Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta

0
Wednesday October 09, 2024 - 21:53:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasima Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasima Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan. Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, muhiimadda isku-duwidda dedaallada horumarineed si looga faa'iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida beeraha iyo kalluumeysiga. Kulanka ayaa sidoo kale waxay kaga wada hadleen caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka. Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip