Madaxweynaha JFS oo shacabka la wadaagay Guusha Soomaaliya ee Kursiga QM

0
Thursday January 02, 2025 - 20:38:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JFS oo shacabka la wadaagay Guusha Soomaaliya ee Kursiga QM

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka horeyso wadamo badan oo dhibaatada na gaartay aan weligood arkin. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. "Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra'yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra'yi cad ka qaadan doonaa," ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday masuuliyad weyn oo caalami ah, isagoo balan qaaday in si sharfi ku jirto ay u gudan doonto, iyadoo aan marnaba taageeri doonin wax dulmi ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay bixisay wixii qaaraan ahaa ee ku uruuray Soomaaliya ee Qaramada Midoobey looga lahaa. "Dadka Soomaaliyeed oo isku tashtay ayaa bixiyey dhaqaalahaas, suurtagal waa noqon weysay in kulamada golaha Ammaanka aan soo fariisano, iyadoo qaaraan nagula leeyahay," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip