halkaan ka aqriso wararka. wargeyska mogtimes

0
Saturday September 21, 2024 - 09:29:49 in Wararka by
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka. wargeyska mogtimes

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Midnimada Shacabka waa muhiim, kala qeybsanaantuna Cadowga ayay fursad siineysaa”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Salaadda Jimcaha uga hadlay muhiimada midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta ummadda.

"Waa nasiib darro in bulshadeenna Soomaaliyeed lagu kala qeybiyo hadallo kala qoqobaya. Colaadda afka laga abuuro waxay keeni kartaa dhiig daadin, waxayna dhalin kartaa nacayb iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda, taasoo cadowga farxad gelinaysa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa intaa ku daray in dowladda ay horumar ballaaran ka sameysay deegaano badan oo la gaarsiiyay adeegyo muhiim ah sida dugsiyo iyo xarumo caafimaad, hase yeeshee uu ka digay in kala qeybsanaanta bulshada ay dhaawici karto horumarkaas, isla markaana ay xoojin karto damaca cadowga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin sharaf ku jirta in qof Soomaali ah la aflagaadeeyo, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo hadallada xun-xun, maadaama ay kaliya xumaan keeni karaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in si buuxda loo fuliyo go’aanka xukuumadda ee la xiriira la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah. Wuxuuna ku booriyay dadka arrintan ku lugta leh inay u hogaansamaan awaamiirta dowladda, isaga oo ka digay in hay’adaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hortimaada go’aankan.

Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci daro ah ugu dirtay Puntland

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnad hub iyo rasaas ah oo dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ku tilshalayy talaab-adan mid khatar ku ah amniga qaranka iyo madax-bannaanida dalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS ayaa lagu sheegay in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaas-iyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hoosta ka xariiqday in tani aysan ahayn dhacdadii ugu horreysay ee noocan ah, iyadoo ay jiraan shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dhaqdhaqaaqyada hubka ee sharci-darrada ah, iyadoo digniin ka bixisay in falalka noocan ah ay si weyn u dhaawacayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda waxay sidoo kale ugu baaqday saaxiibbada caalamiga ah iyo wadamada gobolka in ay si adag u cambaareeyaan talaabooyinkan sharci-darrada ah isla markaana ay xoojiyaan dadaallada lagu sugayo nabadda iyo amniga gobolka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, Wang Yu.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhkaas ka wada dhexeeya labada dowladood.

Danjiruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Shiinuhu ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba isla markaana ka shaqeynayo xidhiidh wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlam-aanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabiga Qaran ee Shiinaha.

Wasiir Bashiir Goobe "Qoyska Soomaaliyeed waa in dowladdu ay ka yeelataa qorshe cad iyo Siyaasad ".

Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquul Insaanka XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamacoo ka qeybgalay kulanka todoba-adka warbaahinta qaranka ayaa ka waramay wasaarad ahaan howlaha ay u hayaan umadda iyo kaalinta kaga aadan horumarinta qoyska.

"Culeys badan ayaa ku gadaaman wasaaradda Arrimaha Qoyska waxaana loo baahan yahay in aan kaashato dowladda iyo caalamka, maadaama dalku ku jiro soo kabasho” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka arrimaha Qoyska iyo xuquuqul insaanka XFS Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xusay in Dowladda uu xil ka saran yahay horumarinta noloosha qoyska, i

Madaxda Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo kuwa Denmark oo yeeshay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulammo wax ku ool ah la qaatay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark.

Kulamadaasi ayaa looga hadlay wadashaqaynta labadda dal iyo sidii Dowlada Denmark ay uga qayb qaadan lahayd Horumarinta Kaabayaasha adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale kulankaasi ayaa looga hadlay sidii dalka Denmark u aqoonsan lahaa baasaboorka Soomaaliga ah, gaar ahaan kan shaqada iyo kan dadwaynaha, iyadoo ujeedku yahay in muwaadiniinta Sooma-aliyeed ee ku socda sifada sharciga ah loo fududeeyo dal ku galka.

Dowladda Denmark ayaa waxa ay ka mid tahay deeq bixiyeyaasha qaybta weyn ka qaatay horumarinta kaabayaasha iyo adeeg bixinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Xarunta Khariidadeynta iyo Maareynta Kheyraadka (RCMRD). Heshiiska waxaa dhinaca RCMRD u saxiixay Agaasimaha Guud, Dr. Emmanuel Nkurunziza.

Xarunta RCMRD oo la aasaasay sanadkii 1975-tii, ayaa Soomaaliya ka mid ahayd shantii dal ee aas-aasay. Heshiiskan cusub ayaa dib u soo celinaya kaalintii muhiimka ahayd ee Soomaaliya ay ku lahayd ka hortagga musiibooyinka iyo maareynta kheyraadka heer gobol.

Wasiir Xoosh oo bogaadiyay doorka haweenka ee taageeridda Ciidamada Qaranka iyo Nabadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka qeyb galay barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka, oo diiradda saaraya doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye, isagoo bogaadiyay kaalinta haweenka ee garab istaagga ciidanka iyo taageeridda jiritaanka dowladda.

Isagoo ka hadlaya munaasabadda, Wasiir Xoosh ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo leh ujeedooyin kala duwan. Wuxuuna tilmaamay in barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka uu waqtigiisi ku soo aaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab dhul badan laga xoreeyay, lana gaarsiiyay deegaanadaasi adeegyada aasaasiga ah sida, amniga iyo waxbarashada. Wuxuu intaas ku daray in wajiga labaad ee dagaalka uu dhawaan bilaaban doono.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay isaga filantahay iska caabbinta cadawga, isla markaana ay ka soo kabaneyso dhaawacyadii dagaallada sokeeye. Wuxuuna ugu dambeyntii ku boorriyay odayaasha dhaqanka in ay ka shaqeeyaan nabadda dalka, isla markaana ay door ka qaataan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Xildhibaanno ka socday golaha shacabka oo koonfur Afrika kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Xildhi-baan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) ayaa Magaaladda Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay kulanka 12-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika (Pan-African Parliament)

Shirkan oo labadii sano mar la qabto ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Ajenday-aasha muhiimka u ah qaaradda Afrika, gaar ahaan Ajendaha horumarinta Nabadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha ee sanadka 2063.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo wakiil ka ahaa Guddoo-miyaha Golaha Shacabka ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayey xaaladda guud ee dalka, waxa uuna madaxda shirkaasi ka qeybgashay uga warbixiyay horumarada Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Amniga, waxbar-shada iyo Dhaqaalaha.

Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee shirka ka qeyb galay ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay kaga hadleen horumarinta Nabadda, waxba-rashada iyo dhaqaalaha.

Xubno ka socday hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka kala socdasy Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga lasocodka Dastu-urka ee Baarlamaanka, ayaa shalay safar shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirrada Dastuurka iyo Kaluumysiga Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaarada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdigaasi oo ka koobnaa dhowr xubnood.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro latashiyo lala yeelanaayo bulshada, kaas oo ku saabsan diyaarinta Wax-kabaddalka Cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka.

Hay’adda SoDMA oo heshiis la saxiixatay Xarunta Khariidadeynta iyo Maareynta Kheyraadka ee RCMRD

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa shalay magaalada Muqdisho saxiixay heshiis muhiim ah oo hay’addu la gashay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi Cumar Muumin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalo socday maalmihii la soo dhaafay lagu soo qabtay hub sharci daro ah iyo afar ruux oo qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir ku iibinayey.

"Lama aqbali karo in hub aan sharci ahayn lagu iibiyo degmooyinka Gobolka Banaadir, waan soo qaban doonaa kuwa wali ka ganacsanaya ee hubka Guryaha ku haysta.” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ka hor munaasabadda soo Bandhigida hubka Wasiirka amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Caasimadda oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyasadda Gobolka Banaadir iyo saraakiisha hay’adaha Amaanka.

Laamaha amaanka oo soo bandhigay hub sharci darro ah iyo raggii ka ganacsanayay

Hay’adaha ammaanka ayaa Xarunta Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ku soo bandhigay hub sharci daro ah iyo raggii ku iibinayey magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo qabtay howlgal ciidamada amaanka ay ka fuliyeen

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhib-aan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xubnaha guddiga warbixin kooban ka siiyay howlaha uu Goluhu Qaranka u haayo, sida ay muhiim u tahay ilaalinta guntanka ama kooramka kulamada Golaha iyo sidoo kalena in xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan kulamada Golaha Xeerhoosaadka la marsiiyo.

Dhinaca kale Guddoommiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa xubnaha guddiga u faahfaahiyay arrimaha miisaaniyadda qaranka iyo mashaariicda ku jirta.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendayaasha kulamada guud ee Golaha, iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka dhaqaalaha buluugga Kenya

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Macdanta ee Kenya, Xasan Cali Joho. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga, iyo macdanta.

Intii uu socday kulanka, ayaa la isla gartay in gobolka uu leeyahay mustaqbal ifaya, loona baahan yahay in la dardargeliyo iskaashiga, gaar ahaan marka loo eego dhanka Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay qeyb ka yihiin.

Danjire Jabril ayaa sheegay in haddii Soomaaliya iyo Kenya ay mideeyaan awooddooda, ay furi karaan fursado cusub oo faa’iido u leh bulshada labada dal. Waxa uu intaa ku daray in heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan kalluumeysiga uu meel gabo gabo ah marayo, kaas oo ka mid ah talaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo xiriirka labada waddan iyo sare u qaadista iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Wasiirka Macdanta iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Kenya, Xasan Cali Joho, ayaa dhankiisa xusay in kulanka uu la qaatay Danjire Jabril uu ku soo dhammaaday jawi is-afgarad ah, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay iskaashiga dhinacyada macdanta, kheyraadka biyaha, iyo dhaqaale buluugga ah, si loogu faa’iideeyo guud ahaan gobolka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin labada dhinac ka tirsan, waxaana uu qeyb ka yahay dadaalka uu Danjire Jabril ugu jiro xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo sidoo kale iskaashiga ay ku mideysan yihiin dalalka ku jira Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Hay’adda NCRI oo daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareegii labaad ee diiwaangelinta Bulshada baraka-cayasha ah e ku nool magalada Muqdisho, iyado kaashanaysa Hay’adda UNHCRsom.

Dadkaan oo gaara 4,000 (afar kun oo qoys) oo dhammaantood laga diiwaangalinaayo degmada Dayniile ayaa u jeedku yahay in la helo xog-aruurin iyo diiwaangalin dhab ah oo loogu adeego bulshada barakacayaasha ah ee ku nool Caasimadda, ka hortagga leexinta garga-arka, iyo xaqiijinta in qoysaska barakacay ay helaan taageerada iyo xalalka waara.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Hay’adda Mudane Cabdullahi Aadan Cabdi oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNHCR oo daah-furka diiwaangalintan barakacayaasha ayaa sheegay in Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) iyo UNHCR ay ka go’antahay in dhammaan Barakacayaasha ku nool dalka loo helo diiwaan sax ah,taas oo fududeyn doonta maareynta iyo ka jawaabidda dhibaatooyinka iyo Baahiyaha ay qabaan.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Sh Cumar Maxamed Mahad-alle iyo qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa oo goobjoog u ahaa daahfurka diiwaangalinta ayaa ka Mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ku socoto howsha, waxaana ay ballan-qaadeen in ay gacan buuxda ka geysan doonaan Barnaamijkan diiwaangalinta Barakacayaasha ah degmada.

Howlgalo culus oo Maalintii labaad ka socda gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa maalintii labaad oo xiriir ah howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa si gaar ah uga socda dhulka howdka ah ee ku yaala aaga lagu magacaabo Lagta Caanoole oo dhinaca Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo xaaji.

Aaga Lagta Caanoole ayaa la sheegay iney gabaad u ahayd xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal Soomaali iyo Ajaaniib ah, kuwaas oo halkaas ka waday abaabulka weeraro ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ku leeyihiin Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxardiid ayaa warbaanhinta dowlada u sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay bur buriyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen aaga lacagta Caanoole oo u aheyd kooxda gabaad muhiim ah.

Dagaalo goos goos ah ayaa lasoo wariyay in labada dhinac ay ku dhexmareen degaankaas 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana la tilmaamay in dagaaladaasi ay ka dhasheen khasa-arooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo aan laga helin tirakoob sax ah.

Howlgalkaan saacadaha badan qaatay ee ka socda Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo howlgalo sidaan oo kale ah ay ka socdaan qaar ka mid ah deegaanada maamul goboleedyada dalka.

Barnaamij lagu taageerayo doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ha hortagga dagaallada sokeeye oo lagu qabtay Muqdisho

Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay Barnaamij ballaaran oo looga hadlay doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye iyo taageeridda Ciidamada Qaranka.

Munaasabadan oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Agaasime Aamina Keyf Axmed oo ka hadashay munaasabadda, ayaa sheegtay in Barnaamijka ololaha Hooyo u Hiili Qaranka diiradda lagu saarayo sidii loo dhiirigelin lahaa nabadda iyo ka hortagga dagaallada beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Waxay intaas ku dartay, "In sanadka 2024 wiil Soomaaliyeed uu u dhinto dagaal sokeeye waa arrin xanuun badan. Shalay qaranka wuxuu u baahan yahay in la difaaco oo la arko Soomaali mideysan.”

Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay u qareemidda bulshada ku nool deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-shabaab.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay bandhigga ayaa soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii bulshadu u taageeri lahayd dadaallada qaranka ee amniga iyo dib u dhiska.

Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo ah Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Washington.

Kulanka qaabilaadda oo ka dhacay xarunta Aqalka Cad,waxaa dhinacyadaasi ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarka dadka iyo dalka.

Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Diyaarad Helikabtar ah oo ku dhacday duuleedka magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo bacaya diyaarad Helikabtar ah oo nooca qumaatiga u kacda oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, taasoo galinkii dambe ee Daraad ku dhacday duuleedka magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan dhacday ayaa lasoo wariyay iney saarnayeen ilaa sadax askari oo u dhashay dalka Uganda oo ka tirsanaa howlgalka ATMIS.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in lasoo badbaadiyay askarta saarneyd diyaarada oo aysan jirin wax dhimasho ah, waxaana diyaaradu ay ku dhacday beer u dhaweyd xero ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska.

Diyaaradaan shilka gashay ayaa ka ambabaxday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna kusii jeeday garoonka Balidoogle, taasoo siday sida wararku sheegayaan sahay ciidan.

Majirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ku aadan sababta rasmiga ah ee keentay burburka diyaarada.

Ugu dambeyntii sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarad Helikabtar aheyd oo ka baxday Baledweyne ay ku dhacday deegaan ku yaala gobolka Mudug oo ay ku sugnayeen Al-shabaab, taasoo u gacan gashay kooxda.

Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari dil ka gaystay degmadda Xarardheere

Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood "AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed "Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn shalay ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood "AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed "Qeylo”

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xoojinta Iskashiga Dowlad Wanaagga: Hantidhowrka Guud Muxuu Boqashadiisii Oslo, Norway, kala soo laabtay?

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gabagabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway, taas oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowrka Guud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah. Booqashadan ayaa muujineysa sida ay Hantidhowraha Guud ee JFS uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Hantidhowraha Guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa Hindisaha Horumarinta Hay’adaha Hantidhowrista Guud ee Caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda "Mashruuca Taageerada Saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo Ururka Hay’adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E). Heshiiskan waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway (MFA) iyo Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD).

Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka. Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay Dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in Hantidhowraha Guud uu tagay Xarunta Baarlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee

Baarista iyo Arrimaha Dastuurka. Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu Hantidhowraha Guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen Baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in Hantidhowraha Guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan.

La macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo Baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

Dowladda Turkiye oo shaaca ka qaadday in qaab cusub lagu wajihi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiye Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abbaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Saddexaad lagu ballansan yahay Ankara.

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan, kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya.

Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaadday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya midnimada iyo madax-banaanida Dalka.

Masar iyo Mareykanka oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.

"Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraa’id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar , Badr Abdelatty iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Xisbullah oo dersi ka baratay weeraradii Pager iyo Walkie-talkie

Ururka Xisbullah iyo Dowladda Lubnaan ayaa cashar ka bartay weeraradii ay Israel la beegsatay qalabka isgaarsiinta Xisbullah iyo aaladaha kale ee isgaarsiinta qaarkood ee laga isticmaalo dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ururka Xisbullah uu gebi ahaanba ka mamnuucay dagaal-yahanada iyo shaqaalaha kale adeegsiga isgaarsiinta Pager iyo Walkie-talkie. Israel ayaa la sheegay inay Talaadadii iyo Arbacadii isku waqti ku qarxisay dadkii isticmalayay qalabkaasi.

Pager-ka waa isgaarsiin farriimaha qoraalada la isku dhaafsado, kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay adeegsanayeen Ururka Xisbullah. Walkie-talkie isna waa isgaarsiinta fooneeyaha, oo inta badan ay adeegsadaan ciidamada.

Qalabka gacanta ee lagu wada xiriiro ayaa muhiim u ahaa Xoogaga Xisbullah, ka dib markii ay horaan joojiyeen isticmaalka teleefanada

Xisbullah ayaa bilowday inay adeegsato aaladda farriimaha la isugu daro, ka dib markii Israel ay weerartay Marinka Gaza, markaas oo Xisbullah ay awaamiir ka soo saartay inaysan xoogageeda iyo shaqaalaheeduba isticmaali karin isgaarsiinta teleefanada, sida moobeelada casriga ah ee loo yaqaano (Smartphone).

Warbaahinta caalamiga iyo tan gobolka ayaa Saraakiisha Mareykanka iyo Lubnaan ka soo xigtay in Sirdoonka iyo Militariga Israel ay xaddi yar oo walxaha qarxa ah ay ku soo qariyeen qalabka gacanta oo xagaagii sanadkan uun loo keenay Xoogaga Xisbullah.

Weerarka ayaa dhaliyay khasaarihii ugu badnaa ee mar qura soo gaara iska caabinta Lubnaan, intii ay Xisbullah dagaalka kula jirtay Maamulka Israel. Xisbullah ayaa ka arrimisa koonfurta dalka Lubnaan.

Dhanka kale Hay’adda Duulista Rayidka ee Lubnaan ayaa Khamiistii soo saartay amar cusub oo dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ay kaga mamnuuceyso in qalabkaasi la keeno dalka.

Hay’adda ayaa sheegtay in aan Pager iyo Walkie-talkie midna laga la soo degi karin Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Caasimadda Beirut, isla-markaana aan lagu soo qaadan karin boorsooyinka ama shandadaha xamuulka ee rakaabka.

Tani ayaa ka tarjumeysa heerka cabsida sii kordheysa ee dalkaasi, ka dib markii isgaarsiintan Talaadadii iyo Arbacadii lagu qarxiyay dadkii ku wada xiriirayay.

Labada weerar ayaa galaaftay nolosha 37 qof iyo dhaawaca dhowr kun oo kale, oo ay ku jiraan boqolaal qof oo qaba dhaawacyo halis ah.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa Khamiistii Qaramada Midoobey ka codsaday in Israel laga joojiyo dagaalka teknolojiyadda ay bilowday.

Raysal Wasaaraha ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay mowqif adag ka qaataan gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa iyo dagaalka nooca teknolojiyadda ee ay waddo.

Raysal Wasaare Mikati ayaa codsigan jeediyay, ka hor kulanka Golaha Ammaanka ay Jimcahan ka yeelanayaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkaasi.

Sirdoonka iyo Militariga Israel ayaa la aaminsan yahay in ay tallaabadan u qaadaan, si ay u baqdin geliyaan Ururka Xisbullah ee weerarada ku haya waqooyiga Israel.

Xisbullah ayaa bishii October bilowday in ay gantaalo ku garaacdo waqooyiga Israel, si ay garab istaag ugu muujiso dadka reer Gaza.

Militariga Israel oo qaaday tallaabo ay ballaarinayaan colaadda Lubnaan

Israel ayaa habeen hore duqayntii ugu ballaarneyd ka gaysatay koonfurta dalka Lubnaan, saacado ka dib markii Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant uu ku dhawaaqay weji cusub oo dagaal ka dhan ah Ururka Xisbullah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xoojiyay duqaymaha ka dhanka ah Xoogaga Xisbullah, iyagoona tobanaan bartilmaameed ka fuliyay goobaha la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xoogagaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa ayaa garaacay deegaanada Mahmoudieh, Ksar Al-Aroush iyo Birket Jabbour oo hoostaga Magaalada Jezzine, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarka xagga cirka lagu burburiyay goobo ay ku diyaarsanaayeen gantaalada Xisbullah iyo weliba kaabeyaasha kale militari ee ururka.

Saraakiisha Lubnaan ayaa laga soo xigtay in duqayntu ay ahayd tii ugu weyneyd ee ay Israel ka fuliso koonfurta dalkaasi, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Tan iyo 8-dii bishii October, Xisbullah iyo Israel ayaa ku lug lahaa gantaalo maalinle ah oo isaga kala gudba xuduudda labada dal. Tani waxay keentay cabsi soo xoogeysaneysay oo ku saabsan inay huriyaan isku dhac ballaaran.

Israel ayaa hadda damacsan in ay aag nabdoon ka sameyso xuduudda gudaha ee Lubnaan, iyadoo markaasi Xisbullah laga fogeynayo deegaanada xadka, si Israeliyiinta barakaca uga maqan guryahooda loogu soo celiyo waqooyiga Israel.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel oo kulan isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah Xisbullah uu sii socon doono.

Hadalka Wasiirka oo laga sii daayay Warbaahinta afka maamulka ku hadasha ayaa ku hanjabay in Xisbullah ay qiimo badan ku bixin doonto is hortaageeda in dadka Israeliyiinta ay dib ugu soo laabtaan deegaanada ku dhow dhow xuduudda labada dal.

Wasiirka ayaana Saraakiisha Militariga uga digay in hawlgalkan laga la kulmi karo khatar weyn, ayna tahay inay taxadar badan muujiyaan.

Israel ayaa ciidankii ugu badnaa ku xoojisay ciidamadii horey uga joogay deegaanada xadka.

Qorshaha ay Israel ku ballaarineysa colaadda ayaa ah mid aan la saadaalin karin mustaqbalka dhow, waxaase iska cad in isku dhac toos ah oo labada dhinac ah uu cawaaqib ba’an ku yeelanayo gobolka.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Khamiistii ku hanjabay in Israel ay jab kala kulmi doonto, haddii ciidamadeeda ay gudaha u soo galaan dalkaasi.

Hoggaamiyaha ayaa wacad ku maray in Xisbullah aysan joojin doonin dagaalka ay kula jirto Israel, illaama ay ka soo afjareyso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, gabadha lagu magacaabo Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in xabad joojin laga sameeyaa Gaza ay hoos u dhigeyso xiisadda aan caadiga ahayn ee ka jirta Bariga Dhexe, balse maysan sheegin waxa hortaagan xabad joojintaasi.

Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in Iran ay rumeysan tahay in Xisbullah ay isaga filan tahay Israel, isla-markaana aysan muhiim ahayn inay si toos ah ugu soo biirto colaaddan, inkastoo ay xilli kasta ka aargudan karto Israel, iyadoo markaasi ka jawaabeysa dilkii ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.

Israel iyo Xisbullah ayaa leh taariikh dagaal, waxaana la xusuustii dagaalkii 33-ka maalmood socday ee dhex maray bartamihii sanadkii 2006.

Colaadda hadda u dhaxeyso Xisbullah iyo Israel waxay salka ku haysaa dagaalka lagu hoobtay ee weli ka soconaya Marinka Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa khatar amni ku noqday Bariga Dhexe, waana gobolka ay colaaduhu muddada dheer nugleeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip