Mareykanka oo war kasoo saaray natiijada doorashada S/L

0
Tuesday November 19, 2024 - 17:37:33 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo war kasoo saaray natiijada doorashada S/L

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacday Somaliland ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ka dhacday Somaliland ay tusaale u tahay Geeska Afrika, wuxuuna boggaadiyay hoggaanka iyo shacabka maamulkaasi.

"Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

 

 

Sidoo kale Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Cirro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujineysa sida shacabka reer Somaliland u naceen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo waa wayn.

Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

 

 

Natiijada doorashadan oo lasii saadaalinayay ayaa waxaa saameyn ku yeeshay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda Muuse Biixi ay qaaday, sida; heshiiskii badda iyo dagaalkii Laascaanood.

Si kastaba, hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip