Liiska xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyay
Guddiga madaxa-banaan iyo xuduudaha doorashada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo la xiriira doorashada maamulkaas oo haatan si dardar leh ku socoto, iyada oo wlei halkiisii yahay khilaafka dowladda iyo Axmed Madoobe.
Guddiga doorashada Jubbaland ayaa maanta shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada, kaas oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka maamulkaasi.
Liiska la shaaciyay ayaa ka kooban illaa 75 xildhibaan, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha Jubbaland oo loo balansan yahay 25-ka bishaan Novermber.
Inta ugu badan xildhibaannada lasoo xulay ayaa ah baarlamaankii hore ee maamul goboleedka Jubbaland.
Waa tallaabo kale oo uu Axmed Madoobe u qaaday doorashada dadban ee uu ku qabsanayo magaalada Kismaayo, oo haatan ay ka socoto diyaar garowgii u dambeeyay.
Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan musharixiinta mucaaradka oo iyagana diidan hannaanka uu wax ka wado madaxweynaha Jubbaland oo ay ku eedeeyn boob doorasho.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada doorashada Jubbaland oo ay sheegtay inuu mar kale isku caana shubayo Axmed Madoobe.
Liiska xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyay
,,