halkaan, ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Tuesday October 08, 2024 - 10:23:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan, ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Duqa muqdisho oo daahfuray bandhigga wajiga 1-aad ee daraasada Naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) daraasadaasi oo lagu soo bandhigay qorshe faah-faahsan oo sawir buuxa ka bixinaya biyo qabadyada Magaalada Muqdisho iyo waxqabad howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala hormarinayo sameynta naqshadaha Biyo Marenada magalada iyo dhaqan gelinteda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu nuux nuuxsaday ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta Biyo Mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha dalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarla-maanka Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jamacadaha Somaliyed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bahda waxbarashadu ay yihiin lafdhabar xilli adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed isla markaana u soo dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed, iyagoo kasoo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd, soona saaray jiilal tayo leh oo ay ka badbaadiyeen jahliga iyo colaadihii dalka ka jiray.

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga arrimaha bulshada Aqalka Sare in ay si dhow ula shaqeeyaan Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed si kor loogu qaado nidaamka waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaasi.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxii-btinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyay Kalfadhiga 5-aad

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane abdullaahi omar Abshirow aya shalay shir gudomiyay kulanka 31-aad ee Kalfadhiga 5-aad, waxaana guntanka ama kooramka kulanka uu kulamo la qadan furmay 143-Xildhiban.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta ah hindise sharciy-eedyada kala ah hindise sharciyeedka abuurka iyo nocyada Ayniga dhir beeredka iyo hindise sharciyeedka Badbaadada dhir beereedka iyo Takoorka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay labadan hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ogolaaday oo codka ogol siiyay 143-Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan iyo mid ka aamusay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta labadan hindise sharciyeed oo muhiim ahaa iyo talooyinka ay ku biiriyeen mudada ay socdeen doodaha iyo soojeedimaha.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta labadan hindise sharciyeed, isagoo sheegay in loo gudbinayo Aqalka Sare.

Wasaaradda qorsheynta oo Muqdisho ku qabatay kulan ku aadan qorshaha isbadalka Qaranka

Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dardargellinta oorshaha isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay deeq-bixiyeyaasha caalamka, hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, iyo Hay’adaha caalamiga ah iyadoo diiradda la saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, Maalgashiga iyo houmarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamud Cabdiraxmaab Sheekh Faarax (Beenebeene), oo kulanka furay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo horumarka Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale looga dooday guulihii laga gaaray Qorshihii Sagaalaad ee Hormarinta Qaranka (NDP9), iyo aragtida iyo himilo-yinka cusub ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

Kulanka ayaa lagu soo afmeeray in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029) iyo horumar waara oo Soomaaliya ay ku tallaabsato.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay laba Hindise Sharciyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Nairobi ka daahfurtay shir ku saabsan ka digista xaaladaha halis wadareedka

Shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka digista xaaladaha halis wadareedka ayaa waxaa Nairobi ka daahfuray Guddo-omiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalij Cabdulle, kaasi oo ay ka qeybgalen Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa xaaladaha ka digista qataraha oo ay sababan fatahadaha iyo abaraha., kaasi oo ka dhaca dalkeena.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ugu horeyn daahfuray shirkan ayaa tilmaamay muhiimadda uu bulshada u leeyahay maadaama shirka lagu casuumay madax ka socotay Hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshada.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamud Macalin Cabdulle ayaa tilmamay inta uu ku suganyahay Nairobi uu Madaxda IGAD kala hadli doono fatah-aadda aan la fileyn ee uu sababay Webiga Shabeelle kaasi oo la rumeysanyahay in Ethiopia ay biyaha xooggan soo deysay.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in Hay’adaha beesha caalamka ay u bandhigi doonaan sidii looga caawin lahaa ka hortegidda abaarta La Nina ee la saada-alinayo iyo doorka Hay’adda uga aadan arintaas.

Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo kormeeray xarunta dambi baarista iyo goobo kale

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan abdullaahi ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee CID iyo Taliska qaybta guud ee Boliiska gobolka Benaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayan bulshada Somaliyed.

Sidoo kale, Taliyaha oo sii wata kormeerkiisa u kuur galidda habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gaaray Xarunta Taliska qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska qaybta iyo Saraakiisha ammaanka gobolka Benaadir.

Taliyaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hor tagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Al-shabaab iyo qorsheyaasha cusub dardarlinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isaga oo faray in ay labanlaabaan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.

Madaxweyne Qoorqoor iyo madax kale oo ka qaybgalay saxiixa mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro, xildhibaanno ka tirsan DFS, mudanayal ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare hore Cali Geedi oo ku bogaadiyey dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG Prof Cali Maxamed Geeddi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah dowladana ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixineyso arintaas.

Mudane Cali Maxamed Geeddi ayaa tilmaamay in umumadd Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah si shacbka ay u soo doortaan cidda hogaanka u ah.

"Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano. shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri Mudane Cali Maxamed Geedi.

Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo.

"Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay daraad ay noo sheegen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dalka uu aaday hanaanka doorasho ee qof iyo cod-ka ah, taasoo meesha ka saareyso hanaanka doorasho dadban oo muddo lagu soo jiray

Booliiska Baledweyne oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan afduub iyo dil loo geystay wiil 7 jir ahaa

Ciidanka Booliiska Baledweyne ayaa gacanta kusoo dhigay afar ruux oo ku eedeysan dil iyo afduub loo geystay wiil yar oo 7 sano jir ahaa.

Wiilka yar ee la afduubtay, kadibna la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mucaad Cadullaahi Faarax, kaasoo meydkiisa laga helay galinkii dambe ee Daraad Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.

Meydka wiilka yar ayaa la helay isagoo qoorta iyo gacmahiisa ay ku xiran yihiin xargo la tilmaamay in wiilka yar inta aan wabiga lagu soo tuurin ka hor lagu dilay.

"Saldhiga Boliiska Beledweyne wuxuu Gacanta ku hayaa kiiska ilaa 4 Eedaysane oo ku eedaysan Dil iyo Afduunka loo geeystay Wiil yar oo saqiir ahaa oo lagu magacaabi jiray Mucaad Cadullaahi Faarax ina Xilkas Xanshi Xuseen 7 jir ah" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska cidanka Boliiska Baledwene.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Baledweyne ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeysanayaasha lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhacdadaan ka argagaxay ayaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn u hadal haayay dhacdadaan oo ugub ku ah magaalada Baledweyne.

Puntland oo Axmed Madoobe ku amshalayy inuu isaga tagay shirkii Golaha Wadatashiga ee Muqdisho ka socday

Puntland aya so dhowesay in madaxwe-naha mamulka Jubaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, isagoo isaga baxay shirkii wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho, kaas oo ku dhamaaday natiijo la'aan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay, Puntland inay uga mahad celinayso madaxweyne Axmed Madoobe inuu diiday wuxuu ugu yeeray inuu qeyb ka ahaado talo xumada ay waddo dowladda Federaalka.

"Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka warfafinta aya sheegay, dowlada Federaalka inay hindisaysay waddo aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheikh in aanu awood u lahayn inuu qabto doorasho qof iyo cod ah.

"Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, hadana wuxu raba inuu tuuro dasturki ay lahayen dowlad goboledyada,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, markii uu fashilmay shirkii wadatashiga Qaran ee u socday dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Xigasho HIIRAAN ONLINE.

Taye Atskeselasse oo loo doortay Madaxweynaha lixaad ee Itoobiya

Taye Atskeselasse oo hore u soo qabtay xilka Wasiirka Arimaha Dibadda ee Itobiya, ayaa shalay oo Isniin ah waxaa loo dortay inuu noqdo Madaxwenaha Itoobiya.

Taye ayaa xilkan loo magacaabay kaddib kulan ay isugu yimaaden Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka ee Itoobiya, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde, oo iyadu iskeed xilka uga degtay.

Madaxweynaha cusub ee Itoobiya Taye ayaa kasoo jeeda degaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya, oo ay muddooyinkii u dambeeyay hadheeyen dagallo culus oo u dhaxeya iidamada Dowlada io koxda Fano.

Taye ayaa horey uga soo shaqeeyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, wuxuuna hadda noqonayaa Madaxweynihii Lixaad ee dalka Itoobiya, waxa uuna baddalayaa Sahle-Work Zewde oo ahayd qof dumar ah kana soojeeda isla degaanka Amxaarada ee uu kasoo jeedo Madaxweynaha cusub.

Dadka falanqeya siyaasada dalka Itoobiya ayaa sheegayay in maalmahan Madaxwe-ynaha xilka ka degay ay ka muuqatay inay ka daashay xilka madaxtinimada oo ay rabtay inay xilka isaga degto, taas oo markii dambe keentay in shalay ay si caadi ah uga degto xilkaas, loona magacaabo Taye Atskeselasse inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya

Dalka Itoobiya ayaa kamid ah dalalka uu awoodda u sarreeya leeyahay Ra'iisal wasaaruhu, isagoo Madaxweynuhuna uu badanaa yahay mid magac u yaal ah oo badanaa aan shaqo ku darsan arrimaha gudaha dalka Itoobiya.

Qaramada Midoobey oo Israel ku marqaati furtay inay dhibaato baahsan ka gaysatay Lubnaan

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in Lubnaan ay la kulmeyso dhibaato barakac oo aad u weyn.

Madaxa Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in ololaha militari ee Israel ee duqaymaha iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee xuduudda isugu jira uu abuuray walaac caalami ah.

Sarkaalkan ayaa sheegay in weerarada sii kordhaya ee Israel ay ku xadgudbeen sharciga calamiga ah e bani’adantinimada, ka dib markii la beegsaday kaabeyaasha dadweynaha qaarkood iyo in la dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

"Waxaa jira dhacdooyin badan oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, sababtoo ah habka loo maareeyay duqaymaha.” Ayuu yiri Filippo Grandi oo booqanayay magaalada caasimadda ah ee Beirut.

Waxa kalo uu yiri "Waxaan shalay gobjoog u ahaa dhibatada naxdinta leh ee dagalkan uu ku hayo bulshooyinka oo dhan.”

Filippo Grandi ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Sharciga calamiga ah e bani’adantinimada waa in la ixtiraamaa, lamana iska indha tiri karo. Qoysasku waxay noqdeen guryo la’aan, waxayna ku go’doonsan yihiin meelaha bannaan. Dadkaasi dhibaateysan waxaa ku jira carruur aan awoodin inay fahmaan waxa dhacaya.”

Grandi ayaa xusay in ay jiraan xubno ka mid ah shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa caafimaadka oo lagu dilay duqaymaha socda.

Laba ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNHCR ayaa ka mid ah dadka ka shaqeya howlaha samafalka ee lagu dilay werarada xagga cirka ee Israel.

Waxaa uu walaac ka muujiyay duqaynta kale ee ay Israel ku burburisay marinka ugu weyn ee isku xira Lubnaan iyo Suuriya. Marinkan ayaa muhiim u ahaa dadka ka baxsanaya colaadda koonfurta Lubnaan ee doonaya in ay ka gudbaan kontoroolka xuduudda labada dal ee Al Masnaa.

Waddada dhowrka mitir ee balaceedu yahay ee la burburiyay ayaa xitaa caqabad ku ah shaqaalaha gargaarka ee doonaya in ay gurmadka bani’aadantinimo gaarsiiyaan ku dhawaad 400,000 oo qof oo gaaray deegaanada xadka ee dalka Suuriya.

Militariga Israil ayaa iyagu ku adkeysanaya in ay beegsanayaan oo keliya Xoogaga Xisbullah iyo kaabeyaashooda militari, oo lagu bartilmaameedsanayo duqaymaha cirka iyo hawlgalka ka socda deegaanada xuduudda ee Israel iyo Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqday in la barakaciyay in ka badan boqolkiiba labaatan dadka dalkaasi.

Qaramada Midoobey waxay codsatay $425.7 milyan, si wax loga qabto dhibato-yinka bani’aadantinimo ee ka jira dalkaasi. 40% ayaa illaa hadda loo ogolaaday.

Mr. Grandi ayaa caalamka ugu baaqay in loo gurmadka dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay colaadda, sida mugga leh loogu ballaariyay dalkaasi oo dhan.

"Waa in la soo afjaraa colaadahaan khalafsan e so noqnoqday, wana in dunida u soo gurmata Lubnan.” Ayuu yiri Grandi.

Madaxda Israel ayaa wacad ku maray in ay cagta marin doonaan Xisbullah, si dadkii Israeliyiinta ahaa ee barakacay ay dib ugu soo laabtaan deganada waqooyi ee Israel.

Uganda oo su’aal galisay sababta ay Masar u doonayso inay ugu biirto howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya

Deeq bixiyayaasha iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay ku lug lahaanshaha Masar ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda iyo culeyska dhaqaale ee taagan.

Hawlgalka, oo beddeli doona Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2025, ayaa wajahaya hubanti la'aan iyadoo Masar ay raadineyso door weyn.

Dalka Uganda, oo gacan ka geysta dadaallada nabad ilaalinta Soomaaliya, ayaa su'aal galisay ku lug lahaanshaha lama filaanka ah ee Masar.

"Waddamada ciidamada ku deeqay waxay weydiinayaan, maxay Masar u rabtaa inay hadda ugu biirto howlgalka? Halkee bay waayadan oo dhan joogeen? Maxay mar hore u imaan waayen,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Arrimaha Caalamiga ee Uganda, Henry Okello Oryem.

Masar ayaa soo jeedisay in ay ku biiriso howlgalka 5,000 oo askari, oo ah ku dhawad kala bar tirada guud ee ciidamada AUSSOM. Waxaana arrintan walaac ka muujiyay waddamada sida Ethiopia.

Itoobiya, oo ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya tan iyo 2014, ayaa u aragta saamaynta Masar tallaabo khalkhal gelin karta dhaqdhaqaaqyada amniga gobolka, gaar ahaan iyada oo ay jiraan xiisadda labada waddan.

Midowga Yurub oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yiri "EU ma jirto wax door ah oo ku saabsan in waddan uu ka mid noqdo howlgalka cusub, annaguna ma nihin kuwa go'aan ka gaarista.

Israel oo mar kale duqayn ugu jiidday Caasimadda Beirut iyo dad ku dhintay

Waxay habeen hore ahayd habeen kale oo Israel ay si ba’an u garaacday Magaalada Beirut, iyadoo isku dayeyso in ay burburiso xarumaha Ururka Xisbullah ee magaaladaasi.

Qaraxyo waaweyn ayaa habeen hore ruxay Caasimadda Beirut, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen bartilmaameedyo ku yaala dhanka koonfureed ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in diyaaradaha dagaalku ay si saf mareen ah u garaacayaan dhismayaasha ay Israel ku tuhmeyso inay leeyihiin Xoogaga Xisbullah amaba ay hubka ku kaydsadaan.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Israel ay u muuqato mid si gaar ah u beegsaneysa xaafadaha koonfureed ee Beirut, marka loo eego qaybaha kale ee magaalada, isla-markaana ay qoysas fara-badan duqaymuhu ku khasbeen in ay ka cararaan guryahooda. Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay duqaymihii habeen hore, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah.

Saamaynta weerarada xagga cirka ee Israel ayaad ka garan kartaa burburka weyn ay u gaysanayaan dhismayaasha magaalada.

Israel ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ballaarisay weerarada ay ku hayso Xisbullah, inkastoo lagu cambee-reeyay weeraradaasi oo lagu sheegay kuwo aan kala sooc lahayn.

Dagaalka Gaza oo shalay sanad jirsaday

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa shalay oo kale sanadkii hore weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka ay Israel mamusho, kaas oo noqday weerarkii ugu weynaa ee ay Israel la kulanto 75-kii sano ee maamulkeedan uu jiray.

Shalay oo kale waa maalintii Xamaas ay weerarka la yaabka leh ku jabsatay xeendaabka ay Israel ka dhex dhistay Marinka Gaza iyo dhulka laga haysto shacabka Falastiin, balse ay Israel ugu yeerto koonfurta Israel, waana maalintii ay Xamaas muujisay in laga gudbi karo xuduud beeneedka ay Israel ku sheegtay mid ka mid ah soohdimaha ugu adag ee dunida, isla-markaana aysan jirin cid ka tallaabi karta, marka aad eegto juhdiga badan ee lagu bixiyay sugidda amnigiisa.

Waa weerarkii October 7, 2023 oo horseeday in Israel ay dareento walaacii amni ee ugu xooganaa muddadii uu calankeedu ka taagnaa Gobolka Bariga Dhexe iyo dunida inteeda kaleba, waana weerarka ay Israel sheegtay in maalin qura lagu dilay Israeliyiintii ugu badneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee adduunka.

Israel ayaa kol hore qiratay in weerarka lagu dilay illaa 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku jiraan saraakiil iyo askar, inkastoo la sheego in inta badan dadkaasi ay dileen Ciidamada Israel, intii ay ka falcelinayeen weerarkii Xamaas. Xamaas ayaana weerarkaasi ku soo qafaalatay saraakiil, askar iyo weliba rayid Israeliyiin ah, kuwaa oo shalay qaar badan oo ka mid ah lagu haysto gudaha Marinka Gaza, halka qaar kale ay ku baxeen gacanta askartooda, intii ay isku dayayeen in ay xoog ku soo furtaan. Qaar kale oo la haysteyaasha ka mid ah ayayna Xamaas ku sii deysay heshiis hal toddobaad oo xabad joojin ah oo ka dhaqangalay Gaza, daba-yaaqadii bishii November, markaas oo labada dhinac ay maxaabiis is dhaafsi sameeyeen.

Weerarkan oo taariikhdu ay si weyn u xusi doonto ayaa bilow u noqday in Israel ay Bariga Dhexe ka gasho dagaalkii ugu adkaa ee ay wajahdo, tan iyo aasaaskii dowladnimdeeda, waana dagaalka sanadkiisii koowaad galay ee ay ka waddo Marinka Gaza.

Saddex toddobaad oo Israel ay si xiriir ah u garaaceysay Gaza waxay 27-kii bishii October ay ciidamadeeda ku dhiiradeen inay gudaha u galaan Marinka Gaza, iyagoo moodaayay in ay si fudud kaga adkaadaan karaan Xamaas. Madaxda Israel ayaa xilligaasi ku hanjabay inay caddaaladda horkeeni doonaan Madaxda Xamaas. Doonistaas oo aan suurtagelin ayaana dagaalka ka dhigtay mid daba dheeraada oo jiitama.

Ciidamada Israel ayaa iska caabin xoog badan kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, oo ay hormuud u yihiin Ururada Xamaas iyo Islamic Jihaad.

Iska caabinta nool ee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta waxay noqotay caqabadda ugu weyn ee Israel ka hortaagan inay xaqiijiso saddexdii hadaf ee ay ugu duushay Gaza, ee kala ahaa burburinta Xamaas, dib-u-soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.

Khubarada oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Xoogaga Falastiiniyiinta ay illaa iyo shalay ku gacan sarreyan meedaanka dagaalka. Tani ayay u tusaaleynayaan in hal sano oo dagaalka Gaza uu socday aysan weli Ciidamada Israel ku guuleysan inay xasilliyaan deegaan qura oo Gaza ka tirsan, muddadaasina aysan jirin deegaan ay ku wada nagaadeen.

Israel ayaa sameysay isku day kasta oo ay u arkeysay in ay kaga adkaan karto Ururka Xamaas, haddii ay tahay in gargaarka raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ah loo diido in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee aadka ugu baahan, haddana taasi kama aysan caawin inay gaarto guushii ay u baahneyd.

Israel ayaa la sheegaya in ay ku guuldareysatay in ay iska horkeento shacabka Gaza iyo weliba Xamaas, haddii ay ciqaab walba marsiisay dadka rayidka ah, si ay ugu kacaan Xamaas, ayna dagaalka u joojiso.

Duqaymaha baahsan ee Israel ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 42 kun oo qof oo dad rayid ah, halka in ka badan 96 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalkan ayaa laga bartay in umadi ay u adkeysan karto mid ka mid ah dembiyada ugu foosha xun ee aadamuhu uu isu gaysan karo.

Dadka faalloooyinka ka bixinaya dagaalka Gaza waxay sheegeen in dhibaneyaasha labaad dagaalkan ay yihiin Ciidamada Israel, kuwaa oo ay sheegayaan in ay ku dhiig baxayaan dagaalkan.

Wasaaradda Difaaca Israel ayaa bartamihii bishii August ku dhawaaqday in bil kasta ay dagaalkan kaga dhaawacmaan kun askari, waxayna ahayd qirasho la yaab leh oo aan Israel looga baran, inkastoo khubarada ay rumeysan tahay in waxyeelada askarta ay intaasi ka badan tahay.

Warbaahinta Israel ayaa marar badan ku warantay in ciidamadu aysan wax mooral ah u hayn dagaalka, isla-markaana ay si joogta ah u dalbadaan in laga soo saaro Gaza, laakiin aysan madaxdu dhageysaneynin.

Askarta oo qura ma ahan, xitaa waalidiintooda ayaa ka soo horjeeda sii socoshada dagaalkan, sababtoo ah waxay u arkaan mid aan natiijo lahayn, dano siyaasadeedna ay cid gaar ahi ka leedahay.

Waalidiinta askarta iyo qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa marar badan dalbaday in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza, ha yeeshee waxaa ku gacan seyray Golaha Fulinta ee Netanyahu uu hoggaamiyo.

Netanyahu iyo Xubnaha Golihiisa Wasiirada qaarkood waxay ceeb u arkaan in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza, iyadoo aan la wiiqin cududda militari ee Xamaas.

Netanyahu iyo xertiisa ayaa ka cararaya in ay qirtaan in ay ku fashimeen dagaalkan, si dagaalka loo sii wadana wax dan ah kama lahan cid kasta oo ku dhimaneysa iyo halista uu ku yahay amniga iyo dhaqaalaha Israel.

Israel waxay shalay mareysaa waqti uu qabkeedu si weyn hoos ugu dhacay, dunidana ay aragto in ciidamadeeda lugta aysan ahayn sidii la moodayay, walow ay ku dheereyso dagaalka dhinaca cirka iyo sirdoonka, kuwaa oo haddana sidii la rabay aan ciidamada lugta uga la shaqeyn Gaza, marka aad milicsato in Xoogaga Falastiiniyiinta lagu loodin la’yahay dagaalkan.

Maxaan ka taqaanaa xarumaha Nukliyeerka Iran ee qarsoodiga ah?

Raysulwasaaraha Israel ayaa ku goodiyay in Iran ay eedi doonto weerarkii gantaalaha ay ku soo qaaday Israel bilowgii bishan Oktoobar.

Afhayeenka militeriga Israel, Daniel Hagari, ayaa sheegay in gantaalada Iran ay ku soo dhaceen saldhigyo militeri iyo garoomo diyaaradeed, wuxuuna sheegay in aysan waxyeelo u geysan diyaaradaha dagaalka. Hagari wuxuu kaloo sheegay in ay weerarayaan Iran.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay CNN in aysan jirin wax damaanad qaadaya in Israel aysan weerareynin Nukliyeerka Iran.

Arintan ayaa soo baxday kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu Israel kula taliyay in ay weeraraan Nukliyeerka Iran balse madaxweyne Biden ayaa ku adkeeyay Israel in aysan weerarin xarumaha shidalka Iran.

Ururka Atoomikada Iran oo taa ka jawaabaya ayaa arbacadii sheegay in Nukliyeerka Iran aysan cidi weerari karin.

Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay afar qeybood oo waa weyn, qeybta cilmibarista, xarumaha naxinta, madaxd-yada Nukliyeerka iyo qeybta Yuraniyamka.

Warshadda Nukliyeerka karun

Dhismaha mashruuca Nukliyeerka Iran waxaa laga bilaabay 2022-kii gobolka saliidda hodanka ku ah ee Khuzestan ee koonfur bari dalka.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin reer Iran ah, waxa uu dhismaha qaadanayaa 8 sano, waxaana ku baxeysa 2 bilyan oo doolar.

Bishii May ee sanadkan ayey Iran ku dhawaaqday qorshaheeda in Karun ay ka dhiseyso warshada Nukliyeerka sameysa.

Sida laga soo xigtay madaxa ururka Atoomikada Iran, Mohammad Eslami, dhismaha waxa ku jira qeyb badqabka xaqiijineysa.

Warshadda Nukliyeerka Bushehr

Waa saldhigii ugu horeeyay ee Nukliyeerka Iran waxa uu ka kooban yahay warshada korontada ka dhalisa Nukliyeerka.

Nukliyeerka Iran markii hore wuxuu ku bilowday 1974-tii qorshe ganacsi iyagoo kaalmo ka helaya Jarmalka balse waxaa mashruuca la hakiyay 5 sano kaddib. Dib ayey Iran u bilowday 1990-kii kaddib markii ay heshiis la gashay Ruushka.

Moscow dib ayey u dhigtay mashruuca kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu hakinayo naaxinta nukliyeerka Iran.

Bishii Desember 2007-dii ayey Moscow siisay dhululubooyin Yuraniyam ah oo lagu naaxiyo madaxyada nukliyeerka kaddibna sidaas ayey ku dhalatay korontada.

Waxaa walaac dhanka badqabka laga muujiyay naqshadaha isugu jirta Jarmal iyo Ruush gaar ahaan hadii khalad dhaco maadama ay goobtu tahay meel dhulga-riirada u nugul.

Xogtii ugu horeysay ee ku saabsan madaxyada biyaha Arak waxay soo baxday Desember 2002-dii markii la daabacay muuqaallo dayaxgacmeedka uu qaaday.

Hay’adda caalamiga ee Atoomikada IAEA ayaa bishii Agoosto booqatay goobta. Iran waxay u sheegtay qorshaheeda in bilowga 2014-ka uu shaqada bilaabayo.

Quwadaha adduunka waxay doonayaan in la joojiyo Arak iyagoo ka walaacsan in lagu sameynayo Nukliyeer.

Heshiis kumeel gaar ah ayaa la gaaray Nofember 2013-kii oo u dhexeeyay Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK, Faransiiska, Jarmalka iyo Iran kuna sabsan barnaamijka Nukliyeerka. Heshiiska waxay Iran ku ogolaatay in aan la naaxin Yuraniyamka iyo in aan la keydin.

Xarunta Yuraniyamka Gachin

Bishii Desember 2010-kii ayey Iran markii ugu horeysay sheegtay in ay dalkeeda ka soo saartay Yuraniyam nooca loo yaqaan Jaalaha, si loo naaxiyana waxay u qaaday qeybta madaxdyada Nukliyeerka.

Markii hore Iran waxay qiyaaseysay in aysan haysan Yuraniyam ku filan, waxayna ka keensan jirtay Koonfur Afrika.

Bishii Janaayo 2014-kii ayaa hay’adda IAEA loo ogolaaday in ay booqdaan Gachin.

Xarunta Yuraniyamka Isfahan

2006-dii ayey Iran bilowday in ay ka shaqeysiiso xarunta cilmibaarista Nukliy-erka Isfahan. Ujeedka ayaa ahaa in sadax qaab laga dhigo macdanta Yuraniyamka.

Xarunta naaxinta Yuraniyamka ee Natanz

Xarunta Natanz waa shaandheeyaha ugu weyn Nukliyeerka Iran, waxa ay shaqeyneysay ilaa iyo 2007-dii. Ma aysan dhageysan baaqyda Qaramada Midoobay ee ahaa in la hakiyo naaxinta.

Qeybtaas waxay ka kooban tahay saddax dhismo oo dhulka hoostisa ah oo awood u leh ilaa 50kun oo qeybood in ay sameeyaan.

Dhowr jeer ayey xaruntaasi soo wajahaday khatar. 2021-kii Iran waxay sheegtay in la soo weeraray.

Xarunta Fordow

Xaruntan waxay ku taal dhulka hoostiisa meel buuraley ah oo ku taal koonfurta caasimadda Tehran.

Jiritaanka xarunta Iran waxay u sheegtay hay’adda Atoomikada. Sirdoonka reer galbeedka ayaana markii hore soo ogaaday.

Xarunta kale ee Parchin waxay ku taal koonfurta Tehran. Waxaa inta badan loo isticmaalaa cilmibaaris iyo soo saarista sawaariiqda iyo walaxaha qarxa.

Xarunta Qom ee lagu naaxiyo Yurani-ymaka waxaa la bilaabay 2012-kii bishii Janaayo. Waa meel aad loo ilaaliyo oo dhulka hoostiisa ku taal. Waxay u dhowdahay magaalada Qom. Si qarsoodi ah ayaa lagu dhisay xaruntaas. Iran waxaa lagu qasbay in ay shaaciso kaddib markii la hordhigay cadeymo dayaxagacmeedka ah.

XIGASHO BBC

Dadka ka baxsanaya colaadda Lubnaan oo qaarkood doomo ku gaaraya dalka Turkiga

Boqolaal qof oo Lubnaaniyiin ah ayaa gaaray dalka Turkiga, iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan duqaymaha xargaha goostay ee ay Israel ka gaysneyso dalkaasi Lubnaan.

Qaybtii afaraad oo dooni ka raacday magaalada waqooyiga Lubnaan ku taala ee Tripoli ayay gelinkii dambe ee Axaddii ay doonidoodii ku xiratay Dekedda Tasucu ee koonfurta Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in 358 qof oo la socday doonidaasi ay ka mid noqonayaan 1,360 qof oo dhowr cisho gudahood doomo ku gaaray xeebaha koonfureed ee Turkiga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkan ugu dambeeyay ee gaaray Turkiga ay ku jiraan dad Turkish ah iyo dad dalal kale u dhashay.

Dad badan oo reer Lubnaan ah iyo ajaaniibta ku go’doonsan waqooyiga dalkaasi ayaa isku dayaya in ay adeegsadaan marin badeedkan, si ay uga nabad galaan duqaymaha sii kordhaya ee Israel ka waddo dalkaasi.

Weerarada ay Israel ku ballaarisay dalka oo dhan ayaa abuuray walaac amni, waxayna taasi dad badan ku riixday inay doortaan safarada badda, ka dib markii ay colaaddu kaliftay inay joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalkaasi tagi jiray.

Colaadda ku fidday waqooyiga, koonfurta iyo xuduudda koonfureed ee Lubnaan ayaa keentay in shirkadaha diyaaradaha ay is tusaan mid aan suurtagal ahayn in xilligan la tago dalkaasi, sababo dhinaca ammaanka ah.

Shirkadaha duulimaadyada rayidka ayaa ahmiyad badan siiya ilaalinta badqabka rakaabka iyo shaqaalahooda.

Joojinta tirada badan ee duulimaadyada colaadda awgeed waa asbaabta ugu weyn ee dadka ladan ee reer Lubnaan iyo ajaaniibtuba ay ugu xaniban yihiin dalkaasi. Dadkan ayaa isku dayaya in ay adeegsadaan marino kasta iyo si walba oo dalka ay uga bixi karaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip