Halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutimes 26-11-2024
Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelada, qaradabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Rugcaddaa saxaafaded Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa”. Ayuu yiri, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyskii, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle ka siiyo.
Madax ka tirsan dowladda oo kormeeray Isbitalka Banaadir oo indhaha loogu fiiqay 2-kun oo danyar ah
Wasiiru dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen oo uu wehliyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socotay mashruuc indho-fiiqis ah islamarkaana ay ka faaideysteen ku dhawaad 2,000 (Laba kun) oo ruux oo kasoo jeeda qoysaska danta yar.
Markaska Boqor Salmaan ee boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa fuliyey mashruucan indha fiiqista ah, iyaga oo ka jawaabaya codsiga Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ee la xariira taageerada mashruuca daweynta indhaha dadka danta yar.
Agaasimaha waaxda cafimaadka dowladda hoose ee Xamar iyo Agaasimaha Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir Drs Fartuun Shariif Maxamed ayaa kormeerkan qeyb ka ahaa iyaga oo uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay horumarinta howlaha samafalka la xariira.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Safiirka Shiinaha oo yeeshay kulan miro dhal ah
Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Dowlada Shacbiga ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Safiirka aya ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee ku aadan dhanka garsoorka.
Danjire Wang aya yidhi, "Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka garsoorka ee labada dal”.
Dowladda Fedaraalka oo shalay ciidamo ka dajisay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose
Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida garaka u tababaran ee Gorgor ayaa shalay gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadaan ayaa diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay inuu qorshahoodu yahay iney amniga kala wareegaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaama ay sii xoojin doonaan dagaalka ka dhanka Al-shabaab.
Taliyaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Aadan Maxamed Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka ciidankaan ka tirsan Gorgor loo geeyay Raaskambooni inuu yahay sugida amniga deegaanada Jubbaland oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya.
"Ujeedka ciidamada waa inay la wareegaan dhamaan goobaha ay ka baxeen ATMIS, waajib ayaa innaga saaran xaqiijinta amniga guud ahaan dalka, waa in aynu dalka ka saarna Al-shabaab" ayuu yiri Taliyaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi.
Talaabadaan shalay dowladda Fedaraalka ku geysay ciidanka Gorgor deegaanka Raaskambooni ayaa kusoo aadeysa, iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhashay is faham waa la xariiray doorashada Shalay ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay markii sadaxaad in Axmed Madoobe uu noqdo madaxweynaha Jubbaland.
Wasiir Fiqi: Cabdiraxmaan Cirro waxaan ka filaynaa inuu kaalin weyn ka qaato iskusoo dhowaanshaha Soomaalinimada
Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxman Cirro, uu yahay shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada, taas oo rajo wanaagsan galineysa mustaqbalka wada-hadalada labada dhinac.
Fiqi ayaa ku boorriyay madaxda Somaliland inay kaalin muuqata ka qaataan isku soo dhowaanshaha ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo xalliyo dhibaatooyinkii keenay kala fogaanshaha labada dhinac.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland uu ahaa hoggaamiye uu aad uga soo horjeeday aragti ahaan, taasoo adkaysay wada shaqayntii hore.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu rajo ka muujiyay in isbedelka cusub uu horseedi karo wadahadal miro-dhal ah.
Dhinaca kale, Fiqi ayaa si adag u beeniyay inuu u arko shacabka Somaliland inay yihiin cadow. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo ku howlan isku dirka labada dhinac, taas oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo dadaallada nabadeed ee socda.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la iska ilaaliyo wararka been abuurka ah ee dhaawici kara fursadaha wada-hadalka.
Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya tacliinta sare
Wasiir dowlaha wasaarada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka Nuura Mustaf Mukhtaar, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Wang Yu iyo Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal ayaa si wadajir ah u daahfuray deeqda Waxbarasho ee barnaamijka saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha. Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday xarunta km4 ee Jaamacadda, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday dowladda, kulliyadaha Jaamacadda, iyo safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda Soomaaliyeed ay helaan deeqda waxbarasho oo ay bixiso dowladda Shiinaha iyaga oo jooga dalka, taasoo fursad u siinaysa inay helaan waxbarasho tayo leh iyo inay kor u qaadaan aqoontooda. Deeqda Waxbarasho ayaa la siiyay 50 arday oo ka mid ah kuwa ugu sareeya Imtixaanka soo gelida Jaamacadda sanad-waxbarashada 2024-2025 ee kulliyadaha Jaamacadda.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo ka qeybgalay aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD
Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti uga qayb galay aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD isla markaana ay ka qayb galeen saraakiil ka kala socotay qaar kamida wadamada xubnaha ka ah IGAD.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa ku saabsanaa kordhinta aqoonta iyo khibrada ku aaddan habka qumman ee wadashaqaynta iyo wadaagidda xogta maamulka xuduuddaha iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray maaraynta qul qulka dadka sida sharci darrada ah uga gudbaya xuduuddaha.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xoojinaysa wadashaqaynta, iskaashiga iyo khibrad wadaaga Hay’adaha Socdaalka wadamada dariska ah si loo xoojiyo ka hortagga qulqulka dadka sida sharci darrada ah isaga kala gudba xuduuddaha wadamada dariska ah.
Axmed Madoobe oo markii sadaxaad ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa markii sadaxaad ku guuleystay shalay inuu noqdo madaxwenaha mamulka goboledka Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tartan doorasho la galay laba musharax oo kala ahaa Abuukar Cabdi Xasan iyo Feysal Maxamed Mataan, waxaana ka hor doorashada inta aysan bilaaban tanaasulay Dr Cabdi Xasan Xajiin.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ahaa musharaxa ugu cadcad doorashada ayaa helay 55 cod, iyadoo Faysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Intaas kadib madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Khudbad uu jeediyay markii loo xaqiijiyay inuu ku guuleystay doorashadii, Wuxuu u mahadceliyay Baarlamaanka Jubbaland ee doortay, Wuxuu sidoo kale umahadceliyay musharaxiintii la tartamay ee aqbalay natiijada doorashada.
Si kastaba ha ahaatee doorashadaan shalay ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u diiday doorashada dadban ee shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in Axmed Madoobe uu qayb ka ahaa xubnihii saxiixay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka oo gaaray deegaanka Raas Kambooni ee Jubbada Hoose
Iyadoo si habsami leh ay dalka uga socoto la wareegista goobaha ay baneynayan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxaa shalay degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubada Hose gaarey Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyed.
Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo cadowga Al-shabaab Al Shabab.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga ay marwalba diyaar u yihiin la wareegida goobaha ay banneyaan ATMIS, sidoo kalana lasii wadayo xoreynta degaannada wali ku harsan gacanta al-shabaab, ciidanka ayuuna ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay xili walba ugu taaganyihiin bad-badinta Shacabka Soomaaliyeed.
Xisbullah oo Israel la beegsatay tiro aad u badan oo gantaallo ah
Khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen caasimadda Tel Aviv iyo deegaanno kale, kadib markii Xisbullah ay Israel ku tuurtay 340 gantaal.
Hezbollah ayaa sheegtay in 340 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsatay gudaha Israa’iil oo ay ku jirto caasimadda, sida laga soo xigtay wararka laga helayo ciidamada Israel.
khasaaroyin ba’an ayaa lagu waramaya in ay soo gaartay Magaalada Tel Aviv, waxana la soo gudbiyay dhaawacal 11 qof, halka illaa hadda aan la ogeyn tirada dhimashada rasmiga ah.
Weerarrada cirka Israa’iil ee caasimada Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Lubnaan ay joojisay dugsiyada Beirut ilaa laga gaarayo bisha Janaayo ee soo socota.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro cusub ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, maalin kaddib weerar ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 12 shaqaale caafimaad oo uu ku jiray agasimaha xarunta la go’domiyay.
Illaa hadda dadka Gaza waxaa soo gaaray dhimashada 44,211 iyo dhaawaca 104,567, halka Israel ay Lubnan ka geysteen dhimashada 3,754 iyo dhaawaca 15,626.
Israel oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Emirate-ka Carabta
Golaha Amniga Qaranka ee Israel ayaa ku celiyay digniintii ay horey uga soo saareen inaanan la tagi karin dalka Emirate-ka Carabta, ka dib markii lagu dilay wadaad Yahuudi ahaa oo lagu magacaabi jiray Rabbi Zvi Kogan.
Ninkan oo ka mid ahaa wadaadada Diinta Yahuudda fidisa ee Chabad, oo Khamiistii la waayay ayaa la sheegay in meydkiisa Axaddii laga helay gaarigiisa oo yiilay meel cidlo ah oo ku taala Magaalada Al Ain.
Golaha Amniga Israel ayaa muqaadiniintooda uga digay safarada Emirate-ka Carabta, isla-markaana uu weli dalkaasi ku jiro khatarta ah in lagu ugaarsan karo dadka Israeliyiinta ah ee degan iyo kuwa kale ee booqanaya.
"Emirate-ka Carabta wuxuu ku jiraa digniinta socdaalka ee heerka 3aad, taasoo la macno ah dhammaan safarada aan muhiimka ahayn in laga fogaado.” Ayaa lagu yiri warsaxaafaded uu goluhu soo saaray.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Israeliyiinta ku sugan dalkaasi looga baahan yahay inaysan tagin goobaha la isugu yimaado ee lagu ogyahay inay booqdaan, oo ay ku jiraan maqaayad-aha, hotelada io baararka lagu caweyo.
"Ka fogow muujinta calaamadaha Israel, lana shaqe ciidamada amaanka ee deegaanka, raac awaamiirtooda, isla-markaana si degdeg ah u soo sheeg, haddii aad la kulanto falal argagixiso.” Ayaa lagu yiri warsaxaa-fadeedka.
Emirate-ka Carabta iyo Israel ayaa xiriirkooda caadiyeeyay sanadkii 2020, ka dib heshiiskii Abraham ee Mareykanka uu ku dhexdhexaadinayay dalalka Carabta qaarkood iyo Israel.
Sababta ay Israel muwaadiniinteeda ugu sheegeyso inaanan la booqan karin dalkaasi waa dareenka xun ee dadka gobolka uu ku yeeshay xasuuqa ay ciidamadooda ka wadaan Marinka Gaza.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee sida naxariis darrada ah loogu leynayo shacabka aan waxba galabsan ayaa ka carreysiiyay bulshada caalamka, xitaa kuwa dalalka reer galbeedka.
Dalalka reer Yurub oo qayb ka ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay sheegeen inay xiri doonaan Raysal Wasaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, haddii ay dalalkooda soo booqdan, iyado laga jawaabayo amarkii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ee ku saabsanaa in la soo xiro labadaasi nin iyo Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif.
Maxkamadda ICC ayaa Khamiistii sheegtay in Gallant iyo Netanyahu loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Waaranka soo qabashada ee ka dhanka ah labadaasi nin ayaa ka hor istaagaya in ay booqdaan 124-ka dal ee xubnaha ka ah ICC.
Khasaaro culus oo ka dhashay 250 Gantaal ay Xizbullah ku weerartay Israel
Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa Axaddii daraad in ka badan 250 gantaal ku ridday Israel kuwaas oo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay millatariga Israel.
Duqeymaha Xisbullah ayaa yimid maalin kaddib marki ay Israel mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan Sabtidi.
Xisbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda.
Booliska Isra’il ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xisbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xisbullah ku soo tuurtay daraad Isra’il, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in duqeynti cusleyd ee Sabtidi ay ciidanka Isra’il ku burburiyeen dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaallay bartamaha Beyrut ay tirada dhimashada hadda gaarytay 29 qof.
‘Waxay uur lahayd’ muddo 15 bilood ah: Khiyaanada weyn ee uurka 'mucjisada ah'
Chioma ayaa ku adkeysaneysa in Hope, wiilka ay gacmaheeda ku heyso, uu yahay wiilkeeda. Kaddib siddeed sano oo ay ku guul-darreysatay inay uur qaaddo, waxay u aragtaa inuu yahay wiilkeeda mucjisada ah.
"Waxaan ahay milkiilaha ilmahayga,” ayay tiri iyadoo is adkeyn muujineysa.
Waxay dhinac fadhidaa seygeeda, Ike, waxayna joogaan xafiiska sarkaal Nayjeeriyaan ah kaasoo muddo hal saac ah ku qaatay su'aalo weydiinta lammaanaha.
Ify Obinabo, maaddaama ay tahay sarkaalka arrimaha haweenka iyo daryeelka bulshada ee gobolka Anambra state, waxay khibrado badan u leedahay xallinta murannada qoysaska - balse kan maaha is af-garanwaa caadi ah.
Shan ka mid ah xubnaha qoyska Ike, oo sidoo kale qolka ku sugan, ma aaminsana in Hope uu yahay ilmaha dhabta ah ee lammaanaha, sida ay sheeganayaan Chioma iyo Ike.
Chioma waxay sheeganeysaa inay "sidday” ilmaha ilaa 15 bilood. Sarkaalka iyo qoyska Ike ayaan rumeysneyn sida ay sheegashada suurto-gal u tahay.
Chioma ayaa sheegtay inay cadaadis kala kulantay qoyska Ike si ay uur u qaaddo. Waxay xitaa ka codsadeen inuu guursado xaas kale.
Iyadoo niyad-jabsan, ayay booqatay "xarun caafimaad” oo adeeg "daaweyn” aan caadi ahayn bixisa- waa fadeexad aan habbooneyn oo dhibaato leh oo lagu soo jiidanayo haweenka u hammuun qaba inay hooyooyin noqdaan taasoo ku lug leh safrinta dhallaanka.
BBC ayay dowladdu u oggolaatay inay wax ka ogaadaan wada hadalka guddiga iyo Chioma taasoo qeyb ka ah baaritaankeenna fadeexadda qarsoodiga ah ee uurka.
Waynu beddelnay magacyada Chioma, Ike iyo qaar kale oo warbixintan ku jira si aan uga difaacno bartilmaameedsiga uga imaan kara bulshooyinkooda.
Nigeria waa mid ka mid ah dalalka dunida ee ugu dhalmada badan, iyadoo haweenku ay cadaadis bulsho oo uur-qaadis ah la kulmaan iyo xitaa takoor amaba tacaddi haddii aysan awoodin.
Cadaadiskan dartii, haweenka qaar ayaa sameeya wax walba si ay uga dhabeeyaan riyadooda hooyonnimada.
Muddo ka badan sanad, BBC Africa Eye ayaa baareysay khiyaanada weyn ee "uurka qarsoon”.
Dadka ku qaraabta arrintan ayaa iska dhiga dhaqaatiir amaba kalkaalisooyin ku qanciya haweenka inay bixiyaan adeegyada "daaweynta dhalmo la'aanta mucjisada ah” iyagoo u damaanad qaadaya inay uur qaadayaan. "daaweynta” hore ayaa caadiyan waxaa ku baxa boqollaal doollar waxayna ka kooban tahay duritaan, cabitaan, amaba wax lagu mudo xubinta taranka.
Midna haweenka amaba saraakiisha aynu la hadalnay intii baaritaanka aan wadnay ma oga dhabtii waxa ay yihiin daawooyinkan. Balse haweenka qaar ayaa inoo sheegay inay jirkooda isbeddello ku keeneen - sida caloosha oo barartay - taasoo kuba sii qancisay inay uur leeyihiin.
Haweenka loo sameeyay "daaweynta” ayaa looga digay inaysan booqan dhaqaatiirta rasmiga ah amaba isbitaallada, iyadoo aan raajada amaba baaritaanka uurka uusan muujineyn "ilmaha”, oo dadka ku qaraabta arrintan ay sheegtaan inay ilmuhu ku korayaan meel minka bannaankiisa ah.
Marka la gaaro xilliga uu "dhalan lahaa” cunugga, haweenka ayaa loo sheegaa in fooshu ay keliya bilaabaneyso marka lagu duro "dawo dhif iyo naadir ah oo qaali ah”, taasoo u baahan in lagu bixiyo lacag dheeraad ah.
Sheekooyinka la xiriira sida ay "dhalmadu” u dhacdo ayaa kala duwan, balse dhammaantood waa kuwo murugo leh. Qaarkood happens vary, but all are disturbing. Qaarkood ayaa la suuxiyay waxayna soo tooseen iyadoo ay ku taallo calaamadda sida qalliinka uurka. Qaar kale ayaa sheegay in la duray cirbad sababeysa in qofku noqdo sida qof hurdeysan, oo xaalad is moodsiis ah gelisa taasoo ay aaminaan inay dhaleen.
Midkay noqotaba, haweenka ayaa ugu dambeyn la hoyda dhallaankii ay dhali lahaayeen.
Chioma ayaa u sheegtay sarkaaladda Obinabo in markii xilligii ay "dhali lahayd” la gaaray, ay qofta isku magacowday dhaqtarad ay cirbad uga durtay sinta una sheegtay inay soo riixdo ilmaha. Ma ay oga sida ay ku heshay Hope, balse waxay sheegtay in dhalmadu ay "xanuun badneyd”.
Kooxdeenna ayay u suurto-gashay inay dhex tagaan "xarumahan caafimaad” ee qarsoodiga ah - ee haweeney lagu magacaabo "Dr Ruth” ku xiraya macaamiisheeda - iyadoo kooxdeennu ay iska dhigeen lammaane isku dayayay inay carruur dhalaan muddo siddeed sano ah.
Haweeneyda lagu magacaabo "Dr Ruth" waxay xarunteeda furtaa Sabtida labaad ee bil walba waxayna ku dhex taallaa hoteel burbursan oo ku yaalla magaalada Ihiala, ee koofur-bari gobolka Anambra, qolkeeda bannaankiisa, daraasiin haween ah ayaa ku sugaya barxadaha hoteelka, qaar ayaa la arki karaa inay calooshoodu soo taagan tahay.
Goobta oo dhan niyad-sami baa hareysay. Mararka qaar, dabaal-deg ballaaran ayaa qabsada gudaha qolka kadib marka haweeney loo sheego inay uur leedahay.
Markii la gaaray xilliga weriyeyaasheenna is soo qariyay, "Dr Ruth" ayaa u sheegtay in daaweyntu ay leedahay damaanad ah inay shaqeyneyso.
Waxay haweeneyda durtay cirbad, iyadoo sheeganeysa inay lammaanaha u suurto-gelineyso inay "xushaan” jinsiga cunuggooda mustaqbalka - taasoo caafimaad ahaan aan suurto-gal ahayn.
Kadib markii ay diideen cirbadda, "Dr Ruth" ayaa gacanta ka saartay baakad uu ku jiro kaniini la tumay iyo sidoo kale kaniini kale oo badan oo ay guriga u qaataan, iyadoo sidoo kale siisay talooyin ku aaddan xilliga ay isu galmoon karaan.
Daaweyntan hor ayaa waxaa ku kacaya 350,000 naira ($205; £165).
Weriyeheenna qarsoodiga ah ayaan midna qaadan daawooyinka sidoo kalena raacin talooyinka "Dr Ruth’s" waxayna soo laabatay inay aragto afar toddobaad kadib.
Kadib markii qalab u muuqda raajo ay saartay caloosha weriyeheenna, dhawaqa sida garaaca wadnaha ayaa la maqlay iyadoo "Dr Ruth" ay ugu hambalyeysay inay uur leedahay.
Labadooduba waxay la riyaaqeen farxad.
Kadib markii ay u sheegtay warka farxadda leh, "Dr Ruth" ayaa u sharraxday in laga doonayo inay lacag ku bixiyaan daawoo "dhif iyo naadir ah” qaalina ah loo adeegsanayo dhalashada cunugga, taasoo qiimaheedu uu u dhaxeeyo 1.5 iyo labo milyan oo naira ($1,180; £945).
Haddii aan la helin daawadan, uurka ayaa ka dheeraan kara sagaal bilood, sida ay sheegatay "Dr Ruth", iyadoo meesha ka saareysa xaqiiq sayniseed ayay intaa raacisay: "In ilmaha uu noqon doono mid macluul-darro ay heyso - waxaan u baahnaan doonnaan inaan mar kale soo korinno.”
"Dr Ruth" kama aysan jawaabin eedeymaha ay BBC usoo jeedisay.
Ilaa heer haweenka ku lug leh ay si dhab ah u aaminsan yihiin in sheegashooyinkan ay yihiin kuwo aan caddeyn.
Balse sababta ay ugu hoggaansami karaan been sidaa u weyn, ayaa waxaa qeyb ka ah kooxaha baraha internet-ka ee lagu faafiyo wararka been abuurka ah ee ku saabsan uurka.
Dallad marin-habaabin ah
Uurka qarsoodia ah waa xaalad caafimaad oo la aqoonsan yahay, taasoo haweeney aysan ogaaneyn inay uur leedahay ilaa marxalad dambe.
Balse intii aan baaritaanka wadnay, BBC ayaa ogaatay in marin-habaabin ballaaran ay ka dhex jirto kooxaha Facebook iyo bogagga oo ku saabsan noocan uurka ah.
Haweeney kasoo jeedda Mareykanka, oo boggeeda dhan uga hadasha "uurka qarsoon", ayaa sheegata inay uur lahayd "muddo sanado ah” iyo in safarkeeda uusan sharrixi karin saynis.
Koox goonni ah oo Facebook ku mideysan, ayaa inta badan qoraalladooda u adeegsada erayo diimeed si ay ugu sheegaan "daaweynta” beenta ah inay u tahay "mucjiso” kuwa aan awoodin inay uur qaadaan.
Dhammaanba wararka been abuurka ah ayaa gacan ka geysta inu xoojiyo sida ay haweenku u rumeysan yihiin khiyaanada weyn.
Xubno ka tirsan kooxahan keliya kama soo jeedaan Nigeria, balse sidoo kale Koofur Afrika, Caribbean-ka, iyo Mareykanka.
Kuwa ku qaraabta howshan ayaa sidoo kale mararka qaar maamula, soona dhiga qoraallo kooxahan dhexdooda, taasoo u suurto-gelineysa inay gaaraan haweenka muujinaya sida ay u daneynayaan "daaweynta".
Marka uu qof muujiyo inuu diyaar u yahay inuu bilaabo hannaanka fadeexadda, waxaa lagu casuumaa kooxaha WhatsApp. Halkaas, kuwa maamula ayaa ku wadaaga warbixinno ku saabsan "xarumaha uurka qarsoon” iyo waxa hannaanka uu yahay.
‘Weli waan wareersanahay’
Maamulka ayaa inoo sheegay in si loo dhammeystiro "daaweynta”, ay dadka howshan ku qaraabta u baahan yihiin dhallaan si ay saas u sameeyaanna waxay raadiyaan haween baahan oo nugul, qaar badan oo ka mid ah waa dhalinyaro uur ayayna leeyihiin, iyagoo ku nool dal ay ilmo iska soo rididdu tahay sharci-darro.
Bishii February 2024, wasaaradda caafimaadka gobolka Anambra ayaa howlgal ka fulisay xarunta ay Chioma "ku dhashay” Hope.
BBC ayaa heshay muuqaalka howlgalka, oo muujinaya dhisme ballaaran oo ka kooban labo guri.
Mid ka mid ah waxaa ku yaallay qolal ay ku jiraan qalab caafimaad - oo loogu talo-galay bukaannada - halka kuwo kalena ay ku jireen haween badan oo uur leh oo iyagoo aan raalli ka ahayn halkaa lagu hayay. Qaarkood ayaa 17 jirro ahaa.
Qaar ayaa inoo sheegay in lagu khiyaamay inay halkaas aadaan, iyagoo aan ka war heyn in carruurtooda laga iibin doono macaamiisha dadka howshan ku qaraabta.
Qaar kale, sida Uju, oo aan ahayn magaceeda dhabta ah, waxay aad uga baqeysay inay qoyskeeda u sheegto inay uur leedahay waxayna raadineysay qaab ay uga baxsato. Waxay sheegtay in ilmaha laga siistay siiyay lacag dhan 800,000 naira ($470; £380).
Mar la weydiiyay inay ka shalleyneyso go'aanka ay ku iibisay cunuggeeda, waxay tiri: "Weli waan wareersanahay.”
Sarkaalad Obinabo, oo qeyb ka ahayd dadaallada uu gobolkeeda ugu jiro ugaarsiga burcaddan, ayaa sheegtay in kuwa ku qaraabta ay soo jiitaan haweenka nugul sida Uju si ay carruur u helaan.
Dhammaadka su'aalo weydiin adag, sarkaalad Obinabo ayaa ku hanjabtay in cunugga Hope ay ka qaadeyso Chioma.
Balse Chioma ayaa qiraneysa kiiskeeda, sarkaaladda ayaana marki dambe aqbaleysa sharaxadeda ah in qudheeda ay dhibbane tahay oo aysan xaqiiqsan sida ay wax u socdeen.
Sababtan darteed, ayay ugu oggolaatay Chioma iyo Ike inay u heystaan ilmaha - haddii aysan waaliddiinta dhabta ah aysan imaan oo aysan sheegan.
Balse ilaa dhaqanka ku wajahan haweenka, dhalmo la'aanta, xuquuqdaha taranka iyo korsashada ilmaha ay is beddelaan, fadeexadaha sida kan ayaa sii bullaali doona, sida ay ka digayaan khubarrada.
Xigasho BBC
Halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutimes 26-11-2024
.....