Shir ku saabsan la-tashiga hay'adaha dowladda ee wax ka beddelka cutubka 5-aad iyo 9-aad ee Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

0
Sunday December 29, 2024 - 21:14:55 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 681
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Shir ku saabsan la-tashiga hay'adaha dowladda ee wax ka beddelka cutubka 5-aad iyo 9-aad ee Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

    Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo madax ka tirsan Guddiyada Dastuurka ayaa ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo madax ka tirsan Guddiyada Dastuurka ayaa maanta Muqdisho ka furay shir la-tashiga hay'adaha dowladda ee wax kabaddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka. Shirkaan oo ay soo agaasimeen hey'adaha u xilsaaran dastuurka ayaa diiradda lagu saaray talooyin ku saabsan wax-ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad, ka qeyb-galaasha ayaa soo jeediyay talooyin xoojinaya geeddi-socodka dib-u-eegista si loo helo dastuur dhamaystiran oo lagu wada qanacsan yahay. Wasiir Amb Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in madaxda Dalka ugu sarreysa ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka go'an tahay dhameystirka dastuurka dhammaadka sanadka 2025, wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in latashiyada la ballaarinayo dal iyo dibad si loo joogteeyo ra'yi qaadashada ummadda Soomaaliyeed.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip