Ciidamada Kenya oo baneeyay saldhiggii Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose

0
Friday November 15, 2024 - 18:43:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo baneeyay saldhiggii Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Saldhigga Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo kuwa Jubbaland.

 
 
Wareejintan ayaa qeyb ka ahayd istiraatijiyad loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loo dhimo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, taasoo u sahlaysa dowladda Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.


Dhimista ciidamada ATMIS, oo ah arrin xudun u ah heshiiska ballaaran ee lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida Soomaaliya, ayaa la filayaa in la dhammeeyo dhammaadka 2024ka.

Wareejintan waxaa lagu sheegay inay muujinayso tallaabo muhiim ah oo ciidamada Soomaaliya ay iskugu diyaarinayaan in ay hoggaamiyaan difaaca qarankood.

Soomaaliya ayaa doonaysa isku filnaasho xagga amniga ah, inkastoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ka digayaan halista kooxda Alshabaab 
oo weli awood muuqata ku leh Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip