.halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xoghayaha IGAD
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboledka IGAD, Workneh Gebe-yehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimac-yada amniga, dagalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyasha horumarineed ee heer gobol.
Dhankiisa, Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde
Madaxwaynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo tacsida AUN Ugaaska beesha murusade ayaa saxiixay Buugga tacsida Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cade.
Madaxwaynaha ayaa u tacsiiyay ehelka, Qoys, Qaraabada iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed geerida ku timid ugaas Abdullahi, waxaana uubAllah uga baryay in Janatul Firdowsa ka waraabiyo Ugaaska
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo qaabilay madaxa UNICEF
Wasiirka wsaaradda tamarta iyo khyeraad ka Biyaha XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa kulan labba geesood ah xafiiskiisa kula yeeshay madaxa hayadda (UNICEF) Marwo Wafaa Saciid.
Wasiirka tamarta iyo madaxa hay’adda UNICEF ayaa ka wada hadlay arimaha mudnaanta u leh horumarinta khayraadka biyaha, qorshaha Qaran ee la dagaalanka saamaynta abaarahu ku yeeshaan reer guuraaga iyo sidii loo xoojin laha u adkeysiga dadka ee samenta ka dhalata hubanti la’aanta cimilada.
Madaxa hay’adda (UNICEF) Marwo Wafaa Saed ayaa Bogadisay shaqada Wasaaraddu hayso, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda tamarta XFS.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta Kheyraadka XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa muujiyay dadaalada ay Wasaaraddu ku bixineyso in la xojiyo wadashaqenta ka dhexeysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Hayadda UNICEF, si wax looga qabto caqabadaha la xiriira Biyaha.
Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia
Xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo shalay wafdi uu hoggaaminayo uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
"Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhim tahay ilalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”.
Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isago xusay inu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadedii ururka.
"Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doona kaalin wax hagajinaysa, dhibaato-oyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan”.
Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aas aasay urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Somalia, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea.
Wasiir Fiqi "Wafdiga shalay noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka’
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wafdiga shalay yimid muqdisha ee uu hoggaaminayay Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, ay ka wada hadleen xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha ay Soomaaliya iyo Itoobiya isku hayaan.
Wasiir Fiqi "Wafdiga shalay noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan.”
Wasiirka ayaa sheegay in ay labda dhinac ka wada hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka, kobcinta dhaqaalaha.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo wafdiga ay isla garteen in Soomaaliya laga sameeya xarunta dhaqaalaha baluugga ah (Blue Economy center) ee hoos tagta IGAD, maadaama ay Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada Afrika ugu xeebta dheer loogana faa’iideeyo dhammaan waddamada gobolka.
Golaha shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) oo uu wehliyo Gudomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi omar Abshirow aya shir gudomiyay kulanka 22-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka aya ahaa aqrinta koowad Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba dalalka iyo baratakolladiisa, qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda iyo labo qeyb oo kala ahaa hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka iyo sharciga wax ka beddelka Sharciga ka-hortaga lacag-dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in heshiiskan lagu wareejiyay guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Shacabka si ay u marsiiyaan habraacyada u dhiman.
Sidoo kale, Xildhibaanadda golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda, waxaana faahfaahinta qaraarkan golaha la wadaagay Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Intaasi ka dib mudanayaasha golaha Shacabka oo cod u qaaday qaraarkan ayaa waxaa ogolaatay 149-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray.
Hay’adda SoDMA oo kaalmo u dirtay degmada Balcad oo fatahaadi saamaysay
Hay’adda maareynta Musiib-oyinka ayaa xalay gaadiid sida shixnado gargaar ah u dirtay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, oo tuuloyin hoostaga uu fatahaad qasaaro sababtay uu ka geystay Wabiga Shabeelle.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa gargaarkaan oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan 5,000 oo qoys waxaa uu ku wareejiyay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug).
In ka badan 13,000 oo qoys ayaa ku barakacay fatahaada, sidoo kale waxa uu baabi’iyay 10-kun oo hectar oo beero ah, kuwaas oo la filayay in ay sanadkaan ka soo go’aan dalagyo kala duwan.
Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in deegaano kale oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada hoose uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, malamaha soo socdana gargaar la gaarsiin doono.
Wasiir Fiqi oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta IGAD
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta Urur gobaleedka IGAD Dr’ Workneh Gebeyehu.
Ujeedka safraka ee Dr. WorknehGebeyahu Xog-ahayaha Urur gobaleedka IGAD, ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta, xoojinta Amaanka Gobalka, wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee uu wajahyo gobalka, sida isbeddelka Cimillada, sugnaanta cuntada, nabadda, Awood-siinta Haweenka iyo dhalinyaradda oo door wannaagsan ku leh geeddiga horumarineed ee bulshada geeska Afrika.
Xubin ka tirsanaa al-shabaab oo isu soo dhiibay dowladda
Maslax Maxamed Aadan oo magaca afgarashadiisu yahay Yoonis , 26 jir ku dhashay Buur-xakaba ayaa isku so dhiibay Ciidanka deegaanka ee sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.
Maslax ayaa Al-shabaab ka tirsanaa laba lano iyo bar si gaar ah waxa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadda, waxa uuna uga biiray degmada Buur-xakaba ee Gobolka Baay.
Maslax ayaa muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay deegaanka Baraag hurdaaye oo Xarardhere u jira 25KM.
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA
Shirweynaha 68-aad ee Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA oo lagu qabtay magaalada Vienna, ayay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Xubinimada Hay’adan.
Hay’adda ayaa la ballaariyay liiska waddamada ku jira, iyadoo laga dhigay 178 dal oo xubno ka ah.
IAEA, ayaa loo aasaasay in ay dhiirigeliso isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyada oo laga hortagayo in loo isticmaalo ujeedo-oyinka milatari, oo uu ku jiro hubka wax gumaada ee nukliyeerka.
IAEA ayaa si weyn u so dhaweyay Somalia ku biiritaankeeda ururkan.
Xubnaha Soomaaliya ku matalayay shirkan waxaa ka mid ah Xamza Hadow oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Cabdiqaadir Xaashi Carabey oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Soomaaliya ayaa doonaysa ka qayb-qaadashada ka faa’iidaysiga tignoolajiyada nukliyeerka, iyadoo loo marayo ujeedooyin nabadeed.
Madaxweyne Qoor-qoor oo xarigga ka jaray suuq-weynaha xoolaha magaalda Gaalkacyo
Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahaan howlo shaqo u jooga magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xarigga ka jaray suuq-weynaha xoolaha, kaasi oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay xarunta cusub ee Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, taasoo laga hir galin doono xarun casri ah ayna ku shaqeyn doonan dhamaan qaybaha kala duwan ee maamulka Degmada Gaalkacyo.
Puntland oo sheegtay in amniga garoonka Boosaso uu sugan yahay xilli shirkadaha duulimadyadu ay diideen inay ka dagaan
Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo ay si toos ah uga soo dagayaan duulima-adyada gudaha iyo dibadda. Hadalkaan ayaa kusoo beegmay dhowr maalmood kaddib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF.
Sida lagu sheegay warsax-aafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Puntland, shirkadaha duuli-maadyada ayaa lagu wargaliyay in garoonku uu si buuxda u shaqeynayo, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo soo food saartay garoonka Boosaaso. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in daraad garoonka ay ka dageen diyaarado ka yimid dalka dibaddiisa iyo gudaha dalka, kuwaas oo sidoo kale si nabadgalyo ah uga duulay.
Sidoo kale, Wasaaradda Duulista Puntland ayaa been abuur ku tilmaamtay wararka sheegayay in muddo dhowr cisho ah aysan garoonka ka dagin wax duulimaad ah.
Si kastaba, warar kale oo ay HOL xaqiijisay ayaa sheegaya in qaar kamid ah shirkadaha duulimadyadu ay diideen inay diyaaradahooda ka dagaan magaalada Boosaaso, iyagoo muujiyay walaac dhinaca ammaanka ah.
Ciidanka PSF ayaa saldhig ciidan ku leh meel aan ka fogayn garoonka Boosaaso, taasoo keeneysa in qaar ka mid ah shirkadaha duulimaa-dyadu ay ka baqaan in diyaaradaha kasoo daga garoonka Boosaaso ay noqdaan bartilmaameed suurtagal ah.
Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo ku baaqay in Xildhibaan Maxamed Abiib uu cadaalad helo
Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo booqasho ugu tagay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan uu xildhibaanku u helo cadaalada uu xaqa u leeyahay.
Qoraal kasoo baxay koomiishanka kadib booqashada ayaa lagu sheegay in uu Xildhibaan Abiib u sheegay in aanu garanayn waxa loo xidhay, isla markaana qalabkiisii iyo alaabtiisii ay booliisku la wareegeen, dhinaca kale waxa uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmay markii la qabanayay iyo imika oo uu jeelka Madheera ku xidhanyahayba.
"Koomiishanku waxa uu walaac ka muujinayaa xidhnaanshaha xildhibaanka oo golaha wakiilada ee uu ka tirsanaa ay diideen in laga qaado dhawrsanaanta, sidookale, in aan la tixgalin qodobka 27 (2) oo dhigaya xuquuqda horgaynta maxkamada awooda u leh muddo 48 saacadood ah" ayaa lagu yidhi qoraalka.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka markale cod caqlabiyad ah ku diiday waraaq uga timid xeer ilaaliyaha guud, xeer ilaaliyaha ayaa diiday in uu golaha hor yimaado, waxaana jira xildhibaano ku baaqaya in uu goluhu kalsoonida kala noqdo.
Siciid Deni oo Garoowe ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabila Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland.
Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraad-iyada, masharicda iyo hormarinta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.
Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caal-amiga ah Mudane Daa’uud Maxamed omar (Daa’ud Bisinle), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac abdiraxmaan.
Ururka Xamaas oo farriin u diray Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu
Ururka Xamaas ayaa sheegay in Maamulka Israel aysan heli doonin amniga ay u baahan yihiin, illaa ay ka joojinayaan xasuuqa ay ka wadaan Marinka Gaza.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu bogaadiyay weerarkii gantaal ee ay Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen bartamaha Israel.
Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaalka casriga ah ee ay ku weerareen Israel uu qayb ka yahay dadaaladooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.
Xamaas waxay sheegtay in weerarkan uu jawaab dabiici ah u yahay gardarrada Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.
"Waxaan u xaqiijinaynaa cadowga Sahyuuniyadda ah inaysan heli doonin ammaan ay ku raaxeystaan, illaa ay joojiyaan weerarada naxariis darrada ah ay ku hayaan shacabkeenna ku nool Marinka Gaza.” Ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Tel Aviv u sheegay inay la gudboon tahay in ay joojiyaan dhiigga ay daadinayaan, iyagona muujiyay in dagaalkan aanay ku keli ahayn Falastiiniyiinta oo qura.
Xamaas waxay uga mahad-celisay Xuuthiyiinta, Xisbullah iyo kooxaha dalka Ciraaq taage-eradooda shacabka Falastiin.
Xuuthiyiinta Yemen iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa si weyn uga soo horjeedo dembiyada Israel ka gaysaneyso Gaza, kuwaa oo wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta, inta Israel ay ka soo afjareyso maatida ay xasuuqeyso.
Ururadan ayaa ah kuwa ugu weyn gobolka ee isku dayaya in ay qori caaraddii ku joojiyaan dagaalka Gaza ee galay bishii 12-aad.
Xuuthiyiinta ayaa wiiqay dhaqaalihii Israel, ka dib markii ay go’doomiyeen dekedaha maamulkaasi, iyagoona marinada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku weeraraya mara-akiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda dekedahooda iyo cid kastoo la macaamisha, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.
Xisbullah ayaa sidoo kale caqabad amni ku noqotay Israel, waxa ayna si joogta ah weeraro ugu haysaa waqooyiga Israel.
Ka dib gantaalkii Hypersonic ee ay Xuuthiyiinta ku weerareen Israel, heerkulka gobolka ayaa ah mid sii kordhaya.
Donald Trump oo mar kale ka badbaaday isku day dil ahaa
Hey’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan ku aadan isku day kale oo lagu dili rabay oo daraad galab lala beegsaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in nin 58 jir ah oo lagu magacaabo Ryan Wesley Routh, uu rabay in uu dilo Trump xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.
Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in ilaalada Trump mid kamid ah uu rasaaseeyay ninka weerarka damacsanaa oo laga shakiyay dhaq dhaqaaqiisa, iyadoo ui goobta isaga cararay, waxaana goobta laga soo qaaday qori AK47 ah uu watay.
Laamaha amaanka ayaa baaritaano dheer kadib gacanta kusoo qabtay danbiilaha, waxaana la filayaa in shalay maxkamad lasoo taago ninkan oo hore loo aheegay inuu weerarao kale u geystay.
Israa'iil oo sheegtay in ay ka aargudan doonta kooxda Xuutiyiinta oo gantaal ku dhufatay gudaha dalkeeda
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen "ay eedi doonaan” gantaalkii ay ku rideen bartamaha Israa’iil eek u dhacay gudaha dalkiisa.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel aan cidi deganayn subaxnimadii hore ee maalinkii Axadda, balse firirka gantaalka oo aagga ku daadsanaa ayaa waxa uu muujinayaa in nidaamyada difaaca hawada ay ku guul-darreysteen inay qabtaan ka hor inta uusan gelin hawada Israa’iil.
Waxa ay intaa ku dareen milatarigu in la baarayo sida ay u suuragashay in gantaalku uu gaaro gudaha dhulka Israa’iil.
Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Gantaal loo adeegsado oo ay kooxdaas ku tuurto Israa’iil oo gaarta bartamaha dalkaas meel u jirta qiyaastii 2,000km dalka Yemen.
Ciidamada Difaaca Israa’iil ee magacooda loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay sameeyeen isku dayo badan oo ku doonayeen in ay ku soo ridaan gantaalka Axaddii balse ay qiyaasayaan in uu hawada ku kala go’ay gantaalku.
Xuutiyiinta ayaa waxay sheegteen in howlgalkoodaas ay u adeegsadeen nooc cusub oo ah gantaalaha hawada sare mara, waxaana laga yaaba in warkoodaasi sharraxaad u noqon karo sababta loogu guul dareystay in la qabto ka hor inta uusan ku dhicin gudaha Israa’iil.
Xuutiyiinta ayaa ah koox hubaysan oo Yemen inteeda badan qabsatay ka dib dagaal sokeeye oo dalkaas ka qarxay ilaa iyo haatanna socda, waxayna sheegteen in ay qayb ka yihiin " xooggagga iska caabinta" ee ay Iran hogaamiso ee ka dhanka ah Israa'iil, Mareykanka iyo reer Galbeedka si guud.
Xuutiyiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in weerarkii Axadii ay u qaadeen si ay u garab istaagaan Falasti-iniyiinta, isla markaana ay Israel qorshaha ku darsato talaabooyin kale oo cawaaqib leh inta lagu guda jiro sanad guurada koowaad ee weerarka 7-dii October.
Firirka gantaalka ay tuureen Xuutiyiintu ayaa ku dhacay boosteejo tareen oo ku taal magaalada Modiin, waxa uuna gaystay waxayeelo, sidoo kale waxa uu firirku ku dhacay dhul bannaan oo u dhow garoonka diyaarada ugu wayn Israa’iil ee caalamiga ah ee ku yaalla duleedka Tel Aviv.
Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay sababeen gantaalaha difaaca hawada ee Israa’iil u adeegsato qabashada kuwa lagu soo weeraro.
Netanyahu waxa uu sheegay in weerarku uu muujinayo in Israa’iil ay ku jirto "dagaal furimo badan leh oo ka dhan ah kooxaha tirade badan ee Iran eeu haliilaya inay na baabi’I yaan”.
"[Xuutiyiintu] waxay ahayd inay ogaadaan hadda inaan qiimo culus ku bixinayno sidii aan isaga difaaci lahayn isku-day kasta oo la doonayo in nalagu waxy-eeleeyo," ayuu yiri ra’iisl wasaare Netanyahu.
"Qof kasta oo na soo weerara kama baxsan doono gacanteenu inay gaarto.
"Xamas ayaa hadda casharkas ka baranaysa ficilkayaga ka go’naashaha leh ee horseedi doona burburintooda iyo in ay sii daayaan dhammaan maxaabiista ay haystaan."
Ciidamada Israel ayaa bilaabay olole ay ku sheegeen in ay ku burburinayaan Xamaas kadib weerarkii 7-dii October, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof halka 251 kalena afduub ahaan loogu kaxaystay dhanka Qasa.
Dad tiradoodu gaarayso ilaa 41,206 lix qof ayaa lagu dilay gudaha Qasa tan iyo markii ay Israa’iil bilowday howlgalkeeda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Markani ma ahan markii ugu horeysay ee Xuutiyiintu ay weerar ku qaadaan Israa’iil.
Bishii July, hal nin ayaa dhintay sideed qof oo kalana waa dhaawacmeen ka dib markii diyaarad nuuc aan duuliyaha lahayn ah oo ay leyihiin Xuutiyintu ku dhacday gudaha Tel Aviv.
Sidoo kale, kal hore, gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo loo ganay dhanka Israa’iil balse waxaa qabtay nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, inta la ogyahayna midina ma gaarin Tal Aviv.
Iyada oo taas laga jawaabayo, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa waxay weeraro ku qaadeen magaalo takadeedda Xudeyda ee dalka Yemen, kuwaas oo sababay in dab xoog leh uu ka kaco mid ka mid ah goobaha saliidda lagu keydiyo ee ugu muhiimsan dalkaas.
Xigasho BBC
.halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes
.