176 ruux oo ku dhintay shil diyaarad oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

0
Sunday December 29, 2024 - 16:03:26 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 290
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 1
  • Share via Social Media

    176 ruux oo ku dhintay shil diyaarad oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

    Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda dabdamiska qaranka ee dalkaasi. Hay'adda Dab-damiska ayaa xaqiijisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda dabdamiska qaranka ee dalkaasi. Hay'adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 176 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay,kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan. Shilkaan ayaa yimid, iyadoo diyaaradda Jeju Air oo sidday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay ka soo duushay caasimada Thailand ee Bangkok,waxayna ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan oo qiyaastii 289km koonfur galbeed kaga beegan caasimada dalka Thailand. Diyaaraddaasi rakaabka ah ayaa la sheegay in ay ku timid cillad,kadibna iyadoo bilaa taayirro ah ay ku soo degtay garoonka,sida laga soo xigtay Kooxo goobjoogayaal ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip