Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

0
Wednesday September 18, 2024 - 23:22:13 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

    Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacagdhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay muhiimada labada hindise sharciyeed ay u leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed iyo xoojinta dowladnimada. "Sharcigan waxa uu muhiim u yahay xoojinta hanaankeena maaliyadda si uu ugu xirmo hanaanka maaliyadda caalamka, in Golaha Shacabka dib loogu soo celiyo waxaa sababay caqabado ka yimaaday dhaqangalkiisa oo u baahday in wax ka bedel lagu sameeyo, wuxuu muhiim u yahay horumarinta dhaqaale ee dalkeena sidaas darteed waxaan golaha sharafta leh ka codsanaya in ay noo ansixiyaan marka ay ka gutaan waajibaadkooda" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay labadan hindise sharciyeed ee maanta la horkeenay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in hindise sharciyeedyadan ay muhiim yihiin maadaama ay kor u qaadayaan hanaanka maaliyadda ee dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labadan hindise sharciyeed lagu wareejiyay guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad, dibna Golaha Shacabka ugu soo celiyaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip