Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah

0
Wednesday November 20, 2024 - 19:55:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go'an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go'an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha. "Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda". Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip