aqoonsan lahayd xiriirka uu eedeysanaha la leeyahay ururada argagixisada,” ayay hay’addu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Waxaa socda ugaarsi, iyadoo wakiilka FBI-da ee New Orleans Alethea Duncan ay ka digtay in mas’uuliyiintu "aysan ruma ysnayn in Jabbar uu isaga kaliya mas’uul ka yahay weerarka.”

"Waxaan daba-gal ku haynaa dad aad u xun,” ayuu yiri barasaabka gobolka Louis iana Jeff Landry.

Booliiska ayaa sheegay in shilkan uu ka bilowday abaare 3:15 a.m. (0915 GMT) xaafadlla loo yaqaan Qeybta Faransiiska, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen dad u dab aal-degayay bilowga sanadka 2025-ka.

Tuhmanuhu waxa uu baabuur cad oo Ford F-150 ah u jiiray koox dad ah oo luga ynayay, ka dibna wuu ka soo degay, wu xuuna ku dhintay rasaas ay is-dhaafs adeen booliska, FBI-da ayaa sheegtay in labo bam oo guri lagu sameeyay la helay oo la qabtay.

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 15 qof, balse saraakiisha ma aysan xaqiijin.

"Ninkan waxa uu isku dayay in uu dadka ugu badan ee suurtogalka ah ku dul maro, gaariga” Kirkpatrick ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Kirkpatrick waxa uu sheegay in uu ku waday "xawaare aad u sareeya” iyo si "aad u ula kac ah”, "ujeedadiisuna aheyd in uu gaysto xasuuqa iyo dhaawac.”

Kirkpatrick ayaa sheegay in saraakiisha dhaawaca ah ay xaaladoodu wanaagsan tahay, Kirkpatrick ayaa sheegay in ay soo kaban doonaan.

Weerarka New Orleans ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar baabuur uu sidoo kale ka dhacay suuqa Christmas-ka ee magaalada Magdeburg ee bariga Jarmalka, halkaasi oo ay ku dhinteen shan qof in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Boolisku waxay xireen nin Sacuudiyaan ah, waxayna sheegeen inuu u muuqday mid maskaxiyan xanuunsan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah bulshooyinka qarankeena.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isla markiiba weerarkan ku xiriiriyay soo galooti sharci darro ah, isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin, hadal uu jeediyay ka hor inta aanay masuuliyiintu caddayn in tuhmanuhu yahay muwaadin Maraykan ah.

Madaxweyne Siisi oo war ka soo saaray heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhan ka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

"Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri.

Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaada shada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya.

Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso.

Colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha gobolka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay badda ugala hadli lahayd dalalka jaarka ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Bartamihii bishii December ayey dowl adaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala saxiix deen heshiiskii Ankara ee uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la filayo inuu qaboojiyo xiisadaha sii kordhaya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay "ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay madax-bannaanidda, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay "heshiis taariikhi ah” iyo "tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Ganacsade ka soo jeeda Qowmiyada Amxaarada oo lagu dilay Magaalada Adis Ababa

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in halkaasi Isniintii 30ka Disembar 2024 lagu dilay Ganacsade Biresaw Minaale oo caan ahaa, kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.

Biresaw Minaale ayaa la sheegay inay dabley hubeysan ku toogteen bannaanka Guriga uu ka deganaa xaaladda Lemi Ku ra ee magaaladda Addis ababa. Wuxuuna ahaa ganacsade leh Hoteelo, Warshad Shamiintada sameysa iyo shirkado kale.

Xilliga dilku dhacay ayaa la sheegay inay maqneyd Korontada xaafadaasi, taasoo looga shakiyay in dilku ahaa mid qorshey san.

Arrintan ayaa muujineysa amni darrada ka jirta caasimadda Itoobiya iyo ugaarsiga lagu hayo haldoorka Amxaaradda oo halgan hubeysan kala horjeeda maamulka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip