Ciidamada Israel oo gudaha ugu sii siqaya dhulka Suuriya
Ciidamada Israel ayaa sii wada hawlgalka ay gudaha ugu sii siqayaan dalka Suuriya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay ku sii socdaan Caasimadda Dimishiq, inkastoo Israel ay beenisay inay qabsaneyso Dimishiq.
Burburka ku yimid Dowladdii Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa Israel ka caawisay in si aan horey loo arag ay u garaacdo bartilmaameedyada muhiimka ee dalkaasi, waxayna markii ugu horreysay muddo 50 sano ah ay ciidamadeeda u daabushay meelo ka baxsan aagga militariga ka caagan ee dhulka xuduudda.
Ciidamada Israel oo Axaddii ka soo gudbay fariisimihii ay ku lahaayeen Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto ayaa la wareegay aagga ciidamada ka caagan ee u dhaxeeya labada dal.
Ciidamada Israel ayaa saldhig cusub ka sameystay buurta istiraatiijiga ah ee Hermon ee qaybteeda Suuriya, waxaana jira ciidamo kale oo gudaha u sii dhaafay.
Warbaahinta gobolka ayaa warineysa in Ciidamada Israel ay gaareen deegaanka Qatana oo qiyaastii 22km u jira Magaalada Dimishiq. Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa is ballaarintooda iyo qabsashada dhulka Suuriya.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa qiray in ciidamadu ay gudaha u galeen dalka Suuriya, balse waxa uu beeniyay inay qabsanayaan Dimishiq.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Tel Aviv ay dooneyso in ciidamadeeda ay gudaha Suuriya ka sameeyaan aag difaac oo ka caagan hubka iyo khatarta, waxa uu ku sheegay argagixisada koonfurta Suuriya.
Is fiditaanka Ciidamada Israel ayaa waxaa barbar socoto duqaymo lixaad leh oo diyaaradahooda dagaalka ay ka wadaan dalkaasi oo dhan.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa ay burburiyeen maraakiibtii Ciidanka Badda Suuriya.
Militariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamadooda 480 weerar ka fuliyeen dalkaasi, isla-markaana ay burburiyeen kaabeyaashii militari ee Suuriya.
Saraakiisha Israel ayaa ku faanay inaysan iska burburin Dowladdii Bashar Al Assad, balse ay ka dambeysay dharbaaxooyin kulul, oo sida ay sheegeen ay ku dhufteen Xamaas, Xisbullah iyo Iran.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa burburka nidaamkii Assad ku tilmaamay bog cusub oo cajiib ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa'ar ayaa sheegay in Israel ay si weyn ugu diyaargarowday ka hortaga in kooxaha fallaagada ee Suuriya ay helaan kaydka hubka kiimikada ee dowladdii dalkaasi.
"Waa muhiim, hadda in la qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaaladda amniga Israel." Ayuu yiri Wasiirku.
Burburinta ay Israel ku hayso kaabeyaasha militari ee dalkaasi waa inaysan jirin cid awood leh oo ka hortimaada siyaasaddeeda ay gumeysiga cusub ku gelineyso dalkaasi.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa kooxaha fallaagada uga digay in cid kasta oo raacda dariiqa Assad ay u dambayn doonto waddadii uu maray, sida uu yiri.
Si kastaba ha-ahaatee ficilada Israel ee ka dhanka ah Suuriya iyo dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ayaa sii hurin kara cabsida laga qabo in isku dhacyo hor leh ay ka dhacaan Gobolka Bariga Dhexe.
Ciidamada Israel oo gudaha ugu sii siqaya dhulka Suuriya
Ciidamada Israel ayaa sii wada hawlgalka ay gudaha ugu sii siqayaan dalka Suuriya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay ku sii socdaan Caasimadda Dimishiq, inkastoo Israel ay beenisay inay qabsaneyso Dimishiq. Burburka ku yimid Dowladdii Ma