Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed

0
Thursday January 02, 2025 - 11:26:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Guddoomiyaha Hey'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey'adda Qaxoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip