halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtimes
Raysal wasaare Xamse: Ciidamada Shisheeye way baxayaan dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa masuul ka ah amniga dalka
Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay Soomaaliya in ay diyaar u tahay bixitaanka ciidamada ATMIS. Wuxuu sheegay in dowladdu sameysay qorshe si loo hubiyo in amniga dalka aanu hoos u dhicin marka ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso masuuliyadda amniga dalkeeda, isagoo sheegay in aan marnaba la ogolaan doonin in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iidaystaan fursad kasta.
Wuxuu tilmaamay in todobo kun oo askari oo katirsan ATMIS ay horey u baxeen Soomaaliya, waxaana masuuliyadaha amniga deegaanadaas la wareegay ciidamada Soomaaliyeed.
"Miyaad maqasheen meelihii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, Shabaab ayaa dib u qabaday, waa maya. Waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay nagu kalsoonaadaan, oo ay ogaadaan inaan annagu masuul ka nahay amnigooda, una ogalaan doonin in Shabaab u yimaadaan oo ay bir bireeyaan,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka taagan yihiin xiisado ka ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro degaanadooda, taasoo hoos u dhigtay wada shaqaynta dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray terminalka garoonka Baydhabo oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray Terminalka Garoonka magaalada Baydhabo oo la keenay qalab casri ah, kaas oo la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah.
Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.
Wasiirka Arrimaha Dibedda oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda J.F.S ee Caasimadda Qaahira, Wasiirka ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee baaxadda leh ee Safaaraddu u hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiirku waxaa uu kulan wadareed la qaatay Diblomaasiyiinta iyo howl wadeennada kale ee Safaaradda, isagoo warbixin dhinacya badan taabanaysay ka dhegeystay Safiirka iyo Howlwadeenada.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada ay Safaaraddu u hayso Qaranka, waxa uuna Mas’uuliyiinta Safaaradda kula dardaarmay in ay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay taageeridoonto jamhadaha gooni-goosadka Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay taageeri doonto jamhadaha gooni-goosadka Itoobiya, haddii Itoobiya aysan si degdeg ah uga laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.
Wasiirka ayaa ku andacooday in haddii Itoobiya ay sii wado faragalinteeda iyo heshiisyada ay la gashay kooxaha gooni-goosadka, in Soomaaliya ay qaadi doonto talaabooyin uu ku tilmaamay "kala gurasho."
Wuxuu sheegay Soomaaliya in aysan doonaynin burburka Itoobiya, balse haddii faragelinta ay sii socoto, ay Soomaaliya fursad u haysato inay cilaaqaad la sameyso jabhadaha Itoobiya.
"Annagu hadda Itoobiya burburkeeda dooni mayno, wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin, haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah, waa waddo noo furan inaan cilaaqaad la samaysano jamhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in ujeedada Itoobiya aysan ahayn in deked laga siiyo badda Soomaaliya, balse ay dooneyso inay qaadato qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed.
"Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka, ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda," ayuu Wasiir Fiqi intaa ku daray.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay yeelatay ciidan badeed oo ujeedkoodu yahay inay awood ciidan kula wareegaan qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee kuyaala meelaha dunida ugu istaraatiijiyadsan.
Wasiirka Batroolka oo sheegay in qodista shidaalka Soomaaliya ay bilaabanayso bisha Abril 2025
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in bisha Abril ee sannadka soo socda ay dowladda Turkiga si rasmi ah uga bilaabi karto Soomaaliya qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay soo saarista shidaalka in ay tahay meesha ay Soomaaliya ay uga bixi karto faqriga dalkeeda, korna loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka. Wuxuu sheegay dowladda Turkiga inay si dardar leh ku waddo inay muddo kooban kusoo gababagayso shaqada ka horraysa qodista.
Wasiirka Batroolka wuxuu sheegay meelaha laga sameynayo shidaal baarista in ay yihiin 13 xirmo oo kuyaala gudaha badda. Balse, wuxuu sidoo kale tilmaamay inay jiraan shirkad laga leeyahay dalka Qatar oo ay heshiis dowladda kula gashay inay shidaal ka baarto saddex goobood oo dhinaca barriga ah oo ay kamid tahaydegmada Afgooye.
Wuxuu sheegay wasiirku, in dowladdu illaa afar shirkadood ay heshiis kula gashay shidaal baarista badda gudaheeda ah. Meelaha shidaalka laga baarayo waxa uu sheegay inay kala yihiin, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Wuxuu sheegay badda Soomaaliya inay kuyaalaan in ka badan 200 xirmo oo la filayo inuu shidaal ka buuxo. Wuxuu sheegay in aan weli lagu samaynin wax sahmin ah, sababtuna ay tahay walaaca dhinaca ammaanka iyo khilaafaadyada dalka jira.
Guddoomiye Yabooh oo xarigga ka jaray waddo interlock la saaray
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shalay Xarig-jaray waddo Interlock oo laga hirgeliyay inta u dhaxeysa Waddada 30-ka illaa Waddada Wadnaha (Suuqa Xararyaale) ee degmada Warta Nabadda.
Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey ayaa sheegtay in Maamulka degmada oo kaashanaya bulshadiisa ay u suura-gashay in ay hirgeliyaan waddadaan, iyadoona xustay in ay sii wadi doonaan isku tashiga bulsho ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka degmada Warta Nabadda.
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku ammaanay Maamulka iyo Shacabka degmada Warta Nabadda sida ay ugu qeyb qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska magaalada, taasi oo qeyb ka ah buu yiri Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Mudane Ali Dahir Eid, oo dhawaan u joogay Muqdisho howlo shaqo, ayaa la kulmay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha waxbarashada, dhoofka xoolaha nool, iyo horumarinta biyaha.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Safiirka shaqada qiimaha badan ee uu hayay iyo mashaariicda ay Hay’adda King Salman ka waddo guud ahaan dalka, gaar ahaan Galmudug.
Mashaariicdaasi waxaa ka mid ah taageerada biyaha, gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyo dhismaha iyo dayactirka goobaha cibaadada.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo.
Wafdiga Madaxweynaha oo manta gaaray magaalada Gaalkacyo waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,maamuka degmada iyo dadweyne aad u fara badan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in safarkooda uu la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa shaqaaqooyin dhowaan dhexmaray dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo .
Wafdigaan oo maalmahaan waday dadaal nabadeed,waxaana la filayaa in heshiis ay dhexdhigaan beelaha wada dega bariga iyo galbedka Gaalkacyo oo dhowaan ay dhexmareen falal dil ah oo salka ku haya aano qabiil.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo shalay ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaa dagaalka ciribtirka Khawaariijta ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin muhiim ah oo ku saabsan waxbarashada heerarka aas-aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed ka dhageystay Wasaaradda Waxbarashada, si loo horumariyo tayada waxbarashada dalka.
Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka
Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Meertada 10aad ee shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka, kaas oo ka socda magaalada Yerevan ee dalka Armenia.
Mawduucyada sanadkan shirka looga doodayo waxaa kamid ah:
1- Waxbarashada iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.
2- Ka hortagga marin-habaabinta dhalinyarada.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku metelaya Xildhibaan Abdirizak Adam Warsame (Xusul), Senator Ayan Adan Abdullahi, iyo Senator Saed Abdi Hussei.
Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa dhalinyarada ka tirsan baarlamaanada adduunka isku soo ururiya si ay u falanqeeyaan mowduucyo muhiim ah oo saameyn ku leh dhalinyarada.
Hay’adda SoDMA oo kala wareegtay Shiinaha 1,300 Tan oo gargaar raashin ah
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shalay munaasabad kooban oo ka dhacday Bakhaarrada keydka SoDMA waxa uu Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna Wang Yu, kala wareegay gargaar raashin ah oo ka badan 1,300 oo tan.
Gargaarkaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee xaaladaha adag wajahaya, looguna diyaar garoobo abaarta la saadaalinayo ee La Niña, mana ahan markii ugu horresay ee Dowladda Shiinaha gargaar kan lamid ah ay soo gaarsiiso Soomaaliya.
Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda la wareegidda rashinkan ayaa uga mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya gargaarkaan, iyo sida ay marwalba u dhowraan ilaalinta madaxbannaanida dalkeenna.
Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inuu guddoomiyaha uga mahad-celinayo dadaalkisa u gurmashada shacabka, isaga oo xusay in waqti walba u taaganyihiin caawinta walahooda Soomaaliyeed.
Afhayeenka ONLF " Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Itoobiya, waxaanu u aragnaa mid daandaansi ah"
Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadal dhawaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Itoobiya Birhanu Julla uu yahay mid daandaansi ah isla markaana aan la aqbali karin.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay Ururka ONLF ku riixayso Dowladaha ay is hayaan, isla markaana ay sheegtay Dowladda Itoobiya in Ururo ay kamid tahay ONLF ay ka dambeyso Dowladda Masar oo ay is hayaan Dowladda Itoobiya.
Caddaani Hirmooge oo ka hadlayay heshiiska ay wada galeen iyaga iyo Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in wakhti haatan laga joogo lixsano uu Ururka ONLF heshiis nabadeed la galay Dowladda Itoobiya, ilaa shalayna ay heshiiskaan ku joogaan, iyadoo ONLF ay halgankeedii si sharci ah ay uga wadato gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan Degaanka Soomaalida.
"Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin," ayuu yiri Afhayeenku.
Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la sheegay in Taliyaha Ciidanka Itoobiya Janaraal Birhanu Julla uu hadal uu jeedinayay ku sheegay in Ururo ay ku jirto ONLF ay ka dambeyso oo ay caawinayso Dowladda Masar.
Maxay ka wada hadleen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Safiirka Norway?
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya Danjire Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari.
Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn waxa uu uga maadceliyay Safiirka taageerada dowladda Norway ay ka geeysato horumarinta kaabayaasha HSJ. Waxa uu sidoo kale uga warbixiyay isbedalada dhanka horumarka la sameeyay iyo Qorshayaasha horutebinta u leh Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Safiirka dowlada Norway mudane Carsten Carlsen ayaa uga mahadceliyay dhankiisa soodhawaynta loo sameeyay waxa uuna balan qaaday in ay sii labo jibbaarayaan taageerada dowlada Norway ku bixiso HSJ, isla markaana ay sii xoojinayaan wadashaqaynta togan ee kala dhaxaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Siihayaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya oo si rasmi ah xilka ula wareegay
Siihayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya, Mudane Farhan Abdi Gurhan, ayaa shalay xilka si rasmi ah ugu wareejiyay siihayaha cusub ee Safaaradda, Mudane Daahir Mohamoud Muse.
Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta safaaradda ee caasimadda Dimishiq, ayaa waxaa ka soo qeyb galay diblomaasiyiin iyo shaqaalaha safaaradda.
Mudane Farhan ayaa khudbad uu ka jeediyay goobta ku sheegay inuu ku faraxsan yahay howlihii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii wado horumarinta adeegyada safaaradda.
Jaamacadda Carabta oo ugu baaqday dowladda Itoobiya inay ka fogaato falalka wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir-gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ka socday dalalka Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
Kulanka ayaa ahaa mid ay ka qeyb galeen wasiirada ka socda dalalka Sucuudiga, Baxrayn, Mauritania, iyo Masar, iyadoo sidoo kale ay joogeen Safiirka Djibouti iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.
Doodda kulanka ayaa lagu saaray sidii loo horumarin lahaa midnimada Carabta iyo taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xoojiyo ilaalinta madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Kooxda wada shaqeynta ee Wasiirada Carabta ayaa si cad u muujisay taageeradooda buuxda ee Soomaaliya, iyagoo si wadajir ah u diiday isku dayo kasta oo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo qaranimada Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sidoo kale ugu baaqay waddamada dariska, gaar ahaan Itoobiya, inay ka fogaadaan falalka wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya iyo qaranimadeeda.
Kulanka ayaa si gaar ah u diiday Heshiiska Is-fahamka ee Itoobiya (MoU), taas oo lagu sheegay qoraalka rasmiga ah ee Guddiga Carabta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u taageeraan madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ku saleynaya mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta la’aanta iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed.
Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo shalay ka dhacay gobolka Mudug
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed galinkii hore ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Dagaalka oo qarxay waabarigii hore ee shalay ayaa qaatay saacado badan, kaaso ka dhacay tuulo lagu magacaabo Buq oo u dhaw deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyay ilaa 15 ruux oo isugu jira labada dhinactada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux oo kale.
Dagaal beeleedkaan shalay dib uga qarxay gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan labadaan beelood la dhex dhigay heshiisyo nabadeed, hayeshee heshiisyadaasi maysan noqon kuwa guuleysta maadama colaadoodu u dib u qarxay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo goobahii shalay lagu dagaalamay, islamarkaana maleeshiyaadka labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan meelahii ay ku dagaalameen.
Waxgaradka labada beelood ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan iney ku kala qaadaan labada ciidan ee is horfadhiya, waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen maamulka Galmudug iney qaadaan talaabooyin lagu joojinaayo dagaalka khasaaraha badan geystay.
Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa bilihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa dagaalbeeleedyada dhex mara qaar ka mid ah beelaha wada dega labadaas gobol.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay Natiijadii Imtixaanka fasalka 12aad ee ay ku dhaceen intii badnayd ardayda Degaanka Soomaalida
Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa ka hadlay Tayada Waxbarashada Degaanka Soomaalida, ayaa isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Natiijadii Imtixaanaadka ee dhawaan laga shaaciyay Dugsiyada Waxbarashada dalka Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn sheegay in Natiijadii dhawaan la shaaciyay ee fasalka 12aad aysan ku koobnayn Degaanka Soomaalida, balse si guud ay uga jirtay dalka Itoobiya isagoo Madaxweynuhu qeexay inay arrintani sabab u ahayd is baddalkii lagu sameeyay qaabka loo qaadi jiray Imtixaanaadka 12aadka, oo muddo dhow loo baddalay in lagu qaado Jaamacadaha dalka Itoobiya, si looga hortago qishka.
Imtixaanka fasalka 12aadka ee sannadkan ayaa si guud waxaa u fadhiistay 647,000 oo Arday, waxaana baasay 5.4%, Marka loo yimaaddo Degaanka Soomaalida waxaa baasay 1.2%, Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu arrintan ku sheegay in dhinaca Tayada Waxbarashada uusan Degaanka Soomaalida lamid ahayn qaar badan oo kamid ah degaannada dalka Itoobiya, oo uu ka hooseeyo.
Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay in Jaamacadaha ay Dowladdu maamsuho ama leedahay ay sannad walba qaataan Arday aan ka badnayn 140,000 oo Arday, taas oo macnaheedu tahay in Jaamacadahaasi ay qaadan karaan arday aan ka badnayn 20%, marka loo eego Ardayda u fadhiista Imtixaanaadka fasalka 12aad ee guud ahaan dalka Itoobiya.
Qishka Imtxaanaadka oo ay Dowladdu dadaal kula jirto sidii loo xakamayn lahaa ayaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaysan munaasab ahayn in la yiraahdo Tayada Waxbarashadu way fiican tahay marka qishka la fasaxo oo 80% ay Ardaydu baasayso, kolba qishka la joojiyana 5% baasayaan, taas oo Madaxweynuhu sheegay inaysan sax ahayn waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.
Hadalladan kasoo yeeray Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ku soo hagaagaya xilli dhawaan aad loo hadal hayay Natiijadii Imtixaanaadka Fasalka 12aad ee Degaanka Soomaalida oo ardaydu intoodii badnayd ay ku dhaceen, taas oo Dowladdu ay la xiriirisay arrimo ku saabsan qishka oo la xakameeyay.
Sirdoonka Maraykanka oo sheegay in Cabdiqadir Muumin uu si aamusnaan ah ku noqday hoggaamiyaha guud ee Daacish
Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Maraykan ah oo aan la magacaabin, hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa si aamusnaan ah u noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish.
Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in golaha shuurada dhexe ee Daacish ay u magacaabeen Muumin inuu noqdo khaliifkooda guud.
Inkastoo sheegashadan ay tahay mid aan si buuxda loo xaqiijin karin, haddana saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in Daacish Soomaaliya ay tahay khatar sii kordheysa, iyada oo Maraykanku uu si dhaw ula socdo dhaqdhaqaaqooda.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, khatarta Daacish ee Soomaaliya ayaa si isa soo taraysay sida uu sirdoonku sheegay. Xiriirka sii kordhaya ee kooxda Daacish iyo argagixisada caalamiga ah ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in Daacish Soomaaliya ay doonayso inay raacdo wadadii ay mareen Daacish caalamka.
Warbixinta sirdoonka ayaa sidoo kale sheegaysa in Daacish Soomaaliya ay u dhaqmayso sida mid ka mid ah ururada ugu muhiimsan ee caalamiga ah ee Daacish, iyadoo door muhiim ah ka qaadanaysa maalgelinta howlgallada Daacish ee Afrika iyo Aasiya.
Maleeshiyaad hubeysan oo gobolka Galgaduud ku dilay Nin iyo Xaaskiisa
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa magaaloyinka Cadaado iyo Godinlabe Habeen hore Maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen nin iyo Xaaskiisa.
Marxuumka la dilay isaga iyo Xaaskiisa oo ku wada sugnaa hoygooda ayaa magaciisa lagu sheegay Cilmi Cumar, kaasoo deegaan ahaan kasoo jeeday degmada Cadaado.
Maleeshiyaadka hubeysnaa ee geystay dilkaan argagaxa leh ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen ninka iyo xaakiisa, waxaana la tilmaamay in maleeshiyaadka dilka geystay u baxsadeen dhanka magaalada Dhuusanareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Dilkaan Habeen hore loo geystay ninka iyo xaaskiisa ayaa ah mid la xariira aargoosi aano qabiil ah, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dableyda dilka geysatay ay sidoo kale dab qabad siiyeen guriga ay ku dileen marxuumka iyo marwadiisa.
Deegaanka lagu dilay ninka iyo xaaskiisa ayaa shalay si weyn looga hadal haaya dilka Habeen hore dhacay, waxaana gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug kusoo kordhaayay bilahii lasoo dhaafay dilalka naxdinta leh ee ku saleysan aanooyinka qabiiil.
Ugu dambeyntii maamulka Galmudug ayaa u maaro la' dagaal beeleedyada dhiiga badan ku daataan ee kuso laablaabtay deegaanada maamulkaas.
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay koox ku eedeysan dil iyo dhac dadweyne
Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kusoo qabqatay kooxaha Muqdisho ka dhex geysta dilka, dhaca iyo falalka amaan daro.
Booliiska gobolka Banaadir ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu xaqiijiyay iney gacanta lagu soo dhigay ilaa 10 ruux oo ku eedeysan in qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ka geysteen dil iyo dhac dadweyne.
"Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanayea Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa lagu soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood. kuwaas oo geestay falal iskujira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir.
Warka kasoo baxay Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in 10-ka ruux ee la soo qabtay oo dhamaantood ah rag iney ku socoto baaris, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamaddaha ku shaqada leh.
Ugu dambeyntii taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa ka codsaday dadka ku nool Muqdisho iney soo wargeliyaan talisyada ciidanka ee u dhaw dadka ku howlan falalka la xariira amni darada Muqdisho.
Caalamka oo caro ka muujiyay 40 ruux oo lagu dilay dugsi ku yaalla Gaza
Militariga Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo dilay 40 kale oo Falastiiniyiin ah ,xilli ay sii kordhayaan cambaareyn caalamiga ah oo ku aadan weerarada Israel ee Gaza.
Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku celiyay dalabkiisa ku aaddanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza ka dib duqeyn ka dhacday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay.
Xoghayaha ayaa yiri” rabshadaha argagaxa leh ee ka socda deegaanka Falastiin waa in la joojiyo”,iyadoo dadka ay soo gaareen waxyeelada ay ku jiraan lix shaqaale gargaar ah.
Qiyaastii 25 boqolkiiba dadka ku dhaawacmay dagaalka Israa’iil ee Gaza ugu yaraan 22,500 falastiiniyiin ah waxay qabaan dhaawacyo beddelay noloshooda, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.
Ugu yaraan 41,118 qof ayaa lagu dilay Gaza,halka 95,125 lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo sanadkii tagay .
TACSI TIIRAANYO LEH OO LOO DIRAAYO QOYSKA REER CABDI SAALAX SIYAAD IYO WALAALIHIS
Maamulka iyo Howlwadeennada Wargeyska Mogtimes Xabiibo Axmed jimcaale (Biibto),Cismaan Axmed jimcaale (Dr.jimmy) waxaay Tacsi Ttiiraanyo leh u dirayaan Qoraa Sare Sh. Muuse Maxamed Cismaan (M.kiimiko) iyo Walaalihiis:- Cabdi-wahaab Maxamed Cismaan, Maxamed Macallin Ibarahin, oo walaalkood Xaaji Cabdi Saalax Siyaad uu ku geeriyootay Magaalada Neyrobi ee dalka Kenya 10/9/2024ka waxaana alle looga baryayaan in Marxuumka uu alle Jannada Farowzo ugu bishaareryo Ehelka iyo Asaxaabtana uu ka tagayna Samir iyo iimaan Saadaq ah ka siiyo
Amiin Aamiin.
Sidoo kale ReerAxmed Jimcaale. Cismaan Axmed jimcaale (Dr.jimmy) Muxuddiin Axmed jimcaale (Tusbax), Salaado Axmed jimcaale, ,Madiino Axmed jimcaale , Xabiibo Axmed jimcaale (Biibto),Maryan Axmed Jimcaale ,Safiyo Axamed Jimcaale , Maxamed Xasan Xuseen Annaa-leh} iyo Carruurtiisa,Qadro C/hi Cali Hagareey iyo Carruurteeda, Dhammaan Reer Axmed Jimcaale waxaay u tacsiyadeynayaan ,Deeqo Cabdi Saalax Siyaad, Axmed Cabdi Saalax Siyaad xaawo Cabdi Saalax Siyaad ,liibaan Cabdi Saalax Siyaad iyo kuwa kale iyo hooyooyinkooda waxaana alle looga baryaynaa in marxumka jannad ugu bishaareeyo uuna qabriga u nuuriyo una waasiciyo ehelkana Samir ka siiyo annagan gadaashisa nama fidneeyo Aamiin
BAHDA SAXAAFADDA IYO ASXAABTAN KALE
Maxamuud Axmed xasan (xurshe), C/hi Maxamed Cumar {Mucjis}, C/fitaax M.Salaad {Diyeeshe}, C/hi M.Salaad (Dalle} , RAXMO Maxamed Maxam uud{Lajecel}, Xamdi Cumar Xasan, Najiib Cali Cumar, Maxamed cumar{ Mucjis,} prof. Yexye sh. Caamir,Amiin Yuusuf Qasaaro,Falastin Axmed Xaaji, Maxamed shiil Xasan (shiil),Maryan Cali Dhiblaawe,chiblaawe ,Calas Jimcaale c/hi hillowle Maxamed (sahal yare) Xasan Shire sheekh, Xasan Cali Geesley, C/hi Axmed Xasan, (Sheekhaalow) ,Abuukar Mxuddin (xasharo),Cali Muxuddiin Cali,C/raxmaan Muxuddin Cali, Nuurto Cali Cumar Cisciil Cumar Mado obe, Cabdii Aadan Guuleey(Caana-geel) , Axmed Maxamuud dhicisoow (yaanyo), Cismaan Niino, Barre Sh. C/hi (Bangala-deesh), Maxamud Cali maxamed (Madka),Yuusuf Cali Cabdi),{ Y/Kaaraan),Salaad Iidow Xasan, C/hi Maxamed Xasan {Black} ,Yaaquub C/hi Guure,Maxamuud Xasan Cumar {Adduunyo},Farxiyo Cali Qaajo, maxamed ibraahin isaaq {Bakistaan}, Dhammaan Dadkaas waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan ehelka iyo qaraabada marxuumka waxaayna alle ugu baryayaan inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo Samir iyo iimaana uu ka siiyo ehelka
Aamiin Aamiin Aamiin
Aysenur Ezgi oo shalay meydkeeda la gaynayo dalka Turkiga
Aysenur Ezgi Eygi oo ahayd gabar u dhalatay Turkiga, sidoo kalena haysatay dhalashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in shalay lagu aaso dalka Turkiga.
Gabadhan ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay Magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo ka qaybgaleysay mudaaharaad nabadeed, oo lagaga soo horjeedo deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israel ka waddo dhulka la haysto.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in ay filayaan in Jimcahan meydkeeda la keeno Turkiga, si halkaasi aas ballaaran loogu sameeyo.
Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qorshaha meydkeeda lagu keenayo dalka uu ka dambeeyay, ka dib markii qoyskeeda ay codsadeen in lagu aaso dalkaasi.Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay madaxa ka toogteen gabadhaasi, oo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Taliska Militariga Israel oo Talaadadii soo bandhigay natiijada baaritaankii ay sameeyeen ayaa sheegay in askartooda ay si aan ula kac ahayn u dileen gabadhan, taasoo ay dhalleeceeyeen Maamulka Madaxweyne Joe Biden.
Madaxweyne Biden ayaa Arbacadii sheegay in uu ka carreysan yahay, isla-markaana uu aad uga xun yahay dilka gabadhaasi. Madaxweynaha ayaa geerideeda ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, wuxuuna dalbaday isla xisaabtan buuxa.
"Waa inuu jiraa isla xisaabtan buuxa.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden oo intaasi ku daray "Israel waa inay sameyso wax badan, si loo hubiyo in dhacdooyinkan oo kale aysan mar dambe dhicin.”
Dilka gabadhan ayaa yeeshay saamayn xoogan, si ka duwan labadii kale ee muwaadiniinta Mareykanka ahaa ee 11-kii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay Daanta Galbeed.
Shacabka Mareykanka ayaa dhigay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilkeeda, iyagoo sidoo kalena taageero u muujiyay Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah, oo ah koox taageerta Falastiin, waana tan keentay in Biden uu markan luqad adag kula hadlo Israel.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ballanqaaday in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay caddaalad u helaan qoyska Aysenur Ezgi.
"Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo sharci ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo hadalkiisa ku xoojiyay in kiiskeeda ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ, si Israel loogu la xisaabtamo dhiigga ay daadineyso.
"Waxaan hubin doonnaa in dhiigga Aysenur Ezgi aan looga tagin aargoosi la’aan, waxaana sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Israel heerka ugu sarreya, annaga oo ka codsanayna Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga.” Ayuu yiri Erdogan.
Wasiirka Caddaaladda Turkiga, Yilmaz Tunc ayaa Khamiistii ku celiyay in dalkiisu uu baarayo dhimashada Aysenur Ezgi, isagoo intaasi ku daray in Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Ankara uu hoggaaminayo baaritaanka Turkiga.
"Natiijada baaritaanka Turkiga waxaa la horgayn doonnaa Maxkamadda Qaramada Midoobey ee dusha kala socota dacwadda xasuuqa Israel ee ay Dowladda Koonfur Afrika ka gudbisay dagaalka Gaza.” Ayuu yiri Tunc.
Aysenur Ezgi oo 26 jir ahayd ayaa ku dhalatay Magaalada Antalya ee dalkaasi Turkiga, inkastoo ay ku kortay Mareykanka, halkaas oo qoyskeeda ay u guureen iyadoo yar.
halkaan ka aqriso wararka wargeska mogtimes
..