halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes;
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.
Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib ueegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuriyada Federalka Somalia.
Guddoomiyuhe Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya laguna dhameeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo furay shirka erey bixinta Tiknoolajiyadda Af-Soomaaliga
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS aya shalay magalada Muqdisho ka daahfuray shirka erey bixinta Tiknoolajiyadda Af-Soomaaliga oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta XFS .
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiiro ka tirsan XFS, wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka, xubno ka socda Akadeemiyadda, bahda Jaamacadaha, shirkadaha Tiknoolajiyadda iyo marti sharaf kale.
Xoghayaha golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika
Xoghayaha guud e golaha shacabka Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghay-asha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee golaha aqalka sare mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuled aya magalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayasha Barlaman-ka Afrika o shalay halkasi.ka furmay.
Shirka waxa looga hadlay xojinta iyo kor u qadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadaha dhalinyarada qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka Qaaradda.
Wasiirka cadaaladda oo qaabilay khuburo sharci oo Sudan ka socda
Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macalin aya shalay xafiiskiisa ku qabilay Professor Axmed Ismacil iyo Professor Maxamed Al faatix oo ah khuburo sharci oo ka yimid dalka Suudaan.
Wasiir Xasan Macalin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamada sare ee dala iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo garsoorka iyo khuburada ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wasiirka oo soo dhaweeyay aqoonyahanada ayaa uga mahad-celiyay boqashada ay ugu yimaden, waxuuna dalka Suudaan u rajeeyay dib-u-kabasho dhammeystiran.
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xariir walaaltinimo qota dheer oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.
Madaxda wasaaradda warfaafinta oo warbixin siisay guddiga adeega bulshada aqalka sare
Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha bani’adanimada, warfaafinta iyo dhaqanka ee aqalka sare, oo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa xafiiskooda shalay kulan kula yeshay Wasirka wasarada Warfa-afinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo la socday.
kulanka oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha guddiga Sanatar Dr. osman Maxamud Maxamed ( Dufle ) ayey xubnaha guddigu wasiirka iyo xubnaha la socday wax ka waydiiy-een shaqada guud ee wasaaradda, shuruucda dhaqan-galka ah ee ay Wasaaraddu ku shaqeyso, xaqu-uqda shaqaalaha Wasaaradda, hannaanka ay u mareen dhismaha golaha warbaahinta, qorshaha wasaaradda uga degsan ka wacyi-galinta bulshada ee koxaha xagjirka ah, hormarinta dhaqanka iyo suug-aanta, iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday.
Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta shaqada ay Qaranka u hayan, isagoo sheegay in ay joogtayn doonaan kulama isla xisaabtanka ah islamarkaana ay kormeer ku imaan doonaan Wasarada, si lo dardar geliyo waajib gudashada shaqada Qaranka.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay inuusan hakad ku iman duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo
War ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin isbeddal ku yimid duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.
"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbeddel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba:
Warka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa imanaya markii saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in uu hakad ku yimid duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo.
Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay degaanka Baraag Cali gaduud
Ciidanka Xoogga Dalka Soom-aaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howgallo qorshesan ka wada degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa saaka la wareegay degaanka Baraag Cali gaduud oo ku dhawaad 50 km galbeed kaga beegan degmada Xarar-dheere, iyago ku baacsanaya dhulka miyiga hoos taga degaanka Jawle.
Saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa kuso waramaya in howlgalkani uu qeyb ka yahay qorshaha Galmudug looga saarayo al-shabaab arxanka daran.
Howlgal la isugu furaayo magaalooyinka Balacad iyo Jowhar oo bilaabanaya
Madaxweynaha maamulka Hirsh-abeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Lugta ee ciidanka xoogga Dayax Cabdi Cabduulle ayaa ka shiray sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo saraakiil kale, waxaana labada dhinac ay isla qaateen in la bilaabo howlgalo Al-shabab looga sifeynayo wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
"Waxaan dadaal mid ah ugu jirnaa sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Al-shabaab gaar ahaana deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.
Kulankaan ku dhexmaray degmada Balcad madaxweynaha Hirshabeelle iyo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee looga hadlaayay sidii la isugu furi lahaa wadada isku xirta degmoyinka Jowhar iyo Balcad ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wadadaasi marar badan Al-shabaab ka geysteen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah.
Waxaana xusid midan in madaxda iyo masuuliyiinta Hirshabeelle in Muqdisho oo Jowhar 90 KM u jirta markii ay usoo safrayaan soo raacan diyaarad, maadama amniga wadadaas uu yahay mid halis badan oo horay dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen masuliyiin ka tirsaneyd Hirshabele oo ku safrayay wadadas.
Madaxweynaha Masar oo billad sharaf guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee Awqaafta C/qaadir Baqdaaddi
Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim "Baqdaaddi”ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta Masar, lagunna qabtay magaaladda Qaahira ee dalka Masar.
Muanaasabadaan, waxaa ka soo qeyb galay, madaxweynaha dowladda Masar C/fataasi Al-siisii.
Madaxweyne Al-siisii ayaa intii ay socotay munaasabadda waxaa uu billad sharaf heerka koobaad ee Culuumta iyo funuunta guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim "Baqdaaddi” taas oo uu ku muteystay kaalintiisa uu ku lahaa faafinta fikirka Islaamka iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arrimaha diinta, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim "Baqdaaddi” ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhawaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Masar, Professor Dr. Usaama Al-Sayed Al-Azhari, si uu ugu qayb galo xuska sanad guurada dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta Masar.
Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixisay $6.6m deeq ah oo lagu taageerayo Soomaaliya
Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixisay deeq lacageed oo dhan $6.6m si loogu taageero dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Dhaqaalahan ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo awoodda dowlad goboledyada Soomaaliya, si ay u dhistaan qaab-dhisme-edkooda maaliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado kobaca dhaqaale ee loo wada dhan yahay.
Mashruucan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’adaha maal-iyadda, oo ay ku jiraan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbi-xinta Maaliyadda (FRC).
Ujeeddada guud ee laga leeyahay ayaa ah, si loo sameeyo hirgelinta ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo tallaboyinka malgelinta argagixisada.
"Tani waa taageero ku timid waqtigii ku habboonaa, taasoo kor u qaadi doonta maamulka, isla xisaabtanka, xirfadaha, iyo horumarinta tignoolajiyada iyada oo la kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay." ayuu yiri Ahmed Attout, Agaasimaha Horumarinta Maaliyadda ee AfDB.
Mashruucan ayaa waxaa si toos ah uga faa’ideysan doona hay’adaha maaliyadda dalka, sida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda.
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Ciidii tiraahda Soomaali manihin way qaldan tahay, Ciddii tiraahda Itoobiya kama tirsanina way jaahwareersan tahay"
Madaxweynaha Dowlad Deganka Soomaalida Mustafe Cagjar oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay arrimo ay kamid ahaayeen Xoriiyadda hadalka, Masiirka Degaanka Soomaalida iyo qodobo kale.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn xusay in Degaanka Soomaalida ay ka jirto xoriyadda hadalka, oo aysan jirin qof lagu qabsado waxa uu ka hadlo, iyo qof lagu qasbo inuu ka hadlo wax uusan raalli ka ahayn, Madaxw-eynuhu waxa uu taas usoo tusaale qaatay in magaalada Jigjiga lagaga hadlo Afkaaro kala duwan, oo aysan jirin cid loo qabsado.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in doodaha lagu qabto magaalada Jigjiga la taageero ta saxan midda qaldana la is hortaago, hadallada doodahaas ka soo baxana lagula xisaabtamo qofkii yiri ee aan wada laga dhigin waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Madaxweyne Mustafe Cagjar mar uu ka hadlayay Masiirka Shacabka Degaanka Soomaalida waxa uu sheegay in Shacabka Degaanka Soomaalida ay yihiin Soomaali kamid ah Dalka Itoobiya, "Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan".
Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qofkii ku nool Dowlad Deganka Soomaalida ee yirahda Soomaali ma nihin uu qaldan yahay, kii yiraahda Itoobiya kama tirsanina uu Jahwareersan yahay, maadaama Shacabka Degaanku iyagoo Soomaali ah ay haddana kamid yihiin dalka Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.
Gabagabadii Madaxweynuhu waxa uu taageeray Hadal dhawaan ay yiraahdeen qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka Dowlad Degaanka Soomaalida, kaas oo ahaa in Shacabka Degaanka Soomaalidu uu yahay Shacab Itoobiyaan ah, isla markaana ay rabaan in Nabad iyo Nolol ay ku wada noolaadaan labada Shacab ee Degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya.
Hadalka Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa u ekaa mid daba socday hadallo maalmahan ay la isla dhex marayay magaalada Jigjiga, kaas oo ahaa in Odayaashii dhawaan ka hadlay xaaladda Degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ay ahaayeen kuwo loo soo dhiibay waxay ku hadlayeen, ee ahaa inay yihiin dad Itoobiyaan ah oo Soomaaliya aysan waxba kala dhaxeynin, iyadoo Mucaaradka Degaankuna ay taas aad uga falceliyeen isla markaana ku dhaliileen Xukumada Deganka Soomaalida.
Nuxurka hadalka Mustafe Cagjar ayaa ahaa mid uu ku taageerayay hadalka Odayaal dhaqameedkaas, isla markaana ku raddinayay cid kasta oo ka soo horjeedsatay go'aamadii ka soo baxay Shirki Odayal dhaqamedka degaanku ay dhawaan ku qabteen magaalada Jigjiga, kaas oo ay ka soo horjeedsadeen Mucaaradka Degaanka Soomaalidu.
Ruushka oo sheegay in Mareykanka uu hortaagan yahay xabad joojinta Gaza
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka, Sergey Lavrov aya Dowlada Mareyk-anka ku eedeyay inay carqalade-ynayso go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee heshiiska xabad joojinta Gaza.
Golaha Ammaanka ayaa 11-kii bishii June taageeray hindise uu Madaxweyne Joe Biden ku sheegay inuu keenayo xabad joojin waarta iyo in maxaabiista la is weydaarsado.
Wasirka Arimaha Dibadda Ruushka ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu xagal-daacinayo heshiis xabad joojined oo laga gaaro colaada Gaza.
Wasiirka oo Isniintii wada hadal la yeeshay dhiggiisa Masar Badr Abdel Aaty ayaa sheegay in Ruushku uu soo dhaweynayo tallaabo kasta, oo xabad joojin lagaga sameynayo Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Washington aysan doonen in la gaaro heshiis horsedaya in la joojiyo buu yiri dhiiga daadanaya.
"Lama fulin ballanqadkii Mareyka-nka ee ahaa in la joojinayo dagaalka Gaza.” Ayuu yiri Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.
Madaxweyne Biden ayaa 31-kii bishii May soo bandhigay qorshe saddex weji ah, oo sida uu sheegay soo afjaraya colaadda, sii deynta maxaabiista iyo dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta ee la burburiyay. Biden ayaa xilligaasi sheegay in hindisahan uu yahay mid kaga yimid dhanka Israel, isla-markana uu ballanqadayo xabad jojin warta io inay ciidamadeda ka wada baxayaan Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa bishii July ka horyimid in Militariga Israel laga saaro Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar, taasoo ay Xamas ku gacan seyrtay, sheegtayna inuu liddi ku yahay is afgaradkii labada dhinac ee ku saabsanaa qaabka loo hirgelinayo heshiiska xabad joojinta.
Hadalka Lavrov ayaa imanaya, ka dib markii Raysal Wasare Netanyahu uu Khamiistii Beesha Caalamka ugu baaqay in Xamaas lagu cadaadiyo inay aqbasho heshiiska xabad joojinta Gaza.
Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku shegay in Besha Caalamka ay tahay in ay cadaadis dheeraad ah saarto Xamaas, si ay u aqbasho hindise cusub oo xabad joojin ah.
Netanyahu ayaa xilligaasi ka jawabayay war ka soo baxay Xamas, oo sheegayay inay diyaar u tahay oo keliya in ay dhaqangeliso xabad joojin ka madaxbannaan shuruudo cusub.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dadaal ugu jira in Ciidamada Israel ay ka baxaan qaybaha Marinka Gaza oo dhan, balse Netanyahu ayaa taasi ku sheegay mid aan u wanaagsaneyn amniga Israel.
Mowqifka Netanyahu ayaa wiiqay dadaaladii caalamiga ahaa ee xalka loogu raadinayay, sidii loo joojin lahaa dagaalka ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.
Xamaas iyo Israel ayaa daba-yaaqadii bishi November ku heshiiyay hal toddobaad oo xabad joojin ah, markaas oo ay maxaabiis badan is dhaafsadeen.
Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeyay ayaa waxaa guuldareystay isku dayada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xabad joojin dhameystiran. Mareyk-anka oo ah saaxiibka ugu muhiimsan ee Israel ayaana lagu dhaliilay inaanu awoodiisu u adeegsan in Israel lagu cadaadiyo inay aqbasho heshiis bilaa shuruud ah.
Mareykanka oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho.
Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa ka caraysiiyey dowlada Somalia oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-banan-ideda.
Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed.
"Aad ayaan uga warqabnaa, waxana si wada jir ah uga shaqenena in aan xaqiijino in xal diblomaas-iyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safarada Mareyk-anka ee Muqdisho.
"Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”
Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn.
Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas.
Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran.
Xiisada Itobiya iyo Soomaaliya ayaa kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexadinayo dalalka Ethiopia iyo Somalia, kaasi oo la filayay in shalay uu ka furmo magaalada Ankara.
Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkasi oo Turkigu dhex-dhexadinayo uu u baqday, lakiin fallanqeey-ayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.
Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.
Wasiirka Arimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhamaadkii todobadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowlada Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.
Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.
Boqorka Spain oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Falastiin
Boqorka Spain, Felipe VI ayaa gelinkii dambe ee Isniintii waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Falastiin ee dalkaasi, ka dib markii Spain ay 28-kii bishii May si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Falastiin.
Madaxa Spain ayaa Danjire Housni Abdel Wahed ku soo dhaweeyay xaflad dhaqameed lagu qabtay Qasriga Boqortooyada ee Madrid.
Danjire Housni Abdel Wahed ayaa noqonaya Safiirkii ugu horreyay Falastiin ee si rasmi ah uga hawlgala Caasimadda Madrid.
Spain oo ay wehliyaan Ireland iyo Norway ayaa bishii May ku dhawaaqay inay si buuxda u aqoonsadeen dowladda ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta, waxayna sheegeen inay rajeynayaan in dowladaha kale ee Yurub-na ay qaataan mid la mid ah go’aankooda. Slovenia ayaana horaantii bishii June ku dhawaaqday aqoonsigeeda Dowladda Falastiin. Dowlado kale oo reer Yurub ah ayaana la filayaa inay jidkaasi qaadaan.
Dowladda Spain ayaa hoggaamineysa dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro gumeysiga muddada dheer ka jira dhulka Falastiiniyiinta.
Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Yurub ee saluugsan inaanu Midowga Yurub wax tallaabo ah ka qaadin dembiyada Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa horraantii bishan September ku dhawaaqay shir madaxeed laba geesood ah, kaas oo u dhaxeeya Spain iyo Falastiin oo la qaban doono, ka hor inta aanu dhammaan sanadkan.
Raysal Wasaare Sanchez ayaa u ololeynaya in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, si lagaga gudbo colaadda muddada dheer ka jirta Bariga Dhexe.
Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa dhaliyay carro caalami ah, iyadoo bulshada reer galbeedka ay ka horyimaadeen dhibaatada ay Israel ku dhawaad halka qarni ku haysay shacabka Falastiiniyiinta.
Inta badan dalalka caalamka ayaa aqoonsaday Falastiin, laakiin dalalka Yurub iyo Mareykanka oo shalay lagu sheego kuwa jaangooya siyaasadda dunida ayaa muddo dheer hortaagnaa aqoonsiga Dowladnimada Falastiin, haddase waxaa muuqata in xaalku uu iska bedelay sidii hore.
Bannaanbaxyada ka dhanka ah Israel ee ka socdo dalalka reer galbeedka ma ahan oo keliya mid lagu doonayo in lagu aqoonsado Dowladda Falastiin, waxayse sidoo kale dadku doonayaan in la joojiyo hubka iyo qalabka militari ee loo dhoofiyo Tel Aviv, si mustaqbalka ay dhiig joojin ugu noqoto Falastiiniyiinta, Israel-na ay u hagaajiso habdhaqankeeda.
Dagaalka Gaza ayaa xoojiyay qaddiyadda qaranimada Falastiin, waxayna bulshada caalamka ka carreysan tahay dilka in ka badan 41-ka kun ee Falastiiniyiinta rayidka ah.
Maxaa kasoo kordhay kiiska isku-dayga dil ee Donald Trump?
Ninka looga shakisan yahay in uu isku dayay khaarijinta madaxwynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, xilli uu ku sugnaa beertiisa lagu ciyaaro golf-ka ee gobolka Florida ayaa daraad lagu soo oogay laba danbi.
Ryan Routh, oo ah 58 jir, ayaa daraad kasoo hor muuqday maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada West Palm Beach, halkaas oo ay dacwad-oogayaashu ku soo oogen danbiyo kala ah in uu qori heystay isaga oo danbiile ah iyo in uu tirtiray nambarka aqoonsiga hubka.
Rowe ayaa la xiray 40 daqiiqo kaddib marki uu isku dayay in uu dilo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo hadda u ordaya xilka madaxtinimada isaga oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga.
Waxay aheyd markii labaad oo uu Donald Trump ka badbaadayo isku day dil muddo laba bil gudahood.
Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.
Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.
Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa haatan wada baaritaanka isku-dayga lagu khaariji rabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes;
..