DF Somalia oo baroordiiq u sameyneyso SIILAANYO

0
Saturday November 16, 2024 - 10:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF Somalia oo baroordiiq u sameyneyso SIILAANYO

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kana soo jeedo gobollada waqooyi ayaa maanta ka hadlay geerida ku timid allaha u naxariistee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland.

Xubnahan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Siilaanyo, waxayna tacsi u direen guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka beeraha iyo waraabka, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka ay u sameyn doonaan kulan baroordiiq ah, looguna duceynayo Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

"Waxaanu sameyn doonaa kulan duco ah oo aan ugu duceyneyno marxuumka, Ilaahey naxariis iyo Janno ha siiyo” ayuu yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Qofka marka uu dhinto dadka oo dhan uma wada tegaan, laakiin qiimaha uu lahaa awgiis qofba meesha uu joogo uga tacsiyeeyo ayaa ujeedkeenu yahay”.

Dhankiisa, wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo hadalka qaatay ayaa ka hadlay taariikhda Siilaanyo, wuxuuna sheegay in door wayn uu ka qaatay wada-hadalladii hore u dhacay ee Soomaaliya iyo Somaliland.

 

 

"Siilaanyo waxaan ku xasuustaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, Ummadda waan uga tacsiyadeynayaa” ayuu isna yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aaday iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo.

 

Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi.

Marxuumka ayaaku dhashay gobolka Togdheer qiyaasti sannadki 1938-ki. Wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladihii rayidka iyo tii kacaanka ee Soomaaliya, isaga oo soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka qorsheynta iyo jagooyin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip