halakaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes,,
Ra’iisul wasaare Xamse oo booqasho ugu tagay qoyska AUN Ugaas Cabdullaahi Fara-Cade si uu ula qeybsado xanuunka geerida
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo howlgaliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo howlgeliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta, taas oo fududeeysay.
Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad ee muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.
Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.
Munaasabad daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid iyo madaxa xafiiska Afrika ee hay’adda Boqor Salmaan Relief Center mudane Yaziid Xamuud.
Kulamo muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha oo Beijing kusoo dhamaaday
Mas’uuliyiin iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan wadanka Shiinaha u joogay shirar iyo aqoon isweydaarsi la xiriira isbedelka iyo sida dowladahu u sameyn karaan horumar ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Beijing.
Kulamadan gaar gaarka ah oo u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa barbar socday aqoon kororsi la xiriira sida dalalka soo koraya wax uga baran lahaayeen jidka Shiinaha u soo maray horumarka ay ka gaareen dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyadda.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminayey Agaasime xigenka Madaxtooyada Qaranka mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyadoo ay xubno ka yihiin La-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee arimaha Dastuurka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xubno kale
Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xiriirkoodu haatan gaaray meeshii ugu sareysay, taas oo sii xoojisay safarkii taariikhiga ahaa ee uu Madaxweynaha JFS todobaadkii hore ku tegay Beijing.
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo qalab ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, ayaa qalab koronto oo lagu tababarayo maxaabiista ku jirta jeelasha ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe.
Agaasimaha waaxda Arrimaha Asluubta Wasaaradda Cadaaladda, Maxamuud İsaaq Xasan ayaa munaasabadda wareejinta qalabka ka sheegay in ay muhiimad ballaaran u leedahay maxaabiista in lagu tababaro xirfado ay noloshooda ku horumariyaan oo ay ku shaqeystaan marka ay bulshada ku laabtaan.
Wuxuuna caddeeyay Agaasimuhu in qalabkaan uu qeyb ka yahay qalab lagu barayo maxaabiista xirfadaha biyo gelinta, dhismaha guryaha iyo korontada.
Tababarrada maxaabiista oo qeyb ka ah mashruuca JJCP qeybtiisa horumarinta xabsiyada iyo maxaabiista ayaa horudhac u ah tababarro laga fulin doonaa Xabsiga dhaxe, xabsiga MPCC ee KM7, Xabsiga Baydhabo, Xabsiga Beledweyne, Xabsiga Garowe iyo kan Bosaaso.
Xogahyaha taliska guud ee Asluubta, Gaashaanle Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo Agaasimaha xarunta Farsamada ee Xabsiga dhexe, Cabdulle Xasan Nuur oo qalabka la wareegay ayaa Wasaaradda uga mahad-celiyay dedaallada horumarinta xirfadaha maxaabiista, waxayna codsadeen in la joogteeyo si loogu faa’iideeyo maxaabiista.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan lagu dhiiragalinayo dagaalka al-shabaab la qaatay saraakiil ka tirsan XDS
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shalay gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Al-shabaab looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.
Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka iyo Saraakiil kale.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Al-shabaab looga xorreyn lahaa goobaha yar ay kaga hareen gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa cashirradii loo dhiggay Al-shabaab.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay degaanka Jannaay Cabdalla
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa soo af-jaray koox Al-shabaab ah oo doonaysay in ay dhibaateeyaan dadka deegaanka.
Ciidanka ayaa weli wada baacsiga firxadka Al-shabaab soo dulaan tagtay, sida ay saraakiisha howlgalka hoggaamineysa u sheegeen warbaahinta Qaranka.
Ciidanka xooga dalka iyo Darawiishta Jubbaland ayaa indhowaalaba howlgallo baaxad leh oo lagu ciribtiraya al-shabaab ka waday degaanno badan oo hoos taga Jubbaland.
Wasaaradda Awqaafta XFS oo Beledweyne ka billowday wacyi gelin ka dhan ah al-shabaab
Culimaa’udiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimah Diinta ee XFS ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne waxay u qabateen kulan ku saabsan ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka.
Sheekh Axmed Nuur Cabdulaahi oo ka mid ahaa Culimaa’udiinka halkaasi ka hadashay ayaa sheegay Al-shabaab in ay yihiin dad aan xeerin walaalnimo ehelnimo iyo sokeeye toona, bulshaduna aysan u kala soocneyn.
Wuxuu sheegay in aysan Diintu ahayn mid dadka farta in guryo laqarxiyo, dad aan waxba galabsan oo maata ah la laayo, in dhiig Muslim ladaadiyo iyo in Ummad la argagaix geliyo toona, basle waa mid naseexa iyo naxariis, isagoo si weyn u dul istaagay dhibaatada ay leeyihiin ficilladaasi iyo waxa ka dhalan doona maalinta qiyaamaha.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS ayaa in dhowaalaba ka wadday gobollada dalka wacyi gelinno ku aaddan sidii bulshada looga waanin lahaa fikirta xagjirnimada gacan ka hadalka wat aiyo ficillada al-shabaab.
Guddoomiyaha SoDMA oo Turkiga iyo Bangiga Adduunka ugu mahad celiyay taageerada hay’adda maaraynta musiibooyinka
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray dardar gelinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka howlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si wayn uga mahadceliayay Dowladda Turkiga iyo Bangiga Adduunka oo malmamihii lasoo dhaafay bixinayay tabararro kala duwan oo kor loogu qaadayay aqoonta hawl-wadeennada Hay’adda Maaraynta.
Kulanka joogtada ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimay-aasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya iyo Jabuuti oo kali ahi ay kasoo horjeedaan isafahanka ay Itoobiya la gaadhay
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kali ahi ay kasoo horjeedaan is-afgaradka ay la saxeexatay Itoobiya.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dowladaha Urur Gobol-eedka IGAD anay kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Somaaliya iyo Jabuuti.
"Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, waxa kale oo kasoo horjeeda dalka Jabuuti, Madaxweynaha Jabuuti, dalkale oo kasoo horjeeda male, 7 dowladood ayaa IGAD laysku yidhaah daayo, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.
Waxa uu sheegay in Shirkii Shiinaha iyo Afrika uu Raysal Wasaaraha Itoobiya ka sheegay in heshiisku uu soconayo, inkasta oo dowlada Shiinuhu anay ku faraxsanayn heshiiskana, waxa uu sheegay in anay ka hadal.
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in la dhamaystiray heshiiska, isla markaana dhawaan qalinka lagu duugi doono, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, D.R. Ciise Kayd Maxamuud uu dhawaan u sheegay dibulumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Somaliland.
Kadib is-fahanka Somaliland iyo Itoobiya, waxa kasoo horjeedsaday dowlada Soomaaliya oo iyadu xadgudub lagula kacay u aragta, sidookale urur dowladeedyada gobolka iyo Midowga Yurub, Maraykanka iyo Jaamacada Carabta ayaa diidmo ka muujiyay heshiiska.
Itoobiya: Dowladda Soomaaliya ma awooddo inay si hufan uga shaqeyso meel ka baxsan gobolka Banaadir
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika, Nebiyu Tedla, ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ku aaddanaa in Soomaaliya ay taageerayso Xooggaga Mucaaradka Itoobiya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Nebiyu ku tilmaamay hadalka wasiir Fiqi mid majaajillo ah, wuxuuna ku eedeeyay inuu danaha qabiilka ka hormarinayo horumarka qaranka.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay Soomaaliya inay inay xiriir la sameynayso jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya haddii Itoobiya ay sii waddo heshiiska ay la gashay Somaliland.
Nebiyu ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Waa wax lagu qoslo in la arko xubno Al-Shabaab ah oo iska dhigaya mas'uuliyiin dowladeed, kuwaas oo aan awoodin in ay si hufan uga shaqeeyaan meel ka baxsan Banaadir.
Xurgufta diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa saamayn ku yeelan karta dadaalada diblumaasiyeed ee loogu jiro in lagu xalliyo xiisadda labada dal.
Durba, hadalada xanafta leh ee labada dal isku marinayaan saxaafadda ayaa loo maleynayaa inay sabab u yihiin baaqashada wada xaajoodkii saddexaad oo la filayay in magaalada Ankara lagu qabto 17ka bishaan September. Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadiye ka ah wada hadalkan weli wax war ah kamasoo saarin baaqashada shirka.
Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxyadii Degmada Kaxda
Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, sideed kalena ay ku dhaawacantay laba qarax oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa hore ayaa Dalcadda Kaxda lagu la beegsaday dhallinyaro la sheegay inay isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, halkaasna ay damaashaad u joogeen.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labaad lala eegtay Saraakiisha Ciidamada Booliska ee goobta u yimid gurmadka dhallinyaradii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii koowaad.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in labada qaraxba ay ahaayeen miinooyin ay goobta ku sii diyaariyeen kooxaha argagixisada.
"5-tii galabnimo ayay Al-shabaab geliyeen meeshii dhallinyarada ay ku dalxiiseysay miino soo booddo ah, ka bacdi markii laamaha ammaanku ay soo gaareyna mid labaad ayay qarxiyeen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo VOA la hadlay ayaa yiri "Haddaba, sidii ay dhagarta u maleegeen Ilaahay shacabka Soomaaliyeed waa uga nabadgeliyay.”
Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in illaa shan qof ay ku dhinteen qaraxyada, sideed kalena ay ku dhaawacantay.
"Meeshaasi saldhig degmo, xarun degmo iyo bar kontorool kama dhawo. Waa meel dalcadda degmada ah oo caadi ah, welibana deegaana ma ahan oo xitaa xaafado ma degano. Waa meel caadi ah oo laamiga ku taalo oo dhallinyarada shaaha ku cabaan oo qurux badan oo dalcad ah oo cagaaro ay soo raacaan waaye.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Waxaa jira warar sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan yahay toban qof, iyadoo Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoo-miyaha Degmada Kaxda uu sheegay inay suurtagal tahay in khasaaraha uu ka bato, inta ay ka warqabaan.
"Xoguhu waa is bedeli karaan, meeshana waa goob ay dad badan joogeen. Khasaaruhu inuu yaryahay ayaan ognahay, waxna waa is bedeli karaan.” Ayuu sii raaciyay Gudoomiyuhu.
Dalcadda Kaxda oo ku taala Waaxda 1aad ee degmadaasi ayaa waxaa xilliyada galbihii muuqaalo isaga qaada dhallinyarada u damaa-shaadka tagta degmadaasi.
Maalmaha fasaxa iyo maalinta Jimcaha oo dadku ay shaqooyin-koodu ka nasanayaan ayaa waxaa halkaasi soo booqda shacab fara-badan.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, marka laga soo tago in si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.
Qoor qoor iyo Deni oo ka qeyb galay shirweynaha sare u qaadida nabadaynta Mudug
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si wadajir ah magaalada Gaalkacyo ugu qeyb galay shirweynaha sare u qaadida nabadaynta Gobolka Mudug.
Shirkan oo muhiim u ahaa nabadaynta gobolka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada, dhallinyarada, iyo haweenka.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay hogaamintiisa iyo doorka firfircoon ee uu ku lahaa dadaalada lagu xasilinayo Gobolka Mudug, sidoo kalena mudnaan gaar ah siiyay in la xalliyo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya beelaha wada dega Gobolka Mudug, magaalada Gaalkacyana ay noqotay magaalo nabdoon sanadihii la soo dhaafay is bedel amni oo weyn ku tallaabsatay, taasoo u sabab aheyd xasilloonida maamul ee Galmudug iyo wada shaqeynta dhow ee u dhaxeysay labada maamul Galmudug iyo Puntland.
Waxaa kale oo shirka lagu gaaray heshiisyo nabadeed oo waaweyn, kuwaas oo lagu adkeeyay joojinta colaadaha iyo dib u bilaabidda wadahadalladii nabadaynta, in la xoojiyo iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.
Wajigii saddexaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara oo baaqday
Wajigii 3aad ee wadahadalada Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee loo ballansanaa 17-ka Sebtembar, ayaa dib loo dhigay, lamana oga sababta.
Baaqashada shirkaan ayaa kusoo aadday iyadoo labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanafleh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka Ankara.
Labada dal ayaa horey heshiis ugu gaari waayay wajigii labaad iyo wajigii koowaad ee wadahadalada Ankara, inkastoo dowladda Turkiga ay sheegtay inay jiraan iskusoo dhowaansho labada dhinac ah.
Laakiin Soomaaliya ayaa caddaysay in aysan marnaba ka tanaasulin in Ethiopia ay ka laabato heshiiska marin biyoodka ah ee ay la gashay maamulka Somaliland.
Maalmo ka hor, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wadashaqayn la yeelan doonto jabhadaha Gooni-goosadka ee ka jira dalka Ethiopia, haddii aysan Ethiopia ka laaban heshiiska xadgudubka ku ah qaranimada dalkeeda.
Ethiopia waxay dhankeeda walaac xooggan ka muujisay saamaynta Masar ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay madaxda Soomaaliya inay cadowga Ethiopia la galeen iskaashi dhinaca difaaca ah. Ethiopia waxay ku adkaysatay inay difaacayso heshiiska ay la gashay Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in ay burburaan wadahadalada uu Turkiga garwadeenka ka yahay, taasoo kor usii qaadi karta xiisadda labada dal.
Dowladda Soomaaliya waxay horey ugu hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin waawayn haddii ay Ethiopia ay kusii socoto ku xadgudubka dhulkeeda.
Xoogaga Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday bartamaha Israel
Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa weerar gantaal ku qaaday gudaha Israel, iyadoo seeriga digniinaha laga maqlay magaalooyin ay ku jirto Tel Aviv.
In ka badan laba milyan oo Israeliyiin ah ayaa saaka raadsaday gabaad, ka dib markii dhawaqa digniinaha laga maqlay qaybo badan oo bartamaha Israel ah.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hannaanka difaaca hawada uu ka hortagey gantaal laga soo tuuray dalka Yemen, balse firir ka dhashay weerarka ayay sheegeen inay ku soo dhaceen maxadada tareenada ee Modi’in.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay weerarka gantaal ee lagaga soo qaaday dhanka dalka Yemen.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in firirku uu waxyeeleeyay mid ka mid ah jarjarooyinka wiishka korontada ku shaqeeya ee xarunta tareenada laga raaco iyo weliba goob ganacsi oo ku dhex taala xaruntaasi.
Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay goobta ka qaadeen sagaal qof oo qaba dhaawacyo fudud.
Adeegga MDA ayaa sheegay in dadkan ay ku dhaawacmeen is buurasho ka dhalatay, intii ay u cararayeen goobta gabaadka ee gantaalada laga galo.
Weerarka ayaa sidoo kale sababay dab ka kacay meel bannaan oo ku taala bartamaha Israel. Warbaahinta Israel ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya Shaqaalaha Dab-Demiska oo ku howlan baqtiinka dabkaasi.
Hizam Al Assad oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaalka uu ahaa mid xoog badan, oo ka gudbay dhammaan difaacyada Israel, isla-markaana uu ku dhacay aag militari oo ku yaala Lod oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Tel Aviv.
Hizam Al Assad ayaa shacabka Israel ugu baaqay inay si taxadar leh galabta u dhageystaan warka ay ka soo saari doonaan weerarkaasi, isla-markaana ay sugaan gantaalo kaloo hor leh.
Nasruddin Amer oo ka tirsan Xafiiska Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa isna sheegay in gantaalkoodu uu gaaray bartamaha Israel, ka dib markii illaa 20 gantaal ay ku guuldareysteen sida uu yiri inay qabtaan.
Xuuthiyiinta oo qoraal ku baahiyay Telegram-ka ayaa sheegay in Afhayeenka Militariga, General Yahya Saree uu faah faahin ka bixin doono hawlgal si qoto dheer loogu beegsaday bay yiraahdeen Sahyuuniyadda.
Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in weerarka loo adeegsaday gantaal cusub, kaas oo ay u suurtagashay inuu ka baxsado nidaamka difaaca hawada ee Israel.
Tani ayaa xoojisay walaacii ay Israeliyiintu ka muujinayeen xaaladda amni ee Israel ee ka dhalatay duulaanka ay Ciidamada Israel ku qaadeen Marinka Gaza.
Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo laga baqdin qabo dagaal buuxa oo haatan ka dhex qarxa Israel iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Bariga Dhexe oo mar kale qarka u saaran isku dhac ballaaran
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa u muuqato mid mar kale sii kaba lacleysay, ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in la weeraro Xoogaga Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.
TV-ga Channel 13 ee Israel oo soo xiganaya xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu go’aan ku gaaray in la weeraro Ururka Xisbullah, ka dib markii ay kordheen gantaalaha ay dhinacyadu isku weydaarsanayaan deegaanada xuduudda ee labada dal.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin in la ballaariyo hawlgalka jiidda waqooyi, iyadoo markaas dagaal lala gelayo Xisbullah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay in Israeliyiinta barakaca uga maqan waqooyiga Israel lagu soo celiyo guryahooda. Illaa boqol kun oo Israeliyiin ah ayaa ku barakacay xiisadda xuduudda.
Kuxigeenka Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa ka digay duulaan ballaaran oo Israel ku soo qaaddo dalka Lubnaan, kaas oo keeni doona buu yiri khasaare ballaaran oo labada dhinac ah iyo barakaca boqolaal kun oo shacabka Israel ah, sida uu yiri.
Naim Qassem ayaa sheegay in Xisbullah aysan dooneyn dagaal toos ah oo labada dal ah, balse haddii Israel ay duulaan ku soo qaaddo dalkaasi ayuu sheegay in ay jawaab adag ka bixin doonaan.
Waxa uu sheegay in dagaal noocan oo kale ah aanu horseedi doonin in guryahooda ay ku soo laabtaan dadka barakaca ku maqan, balse ay Israeliyiintu kala kulmi doonaan barakacin kaloo baahsan.
"Waxaan diyaar u nahay dagaal ay ku barakacaan boqolaal kun oo kale, annagoo goor hore ka digayno in taasi ay dhacdo.” Ayuu yiri Naim Qassem.
Naim Qassem oo ka hadlayay Caasimadda Beirut ayaa si adag uga digay duulaan kasta oo ka dhan ah dalkooda, haddii kalena ay xaaladdu noqon doonto mid aan la xakameyn karin.
Naim Qassem ayaa ku celiyay in Xisbullah aanay ka noqon doonin mowqifkeeda ah in la sii wado gantaalaha ay ku garaacayaan deegaanada waqooyiga Israel, taas oo uu sheegay inay jawaab u tahay weerarada arxan-darrada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
"Xisbullah waxay sii wadi doontaa taageerada dadka Lubnaan ee Gaza, illaa inta uu dagaalku ka socdo Gaza.” Ayuu yiri Naim Qassem.
Inkastoo Xisbullah iyo Israel ay gantaalo is dhaafsanayeen, tan iyo 8-dii bishii October, haddana xiisadda labada dhinac ayaa xoogeysatay, ka dib weerarkii xagga cirka ahaa ee ay Israel 30-kii bishii July ku dishay Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fuad Shukr.
Labada dhinac ayaa 25-kii bishii August ku sigtay dagaal toos ah, ka dib duqaymo aan caadi ahayn oo ay is weydaarsadeen, iyadoo Xisbullah ay garaacday illaa duleedka Magaalada Tel Aviv. Diblomaasiyadda oo xilligaasi shaqeysay ayaa sahashay in xiisadda la xakameeyo.
Xisbullah oo xulafo la ah Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa si weyn uga soo horjeeddo weerarada ay dadka faraha badan ku dhimanayaan ee ka socdo Gaza.
Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa 25-kii Augsut ku adkeystay inaysan joojin doonin weeraradooda waqooyiga Israel, inta ay socoto buu yiri gardarrada Israel ee Gaza.
Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in warka laga soo xigtay xafiiska Netanyahu, hadalka Wasiirka Difaaca iyo jawaabta Xisbullah ay gobolka ku sii dhaweynayso isku dhac ballaaran.
Netanyahu ayaa la sheegaya in uu u baxsanayo dagaal buuxa oo ka dhan ah Xisbullah, inkastoo Mareykanku uu diidan yahay dagaal ceynkaasi oo kale ah.
Wararka ayaa sheegaya in Netanyahu uu doonayo in xiisadda labada dhinac loo bedelo dagaal goboleed, oo ay qayb ka yihiin Mareykanka iyo Iran.
Iran ayaa horey uga digtay in Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaaddo dalka Lubnaan, waxayna Tehran sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay Xisbullah.
Cabsida hadda ka jirta gobolka waa in dadku ay ka baqayaan in gobolku uu isla qarxo, taasna ay cawaaqib ba’an ku yeelaneyso Bariga Dhexe.
Qoyska laga raadiyay DNA-da ee laga helay Somaliland – akhriso sheekadda Linda Ewack
Linda Ewack waxay ku kortay magaalada yar ee Saskatchewan ee dalka Canada, iyadoo marwalba dareemaysay inaysan ku dhex milmin bulshada ay la nooshahay. Carruurta ay la kortay marna kuma aysan qanacsaneyn, waxaana had iyo jeer laga dareemi jiray qanaaco la'aan ay la kulanto.
Markii nalalka la damo, waxay carruurta kale u sheegi jireen inay dhoola caddeyso, iyagoo ka maadeysanaya farqiga u dhexeeya ilkaheeda iyo maqaarkeeda madow. Linda waxay ahayd gabar ka madoobeyd kuwa kale ee ay la joogtay Ocean Man First Nation, laakiin waxay ogayd in maqaarkeedu ay ka dhaxashay hooyadeed.
Hooyadeed waxay u sheegtay inay qeyb ahaan madow tahay, balse xogtii aabbaheed ay aad u koobneyd, waxayna kaliya ogaatay in aabbaha lagu naanaysi jiray "Jimmy," iyadoo malaysay inuu kasoo jeedo Jamaica, maadaama uu lahaa saaxiibo badan oo halkaas ka yimid.
Iskuul ay ka dhiganeysay magaalo yar oo miyi ah, ayay mar kale kala kulantay fikrado aan wanaagsaneyn oo ka dhan ah dadka madowga iyo Muslimiinta, gaar ahaan wixii ka dambeeyay weerarkii argagixiso ee 11-kii Sebtember 2001. Intii ay soo koreysay, aqoonsigeedu wuxuu ku koobnaa madow ahaanshaheeda, laakin aysan si gaar ah u aqoonsan meel gaar ah oo ay ka soo jeeddo. Waxay sidoo kale la qabsatay dhaqamada iyo xafladaha asalka ah ee hooyadeed, taasoo qayb ka noqotay nafteeda iyo xiriirka hooyadeed.
Inkasta oo ay hooyadeed jeclayd, haddana waxay dareemaysay in aysan u qalmin jacayl buuxa, sababtoo ah aabbaheed wuxuu uga tagay sidii qof aan qiimo lahayn. Linda marnaba ma qiyaasi karin in raadinta xiriirkeeda Afrika ay buuxin lahayd god weyn oo ku jiray nolosheeda.
Baaritaanka DNA iyo natiijadii lama filaanka aheyd.
Bishii Diseembar 2022, Linda waxay sameysay baaritaan DNA iyadoo adeegsanaysa 23andMe, taasoo bedeshay nolosheeda. Markii ay furatay teleefoonkeeda si ay u eegto natiijada, waxay ogaaday inay boqolkiiba 49 Itoobiyaan tahay. Falcelinteedii ugu horreysay waxay ahayd qosol, maadaama hooyadeed aysan wax badan ka ogeyn aabbaheed. Marka ay sii baartay xogta, waxay sidoo kale ogaatay inay leedahay gabar walaal ah oo aysan waligeed ka warqabin. Qosolkii ayaa isku beddelay ilin dareen leh.
Walaasheed waxay ku dhalatay Regina laakiin waxay ku nooshahay Toronto. Waxay haysay xog badan oo ku saabsan aabbahood oo magaciisu ahaa Jimcaale, balse lama yaqaan halka uu ku sugan yahay. Kadib markay is barteen, waxaa soo wacay wiil ay ilma adeero yihiin oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska, taasoo sii ballaarisay aragtideeda qoyska.
La kulanka qoyskeeda cusub
Ewack, in a pale pink head covering, standing at centre, met cousins, uncles, aunts, grandmother as well as her half-sister on a 2023 trip to Africa. (Submitted by Linda Ewack)
Maalmo kadib waxaa mar kale telefoonka kasoo wacay wiilkii ilma adeerada ahaayeen, kaas oo u sheegay inay leeyihiin awoowayaal, eedooyin, abtiyaal iyo adeero badan.
Inkastoo ay weyday fursad ay ku la kulanto aabbaheed oo xanuunka COVID-19 u geeriyooday labo sano kahor, haddana Linda waxay ogaatay inay leedahay qoys dhammeystiran oo ku nool Somaliland. Qoyskeeda ayaa u iibiyay tigidh ay ku tagto Somaliland si ay ula kulanto ehelka aabbaheed. Markii ay gaartay halkaas, waxay si degdeg ah u aqoonsatay walaasheed, oo ay u aragtay qofka ugu quruxda badan oo aad ugu ekayd iyada.
Linda waxay ku nooleyd waayo-aragnimo cusub oo ay la kulantay qoyskeeda. Dareenkeedii lumay ee ku aadanaa quruxda nafteeda ayaa soo celiyey markay la kulantay walaasheed iyo ehelkeeda. Waxay ogaatay in ay tahay qof muhiim ah oo qurux badan, oo mudan jacayl iyo qiimeyn.
Socdaalkii ay ku bilowday baaritaanka DNA-da ayaa u horseeday in Linda hesho aqoonsi buuxa oo nafteeda ah. Waxay hadda nafteeda u aragtaa mid dhan, iyada oo ka koobmaysa asalkeeda madow iyo dhaqamadeeda asalka ah. Dhibaatooyinkii ay soo martay iyo dhaawacyadii jireed iyo maskaxeed ee ay la kulantay, ma aysan joojin in ay hesho qoys jacayl iyo taageero buuxa ku siinaya. Socdaalkaan wuxuu baray Linda in qoyska iyo aqoonsigu ay yihiin kuwo laga heli karo meelo kala duwan, oo mar walba dib loo dhisi karo.
GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka
Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaais, kuwaas oo la qaadanayo saraakiisha ciidanka Xoogga.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa uu ka bilaabay Balcad uu la xiriiro abaabula dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo furi lahaa waddada dheer ee Jowhar.
"Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah ula shiray Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Genaral Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta, wuxuuna dhammaantood kala hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Inta badan kulankan waxaa looga hadlay sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.
"Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle oo shirka hadlay
XigashoCaasimada Online
halakaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes,,
,,