Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Riyadh uga qeyb galay shirka COP16
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika. Madashan oo xoogga saareysay Helidda Imkaaniyaadka lagu soo saaro Biyaha Hoose ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey hay'adda UNDP, Sanduuqa horumarinta ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka (IDB).
Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya, Mudane Mr. Sultan Al-Marshad ayaa madasha uu uga dhawaaqay mashruuc lagu horumarinayo helidda biyaha hoose ee Soomaaliya.
Mashruucan waxa waxa uu bedeli doonaa isku halleynta iyo amniga biyaha hoose ee dalkeena, waxa uuna naga taageeri doonaa in aynu iska caabinno, una adkeysanno abaaraha, iyo sidoo kale in ay shacabkeennu helaan biyo nadiif ah.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Riyadh uga qeyb galay shirka COP16
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika. Madashan