HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 12, NOVEMBER 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "xalka nabadda bariga dhexe waxa uu ku xiranyahay dhismaha dowlad Falastiini ah”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe -deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadi ga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dha cay magaalada Riyaad ee dalka Sucuu diga, kaasi oo looga hadlayo xaaladda ha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ha daljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xas uuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Sooma aliya ee xalka Nabad waarta oo ka han aqaadda Bariga dhexe.
"Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aad anaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falas tiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shir ka ka qayb galaya iyo beesha caala mka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsii nayo shacabka dhibaateysan, waxa uu na soo jeediyay in la dhaqan galiyo xa bad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadalla da.
Kulanka la tashiga dadweynaha ee wax-kabedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka oo ka socda Laascaanood
Kulanakaan oo ay sida wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ca -daaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuu rka Khaatumo ayaa shalay si wadajir magaalada Laascaanood uga qabtay kulanka La-tashiga Odayaasha dhaqa nka iyo Culimada SSC ee waxkabedel ka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.
Guddoomiyaha degamada Laas caa -nood ayaa ugu horayn kulanka ka had lay asiga oo culimada iyo Odayaasha kula dardaarmay in ay taladooda iyo fikradahooda u dhiibtaan.
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi xas san Xijaar ayaa sheegay in culimada iyo Odayaasha reer Khaatumo looga baahanyahay in ay ka qayb qaataan wax ka bedelka Dastuurka Cutubyada 5aad ilaa 9aad.
Wasiir ku-igeenka Wasaaradda Cada allada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo la hadlay Odayaasha dhaqanka iyo Culimada reer Khaatumo ku booriyay in ay si wayn qayb uga qaataan wax ka bedelka Dastuurka.
Hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamada La-tashiga waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka waxey horay ugu soo qabteen gobalka Banaa dir, iyo magaalooyin badan oo kamid ah Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koon fur Galbeed.
Howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Da raawiishta KGS ee degmada Qasax dheere ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulada Weel-manaas oo 15km u jirta degmada Qansaxdheere ku diley 6 maleeshiyo uu kamid yahay horjooge sare.
Horjoogaha la khaarajiyay ayaa Alshabaabta u qaabilsanaa cunaqabat eyna shacabka Qansaxdheere iyo dee gaannada hoostaga Nuur Keerow Xay dar iyo Sheegow Aadan Macalin oo Alshabaabta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah iyo xoolaha.
Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaari jta waxaa loogu furtay saanad ciidan iyo 3 mooto kuwa Faykonta loo yaqaan no oo Alshabaabta dhaxda ugu gali jir een dadka shacabka ah.
Dhanka kale Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu Bur buriyey goobo ay ku dhuumanayeen Alshabaab waxay ka sameeyeen dee gaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan howlgalkaan hoggaa minayey Taliye ku xiggeenka Guutada 7-aad, G/dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye "Foo Foo”.
Ciidanka inta ay wadeen howlgalka ayaa qarxiyey Miinooyin Alshabaab ay u dhigeen dadka Shacabka ah, iyad oo wali halkaas wali ka socdaan baac siga Alshabaab halkaas ku sugan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay ku lan laba-geesood ah kula yeeshay Riy adh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Safiir Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka walaaltinimo ee joogtada ah ee u dhexeeya Soom aaliya iyo Suudaan. Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xushmadda iyo qiimaha ay Soomaaliya u hayso xiri irka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Suudaan, iyadoo la aqoonsaday taag eerada Suudaan ay u fidisay Soomaa liya xilliyadii ay wajahday xaaladaha adag.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa muujiyay taageerada aan gambashada lahayn ee Soomaaliya ay la garab taagan ta hay shacabka Suudaan, isaga oo ba llan qaaday inay taageerayaan dada allada lagu doonayo in lagu gaaro xal nabadeed oo waara. Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimad da ay leedahay xasilloonida iyo barw aaqada gobolka, iyagoo ku ballamay u taagnaanshaha mabaadi’da nabadda, midnimada, iyo ixtiraamka labada dhi nac.
Soomaaliya iyo Suudaan waxa ay raj eynayaan mustaqbal xoog badan oo ku dhisan iskaashi, wadajir iyo dadaal joogto ah oo ay ku doonayaan in lagu xasiliyo gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Nairobi
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdull -aahi iyo wafdiga la docda oo uu qeyb ka yahay Wasiiru-dowlaha Wasaarad da Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay aa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jo mo Kenyatta ku soo dhaweeyay diblo maasiyiin uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliy iin ka tirsan dowladda Kenya.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa Nairobi uga qeybgalaya shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaala ha Bariga Afrika (������) oo 13ka bishan furmaya.
Kulanka oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa guddoomina ysa Marwa Dr. Tulia Ackson oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Tanzania.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha muhiimka ah ee isu soo dhawaynaya waddamadeena ku dhaqan Bariga Afrika.
Madasha Af-hayeennada EAC waxaa uu u taagan yahay sidii loo mideyn la haa codka shacabka ku dhaqan gayi gan iyada oo loo marayo qaabka shar ci dajinta, kormeer iyo matalaad shaca bka.
Madashaan ayaa sidoo kale talo bixin siinaysa shir madaxeedka madaxda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu horumar inayo arrimaha ugu muhiimsan ee ka taagan gobolka Bariga Afrika.
Kulankan oo dhacaya waqtigii ku hab oonaa waxaa la filayaa inuu mideeyo aragtida iyo codka wadamada ku xeen daaban Bariga Afrika, isaga oo gobol keenu ku jihayn doona waddadii is dhex galka iyo kobaca ee dadka ku dhaqan Bariga Afrika.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo qaabilay ururka haweenka Qaranka
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaa liyeed sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay ururka Ha -weenka Qaranka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadi yay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeyn ta nabadda, horumarinta bulshada, iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaara siin doonno codsigooda ah in haweenka boliiska ku jiro la dalacsiiyo, xilal sar sa rana laga siiyo hay’adan.
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabd -ullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexa ad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku boori yay iney dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.
Taliyaha waxaa kulanka ku wehlina yay G/le Qaali Axmed Cadaan oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada.
Baarlamaanka oo ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka
Mudanayaasha labada Aqal ee Baar lamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku lan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa,ajandaha kulanka shalay ayaa ahaa, Hindise Sharciyeedka Uru rrada iyo Xisbiyadda Siyaasadda JFS, Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo midka dhismaha guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdi maha.
Wasiirka arrimaha Guddaha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadk a,isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee Golaha horyaal dib u habayn iyo wax ka badal lagu samee yay.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaa rinta xeerarka doorashooyinka ayaa Golaha ka hor akhriyay habraaca fadhi yadda wadajirka ah ee ansixinta sedd axda Hindise Sharciyeed ee uu ku sha qeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarla maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyad da wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doo rashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga, wa xaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Guddoonka labada Aqal ee Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ayaa dhawaan magacaabay guddigan Kumeel gaar ah oo ka koo ban labada Aqal ee Baarlamaanka Dal ka, kuwaas u xilsaaran diyaarinta xee rarka doorashooyinka, Ururada iyo Xis biyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray CT Scan casri ah lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah CT Scan ca sri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Ba naadir ee magaalada Muqdisho.
Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbit aalka Banaadir ayaa xustay in qalab kan cusub uu wax weyn ku soo kordhi nayo shaqada Isbitaalka oo bukaano badan ay ka faa’iidaysan doonaan.
"CT Scan lagu soo kordhiyay isbitaal Banaadir, wuxuu qeyb ka yahay dadaa lo ay wasaaraddu ku dayactireyso, ku na qalabeeneyso ilaa 8 isbitaal oo ah kuwa ka shaqeeya danta guud” ayuu yiri Dr Cali Xaaji wasiirka wasaaradda caafimaadka.
Isbitaalka Banaadir waxa uu ka mid yahay Isbitaalada dowliga ah ee bixiya adeeg caafimaad oo lacag la aan ah.
Askar ka tirsaneyd ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose
Wararka ka imaanaya gobolka Sha -beellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wanla weyn iyo Afgooye ee gobolkaas laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawii shta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labadaan askari ayaa ku safraayay wadada xiririsa Wanlweyn iyo Afgooye, waxaana dilkooda fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo dhabagal ku sameeyay.
Askartaan la dilay ayaa watay Mooto nooceedu yahay laba lugaaley oo ay kaga soo ambabaxeen degmada Wan -laweyn, iyagoona ku sii jeeday degm ada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Majirto wali wax war ah oo kasoo ba xay dhanka maamulka degmada Afgo oye oo ku aadan weerarka dhabagalka ah ee lagu dilay askarta ka tirsaneyd ciidanka Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahatee deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeela ha Hoose waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo ay kooxda Al-shabaab ku beegsato ciidamada dowlad da Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.
Wasiirka ayaa hoggaamineysa wafdi ballaaran oo Soomaaliya uga qeybgalaya shirka #COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan.
Wafdiga waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Azer bijaan, Guddoomiyaha Hay’adda Maar eynta Masiibooyinka Qaranka Maxa muud Macallin Cabdulle iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa warbaahin ta qaranka u sheegtay in ay rajeyney so in guulo waaweyn ay ka soo hoy aan shirkaas, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka maalgelin ku filan oo lagu xalliyo caqa badaha cimilada.
Wasiir Khadiija ayaa la kulantay ma daxda ka soo qeybgashay shirka, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira cimilada.
Soomaaliya waxay rajeyneysaa in ay ka faa’iideysato fursadaha shirka #CO P29, si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo in ay soo bandhigto dadaallada ay ku bixineyso la tacaalida caqabadaha cimilada ee saameynaya dalkeenna.
Mucaaradka Jubbaland oo ka horyimid guddiga doorashada ee uu Axmed Madoobe magacaabay
Qaar kamid ah mucaaradka Jubba land ayaa ku hanjabay in ay qaban do onaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland.
Mucaaradka ayaa ku gacan seyray magacaabista madaxweynaha Jubal and Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IB EC) oo ka kooban 7 xubnood.
Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaa qada 2024-ka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigee nada Jubaland magacaabista guddig an oo ka kooban 7 xubnood.
C/llaahi Cali oo ah musharax u taa gan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweyna ha uusan awood u laheyn inuu soo ma gacaabo mas’uuliyiinta guddiga doora shada..
"Habka lagu soo xulayo guddigan doo rashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doora shada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri C/llaahi Cali.
Waxa uu sheegay in habka uu u dha qmayo Madoobe ay meesha ka saar tay kalsoonidii lagu qabay hannaankan.
Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Jubbaland ayaa meel mariyay guddi gan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya.
Amaanka Magaalada Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay
Waxaa si weyn loo kordhiyey tallaa booyinka sugida amaanka magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo ciida mo aad u fara badan, waxaana aad loo adkeeyay heeganka xarumaha muhiim ka ah oo uu ku jiro garoonka diyaarada ha Kismaayo.
Kolonyada gaashaaman iyo kuwa cii damada daabula ayaa hadda si caadi ah loogu arkayaa waddooyinka, taasi oo ka tarjumeysa dardar gelinta dadaal lada lagu adkeynayo ammaanka ma gaalada.
Dadka deegaanka ayaa soo shee gaya in si joogta ah loo baarayo dadka iyo gadiidka kasoo gudbaya kontaro olada iyadoona ciidamada meelaha qaar ay ku kordhiyeen roondooyinka.
Amnigaan oo aad loo adkeeyay ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay cirka isku sii sharee reysay xiisadda u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya is afgaran waaga ku saabsan arrimaha federaalka, wax ka bedelka dastuurka, hanaanka doorashada.
Ilo ku dhow dhow madaxtooyada Ju baland ayaa sheegaya in kordhinta cii damada ee magaalada Kismaayo ay qeyb ka tahay walaaca laga qabo in xii sadaha taagan ay khalkhal galiyaan dowladnimada iyo in Al-Shabaab ay fur sad ka dhex raadiso si ay uga faa’idey -staan kala qeybsanaanta.
Isra’iil oo Dad badan ku dishay Lubnan iyo Gaza
araakiisha caafimaadka Falastiin ay aa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, kad dib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameeds adeen guryo ku yaalla waqooyiga Gaza.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 24 ka mid ah dadkaasi lagu dilay madaafiic lagu burburiyay guri ka koobnaa saddex dabaq oo ku yaallay xerada Jabaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dumar iyo carruurr sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Jabaaliyah, halkaas oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen kooxo argagixiso ah. Isr’ail ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujinaya.
Duqeyn kale oo ay ciidanka Isra’il ka fuliyeen xaafadda Sabra ee magaalada Gaza ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda daryeelka, kaas oo lagu magacaabi jiray Waa’il Al Khuur. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa, wiil iyo laba gabadh ay dhaleen iyo carruur uu awoode u ahaa.
Dhanka Lubnan, duqeymo ay Isra’il ku garaacday tuulada Caalmat ee waqootiga Lubnan, ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 23 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah.
Ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Natanyahu ayaa isna Axaddii shalay sheegay in saddex jeer uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump tan iyo Talaadadi.
Maxay yihiin waxa uu sameeyay Johnny Somali ee sababay in loo gacan galiyo xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed?
Ninka YouTube-ka caanka ah ee lagu magacaabo Ramsey Khaalid Ismaaciil, loona yaqaanno "Johnny Somali oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa loo gacan geliyay xeer ilaalinta Kuuriyada Koonfureed, kadib markii lagu eedeyay inuu dhunkadayTaallo loo yaqaanno "Taallada Nabadda” isla markaana lagu xuso haween loo gaystay tacadiyo ka dhan ah jinsiga intii lagu jiray xukunkii gumeystihii Kuuriya ee Japan ee hilaaddiii 1910 ilaa 1945-tii.
Taallooyinkii dhibbanayaashii addoonsiga galmada ee xilligii dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ah astaamo aad dadweynuhu ay u qadariyaan kuna xasuustaan dhacdooyin kala duwan oo mid walba leh saameynteeda sida dunida kalaba.
Sida laga soo xigtay Xarunta Booliska Seoul Mapo Isniinta shalay ah, ninkaan ayaa lagu wareejiyay Arbacadii Kuuriyada Koonfureed isagoo wajahaya eedo ay ugu waa weynyihiin kuwa aan soo sheegnay iyo kuwa kale.
Kadib markii uu muuqaalka uu dhukanayo taalladda uu soo galiyay baraha bulshada, waxaa uu la kulmay caro dadweyne iyo falcelin ka dhalatay arrintaas oo lagu cambaareeyay.
Ninkaan ayaa mar dambe raali gelin siiyay dadkii ka xumaaday ee reer Kuuriya waxaana uu yiri "Waxaan rabaa in aan raalli-geliyo reer Kuuriya. Maan fahmin muhiimada taalada”. Waxa kale oo uu sharraxay in ujeeddadiisu ahayd inuu ku maaweeliyo dadka bartiis aku xiran, balse waxa uu qiray in hab-dhaqankiisu ahaa mid ixtiraam-darro ah. Ismaaciil ayaa sidoo kale yiri:, "Runtii waan ka xumahay,".
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay: "Waan qaldamay, waxaana u malaynayaa marka aad qalad ka gasho nolosha, inaad u baahan tahay inaad ilaaliso. Markaa, waan ka cudur daaranayaa, mar dambe ka hadli maayo taalladaada ama taaban maayo mar dambe.”
Waa kumaa Janaraal Odowaa, ninka mar labaad loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya?
Ciqaabta uu wajihi karo
Johnny Somali ayaa dhowr jeer sameeyay tallaabooyin xadgudubyo ah oo dad ka caroodeen.Xigashada Sawirka,Johnny Somali
Qoraalka sawirka,Johnny Somali ayaa dhowr jeer sameeyay tallaabooyin xadgudubyo ah oo dad ka caroodeen.
Khaalid Ismaaciil, loona yaqaanno "Johnny Somali" ayaa hadda wajahaya dhowr dacwadood oo ay ugu horreyso muuqaalkii Taallada Nabadda ee uu dhunkaday, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in ninkaan oo lagu tilmaamay qof aan taxadarin uu wajahi sanado badan oo xarig ah.
Johnny Somali oo da'diisu ay tahay 24 sano jir, ayaa hadda lagu wadaa baaritaan waxaana la sheegay in dalka aanu bixi karin isla markaana waxaa laga mamnuucayaa marka uu xabsiga dhameysto Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Inkastoo uu raali gelin bixiyay haddana dad badan oo reer Kuuriya waxaa ay weli shaki ka qabaan in ninkaan oo sameeyay fal taabtay dareenka muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed ay daacad ka tahay raali galinta uu bixiyay.
Muxuu horey uga sameeyay Japan?
Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay nin aan taxadarin
Marka la eego muuqaallada uu soo dhigo barihiisa bulshada, Johnny Somali wuxuu ku sugnaa dalka Japan bilihii May iyo June ee sanadkan. Inkastoo markaa kahor uu waqti dheer ku qaatay dalka Thailand.
Dhowr muuqaal oo uu bartiisa YouTube soo dhigay, Johny waxaa la arkayay isagoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku qaqashaadaya haween, isla markaana ku dhahaya hadallo ‘dumar nacayb ah iyo kuwo cunsurinnimo ku dheehan tahay’.
Johnny Somali ayaa sidoo kale intii uu Japan ku sugnaa la arkayay isagoo dhibaya dhalinyaro ku sugnaa tareen dhexdiisa, isagoo kala hadlayay arrimaha Hiroshima iyo Nagasaki (magaalooyin Japan ku yaalla oo Mareykanku bamboo ku weeraray sanadkii 1945), isagoo dhahaya "Waan sameyn karnaa mar kale.”
Mid ka mid ah rakaabka, oo sheegay inuu asal ahaan Kuuriyaan yahay uuna heysto dhalashada Mareykanka, ayaa la murmaya kana codsanaya inuu xushmad muujiyo.
Dhowr muuqaal, Johnny Somali uma muuqan mid ka qoomameynaya ficilladiisa, isagoo sheegay inuuba ka helo falcelinnada ka dhasha muuqaalladiisa uuna kuba sii caan-boxo.
Waxaa sidoo kale jirtay in qudhiisa dhibaato ay soo gaartay , oo marka ay dadku aqoonsadaan uu khatar u galo in lala dagaallamo.
Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Twitter-ka kusoo qoray "Johny Somali ayaa halkan lagu arkay isagoo labo gabdhood oo Japan u dhashay ugu yeeraya inay fool xun yihiin sababtoo ah ma aysan dooneyn inay ka soo dhex muuqdaan muuqaalkiisa".
Haatan wuxuu ku sugan yahay jasiiradda Bali, imaanshihiisa toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada jasiiraddaas ka dhex abuurtay dood, iyadoo dadku ay muujinayeen inay ka war hayaan taariikhdiisa.
Inkastoo weli uusan gudaha jasiiradda ka abuurin sida falcelinnadii ka dhashay safarkiisii Japan, haddana mar uu booqday xeebta Bali.
Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo la hadlaya labo nin oo xeebta ku sugan, kadibna ay murmayaan.
'Sagaal ilig ayaa iga dhacday intaan filinka duubayay' - Agaasimihii taxanaha Squid Game
Hwang Dong-hyuk ayaa ila hadlayay xilli uu joogay meel uu ku duubayay qa ybta labaad ee musasalkiisa xiisaha ba dan ee laga sii daayo Netflix, Markii aan waydiiayay a gaasimaha musasal ka Kuuriyaanka ah ee Squid Game war ku saabsan in uu aad u jahwaree ray intii filinka la duubayay uuna lumiy -ay ilaa lix ilig, si dhaqsi ah ayuu ii sa xay. "Sideed ilaa sagaal ayaa iga dhac day,” ayuu yiri isaga oo qoslaya.
Hwang Dong-hyuk ayaa ila hadlayay xilli uu joogay meel uu ku duubayay qaybta labaad ee musasalkiisa xiisaha badan ee laga sii daayo Netflix, kaas oo ay ku jiraan boqolaal tartame oo qaameysan kuwaas oo u dagaalamaya in ay qiimo lacageed ku guuleystaan kadib marka ay ka qayb qaataan ci yaar caruureed nolo iyo geeri ah.
Balse in uu sameeyo qayb labaad ma ahayn wax qorshahaba ku jiray. Mar wxaaba jirtay uu ku dhaartay in uusan mardambe sameyn doonin. .
Iyada oo la fiirinayo jahwareerka ay ku riday ayaa waydiiyay waxa maskax diisa iska badalay.
"Lacag” ayuu ku jawaabay, isaga oo aan ka labalabayn.
"In kasta oo qaybtii koobaad ay add uunka oo dhan caan ka noqotay, lacag sidaas u badan kama samayn hadaan kuu daacad waramo,” ayuu igu yiri. "Marka samaynta midkaan labaad magdhaw ayay ii noqoneysaa.”
"Walina sheekada sidaas ku dha maan meyso,” ayuu raaciyay.
Taxanihiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa bandhigga ugu guulaha badnaa ee Netflix ilaa shalay, isagoo ilayska ku shiday Kuuriyada Koonfureed iyo madadaaladeeda laga sii daayo telefi shinka. Sida uu wax uga tilmaamay sin naan la'aanta hantida waxay taabatay dareenka daawadayaasha adduunka oo dhan.
Laakin maadaama uu dilay inta ba dan shaqsiyadihii filinka lagu jilayay, Hwang waxa uu ku qasbanaaday in uu eber ka soo bilaabo, lana yimaado jilaa yaal cusub iyo ciyaaro cusub. Daawa dayaasha ayaa aad ugu hanwayn qaybta labaad ee musasalka.
"Jahwareerka aan hadda dareem aayo ayaa aad u sii wayn,” ayuu yiri.
Saddex sano ka dib markii taxanihii ugu horreeyay la sii daayay, Hwang aad ayaa aad uga niyad jabsan xaa ladda adduunka.
Waxa uu ka hadlay dagaallada hadda socda, isbeddelka cimilada iyo hanti ya raanta baahsan ee adduunka ka jirta.
"Xuduudo cusub ayaa la kala xariiq day. Waxaan ku jirnaa xilligii inaga iyo iyaga. Yaa saxan yaase qaldan?”
Maxay tahay sababta loo soo jeedi yay in galmada laga gaajeeyo cayayaa nka lab?
Squid Game 2 waxaa ku jira dagaallo badan oo dhexmaraya tartamayaa sha
Markii aan booqday goobta bandhig ga oo madadaalo ka socoto, iyadoo jar anjarooyinka midabada leh ay ka mid yihiin astaamaha gaarka ah, waxaan helay qaar ka mid ah tilmaamihii muuji nayay sida niyad-jabka ee howshu u muuqan doonto.
Taxanahaan, guuleystihii hore, Gi-hun, ayaa mar kale ku soo laabanaya ciyaarta isagoo raadinaya inuu bur buriyo oo badbaadiyo tartamayaasha cusub ee wareegga ugu dambeeya.
Sida uu sheegay Lee Jung-jae, oo ah shaqsiga hoggaaminaya ciyaarta, wux uu u muuqdaa "mid ka niyad-jabsan oo go'aan adag leh" marka la barbardhigo markii hore.
Sagxadda tartamayaashu ku seexda an habeenkii, ayaa loo kala qaybiyay laba qeybood.
Qaybta midig ee sagxadda waxaa lagu calaamadeeyay astaanta X casa an oo weyn ah, halka qaybta kale lagu calaamadeeyay wareeg buluug ah.
Hadda, ka dib ciyaar kasta, ciyaarto ydu waa inay doortaan dhinac, iyadoo ku xiran haddii ay rabaan inay tartanka soo afjarayaan si ay u badbaadaan, ama haddii ay doonayaan inay sii ciyaaraan, iyagoo og inay dhamaan doonaan, marka laga reebo hal qof. Go'aanka ugu badan ee la isku raaco ayaa la dooran doonaa.
Arrintaan sida loo sheegay, waxay keeni doontaa kooxaysi iyo dagaallo badan
Arrintaan waxay qayb ka tahay qors haha agaasimaha Hwang ee ah in la muujiyo khataraha nolosha dunida ee sii kordhaya.
Wuxuu aaminsan yahay in dadka lagu qasbo inay doortaan dhinac, taasoo kicinaysa khilaaf.
Hwang wuxuu isku dayay 10 sano inuu Squid Game sameeyo, isagoo qaadanayay deymo waaweyn Xigashada Sawirka,Netflix
Dhammaan kuwa ka helay filinka ee Squid Game, marka lag ayimaado waxa waxaa jiray kuwo kale oo u arkay inuu yahay xad-dhaaf ah oo rabshad wata, isla markaana ay adagtahay in la daawado.
Laakiin waxaa cad marka aad la hadasho Hwang, in waxyaabaha rabshadda ah si buuxda loo qorsheeyay. Wuxuu u muuqdaa nin si qoto dheer uga fikiraya oo ka wal walsan dunida.
"Markii aan sameynayay taxanahan, waxaan si joogto ah isku is weydiiyay ‘Ma haystaa awoood aadanuhu ku toosiyo?, runahaantii, ma garanayo," ayuu yiri.
In kasta oo daawadayaasha taxanaha labaad laga yaabo inaanay helin jawaabaha su'aalaha waaweyn ee nolosha, ugu yaraan way ku raaxaysan doonaan in qaar ka mid ah godadka sheekada la buuxin doono – sida sababta ciyaartu ugu jirto, iyo waxa dhiirrigelinaya qofka mas'ul ka ah.
" Dadku waxay arki doonaan waxyaabo badan oo ku saabsan taariikhda Front Man-ka, sheekadiisa iyo daree nkiisa," ayuu yiri jilaha Lee Byung-hun, oo door ka qaa danaya taxanahaan.
"Ma u maleynayo in tani ay daawadayaasha ka dhigi doo nto kuwo uu jecel yahay, laakiin waxay u suurta gelin kartaa inay si fiican u fahmaan doorashadiisa."
Lee, oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan Koonfur Korea, ayaa qirayaa in wejigiisa iyo indhihiisa oo la qarinayo, iyo codkiisa oo la isku leexinayo inta lagu guda jiray taxanaha koowaad, ay ahayd "wax yar oo aan ku qanacsaneyn."
Hwang wuxuu isku dayay 10 sano inuu Squid Game sa meeyo, isagoo qaadanayay deymo waaweyn si uu u taage ero qoyskiisa, ka hor inta aysan Netflix soo gelin.
Waxay siiyeen lacag hore oo yar, taasoo ka dhigtay inuu san ka faa’iideysan karin lacagta badan ee lagu qiyaasay 650 malyan ee ka soo xaroonaysa.
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 12, NOVEMBER 2024
.