Bashaar Al-Asad oo isaga baxay dalka Suuriya iyo Mucaaradka oo la wareegay Dimishiq

0
Sunday December 08, 2024 - 16:54:17 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bashaar Al-Asad oo isaga baxay dalka Suuriya iyo Mucaaradka oo la wareegay Dimishiq

    Kooxaha Mucaaradka ee dagaalka kula jiray dowladda Suuriya ayaa aroornimadii hore ee saakay shaaciyay iney la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dimishiq ee Caasimada dalka Suuriya. Mucaaradka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Suuriya ka xureeyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Mucaaradka ee dagaalka kula jiray dowladda Suuriya ayaa aroornimadii hore ee saakay shaaciyay iney la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dimishiq ee Caasimada dalka Suuriya. Mucaaradka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Suuriya ka xureeyeen maamulkii Bashaar Al-Asad oo dalkaasi waqti dheer soo xukumaayay, waxaana la tilmaamay in Al-Asad Xalay diyaarad ka qaaday magaalada Dimishiq, taasoo aan la ogeyn ilaa hadda halka ay geysay. War kasoo baxay kooxda Mucaaradka ah ee xakunka ka tuurtay Bashaar Al-Asad ayaa lagu sheegay in Jabhadda Xoreynta Shaam ka guul gaareen xoreynta dalka Suuriya. "Macangagi Bashar Al-Asad waa ka xoreynay waddanka, waxaa soo dhamaaday waayo madow waxaana billowday waa cusub" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mucaaradka. Mucaaradka la wareegay dalka Suuriya waxay sidoo kale sheegeen iney daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waa weyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka ku ahaa xukunka Al-Asad iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in fagaaraha Ummayad ee magaalada Dimishiq iney haatan ka socdaan dabaal degyo ay sameynayaan dadka shacabka ah iyo kooxaha xukunka ka tuuray Al-Asad. Ugu dambeyntii kooxda Mucaaradka ah ayaa ugu baaqday dadkii ka cararay iyo kuwa barakacay dalka Suuriya iney dib u soo laabtaan wadankooda, waxaana xusid mudan in xoogaga Mucaaradka ah saakay ay soo afjareen mudo ku siman 54 sano oo ay Suuriya soo xakumayeen qoyska reer Asad.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip