Fatahaada Webiga Shabeelle oo sababay khasaare
Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,webiga ayaa ku fatahay dhul beereed balaadhan waxa sidoo kale biyuhu galeen qaybo ka mid ah guryaba shacabka deganaayeen.
Deegaanada Qooqane,Deefow iyo Lafoole ayaa ka mid ah deegaanada sida weyn fatahaadu u saamaysay.
Nuur Maxamed Cabdi oo ka mid ah Beeralayda deegaanka Qooqane ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay khasaaraha sida Biyuhu waxyeelo u gaadhsiiyeen beeralayda" Biyuhu waxay galeen Beero badan wax ay u reebteen na ma lahan oo dallagii way tirtireen,tuulada lafoole Biyaha way go'adoomiyeen oo cid u gasha ma lahan" ayuu yiri Nuur oo ka mid ah Beeralayda Deegaanka Qooqane.
Fatahaada Webiga Shabeelle oo sababay khasaare
Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,webiga ayaa ku fatahay dhul beereed balaadhan waxa sidoo kale biyuhu galeen qaybo ka mid ah guryaba shacabka deganaayeen. Deegaanada Qooqane,Deefow iyo Lafoole ayaa ka mid