Hay'adda IMF oo oggolaatay in 10 Milyan oo Doollar la siiyo Soomaaliya

0
Wednesday December 11, 2024 - 17:14:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda IMF oo oggolaatay in 10 Milyan oo Doollar la siiyo Soomaaliya

    Guddiga Sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa soo gabagabeeyey wada tashigii iyo dib u eegistii labaad ee hoos timaada nidaamka deyn cafinta (ECF) ee Soomaaliya. Dib u eegistan kaddib, Guddiga sare ee IMF ayaa u oggolaaday Soomaaliya in s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa soo gabagabeeyey wada tashigii iyo dib u eegistii labaad ee hoos timaada nidaamka deyn cafinta (ECF) ee Soomaaliya. Dib u eegistan kaddib, Guddiga sare ee IMF ayaa u oggolaaday Soomaaliya in si degdeg loo siiyo qiyaastii lacag dhan $10 milyan, taasoo wadarta guud ee lacagaha IMF siinayso ka dhigaysa $60 milyan. Taageeradan dhaqaale ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo xasilloonida kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Dib-u-habayntan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ka dib markii Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sarreeyey ee Hindisaha Waddamada deymaha badan lagu leeyahay. Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka IMF, Mr. Bo Li, ayaa bogaadiyay dib u habeynta joogtada ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyadda, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda maareynta deymaha. "Xoojinta abaabulka dakhliga gudaha ayaa weli ah mid muhiim ah iyadoo deeqaha dibadda ay hoos u dhacayaan, Soomaaliyana waxay sii wadaysaa inay wax ka qabato baahiyaha ballaaran ee bulshada iyo horumarinta," ayuu yiri. Hay'adda IMF ayaa sidoo kale bogaadisay dadaalka dib loogu dhisayo awoodda bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo diyaarinta dib u soo celinta lacagta shilinka Soomaaliga, oo ay taageerayaan IMF iyo Bankiga Adduunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip