Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland

0
Wednesday December 04, 2024 - 18:27:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland

    Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti. Danjire Xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti. Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la'aanta ah ee ay u garab taagan tahay JFS, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska hay'adaha Dawliga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo tayeynta adeegyada kala duwan bulshada sida Caafimaadka, iyo waxbarashada. Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Dar dargelinta Dadaaladda firfircoon ee Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, sida iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka. Danjire Xaashi ayaa iftiimiyay Muhiimadda Ay leedahay Xubinnimadda ka Soomaaliya ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay sanadka 2025-ka, kaas oo Soomaaliya siin doona gogol ay uga dooddo Nabadda, Amniga, iyo horumarka. Danjire Guilietti ayaa xaqiijiyay sida ay Switzerland uga go'an tahay taageeridda rabitaanka Soomaaliya isagoo qiray dadaallada lagu horumarinayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee Cahdiga jineefa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip