Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray CT Scan casri ah lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah CT Scan casri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa xustay in qalabkan cusub uu wax weyn ku soo kordhinayo shaqada Isbitaalka oo bukaano badan ay ka faa'iidaysan doonaan.
"CT Scan lagu soo kordhiyay isbitaal Banaadir, wuxuu qeyb ka yahay dadaalo ay wasaaraddu ku dayactireyso, kuna qalabeeneyso ilaa 8 isbitaal oo ah kuwa ka shaqeeya danta guud" ayuu yiri Dr Cali Xaaji wasiirka wasaaradda caafimaadka.
Isbitaalka Banaadir waxa uu ka mid yahay Isbitaalada dowliga ah ee bixiya adeeg caafimaad oo lacag la aan ah.
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray CT Scan casri ah lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah CT Scan casri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa xustay in qalabkan