Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gabagabeysay Tababar Ku Saabsan Dhimirka

0
Wednesday December 04, 2024 - 18:20:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gabagabeysay Tababar Ku Saabsan Dhimirka

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo gabagabeysay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay ardayda layli caafimaad( internship) qeybta psychiatric. Tababarkan, oo ka tirsan barnaamijka caalamiga ah ee Mental Health Gap Action Programme (mhGAP), ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo gabagabeysay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay ardayda layli caafimaad( internship) qeybta psychiatric. Tababarkan, oo ka tirsan barnaamijka caalamiga ah ee Mental Health Gap Action Programme (mhGAP), ayaa diiradda lagu saaray sidii ardayda loogu bari lahaa xirfadaha lagu aqoonsado, lagu daryeelo, laguna daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka, gaar ahaan meelaha aan heli karin adeegyada takhasuska caafimaadka. Tababarkan oo ka dhacay hoolka Nova Diagnostic ayaa ardayda lagu baray xirfado waxtar u leh oo ka caawinaya in ay fahmaan baahiyaha caafimaadka dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loogu baraarujiyay muhiimadda in la dhiso awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka si wax looga qabto caqabadaha sii kordhaya ee caafimaadka dhimirka. Intii lagu jiray munaasabadda xiritaanka tababarka, mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo tababarada noocan ah si loo gaaro adeegyo caafimaad oo tayo leh. Waxay tilmaameen in tababaradan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dhimirka, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyadda guud ee caafimaadka ee dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip