halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes"

0
Sunday September 22, 2024 - 10:36:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheikh oo si adag uga digay hubka sharci darrada ah ee dalka lagu haysto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin adag ka soo saaray ka ganacsiga hubka sharci darrada ah , isagoo hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ka go’an tahay in tallaabo adag laga qaado dadka ku lugta leh.

Hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay Khudbadii Salaadda Jimcaha ee Masjidka Villa Somalia, ayuu shacabka uga digay inaan lagu kadsoomin kaydinta iyo rarista hubka, wuxuuna kula darda-armay inay ka fogaadaan ka ganacsiga hubka ee sharci darrada ah.

"Ha u ogolaanin in hubka lagu kaydiyo gurigaaga, ha ku dhex qaadin gaari-gaaga, hana ka ganacsan hubka. Hadhow, shalaaydu kuma badbaadin doonto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in mas’uuliyiintu aysan ka waaban doonin fulinta sharciga, isagoo daboolka ka qaaday in ciidamada ammaanka ay heli doonaan amar xitaa haddii ay habeen tahay, si ay u baaraan guryaha looga shakiyo in lagu hesto hub sharci daro ah.

"Hadii ay ciidamada ammaanku ogaa-daan in gurigaaga uu hub yaallo, waxay heli doonaan warqad maxkamadeed, xitaa 3-da subaxnimo, waxayna geli doonaan gurigaaga,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in kuwa ku hawlan arimahan oo kale ay luminayaan sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo maalintii daraad gaadiid xamuul ah oo hub siday oo ka yimid dalka Ethiopia uu gaaray degaanada Puntland, arrintaas oo dowladda Soomaaliya ay camaba-araysay.

RW Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeybgalaya kalfadhigga 79-aad ee Golaha guud ee QM

Wafdi uu hogaminayo Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan "Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horm-arinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka shalay iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwana-anshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Dugsiga Turkish Maarif

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay booqday Dugsiga Turkish Maarif (Ex-School-kii hore ee Farsamada Gacanta) ee degmada Waabari, kaasi oo ay wax ku bartaan in ku dhow 900 oo arday ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray qeybaha uu ka booban yahay dugsiga gaar ahan Fasalada ay ardayda wax ku bartaan, qeybta Sheybaarka, Maktabada Buugagta iyo qebta Cuntada, iyada oo hey’adda Turkish Maarif ay quudin u sameyso si maalinle ah 3,495 qafood oo isugu jirta Arday, Agoon iyo qaar kamid ah qoysaska Barakacayasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maamulka hey’adda Turkish Maarif kula dardaarmay in ay joogteeyaan fursadaha waxbarasho ee loo sameynayo caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar isagoo sidoo kale uga mahadceliyay doorkooda safamalka ah oo ay ka wadaan caasimadda.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha dalka

Waxa shalay shir muhiim ah uu uga furmay magaalada İstanbul ee dalka Turkiga, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hoggaan u ah hey’adaha kale ee Dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo hey’adda Lacagta Addu-unka ee IMF iyo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee wadashaqeynta maaliyadeed la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo uu si rasmi u furay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa diiradda loogu saarayaa dib-u-eegista wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo casriyeynta ilaha dhaqa-alaha Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay qaada-yaan tilaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshay-aasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya uu mudnaan gaar ah siinaya sare u qaadidda dakhliga Dowladda oo horseed u noqon kara isku filnaan dhaqaale.

IMF iyo Bangiga Adduunka oo ah laba hey’ad oo si dhaw ula shaqeeya Wasa-aradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha kale ee Dowladda Soomaaliya aya warbixino ka dhageysanaya qeybaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgalay, sidoo kale quburada ka socota IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa dhankooda soo bandhigaya fikirada horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo haatan sameynaya sare u kac balaaran.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masu-uliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasa-araha Soomaaliya iyo xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirudowlaha Caafimaadka XFS oo furtay olole Caafimaad oo fulinayaa Dhakhaatiir Masaari ah

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafim-aadka iyo daryeelka bulshada XFS oo daahfurtay olole caafimaad oo ay Isbita-alka Martiini ka fulin doonaan dhaqaatiir u dhashay dalka Masar.

Ku simaha wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen ayaa shalay Isbitaalka Danta guud ee Demartino ka daahfurtay olole caafimaad oo lacag la’aana oo isugu jira daawayn iyo qaliimo kala duwan oo ay fulinayaan Khubaro iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Masar oo kaashanaya dhaqaatiir Soomaaliyeed.

Daaweynta iyo qaliimada ay sameyn doonaan dhaqaatiirta oo socon doona ilaa iyo 30 bishan September ayaa isugu jira Qaliimada guud, kuwa lafaha, dhalmada iyo cudurada haweynka iyo carurta, qaliimada burooyinka Cudurada guud, iyo daaweynta iyo qaliimada Wadnaha

Agaasimaha guud ee isbitaal Demartino Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaa-ludiin, ayaa sheegay in Ololahan caafimaad ay ugu talogaleyn ineey ka faaiideystaan in kabadan Todobo boqol oo qof kuwaa oo loo shaqeyn doono afar iyo Labaatanka saac.

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano hoos taga Xuddur

Ciidammada Xoogga Dalka Sooma-aliyeed guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka bakool oo saaka howlgal ka fuliyey deegaanka Qeydar-Cadde oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur.

Saraakiisha horkacaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana la gaarsiiyey Al-shabaab oo deegaanka Qeydar-Cadde fariisin iyo xero tababarna uga furnad.

dagaal waqti kooban socday kadib ayaa lagala wareegay saldhigii ay ku lahaayeen al-shabaab deegaanka iyadoo sidoo kale laga furtay agabkii u yaalay xerada kaas oo ahaa Saannad Ciidan oo kala duwan.

Booliiska Hirshabeelle oo gacanta kusoo dhigay koox burcad ah oo dhac geysanayay

Ciidamada Booliiska maamulka Hirsha-beelle ayaa howgalo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe kuso qabqabtay rag burcad ah oo dhac u geysanaayay.

Ragaan burcada ah ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban 5 ruux, waxaana la sheegay in lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray dhac ay u geysanayeen dad Masaafur ah oo isticmaala wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa ujeedkiisa mid burcada looga sifeynaayay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinkaas.

"Waxaan gacanta kusoo dhignay burcad dhibaateyneysay dadka shacabka ah oo gaaraya 5 ruux xabsiga ayaa la dhigay, waxaan ku soo qabanay agab ay ka dhaceen dad shacab ah ah, maxkam-adaha ku shaqada leh ayaana u gudbin doona" ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Booliiska Hirshabeelle.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay kasii wadi doonaan wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad oo uu sheegay in mudooyinkii dambe kusoo badanayeen kooxaha burcada ah.

"Burcada noocey doonaan ha ahaadaan ama Macawiisley, ama ciidan dowlad ama burcad caadi ah cidii ay noqotaba waxaa naga go'an inaan la dagaalano oo dhibaatadooda ka qabano dadka shacabka ee ku safraya wadadaas" ayuu yiri sarkaalka Booliiska Hirshabeelle u hadlay.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordhayeen cabashada laga muujinayo burcada dhaca ugu geysata dadka safarka ah inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Golaha Wasiirada Somaliland oo shalay soo saaray qodobo xasaasi ah

Golaha wasiirada xukuumadda Somaliland oo shalay shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kasoo saaray qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maam-ulkaasi iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa marka hore warbixinno kala duwan looga dhageystay wasiirada arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale shirka golaha ayaa waxaa looga hadlay diyaargarowga doorash-ooyinka guud ee dhacaya 13-ka bisha November, ayada oo shacabka loogu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinkaas iyo difaaca qaranka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran: -

WAR-SAXAAFADEED: -21-09-2024

Nuxurka qodobbo laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee Shalay

Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhu-uriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka.

Ugu horrayn, waxa shirka warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaa-niyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa wasiirka warfaafinta, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda.

Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qoto dheer ua dooday diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka.

Jubbaland oo faahfaahisay howlgalo maalintii sadaxaad ka socda deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Taliyaha ciidanka Darawiishta maamulka Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo culus oo ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada hoostaga Buulo Xaaji in khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

"Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan, Shabaab gabalkooda wuu dhacay meel walbo oo ay ciidankeena isaga hor imaadaan waa looga gacan sareeyaa oo ay cararaan” ayuu yiri Taliye Ismaaciil Saxardiid.

Taliyaha ciidanka Darawiishta maamulka Jubbaland ma shaacin khasaare dhima-sho ah oo ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, marka laga reebo inuu sheegay in kooxda ay u geysteen jab xoogan.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sidoo kale sheegay inuu sii socon doono howlgalada Al-shabaab looga xurey-naayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland.

Hadalka Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo howlgalo culus oo maalintii sadaxaad qaatay ay ciidanka Jubbaland ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose, gaar ahaan aaga lagu magacaabo Lagta Caanoole.

Xaalad halis ah oo ka soo cusboonaatay KAARAAN

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale xaalad halis ah ay kasoo cusboonaatay degmada Kaaraan oo mar kamid ahayd degmooyinka ugu amniga xun ee gobolka Banaadir.

Ciyaal weero cusub ayaa dib uga soo baxay degmadan oo horay looga tirtiray kooxaha ciyaal weerada iyo sidoo kale burcadda hubeysan, kadib qorshe ay la timid dowladda.

Dadka deegaanka ayaa haatan ka cabanaya xaalad cusub oo kusoo korortay, gaar ahaan soo noqoshada ciyaal weeraro oo halis ku aha shacabka ku dhaqan halkaasi.

Xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan degmada Kaaraan ayaa lagu arkay kooxdan oo raxan raxan usocota, isla markaana dhagxeynaya guryaha, sidoo kalena dhibaateyda dadka shacabka ee lugeynaya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray maamuka degmada iyo saraakiisha amniga, waxayna ugu baaqeen inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda soo korortay.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka kooxda ciyaal weerada oo dhibaato ka gaysa-neydo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ma’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka degmada Kaaraan.

Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka nasatay kooxaha ciyal weerada, waxaana hadda laga digayaa in mar kale ay noqoto halis kusoo laabata dadka ku dhaqan caasimada.

Madaxweynaha Ukraine oo dhalleeceeyay Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ku dhalleeceeyay inaysan Kyiv siinin ogolaanshaha ay u baahan tahay, si ay gantaalada ridada dheer ee reer galbeedka ugu weeraraan bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa muddooyinkanba dalbanayay in la qaado xayiraadaha Kyiv ka saaran in ganta-alahooda ridada dheer lagu weeraro bartilmaameedyada militari ee dalka Ruusha.

"Mareykanka iyo Ingiriiska mana siinin wax ogolaanshaha, si aan hubkan ugu isticmaalno dhulka Ruushka. Nooma aysan ogolaanin bartilmaameed kasta iyo masaafo kasta oo gudaha Ruushka ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in xulafada reer galbeedka ay kordhiyeen taageerada militari ee ay siinayaan dalkiisa, si ay u joojiyaan horu-socodka Ciidamada Ruushka.

Zelensky ayaase muujiyay in tani aysan ka caawineyn guusha ay u baahan yihiin. Zelensky ayaa dhowr jeer ku celceliyay in guushooda ay ku xiran tahay in la ogolaado fasaxa ay u baahan yihiin, si ay Militariga Ruushka ugu weeraraan dalkooda, taas oo uu aaminsan yahay inay Moscow ku riixeyso in ay aqbasho heshiiska nabadda.

"Waxay ila tahay inay ka walaacsan yihiin sii hurinta colaadda.” Ayuu yiri Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine.

Ukraine waxay ku tiirsan tahay kaalmada militar iyo midda maaliyadeed ee ay ka hesho xulafadeeda dibadda.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo 13-kii bishan Aqalka Cad ku qaabilay Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa waxaan jirin wax go’aan ah oo labada dhinac ay isla qaateen, ka dib digniintii Madaxweyne Vladimir Putin.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in haddii gantaalaha reer galbeedka lagu soo weeraro dalkiisa ay noqon doonto in NATO ay si toos ah ugu lug leedahay dagaalka Ukraine.

Washington iyo London ayaa la fahamsan yahay inay ka cararayaan in colaadda ay sii korodho.

Israel oo dhacdo kale oo laga naxay ka gaysatay Marinka Gaza

Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar xagga cirka ah, oo Israel ay shalay ku beegsatay dhisme iskuul oo ku yaala Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen Dugsiga Zeitoun ee bariga Magaalada Gaza.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in dadka goobta lagu dilay ay ku jiraan 13 carruur ah iyo lix cumar ah, kuwaa oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee halkaasi gabaadka u soo doontay.

"Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo ay ku jiraan dhowr qof oo si xun u gubtay. Waxaa jira laba qof oo la la’yahay.” Ayay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in Israel ay mar kale xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, ayna tahay in caalamka uu kula xisaabtamo dembiyada dagaal ee ay gaysaneyso.

Qoysaska barakacayaasha ee sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda ayaa waxaa muuqata in ay ku nabad geli la’yihiin kaabeyaasha dadweynaha, taas oo noqonayso dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Israel ayaa sii waddo weerarada ay ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah, xilli ay xaaladda gobolku u muuqato mid aad u kacsan.

Weerarada ka dhanka ah goobaha ay rayidku gabaadsanayaan ayaa khasaaraha shacabka aan hubeysneyn ka dhigtay mid aad looga naxo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa shalay sheegtay in 72-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 119 qof, halka 209 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaraddu waxay sheegtay in muddada uu socdo dagaalka Gaza ay Israel dishay 41,391 qof, 95,760 kalena ay dhaawacmeen, kuwaa oo dhammaantood ah shacab aan waxba galabsan, una badan dumar iyo carruur.

Xisbullah oo xaqiijisay in Ibrahim Aqil uu ku baxay gacanta Israel

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay geerida Ibrahim Aqil iyo xubno kale oo ka tirsanaa ururka, kuwaa oo Jimcihii lagu dilay duqayn ka dhacday koonfurta Caasimadda Beirut.

Bayaan ka soo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in xubnaheeda lagu dilay dhagar ay ka dambeysay Israel.

CNN ayaa ku warantay in duqaymo ba’an oo Israel ka gaysatay koonfurta Beirut lagu dilay 31 qof, oo uu ku jiro Ibrahim Aqil oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee Ururka Xisbullah.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in sarkaalkaasi iyo saraakiisha kale ee lala dilay ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah bulshooyinka Galilee ee waqooyiga Israel.

Mareykanka ayaa horey 7 milyan oo dollar u duldhigay madaxa Aqil, kaas oo looga shakiyay inuu ku lug lahaa weerarkii 18-kii bishii April ee sanadkii 1983-kii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Beirut, oo ay ku dhinteen 63 qof oo 17 ka mid ah ay American ahaayeen.

Mareykanka ayaa sidoo kale Aqil la xiriirinayay ku lug lahaanshaha weerarkii bambaano ee isla sanadkaasi lagu qaaday Xerada Ciidamada Badda ee Beirut, oo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah iyo 58 askari oo kale oo Faransiis ahaa.

Aqil ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreyay ee laga dilo Ururka Xisbullah, ka dib weerarkii xagga cirka ahaa ee 30-kii bishii July lagu dilay Abandulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fuad Shukr.

Wiilkii Museveni oo sheegay in aanu aabbihii la tartami doonin

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa shaaciyay inuusan u tartami doonin doorashada madaxweynaha ee 2026.

"Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaanan u tartami doonin hogaaminta doorashada 2026," ayuu Janaraal Muhoozi ku qoray fariin uu ku baahiyay shabakadda X (hore loogu yiqiin Twitter).

"Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan diiradda saaro arrimaha Ciidamada marka hore. Sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageersanahay Madaxweyna Yoweri Museveni doorashada xigta," ayuu ku daray.

Fariin kale oo uu soo dhigay, ayuu ku adkeeyay ballanqaadkiisa inuu u adeegayo Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF).

Shaacinta ayaa timid xilli saameynta Janaraal Muhoozi ay sii kordhayso sida hogaamiye milatari iyo mid siyaasadeed. Muhoozi, oo ah Janaraal muran badan dhaliyay oo marar badan ka hadlay arrimaha bulshada khuseeya, ayaa horey u shaaciyay inuu u tartami doono madaxweynaha 2026.

Sida dal kasta oo kale, doorashada 2026 ee Uganda ayaa la filayaa inay soo jiidato musharrixiin kale oo u tartama jagada madaxweynaha.

Janaraal Muhoozi ayaa ah nin lagu yaqaano hadalada la yaabka leh ee hadal haynta dhaliya.

Gudaha Uganda waxaa dad badani ku naaneysaan "Janaraalka Twitter ka”. Waxaa kale oo lagu yaqaanaa in uu marar badan sameeyo hadallo kicin ah - iyo kuwa kale oo kaftan u badan, kuwaas oo uu soo galiyo baraha bulshada.

Bishii Oktoobar ee sandkii 2022 kii, wuxuu dhaliyay hadal hayn aad u nadam oo caalami ah ka dib markii uu si aan qarsooneyn uu 100 neef lo’ ah gabaati ahaan ugu yaboohay Giorgia Meloni, oo xilligaas qarka u saarneed in ay noqoto ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, waxa uuna raaciyay hanjabaad ah in uu qabsan doono caasimadda Talyaaniga ee Rome haddii dalabka la diido.

Waxa kale oo uu ku hanjabay in uu Kenya soo weerari doono oo uu Nairobi qabsan doono, taas oo keentay in Aabihiis, Madaxweyne Museveni, uu ka cudur-daarto warkaas.

Arrintaas ayaa sidoo kale sababtay in Muhoozi laga qaado kaalintiisii taliyaha ciidamada Uganda. Si kastaba ha ahaatee, dib ayaa loo soo celiyay waxaana loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidamada Difaaca markii ay taariikhdu ahayd bishii Maarso 2024.

Inkasta oo uu hab dhaqankiisu yahay mid mar walba muran badan dhaliya, hadana Muhoozi waxa uu weli yahay xubin udub dhexaad u ah millatariga iyo siyaasadda Uganda, isaga oo ku dhawaad hal milyan oo followers ah ku leh barta X.

Xigasho BBC

Wasiir Bangladesh oo $500 milyan oo hanti dowladda ku takrifaray

Warka ku saabsan wasiir ka tirsan Bangladesh oo lacag ka badan 500 oo milyan oo dollar ku kharash gareeyay hanti qaali ah ayaa dad badan oo dalkaas ku nool ka yaabisay oo ka cadhaysiisay.

Wasiirka la hadal hayo oo aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in uu lacag dawladeed u isticmaalay in uu ku iibsado dhawr guri oo heer sare ah oo ku yaala dalal kala duwan oo caalamka ah.

Kharashaadka xad dhaafka ah ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira musuqmaasuqa iyo ku takri falka hantida dadweynaha ee dowladda dhexdeeda. Dad badan ayaa ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo falka wasiirka, isla markaana la ilaaliyo isla xisaabtanka.

Guryaha uu wasiirku iibsaday ayaa la sheegay in ay isugu jiraan guryo aad u qurux badan, guryo aad u qurux badan iyo waliba jasiirado gaar loo leeyahay. Inta uu le’eg yahay kharashka ku baxaya ayaa dad badan is weydiinaya sida lacagta intaas le’eg loo isticmaali karo iyada oo aan cidina dareensanayn ama walaac ka muujin.

Warka ayaa sidoo kale iftiimiyay kala duwanaanshaha hantida iyo mudnaanta gudaha Bangladesh. Iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka dalka ku nool ay la daalaa dhacayaan nolol maalmeedkooda isla markaana ay ku nool yihiin nolol faqri ah, ayaa haddana waxaa wax laga naxo ah in la arko mas’uul ka tirsan dowladda oo dhaqaale xad dhaaf ah ku bixinaya agabka raaxada.

Xukuumadu ilaa hadda kamay hadal arrintan, balse waxa isa soo taraya cabashada dadweynaha. Dad badan ayaa ka dalbanaya hufnaan iyo isla xisaabtan madaxda ay doorteen, waxayna ku baaqayaan in la qaado tallaabooyin looga hortagayo ku takri falka hantida qaranka mustaqbalka.

Isku soo wada duuboo, warka ku saabsan kharashaadka xad dhaafka ah ee wasiirka Bangladesh waxa uu u adeegaa sidii xasuusin dhab ah oo muujinaysa muhiimada ay leedahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka dawladda. Waa baaq baraarujin ah oo loogu talagalay dadka Bangladesh inay ka dalbadaan si ka wanaagsan madax-dooda iyo in lagula xisabtamo falalkooda.

Israel oo madaxa ka gashay Mareykanka

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa qaadaya tallaabooyin aysan jecleysan Madaxda Mareykanka, isla-markaana uu ku fidinayo dagaalka ay ciidamadiisa kula jiraan kooxaha Falasti-iniyiinta ee ka dagaalamaya Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Raysal Wasaaruhu uu ku amray Madaxda Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Militariga in dhaqdhaqaaq ciidan laga bilaabo xadka dalka Lubnaan, si Israeliyiintii ku barakacay xiisadda kala dhaxeysa Ururka Xisbullah dib loogu soo celiyo guryahooda.

Raysal Wasaaraha ayaa la sheegay in uu lahaa amarka lagu weeraray qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah iyo agabyada kale ee ay isticmaalaan shacabka dalkaasi ee sababay dhimashada iyo dhaawaca faraha badan.

Iyadoo Xisbullah ay si weyn uga carootay falkaasi, kuna hanjabtay in ay ka aargudan doonto ayuu Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ku dhawaaqay weji cusub oo dagaal oo ka dhan ah Xisbullah.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa sheegay in la qorsheeyay tallaabooyin dheeri ah oo ka dhan ah Xisbullah, waxayna Ciidamada Militarigu dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen xadka ay Israel la wadaagto Lubnaan.

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ka walaacsan in Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaaddo koonfurta Lubnaan.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Austin Lloyd ayaa baajiyay safar uu qorshe-ynayay in uu ku tago Bariga Dhexe, sababtoo ah colaada ka taagan xuduudda Lubnaan iyo Israel.

Wasiirka ayaa habeen hore sheegay in uu khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel, isla-markaana uu la wadaagay walaaciisa ku saabsan kororka xiisadda ee labada dal.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ku adkeeyay in arrinta shacabka Israel ee barakaca uga maqan deegaanada waqooyi lagu dhameeyo wada-xaajood diblomaasiyadeed, isla-markaana aan loo baahneyn hawlgal militari.

"Waxaan ku nuuxnuuxsaday muhiim-adda ay leedahay in la gaaro go’aan diblomaasiyadeed oo u sahlaya dadka deegaanka inay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda, labada dhinac ee xuduudda.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa daabacay in dhaqdhaqaaqyada iska horjeeda ee ka jira xuduudda ay keentay walaaca uu Pentagon-ku ka qabo in dhinacyadu uu ka dhex qarxo dagaal dhan kastaba leh.

Qaraxyadii is xigxigay ee 37-ka qof ku dhinteen, dhowr kuna ay ku dhaaw-acmeen ee Talaadadii iyo Arbacadii ka dhacay dalka Lubnaan ayaa kordhisay cabsida laga qabo dagaalka buuxa ee qarka loo saaran yahay.

Kumanaanka askari ee ay Israel soo dhoobtay aagga xuduudda iyo diyaarg-arowga ay Xisbullah waddo waxay calaamad u yihiin isku dhac ballaaran oo la filan karo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Washington ay ka warqabtay in Israel ay qorsheynayso weerar ka dhan ah Xisbullah, ka hor weeraradii lagu bartilmaameedsaday qalabka isgaarsiinta, balse aysan ku baraarugsaneyn in Israel ay damacsan tahay weerar dhinaca dhulka oo ka dhan ah Xisbullah.

Dowladda Lubnaan oo ka carootay weerarada qaybtood ee lagu beegsaday dadka rayidka ah ayaa taageertay warka Xisbullah ay ku saabsan inay ka aargudanayaan Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Lubnaan, Abdallah Bou Habib oo habeen hore hadal ka jeediyay fadhi degdeg ah oo Xubnaha Golaha Ammaanka ay ka yeesheen weeraradii lagu qarxiyay qalabka isgaarsiinta ayaa ku tilmaamay hab dagaal oo aan horey loo arag, oo ah arxan-darro iyo argagax.

Weeraradan iyo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan xuduudda ayaa loo arkaa mid Israel iyo Xisbullah dib ugu celineysa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhex maray 18 sano ka hor (2006).

Mareykanka ayaa la sheegaya in uu rumeysan in Xisbullah ay haatan ka hub iyo ciidanba badan tahay sanadkii 2006, isla-markaana uu gebi ahaanba ka soo horjeedo in Israel ay soo geliso dagaalkan, xilligan oo Madaxda Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ay diyaargarow ugu jira doorashada madax-tinimada dalkaasi ee qabsoomeysa 5-ta bisha November.

Wargeyska dalka Ingiriiska laga leeyahay ee Daily Mail ayaa qoray in Wasiiraka Difaaca Mareykanka uu Saraakiisha sarsare ee wasaaradda u sheegay in uu ka cabsi qabo in Israel ay ku duusho dalka Lubnaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ka digay tallaabo kasta, oo wax u dhimeysa sida uu yiri dhameystirka heshiiska xabad joojinta Gaza. Blinken ayaa Khamiistii sheegay inaanan baahi loo qabin wax kasta oo adkeynaya in la gaaro heshiiska aadka loogu baahan yahay.

"Heshiiska Israel iyo Xamaas weli waa mid suurtagal ah oo lama huraan ah.” Ayuu yiri Blinken oo ka hadlayay shir jaraa’id oo isaga iyo dhiggiisa Masar Badr Abdel Aaty ay ku qabteen Magaalada Qaahira.

Iyadoo Mareykanka uu dadaal ugu jiro in la soo afjaro dagaalka Xamaas iyo Israel ku dhex maraya Marinka Gaza, inkastoo lagu eedeynayo inaysan daacad ka ahayn xabad joojin waarta oo laga sameeyo Gaza ayay haddana Israel isku dayeysaa in ay furin labaad oo dagaal ah ka furto Bariga Dhexe, waana wax lagu sheegay mid uu Aqalka Cad diidan yahay.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa mar sii sheegay in Dowladda Mareykanka ay qayb ka tahay isku dayo diblomaasiyadeed, oo ay tahay in lagaga hortago colaadda Lubnaan iyo Israel.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay in Mareykanku uu ka soo horjeedo in aag kale oo dagaal laga furo gobolka.

Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa xulafada ugu weyn ee ay shalay Israel leedahay, haddana madaxda haatan majaraha u haysa Israel ayaa lagu dhaliilaa inaysan wax ixtiraam ahi u hayn nidaamka haatan ka arrimiya Aqalka Cad.

Mareykanka ayaa muddo dheer Israel ku ilaalinayay Bariga Dhexe, haddana waxa uu ku gowracan yahay inuu gar iyo gardarraba taageero, walow uu isku dayayo in uu xakameeyo.

Israel ayaa muddo tobanaan sano ah ku amar taagleynaysay Bariga Dhexe, iyadoo isku haleynaysa awoodda gadaal ka taagan. Israel waxay fahamsan tahay in ay lumisay taageeradii shacabka Mareykanka, sababtoo ah dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, haddana waxaa la leeyahay taasi uma joojin doonto, marka aad eegto galaangalka ay ku leedahay xafiiska ugu sarreya ee dalkaasi looga arrimiyo.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii August ku guuldareystay in uu cunaqabateyn ku soo rogo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, taasoo ku tusineysa saameynta Israel ee siyaasadda Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa arka in Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ay carqaladeynayaan heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga, isla-markana ay hurinayaan rabshadaha ay Israeliyiinta ka sameynayaan Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiiradan oo axsaabta midigta fog ku metela xukuumadda isbahaysiga ku dhisan ayaa Netanyahu ka dalbaday inaanu wax dheg jalaq ah u siinin cadaa-diska xoogan ee Washington, lana sii wado dagaalka lagu burburinayo Ururka Xamaas, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumaddiisa, tallaabadan oo soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Netanyahu oo adeegsanaya xeeladihiisa, si uu uga baxsado burburka xukuu-maddiisa iyo dacwadda musuq-maasuq ee kaga furan maxkamadda gudaha ayaa dhowr jeer fashiliyay dadaaladii uu Mareykanku horkacayay ee la doonayay in xabad joojinta looga dhaqangeliyo Marinka Gaza, isagoo marba shuruudo cusub la imanayay miiska wada hadalka, ayna iska diiday Xamaas, keentayna in dagaalka Gaza uu sii socdo.

Aqalka Cad ayaa si toos ah iyo si aan toos ahaynba Netanyahu ugu taagee-rayay soo jeedintiisa, illaa Xamaas ay Madaxweyne Biden ku eedeyso inaanu dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada ay garwadeenka ka yihiin Masar iyo Qatar.

Dagaalkan bishii 12-aad ka soconaya Marinka Gaza ayaa si aan horey loo arag u saameeyay gudaha Mareykanka, iyadoo ayna shacabka Mareykanka dib u doorashada Xisbiga Dimoqraadiga ee hoggaaminka dalka ee afarta sano ee soo socota ku xiray in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza.

Tanaasulkii & dabacsanaantii uu Maamulka Madaxweyne Biden u samey-nayay Israel iyo madax adeyga kooxda Netanyahu ayaa waxaa la leeyahay waxay madax xanuun ku ridday Saraakiisha Aqalka Cad, waana xilli Washington aysan meel cidlo ah uga tagi karin Tel Aviv.

Bulshada caalamka oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka ayaa Aqalka Cad ku cambaareeyay taageerada indha la’aanta ah ee Israel, bacdamaa ay weli ku foogan tahay inay sii waddo dagaalkeeda baalka marsan shuruucda caalamiga ah iyo inay xoog ku sii haysato dhulka laga haysto dadka Carabta.

Israel ayaa Mareykanka ku hor fadeexeysay dunida, ka dib markii uu ku fashilmay in awoodiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed uu Tel Aviv uga joojiyo xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Qorshaha uu haatan Netanyahu colaadda ugu ballaarinayo dalka Lubnaan ayaa xaaladda gobolka ay colaadda ku soo noqnoqotay ka dhigeysa mid hubinti la’aan ah.

Ma cadda tallaabada xigta ee ay Washington qaadi karto, si loo daba qabto xiisadda sii kordheysa ee ka jirta gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip