halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes,

0
Thursday September 19, 2024 - 09:50:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes,

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Maamulka gobolka Banaadir oo daah-furay barnaamijka nidaaminta dhulka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Nidaaminta Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo la adeegsanaayo Teknolojiyadda Casriga ah, si loogu gudbo dhibaatooyinka lagala kulmo Dokumentiyada warqadaha ah ee dhaliya is-qab qabsiga dhulalka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Nidaamkaan lagu casriyeenayo Dhulka ee adeegsiga Teknolojiyadda uu door ka qaadan doonno yareynta is qab-qabsiga ka dhasha dhinacyada dhulalka iyo in guryaha ku yaala caasimadda ay helaan adrees lagu garto, taasi oo fududeyneysa la macaamilka dunnida horumartay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Dastuurka XFS, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, bahda Garsoorka, Midowga Bangiyadda, Culuma’udiin, Guddoomi-yeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Alromaith.

Duqa Muqdisho iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii la isaga kaashan lahaa Qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka Labada Caasimadood.

Wasiir Fiqi oo ka qayb galay daah-furka golaha safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa galabta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay tiro safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, Madaxa Wakiillada Jaama-cadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya safaaradaha Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirka guud ee Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda midnimada Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu dheggan tahay taageerada Soo-maaliya xilliyadii adkaa, taas oo ka muuqata go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay midnimada iyo xasilloonida dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in rajooyinka Soomaaliya ay dhaafsiisan yihiin xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay raadinayaan inay xoojiyaan isku-dhafka Carabta si loo gaaro midnimo Carbeed.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika iyo Badda cas ee UK

R’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika iyo Badda cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee halista ku haya gobolka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu xasilinayo gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qaababka cusub ee lagu xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo Britain.

Ergeyga Gaarka ah iyo Danjiraha ayaa dhankooda ku adkeeyay sida ay dowladooda uga go’an tahay in ay taageeraan Soomaaliya, iyagoo ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga iyo xasilinta.

Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feder-aalka Soomaaliya oo shalay kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hana-anka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacagdhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoo-miyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fede-raalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay muhiimada labada hindise sharciyeed ay u leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed iyo xoojinta dowladnimada.

"Sharcigan waxa uu muhiim u yahay xoojinta hanaankeena maaliyadda si uu ugu xirmo hanaanka maaliyadda caalamka, in Golaha Shacabka dib loogu soo celiyo waxaa sababay caqabado ka yimaaday dhaqangalkiisa oo u baahday in wax ka bedel lagu sameeyo, wuxuu muhiim u yahay horumarinta dhaqaale ee dalkeena sidaas darteed waxaan golaha sharafta leh ka codsanaya in ay noo ansixiyaan marka ay ka gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay labadan hindise sharciyeed ee shalay la horkeenay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in hindise sharciyeedyadan ay muhiim yihiin maadaama ay kor u qaadayaan hanaanka maaliyadda ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labadan hindise sharciyeed lagu wareejiyay guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad, dibna Golaha Shacabka ugu soo celiyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo qaabbilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Mrs. Alison Blackbourne, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika iyo Agaasimaha Waaxda Afrika.

Maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho oo shir caalami ah uga qaybgalay Faransiiska

Maamulka Dekadda Muqdisho oo uu matalayo maareeye ku xigeenka Dekadda Dr Cali Xaaji Maxamed ayaa magaalo xeebeedka Le Havre ee waddanaka Faransiiska uga qayb galay shir ay kasoo qayb galeen xubno ka kala socda Maamuladda dekaddaha wadamo dhowr ah.

Shirkaan oo ay sooqaban qaabisay hay’ada Qaramadda Qidoobay u qaabilsan baddaha ee loo soogaabiyo (IMO), qodabada kulanka looga hadlay waxaa ka mid ah: kaalinta dekaddu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha wadamada, maamul wanaaga, amniga dekaddah, tiknoolajiga.

Sidookale shirka ayaa inta uu socday waxaa hareer socday tababaro sare oo kor loogu qaadayo xirfadda kasoo qeeygalayaasha, shirka waxaa lagu qabtay.

SoDMA iyo hay’adda Daryeelka Hooyada oo yeeshay heshiis ku aaddan ka wada shaqaynta arrimaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu heshiis is afgarad ah kula saxiixday guddoomiyaha Hay’adda Daryeelka Hooyada iyo dhallaanka (AMUCUBO) Cabdullaahi Afrax.

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in labada hay’adood iska kaashadaan sidii ay ugu wada-shaqeyn lahayeen u gargaaridda bulshada Soomaaliyeed, in ay ka saaciddo ka SoDMA ahaan helista agabka caafimaad ee gurmadka deg-degga ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed, madaama ay hay’adaan si gaar ah uga shaqeyso arrimaha cafimaadka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u mahad-celiyay Hay’adda AMUCUBO, isagoo xusay in agabyada ay soo garsiiyeen iyo kuwa ay soo wadaan ay ugu shaqeeynayaan shacabka Soom-aaliyeed, ayna ka shaqeen doonaan in qalabyada gurmadka deg-degga ah la gaarsiiyo deegaannada fogfog ee dalka.

Wasaaradda Awqaafta oo wacyi gelin ka wadda furimaha dagaalka lagu cirib tirayo al-shabaab

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa Culimaa’udiin wacyigelisa u dirtay Ciidamada ku sugan qeybo kamid ah Hirshabeele.

Sheekh Ibraahim Xasan Cusmaan oo muxaadaro ujeedinaya Ciidamada la dagaalamaya Al-shabaab ee ku sugan Ceel Cali Axmed oo katirsan Degmada Aadan yabaal ayaa faray geesiyada Qaranka in ay la yimaaddaan niyad samaan iyo camal wanaagsan si looga aqbalo jihaadka lagula jiro nabad-diidka.

Sheekha iyo cilimada kale ee halkaasi u jooga wacyi gelinta ayaa ciidanka u sheegay in ay yihiin kuwa ay shacabka Soomaaliyeed ku hurdaan dowladduna ay ku dhisan tahay, sidaa awgeedna ay ogaadaan mas’uuliyadda saaran, si ay cadowga ugu guuleystaanna loo baahan yahay alle ka cabsi iyo cibaado suubban.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah al-shabaab u dirtay Culimaa’udiin wacyi gelin u samaysa ciidamada Qaranka eek u howlan difaaca dalka iyo sharafka shacabka.

CAF oo Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Abdulkadir Artan u Magacowday Ciyaarta Super Cup-ka

Xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaqday in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Abdulkadir Artan uu noqon doono garsooraha afaraad ee kulanka Super Cup-ka oo ay wada ciyaarayaan Al Ahly iyo Zamalek. Ciyaartan oo la qaban doono Sebtembar 27-da ayaa ka dhici doonta garoonka Kingdom Arena ee Sacuudi Carabiya, iyadoo la bilaabi doono 9 PM waqtiga CET.

Hoggaanka garsoorka waxaa qaban doona Moataz Ibrahim oo u dhashay Liibiya, halka garsooreyaasha caawiya ay yihiin Attia A’mesead iyo Khalil El Hassany oo ka socda Tunisia. Tom Abungil oo Koonfur Afrika u dhashay ayaa madax ka noqon doona kooxda VAR, oo uu ka caawin doono Zakaria Brensy oo reer Morocco ah. Tigidhada ciyaarta ayaa durbaba la iibiyey, taas oo muujineysa xiisaha iyo baahida loo qabo kulankan.

Magacaabidda Artan waxay astaan u tahay kororka uu sameeyay garsoorka Soomaaliyeed, isagoo noqday kii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee garsoora tartanka Africa Cup of Nations.

Artan, oo 30 jir ah, ayaa ku muteystay sumcad sare go’aamadiisa cad iyo deganaanshihiisa garsooridda tan iyo markii uu ku soo biiray liiska garsoorka CAF sanadkii 2020.

Ciyaarta Super Cup-ka ayaa u dhexeysa Al Ahly oo ah kooxda ku guuleysatay CAF Champions League, iyo Zamalek oo heysta CAF Confederation Cup. Labada kooxood ayaa markii ugu dambeysay ee Super Cup wada ciyaareen 1994, markaas oo Zamalek ay ku badisay 0-1.

Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo $20,000 ku wareejiyay qoys ay waxyeello culus kasoo gaadhay qaraxii Liido

Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ayaa deeq lacageed oo gaareysa 20,000 oo dollar waxa ay ku wareejiyeen, Maxamuud Cali Daboole oo Saddex Wiil oo uu dhalay ay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay weerarkii argagaxisadu ka fulisay Xeebta Liida billowgii bishii hore.

Dhallinyarada oo ahaa aqoonyahanno uu waalidkood ku dadaalay, midkood, ayaa ku geeriyooday weerarka, halka Cabdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aadda 20 iyo ilaa 18 sano ay dhaawacyo daran soo gaareen, guddiga ayaana u ballan qaaday adeeg caadimaad oo dibadda ah.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Mahamuud Moallim Abdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Gana-csato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaa-liyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay kiiskii Sayid Cali

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwadii Eedaysane Sayid-Cali Macallin Da’uud, kadib markii ay si qoto dheer u dhageysatay cabashadiisa isla markaana ay daraaseeysay doodda Jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxkamada sare waxay diidday cabashada eedaysanaha, kuna raacday xukunka Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ee soo baxay 15/05/2024.

Eedaysanaha ayaa qirtay inuu si kas ah shidaal ugu gubay ooridiisa, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed, taas oo dhaawaceedii sababay dhimash-adeeda.

Go’aankan cadaaladdu waa mid caddeynaya ku dhaqanka sharciyada iyo ilaalinta cadaaladda ee Soomaaliya.

Jabhad ka dhan ah xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagaga dhawaaqay gobolka Awdal

Waxa gobolka Awdal lagaga dhawaaqay jabhad la magac baxday Gurmad, oo ka cadhootay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Jabhada oo muuqal kasoo duubtay buur ku taala gobolka, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqday in uu si deg deg ah kusoo daayo xildhibaanka, hadii sida la yeeli waayana ay xoog isticmaali doonaan.

"Haduu kusoo dayn waayo 72 saacadood gudahood ninkaa xildhibaanka aanu u dooranay ee Maxamed Abiib hadii uu xalay kadib dhaxo waad arki doontaa" mid kamid ah jabhada ayaa sida ku hanjabay.

Jabhadu waxa ay sheegtay in Madaxweyne Biixi uu sharciga Somaliland ku tumanayo, isla markaana uu ka baxay dastuurkii ay ku heshiiyeen dadku.

"Waxa shalay buurta na saaray annaga oo ah dad reer Somaliland ah dhibaatada uu samaynayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku ciyaaray sharciga wixii aanu ku heshiinay uu sagu laalay" mid kamid ah xubnaha jabhada ayaa sida yidhi.

Jabhadan ayaa ka dhalatay xadhig ay xukuumada Somaliland kula kacday Xildhibaan Abiib oo kasoo jeeda deegaanka jabhada lagaga dhawaaqay, xildhibaanka oo xabsiga la dhigay isaga oo aan dhawrsanaanta laga qaadin ayaa xidhan muddo ka badan 10 cisho.

Madaxii shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Favori oo loo xiray xadgudubka muwaadin Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in la soo xiray Mr. Ertugrul Karafiyeli, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori, isla markaana ah muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Mr. Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay muwaadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay shirkadda.

Maxkamadda Gobolka ayaa ka dib markii ay baaris ku sameysay cadaymaha hordhaca ah ee la soo gudbiyay, go'aansatay in Mr. Karafiyeli lagu hayn doono xabsi ku meel gaar ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in uu bilaabi doono habka maxkamadaynta eedaysanaha.

Shirka favori ayaa ah shirkadda maamuusha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Marar badan ayaa shirkadda lagu helay xad gudub ka dhan ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka ee hoos yimaada shirkadda.

Sannadkii 2021, Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku heshay ku tumasho xuquuq shaqaale, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.

Turkiga oo Soomaaliya geyn doona Markab dagaal oo ilaalinaya goobaha uu ka sahminayo shidaalka

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib dagaal u daabulo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab cilmi baaris ah oo dhanka tamarta ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda, iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga in Shidaalka Turkiga uu ruqsad u haysto saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, goob kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Bayraktar waxa uu intaa ku daray in Oruc Reis uu samayn doono daraasad seismic 3D aagga, "taas oo aan weligeed hore loo samayn".

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markabka. Ilo wareedyada arrintan la socda ayaa sheegaya in Ankara ay qorshaynayso in ay geyso laba markab iyo markab gargaar oo dheeraad ah si loo sugo aagga.

"Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya," ayuu u sheegay Middle East Eye. "Markabka waa in laga ilaaliyaa budhcad-badeedda iyo sidoo kale khataraha kale ee dhulka ee suurtogalka ah."

Tunc Demirtas, oo ah falanqeeye arrimaha Afrika oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Seta, ayaa sheegay in Ankara ay si taxadar leh u ilaalineyso markabka sababtoo ah wuxuu ka shaqeyn doonaa badweynta furan.

War cusub oo ka soo kordhay xildhibaan lagu la’yahay magaalada Nairobi

Ku dhowad muddo todobaad ah waxaa la la’yahay xildhiban Yusuf Xusen Axmed o ka tirsan golaha deeganka Dela oo ka hos yimada deganka Cel-Dhas ee Isma-mulka Wajer ee gobolka Waqoyi -Kenya.

Xubno ka tirsan golaha deeganka Wajeer ayaa u tagay hay’adaha amniga si ay u ogadan waxa ku dhacay Yuusuf Xuseen Cabdi oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha.

Sida la sheegay xildhibaanka ayaa la afduubtay 13-kii bishan isagoo saaran gaari Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee Nairobi.

"Waxaan aad uga xunnahay dhacadii afdubka ee koox aan la aqoon u geysatay xildhibaan Yuusuf Xuseen,” ayuu yiri Mr Cabdille Yuusuf oo ah afhayenka golaha deegaanka Wajeer.

Wararka waxay sheegayaan in sagaalkii fiidnimo la afdubtay xildhibaanka. Koxda afdubka geysatay aya la shegay inayw-aten labo gaari oo ah nooca loo yaqaan Land Cruiser Prado.

Ehelka xildhibanka maqan ayaa sheegay in Jimchii laga qabtay magalada Nairobi, wixii ka dambeeyayna aaney war ka helin geeri iyo nool halka uu jiro.

Xalimo Xusen Axmed o ah Yusuf walashis aya noo sheegtay wixii dhacay marki ugu dambese e la wayay walalked.

"Jimcihii inta u dhexeysay siddeedda ilaa iyo sagaalka fiidnimo isagoo u socoda gurigiisa South C kana soo baxay Islii ayuu raacay gaari Uber ah, darawalkii Uber ayaa booliska u sheegay in ninkaas uu la socday, labo gaari midna la hor dhigay midna gadaal laga joojiyay” ayey tiri Xaliimo Xuseen.

Sababta loo afdubay xildhibaanka ayaan la ogeyn. Booliisku waxay sheegeen in darawalka gaariga uu la socday uu u shegay in labo gaari ay hore iyo gadal ka istagen isagoo markaas soo dhaqaaqay.

Warar waxay sheegayaan in gawaarida lagu afdubtay xildhibaanka aysan laheyn wax numbar ah oo lagu aqoonsado.

Qoyska waxay sheegeen in darawalka uu ahaa qofka keenay warka halka uu ku dambeeyay xildhibaanka hadii uusan sidaa yeelin aysan waxba ogaan laheyn.

"Haduusan ninkaas axsaan noo sameyn xitaa warkiisa lama heli laheyn” ayey tiri walaashiisa Xaliimo oo sidoo kale noo sheegtay in aabaha dhalay xildhibaanka uu yaha qof aragga la’ oo muddo 20 sano ah uusan waxba arag.

Qoyska ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan raadintiisa wax badan ka qaban.

"Dowladda way ka gaabisay raadintiisa, Nairobi meel kasta CCTV ayaa ku xiran, way ka gaabiyeen boqolkiiba boqol raadiska Yuusuf Xuseen”

"Tallaabo la qaaday ma jirto, anaga waa ciilannahay, hadii aan nahay dadka ka soo jeeda Ceel-Dhaas, way ka gaabiyen madaxda kale ee laga so doorto Wajeer”

Qoyska ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayaa in isagoo dhaawac ah uu yaal Isbitaal. "Waa been lagu soo qoray bog oo ilaa hadda ay wadaan, waa warar khalad ah, nolol iyo geeri lama haayo Yuusuf Xuseen Axmed”

Afduubka iyo dadka sida qasabka ah lagu kaxesanayo ayaa ilaa hadda socda, inkastoo madaxweyne William Ruto uu ballanqaaday in uusan maamulkiisa u dulqaadan doonin dambiyada noocan oo kale ah in ay dhacaan.

Tobaneyo qof o Kenya u dhashe aya weli la la’yahay marki sida la shegay ay boli-sku afdubten kaddib dibadbaxyadii looga so horjeday dowlada e dhacay bishii July.

Hay’adda la socota booliska IPOA ayaa xaqiijisay in bartamihii bishii July in ay soo gaareen ilaa iyo 10 cabasho oo la xiriirta afduub. Hay’ada waxay sheegtay in ay ka xun tahay in ay awodi waayen in ay la xiriiran inta badan cabashoyinkas.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee afduubka waxaa ka mid ah labo walaalo ah iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ilaa muddo bil ku dhow la la’ayahay markii la afduubtay.


 

TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

The Federal Republic of Somalia

Notice is hereby given that United Technologies Corporation of One Financial Plaza Hartford- Connecticut 06101, U.S.A is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.

PRATT & WHITNEY

Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International classes 11 & 12.

Aircraft construction including engines for use in powering aircraft, watercraft and stationary land installations and replacement parts therefor; diverse machines and equipments and their parts and all other goods included in classes 11&12

 

The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.

 

The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.

 

Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.

Any enquiry relative thereto may be referred to:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)

P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon Tel: +961 5 45 48 88

Email:aea@sabaip.com


 

Awoowaha carruurta LUUL oo war yaab leh kasoo saaray go’aanka maxkamadda sare

Maxamed Cabdullahi Warsame oo ah Awoowaha carruurta ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta la hadlay warbaahinta, kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare oo dil ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Awoowaha ayaa si adag uga horyimid go’aanka maxkamadda, wuxuuna sheegay in xaqa carruurta uu awoowaha u yahay la dood-siiyay, sida uu ku dooday.

Maxamed Cabdullahi ayaa sheegay inuu rabay in kiiska lagu dhameeyay waxa ay ka qabto shareecada islaamka, isla markaana la tixigeliyo go’aanka carruurta yar yar oo ugu yaraan lala sugu inta ay ka qaan-gaarayaan waa sida uu ku dooday Sodogii hore ee Luul C/casiis.

"Maxkamadda Sare ee dalka dukumintiga way iga qaban weysay xukunkii xaqa Ilaahey waa diiday waxaan u sheegeynaa wax alaale wixii arrimahaas ku shuqo leh iyo caalamka inaan ku dul-manahay haddii aan ahay aabaha dhalay caruurta aabahood” ayuu yiri Awoowaha.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Waxay yeelanayaan in laga qayb-geliyo go’aanka haddii la gaarsiinayo marka ay qaan-gaar noqdaan iyo haddii uu xukunka dhacayo, arrintaasi ma dhicin”.

Dhinaca kale ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa soo saaray war ka duwan midkan, waxayna soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka.

"Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan. Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Si kastaba, Tallaabad ay qaaday Maxkamadda Sare ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali Macalin, maadaama aanu haysan fursad kale oo uu uga qaadan racfaan karo xukunka dilka ah ee maanta mar kale lagu xukumay.


TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE

The Federal Republic of Somalia

Notice is hereby given that United Technologies Corporation of One Financial Plaza Hartford- Connecticut 06101, U.S.A is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.

P&W

Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International classes 11 & 12.

Aircraft construction including engines for use in powering aircraft, watercraft and stationary land installations and replacement parts therefor; diverse machines and equipments and their parts and all other goods included in classes 11&12

The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.

 

The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.

 

Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.

 

Any enquiry relative thereto may be referred to:

Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)

P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon Tel: +961 5 45 48 88

Email:aea@sabaip.com

 



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip